Saturday 15 March 2025
Hordhac
Xeer marka aan idhaahdo waxa maskaxdaada ku soo dhacaya qodobbo ama xayndaab qofka ka gudba qabanaaya ama ciqaab maaliyadeed ama xadhig uu ku mutaysanaayo, ama ay ka dhalanayso in qofku wax ku waayo. Soomaalidu waa ta ku maahmaahda ‘Xeer wax ma dhaafo, lamana dhaafo’; mar kale waxay yidhaahdaan, ‘Xeer waa dayr iyo dallad’ iyo ‘Gardiid waa Alle-diid.”
Koomkan Alle abuuray waxa ku dul nool quruumo kala geddisan oo mid kastaaba hab nololeed iyo dhaqanno u gaar ah leedahay. Dhaqannada iyo hab-nololeedka bulshooyinka caalamka waxa ka dhasha xeer ay isku maamulaan.
Sidoo kale, xeerarka hab-nololeedka bulshada ka dhasha ka sakow, waxa jira diimo samaawi ah (Tawraad, Injiil ama Sabuur) oo leh xeer ka dhasha, tusaale ahaan Diinta islaamku waxay isugu qoofalan tahay Sunnada iyo Kitaabka. Waxa kale oo ay isku fuuqsataa waxyaabo badan oo nolosha ah; halka sharciyada dad sameega ah ay mabda’ ahaan ka duulaan dabeecadda guud; shareecada waxa lagu dabbaqaa dabeecada guud hab-dhaqanka gaar ahaaneed iyo caqiidada
Hadda ila soco oo ha iga hadhin aan hoos ula daadagee; waxa kale oo jira xeer dhaqameed bulsho kasta oo adduunku guudkiisa ku nool ka dhaxlaan awoowayaashood. Dadka qaarna waxa ay u yaqanaan ‘Caddaaladda Reer-guuraaga’ (Pastoral Justice). Inta badan waa hab ku yimaadda heshiis bulsho meel ku dhaqan isla gaadhay oo ka dhasha xaalad dhex marta laba qoys amma qabiil, sida in xoolo la iska dhaco, in gabdho la kala kufsado amma in qudh-gooyo dhex marto, wixii markaas lagu xukumo waxa ka dhasha xeer dhaqameed si joogto ah loogu dhaqmo oo haddii ayxaaladdaas oo kale timaaddo dib loogu mareeyo.
Xeerarkaas marka laga yimaaddo, dunida waxa jira xeerar dad samee ah oo ay seeskooda lahaayeen ama ka soo unkamay boqorro doonaayey in ay dadka u samaystaa xayndaab aanay ka gudbi karin si ay ugu ilaashadaan kursigooda, ama madaxnimadooda. Xeerarkaas habka kalitalisnimada ah ku yimi ayaa hooyo u noqday Xeerarka dunida in badan oo ka mid ah lagaga dhaqmo waqtigan.Tusaale ahaan, xeerka la yidhaa “Hammurabi Code” ama “Babylonian Law code” waa xeer ay ku dhaqmi jireen boqortooyadii Mesobatamiya (Mesopotamia). Taariikh ahaan waxa uu dib ugu noqonayaa ku dhawaad 1754 BC. Waa mid ka mid ah xeerarka qoran ee ugu baaxadda weyn. Boqorkii Babylonian oo la odhan jiray Hammurabi ayaa hirgeliyey. Xeerkan intiisa badan waxa uu ku qornaa dhagax toddoba iyo badh fuudh ah iyo dhagaxaan kale oo dhooqo ka samaysan oo dunida yaalla ilaa hadda. Xeerkan waxa uu ka kooban yahay 285 sharci oo isugu jira ciqaab iyo ganaax kale. Hammurabi waxa asal u ah hal-ku-dhig ah ‘An Eye for an Eye, a tooth for a tooth” oo macnaheedu yahay “Il waxa loo ridaya il, iligna ilig.” Waxaadba mooddaa in ay Aayadda Qisaasta (Surah Al-Ma’idah 5:45) is waafaqsan yihiin. Boqorka xeerkan sameeyay waxa uu Mesobataamiya xukumayay 42 sannadood (1792 ilaa 1750 BC), waxaanu xeerkani ahaa mid aad u adag oo cabbudhin loogu talagalay (The Human Record, Andrea & Overfield 2005).
Geesta kale, waxa ay taariikhyahannadu ku doodaan in xeerka ibnu aadam sameeyo uu ugu da’ weynaa sharci lagu sameeyey magaalo qadiimi ah oo la odhan jiray Ebla oo Suuriya ku taallay. Xeerkan waxa la odhan jiray Xeerka caddaymaha, taariikh ahaanna wuxuu sooyaalkiisu ku noqonayaa 2400 BCE, qiyaastii lix qarni ayuu ka horreeyay xeerka Hammurabi.
Wixii intaa ka dambeeyey waxa dunidu samaysatay xeerarka dad sameega ah oo waxa aad mooddaa in boqortooyo kasta madaxda iska dhaxashaa ay xeer iskood u samaysanayeen, intii ka dambaysay ee dawladaha dimuqraaddiga ahi yimaaddeenna xeerarku waxaabay noqdeen kuwo aan tirsi lahayn oo inta dawlad keliya leedahay ee barlamaankooda ama hayaddooda sharcidejintu u sameeyeen baan tiro lahayn.
Soomaalidu waxa ay ku soo dhaqantay saddex qaanuun (Shareecada, xeer-dhaqameedka iyo sharciga casriga ah). Ilaa hadda saddexduba way is barbar socdaan. Tusaale ahaan Xeer- dhaqameedku waxa uu ka turjumaya xeer boqortooyo, shareecada waqtigii islaamku soo gaadhay ee ka horreeyay qarnigii 7aad bay si fiican u qaateen (in kasta oo ay jiraan qorayaal iyo taariikhyahanno ku dooda in Soomaalidu islaamnimada Carabta kala timi), halka xeerka casriga ah uu Ingiriisku Somaliland ku soo rogay dhanka Soomaaliya uu Talyaanigu u keenay.
Haddaba, qormadeennan waxa aynu ku lafa guri doonnaa Soomaalidu sababta ay sharciga casriga ah ugu dhaqmi weyday, maadaama ay dawlad dimuqraaddi ah ku dhawaaqday? Xeerarka kala duwan ee Soomaalidu ku dhaqanto sabab ma u yihiin dhibaatadan? Maxa xal ah ee la gudboon si sharcigu u shaqeeyo?
Sababta Soomaalidu Sharciga ugu dhaqmi waydo
Guumaysiga ka hor
Soomaalida taariikhdeeda rasmiga ah iyo asal ahaan halka ay ka timi la isku ma waafaqsana. Qoraayada Soomaalida qaar ka mid ahi waxa ay ku doodaan in qayb Soomaalida ka mid ah, gaar ahaan Somaliland qabiilka u badan, ay ka soo jeedaan Carab, khaas ahaan tafiirtii Nebi Muxamed (NNKHA), waxaana ka mid ah Maxamed Cabdi Daa’uud iyo Cabdirisaaq Caqli. Halka taariikhyahanno uu ka mid yahay H.S Lewis & Dr. Afra Hersi ay halkaas ka geliyaan Kushiitiga, kadibna Afro-eeshiyaatik (Afro- asiatic), iyagoo luuqadda Kushiitiga (Cushitic) ee Afrikada Bari lagaga hadlo ugu abtirinaaya (H.S.Lewis 1966 & Hersi 1977). Laakiin, hubaashu waxa ay tahay in Soomaalidu tahay dad isu yimi oo kala tafiir duwan oo magac guud qaatay sida ay kuu caddaynayso in qabiilba meel ku abtirsado oo ku doodo inuu ka yimi, taariihyahannada iyo qoraayaashunu isugu raaci waayeen haybtooda guud in ay meel ka wada timi iyo asal ahaan halkay ka soo jeedaan. Tusaale ahaan magaca Soomaali waxa uu markii ugu horreeyay intii u dhaxaysay 1414-1429 ka soo muuqday hees uu qaaday nin Itoobiyaana oo la odhan jiray Negus Yeshaq oo uu ugu dabbaaldegaayey guul Abbasiiniya ka soo hoysay dagaal ay la galeen Saldanaddii Islaamka ahayd ee Ifat (Dr. Mohamed-Rashiid, 2015, P.29).
Marka aynu ka nimaadno doodda ka taagan asalka Soomaalidu halka ay dabada ku hayso oo jawaab laga gaadhi waayay, maxsuulna ka soo saari waayeen qorayaal muddo badan baadhayay, haddana Soomaalidu waa dad dhaqan, diin iyo af ahaanba isku mid ah.
Soomaalidu wixii ka horreeyey ama ku beegnaa qarnigii 8aad waxa ay ahayd xoola raacato, ganacsigooduna ku xidhan yahay dhoofinta xoolaha ama haragga iyo dhirta ka baxda dalka ee beenyada iyo fooxa ka mid yihiin. Noloshoodu waxay u qaabaysnayd xoolo raacato iyo kayn joog. Reeraha Soomaalida oo degaanno kala duwan ku nool, waxa mid kastaaba leeyahay xeer-dhaqameed u gaar ah oo bulshadiisu ku dhaqanto, gartooda iyo caddaaladdooduna ku salaysan tahay.
Xeer-dhaqameedka waxa jaan gooya oday-dhaqameed sida suldaan ama caaqil, waxa kale oo jira guddi xeer-beegti ah oo dhegaysata garta (Gar cadaawe iyo Gar sokeeye). Waxa jirta cid gaar ah oo qaaddi ama garyaqaan lagu tilmaamo caaddil oo garta uu gooyo aan laga furin. Inta badan Guurtida dhaqanyaqaanka ahi go’aanka dacwadda ay dhegaystaan waxa lagu saleeyaa caddaymaha iyo doodda muddiciga iyo muddaacalayga, waxa uu xeerku ka yidhi haddii ay dhacdo hore la xidhiidho; haddii se ay ugub tahay marakas ayaa loo maaro doonaa, wixii ka soo baxana waxa laa xeeriyaa oo waxa uu noqdaa sharci ay reerahaasi ku dhaqmaan mustaqbalka. Tusaale ahaan, deegaan ahaan Soomaalidu waxay isu qaybisaa qabiil oo ka guud ah, jilib oo qabiilka ka yar oo 300 oo nin ka kooban, ama jufo oo ah meel aad u hoosaysa, sidaasna waxa u sii samaysma xeer-dhaqameedkooda oo kala noqda mid heer qabiil ah, mid jilib ah ama mid jufo ah.
Dawladnimo ma ay jirin. Waxa meel kasta ama degaan kasta ka talinaayey oday-dhaqameed dadka nabaddooda, caddaaladdooda iyo maamulkoodaba hayey, nidaamkooda nololeedna waxa uu ahaa mid ku dhisan ismaamul qabiil, xeerkuna wuxuu ahaa xeer la jaanqaadaya qabiillada meel wada degaa heshiisyada ay wada dhigtaan ee ay afka ka gadhaan; wax qoraal ahina ma uu jirin, balse xeer-beegtida u talisa reeraha ayaa xafidsanayd. Mararka qaar xeer-dhaqameedku wuxuu fasaxaayey in xoolaha, haweenka, biyaha ama dhul cawseed la dhaco oo laga qaado reer utun ama colaadi ka dhexayso oo xeerku u jideeyey in aargoosiga iyo isduudsigu qaanuun u dhaxeeya yahay.
Xeer-dhaqameedku waxa uu isaga soo gudbaa abtirsiin 30 oday ku dhow (Patrilineal Line), waana xeer aan gaboobin jiil kastana odayada isaga dambeeya isku ababiyaan, reer kastaana leeyahay, isla markaana uu jiro qodobbo xeer dhaqameed ah oo uu qabiil kale ama reer kale la wadaago (Leonard, 2009).
Marka laga hadlayo gar xeer-beegti ereyada la isticmaalo waxa ka mid ah gar-muslax, gar- cadaawe, jid, xeer, dacwe, igmasho, guddoon, samatalis, hadimo talis, maahmaah, murti, jillaad, booli, diddiif (dedafayn), jidbixin, jidbixiye iyo erayo kale oo mid kastaa macnahiisa iyo goortiisa la isticmaalo leeyahay.
Murti Gar Naqis ah
Waxa beri dhacday inay laba nin isku qabsadeen caaqilnimo. Ka dibna waxay isula tageen nin Xidaar ah (Garyaqaan), isna wuxuu geeyey geed hadh-subaxeedkii, iyadoo ay goortu ahayd goor barqo ah. Markii uu halkaa geeyey wuxuu ku yidhi “Galabta haynoo ahaato, halkaasna sii fadhiya.”
Ka dibna hadhkii ayaa wareegay markii ay qorraxdii subaxnimadii dhaaftay, laakiin labadii nin ayaa mid ka mid ahi halkii la fadhiisiyey ee lagula ballamay iska sii fadhiyay oo aanu ka kicin, halkaas oo uu bacadku ku dhacay, oo uu ku dhididay, kuna harraaday; ninkii kale se kolba halka hadhku u wareego ayuu u raacayay. Dabadeed galabtii ayaa odaygii Guurtida ahaa u yimi, ka dibna wuxuu arkay labadii nin oo uu midina hadhkii faxaaxsanayo, midna uu halkii saaka hadhku ka tegay fadhiyo oo aanu silic waxba uga dhinnayn. Ka dibna odaygii Guurtida ahaa ayey ku yidhaahdeen na kala saar, wuxuu isna ku yidhi: Maxaan idin kala saaraa, idinka ayaaba isu garnaqaye; waayo ninka bacadka ka kac garan waayey, reerka uu u taliyaa saw jabi maayo; ninka se kolba hadhka la wareegayay saw kolka halka talada iyo xaajada reerku taallo ku go’aanqaadan maayo.” Sidaas ayeyna labadaa nin gartoodii ku idlaatay.
Isagoo xeer-dhaqameedku yaal ayaa Soomaalida diinta islaamku soo gaadhay, in kastoo waqtiga ay soo gaadhay aan la isku raacsanayn oo dadka qaar aaminsan yihiin in Islaamnimada ay ku dhasheen, gaar ahaan kuwa rumaysan in Soomaalidu Carab tahay, halka kuwa aaminsan in ay Afro-Eshiyaatic, Kushiitic ah yihiinna ay aaminsan yihiin in ganacsatadii carabtu wixii qarnigii 8aad ka horreeyey soo gaadhsiiyeen oo Maydh ama Saylac ka soo degay. Shareecada islaamku waxa bartay wadaaddo bulshada ka daboolay kaalin sharci, in kastoo ay markii hore ku ekaayeen arrimaha qoyska sida guurka iyo dhaxalka ama xaqitaanka nabarrada.
Haddaba, qarniyadii dambe way sii xoogaysatay, walaw xeer-dhaqameedku ka awood badnaa oo bulshadu aad ugu dheganayd Xeer-beegtida garta ay goyso. Balse waxay qayb ka noqotay oo ay ku milantay xeer-dhaqameedkii oo ay barbarkeeda ka gashay in iyada laf ahaanteeda laga dhigto xeer.
Waqtiyadii Guumaygsiga, Dawladnimada iyo kala Irdhawgii (Kala-go’ii)
Maadaama Soomaalida ay guumaytayaal kala duwani qabsadeen oo si kala duwan loo guumaystay, tusaale ahaan 1884-kii, Ingiriisku waxa uu Somaliland ka kaxeeyay Masaaridii joogtay, oo wuxuu doonayay in uu haysto oo ka dhigto dhul uu leeyahay, waxaannu heshiis dhaqameed la galay oday-dhaqameedkii dhulka ka talinayay. Wuxuu u ballanqaaday in aanu dhaqankooda iyo diintooda faragelin doonin, saldhigyada uu ciidammadiisa dejiyana aanay soo dhaafayn oo ay ku ekaanayaan.
Heshiiskaan muu ahayn mid caalamiya (International law), balse wuxuu ahaa xeer-dhaqameed (customary law), haddana guumaysi buu ahaa oo qodobbadaas muu jebin, laakiin kumuu eekaan halkii oo wuxuu ku soo rogay xeerarkii uu watay (Secular law) ee guumaysiga la jaanqaadaayey, isagoo si fiican u yaqaannay, una darsay hab-nololeedka Soomaalida ee ku dhisan habka qabiilka.
Ingiriisku waxa uu Somaliland dadka ku dhaqan ee dambiyada ciqaabta gala ee horgeynaayey maxkamadihii uu dalka keenay oo uu ku maamulaayey Xeer la odhan jiray Xeer-ciqaabeedka Hindiya (Indian Penal Code, 1860) oo si toos ah uu Hindiya ugu dhaqaayey, muddo dheerna ma uu hadhin oo wuxuu baaqi sii ahaa, siina shaqaynaayey ilaa 1964-kii, ilaa ay ka beddelaysay dawladdii ugu horraysay ee midawgii kadib dhalatay.
Sidoo kale, Maxmiyadda Somaliland waxa lagu xukumaayey Xeerka Madaniga (1872 Indian Contract Act) oo ilaa hadda qayb ka mid ahi ka sii hirgashan tahay Somaliland, balse Midawgii kadib waxa la qaatay Xeerka Madaniga oo Masar laga soo dheegtay, kaasoo 1948-kii ay Masar samaysatay, aakhirkiina waddamo badan oo Carbeed ay ka sii qaateen.
Dhinaca Soomaaliya waxa xeerar isla waqtiyadaas la sameeyey ku soo rogay Talyaaniga, ahaana mid dunidu ka qaylisay, xeerarkiisuna ay ka adkaayeen kuwii Ingiriiska; halka Jabuuti laf ahaanteeda xeerar Faransiis ah lagu dhaqaayey.
Hadhaagii Xeerarka Talyaaniga waxa ka mid ah Xeerka Ciqaabta Guud oo 1930 ilaa 1931 uu Faashistihii Talyaanigu samaystay, waqtigaas oo waliba sansaantii dagaalka 2aad ee adduunku soo uraysay si uu dadkiisa ugu cadaadiyo, dalalka uu guumaystana ugu bajiyo, ilaa haddana Somaliland iyo Soomaaliya maxkamadaheeda waa lagaga dhaqmaa, sababtoo ah midawgii kadib ayaa xeerkan si rasmi ah loo hirgeliyey. Dhanka Somaliland dastuurkeeda qodobka 10aad ayaa dhigaya in Xeerarkii Soomaaliya ee muhiimka loo arko la qaato, sidaasna wali wuu ku shaqeeyaa.
Soomaalida oo aan dawladnimada aqoon boqortooyooyin islaami ah iyo nidaam saldanad iyo oday-dhaqameed ah ku soo jahawareeray, xeer-dhaqameedka iyo Shareecadu is galeen, ayaa guumaystihii qabsaday, xeerar casri ahna gogga ugeliyey.
Waxa farxad u noqotay xornimadii 1960kii ay qaateen, dawlad ay leeyihiina way dhisteen oo ay ku midaysan yihiin, waxaana lagu soo rogay nidaam doorasho iyo dimuqraadi ah oo aanay aqoon, illayn oday dhaqameed dhaxal wareeg lagu helaa caado u ahayde, sharci iyo dastuur aanay aqoon baa afka laga geliyay.
Dawladahan waxa markiiba ka soo if baxay in sharciyadii guumaysigu uga tegay iyo kuwii ay qaateenba ay kuadeegteen madaxdii, dadkiina ay siiba naceen nidaamka cusub.
Allaha u naxariistee Abwaan Xaaji Aadan Afqalooc waxa uu hilaaddii 1967-kii gabaygiisa “Wax na Dilay” ku muujiyey sida sharciga dadka loo nacsiiyey:
Afkaa laga maqlaa maaddadiyo erayga qaanuune
Faqii guriga lagu soo abyey ka akhriyaan koodhe
Aqoon-laawe laaluush cuniyo aafo daba-gaaba
Iyo oday ergo ah baa sharciga dila abiidkoode
Dawladdii markii ugu horraysayba way naceen. Iyagoo dawladihii khaati ka taagan baa kacaankii aan dhiiggu ku daadan ee 29 Oktoober, 1969kii ee Siyaad Barre iyo saraakiishiisu hoggaaminaayeen qabsaday. Muddo toban sanno ah sharciga inuu ku soo dabbaalo oo uu xoog iyo xeeladba u adeegsado isku dayey, cabbudhun buu ku liqsiiyey in ay xeerarka u hoggaansamaan. Jahawareerkii hore waxa ugu darsamay cabbudhis iyo nacayb sharciga casriga ah ay u qaadeen walina may baabi’in xeer-dhaqameedkii iyo shareecadii, in kastoo waqtigan magaalooyinka ay ku awoodaysteen, haddana dadku khaati bay ka istaageen, maadaama aanay la qabsan nidaamka shuuciga, hantiwadaagga iyo ka kalitaliska ahba; iyagoo dawlad dimuqraadiga loogu sheegay ka yaabban baaba ka daro oo dib dhal ku sii noqotay.
Hilaaddii 1980aadkii waxa bilaabmay unkankii jabhadayn iyo colaado hor leh oo dagaallo sokeeye weheliyaan,sharcigii waa laga tegay, xeer-dhaqameedkii meesha wuu ka baxay shareecana mabay haleelayn qolyaha dawladda iyo kuwa jabhadeeyey, shacabkuna naf la carar bay ahaayeen.
Muddo toban sanno ku dhawaad ah oo ay socdeen dagaallo sokeeye oo ay jabhado duurka ugu jireen waxa ay keentay in dadku su’aal saaraan sharciga iyo nidaamka dawladnimada , iyagoon carbiyeyntii sharciga ee rubuc qarniga ku dhaw la barayna ka lunto oo ay xooreen, waxa saddexdii sharci (shareeca, xeer-dhaqameed iyo sharciga casriga ah) ugu darsamay sharci kale oo ah sharciga kaynta (Law of Jungle) oo ku salaysan sida loo kala xoog weyn yahay sharciganaloogu kala awood badan yahay ama loo kala adag yahay.
Dhinac kale, Somaliland markii ay dib ula soo noqotay xornimadeeda 18 May 1991-kii, waxa caawiyey nidaamkii xeer-beegtida (Guurtida), sababtoo ah oday-dhaqameedkii beelaha ayaa ku dhiirraday in ay nabadeeyaan, dalkana ay madaxweyne u doortaan balse taas macnaheedu ma aha in dadku sharcigii si fiican u barteen ee wali halkiiwaxa taagan Xeer-dhaqameed. Shareeco iyo xeerka casriga ah oo keenay jahawareer sharci, balse aad mooddo in shareecada iyo xeerarka casriga ahi ay magaalooyinka xoogaa ka shaqeeyaan.
Geesta Soomaaliya, waxa saddexdaas ku darsamay xeerka kaynta, maadaama ay xasillooni darro ka socotay oo kursi, lacag iyo aragtiyo diimeed dagaalkoodu ka socdaan wali sharciga laguma dhaqmin hadday tahay xeer-dhaqameed,shareeco iyo mid casri ah. Dunida “Beesha Caalamka” isugu yeedhaa waxa ay Soomaaliya ku wadaan in ay nidaam dimuqraadi ah, federaalna u dheer yahay ku qasbaan, iyagoo tahli kari la’ dhibaatooyinkii xeerarkan kala geddisan ka soo gaadhay iyo nidaamkii dawliga ahaa ee kala jaad jaadka ahaa.
Ku adkaanta ama ku dhegganaanta xeerka reeraha (Xeer-dhaqameedka), kala aragti duwanaanta shareecada, la qabsi la’aanta sharciga casriga ah, xeer-guumaysi yagleelay, nidaam kalitaliye ah, dawlad dimuqraadi ah, federaal iyo faragelin shisheeye waxay keentay in Soomaalidu ka fogaadaan ku dhaqanka sharciyada ay haystaan mid uun, mid kastana in ka qataan, halkaasna khilaaf sharci ka dhasho, meeshana ay ka baxdo kala dambaynta iyo u sinnaantacaddaaladda.
Soomaalidu waxay sharciga ugu dhaqmi wayday:
Maxa Xal ah?
Xalku wuxuu ku sidkan yahay ama imaanaya marka Soomaalidu fahanto habka sharci ee ku habboon oo noqon kara:
Tixraacyo