Friday 17 April 2026
Dunida maanta waxa isku dhigma siyaasadda iyo beenta oo la isku lammaanaysiiyaa, sida dad badan oo bulshooyinka casriga ahi sawirtaan, sababtuna waa heerka beentaee ay siyaasiyiintu sheegaan, siiba madaxda nidaamyada iyo hoggaamiyayaashu. Waxa dad badani si shaacsane ah u aaminsanyihiin in siyaasiyiintu aanay ballan lahayn, mabaadi’na aanay haysan, sidoo kalena waxa ka dhaadhacsan in siyaasadda iyo anshaxu aanay kulmi karin. Waxa ay gaadhay in bulshooyinka qaar gebi ahaanba aanay rumaysan waxa ay masuuliyiinta nidaamyadoodu sheegaan, sida in badanka bulshada reer Suuriya isla dhex mari jirtay in nidaamkii Bashaar al-Asad xitaa saadaasha hawada ka been sheego.
Arrinku lama xidhiidho weydiinta ah: siyaasiyiintu been miyey sheegaan mise ma sheegaan? Sababtoo ah waa weydiin beri hore laga soo gudbay, walow ay haddana dhab tahay, dadweynuhuna inuu ku baraarugo ay tahay, in siyaasiyiintu ku heerar kala duwan oo beenta ah sheegaan, sababo kala duwanna u sheegaan. Se inta badan taageerayaashoodu waxa ay u janjeedhaan inay rumaystaan, siiba dalalka dimuqraaddiga ah, arrinkan oo cilmibaadhayaal badan ku dhaliyey inay bayaamiyaan sababaha siyaasiyiinta ku khasba inay been sheegaan, dadweynuhuna weli rumaysanayaan.
Cilmibaadhaha reer Maraykan, John Mearsheimer, buuggiisa “Siyaasiyiintu Maxay Beenta u Sheegaan: Dhabnimada Beenta Siyaasadda Caalamiga ah” waxa uu aaminsanyahay, in walow beenta loo arko dhaqan liita nolosha caadiga ah marka la joogo, se kolka ay beentu habdhaqan noqoto, aqbalaad bay ku dhex leedahay siyaasadda caalamiga ah, iyadoo la eegayo cudurdaarro iyo istiraatiijiyado hoggaamiyayaasha siyaasadeed ku khasbaya inay been u sheegaan dalal kale, iyagoo raacaya cudurdaarro ah maslaxadda dalkooda, una adeegsadaan jidbixinta ah ilaalinta danta qaranka, kolka siyaasadaha dalalka kale is bedbeddelayaan. Sidoo kale hoggaamiyeyaal baa sheega been shakhsi ah oo aan xidhiidh la lahayn danta dalka, se beenta u sheegaya inay dan ay isku ilaaliyaan ay tahay amaba ay ku ilaaliyaan danaha saaxiibbadood ama xulafadooda, se waxa u fiirsasho mudan, in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed aanay been isu sheegin in le’eg inta ay beenta u sheegaan bulshadooda.
Falsafad ahaan, Immanuel Kant waxa uu beenta u arkay xadgudubka ugu weyn ee qofi naftiisa u gaysan karo, iyo gaf aan marna sabab yeelan. Se qoraaga buuggan kor ku xusani, waxa uu beenta u arkaa tallaabo qorshaysan oo dadweynaha lagu dago, iyadoo hadalka la sheegayo, qofka sheegayaa ogyahay inuu been yahay se la rabo in dadweynaha laga dhaadhiciyo. Waa nooc ka mid ah dagidda, se dagid kastaa ma aha been, oo dagiddu waa qarin xaqiiqo iyo in dadka laga hor istaago ogaanshaha dhabta, halka beentu tahay isku xidhka dhacdooyin u adeegaya danta qof ama koox, iyo hoos u dhigidda arrimaha kale. Qarintuna waa dadidda xaqiiqooyin si aanay u saamayn mawqifka qof ama koox. Waxa kale oo jira marinhabaabin iyo soo gudbinta xaqiiqooyin saxan, se loo soo gudbiyo qaab la xushay ama qayb ahaan la rogay, ahna qaab u adeegaya qofka marinhabaabinta sheegaya, dhammaan noocyadanina waa dagid iyo khiyaamayn, kana shaacsan beenta badhaxatiran, oo ay badanka adeegsadaan hoggaamiyayaasha dawladaha iyo dadkuba. Waa qaabab ka hawl yar beenta cad, kana dhib yar, oo ka cudurdaar dhow. Waa qaabab hoggaamiyeyaasha siyaasadeed u sahla marinhabaabinta dadweynaha, iyaga oo aan been qayaxan sheegin oo shakhsiyaddooda dhibaato u gaysata, se haddana waa qaabab ujeedka laga leeyahay yahay qarinta xaqiiqada.
Noocyada beenta ee siyaasadda caalamiga ah ee casrigani waa noocyo dhawr ah, inta badanna waa wax la xidhiidha danaha qaran ee dawlad, qoraaga buugguna waxa uu u qaybinayaa toddoba qaybood oo beeno ah. Waxa ugu horreeya beenaha dawladuhu isku sheegaan, oo sooyaalka xidhiidhada dawladdu waa mid ka markhaati kacaya xaalado hoggaamiyeyaal siyaasadeed beeno isku sheegeen, se waa been wakhtiga iyo goobta ku xaddidan, waxaana xakameeya shuruudo waaqaci ah, oo xadeeya nooca been ee la isku sheegi karo. Cabsida amni iyo dhibaatooyinka jira ayaa dalalka ku khasba inay been ka sheegaan siyaasadahooda arrimaha dibadda, si ay sallaanka isugu ilaaliyaan, dagaalna isaga ilaaliyaan, dagaalka taagan iyo colaadduna waa wax dhiirrigelinaya in beeno la soo saaro, oo la dammaanad qaado in shacab ahaan la rumaysto.
Waxa laba ah beenta looga dan leeyahay in cabsi lagu abuuro ama argagax gelin ah, si dadweynaha loo hago, hoggaamiyayaashuna waxa ay u adeegsadaan beenahan si ay cudurdaar ugu helaan siyaasado haddii aanay beenahaasi jirin la mucaaradi lahaa, waana sababta beenahaa loo adeegsado kolka dagaal la qaadayo, ama la taageerayo siyaasado arrime dibadeed oo dalka kharash ku ah, amaba la sharci garaynayo cunaqabatayn iyo xayiraad, ama heshiisyo amni oo xassaasi ah la ansixinayo. Waa been loo arko mid waxqabad weyn leh, isla jeerka kalena halis weyn leh, sababtoo ah waa qaab wacyigii dadweynaha dib loogu qaabaynayo, oo wax ka beddelaya seeskii dhaqan ee siyaasadda, siyaasadihii lagu diiddanaana ka dhigaya waajib qaran.
Cabsigelinta waxa loo arkaa falalka mugdiga ah ee hoggaamiyayaashu sameeyaan, kuwaas oo adeegsada qaabab dadka lagu argagax gelinayo, si ay bulshadooda iyo haldoorkooda ugu khasbaan inay qaataan mawqif kii hore ka xagjirsan. Bilawgii afartanaadkii, Madaxweynihii Maraykanku, Franklin Roosevelt, ayaa hindisay beeno badan oo Jarmalka ka dhan ah, siiba dhacdo markab oo dhacday 1941-kii, si uu u kiciyo aragtida dadweynaha dhaliishanaa Dagaalkii Labaad ee Dunida, kuna riixo beddelidda aragtidooda. Lixdan sanno muddo ku siman ka dib, isla dhacdadii baa soo laabatay, kolkan oo maamulkii George W. Bush uu hindisay beeno la xidhiidha nidaamkii Saddaam Xuseen iyo Ururkii Alqaacida, isagoo raaciyey sheegasho in Ciraaq haysato hubka wax gumaada ee nukliyeerka.
Nooca saddexaad ee beenta ahi waa dadidda istiraatiijiyadeed, oo u dan leh in la qariyo fashilka siyaasado cayiman, ama qarinta go’aanno saamayn leh oo muran dhalinaya, iyadoo kolkan dadka talada lehi ay jihada beddelaan ama kacdoon gudeed ka cararaan, ama iska ilaaliyaan kala qaybsanaan gudeed oo wiiqaysa awoodda dawladdu u leedahay waajihidda cadawgeeda.
Nooca afaraad ee beentu waa samaynta sheekobaralay qoomiyadeed, oo iskudhac toos ah meesha ka saaraysa, sababtoo ah waxa ay yagleelaysaa aqoonsi guud iyo hayb qarameed, markanna, haldoorka siyaasadeed ayaa aqoonyahanka, mararka qaarna haayadaha diineed, kala shaqeeya samaynta tebino sooyaal la mala’awaalay oo loo nisbeeyo geesinnimo, dulmi lagula kacay ama sarrayn xaddaaradeed.
Nooca shanaad ee beenta siyaasadeed ahi, waa ta uu Mearsheimer ku sheegayo beenta liberaaliga ah, oo ah fal, dhaqan ama sawirasho ay aqbaleen dadka siyaasadda si uun ugu lug leh, siyaasiyiin, dhinacyada dhaqaale iyo muwaaddiniinba, kol haddiiba beentani bixinayso deggenaan siyaasadeed ama bulsho, dadka nabdiga u dejinayso, waxaana dheer in jidbixinta liberaaliga ah iyo ta qaanuunba ee beenahan siyaasadeed ka shaqeeyaan xoojinta sharciyadda siyaasadeed iyo bulsheed ee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed, se iyada oo la waafajinayo seesas liberaali ah.
Waxa jira nooc lixaad oo beenta siyaasadeed ah, waana joogtaynta gumaysiga bulsho, iyada oo hoggaamiyayaashu u adeegsadaan beeno iyo codad kacdoon, si ay u fushadaan dano dhaqaale iyo siyaasadeed oo cidhiidhi ah, xidhiidhna aan la lahayn danta qaran, se ku wajahan aragtida dadweyne, una adeegaysa heshiisyo iyo isbahaysiyo dan u cid gaar ah.
Nooca toddobaad ee beenta ahi waa dadidda xaqiiqooyinka jira, waana mid la xidhiidha ka beensheegidda hoggaamiyayaasha ee danahooda shakhsiyadeed, si ay naftooda u ilaaliyaan amaba saaxiibbadood, isagana badbaadiyaan ciqaabta ay mutaysteen.
Kolka siyaasadda caalamiga ah la joogo, soosaaridda beentu waa mid aan inta badan xidhiidh la lahayn maslaxadda gaarka ah ee siyaasiyiintaas, se u badan been la xidhiidha maslaxad dal oo guud. Se haddana, sida cilmibaadhahani ku dooday, hoggaamiyayaasha dalalku inta badan been iskuma sheegaan, sababtoo ah waxa dawladuhu waxa ay haystaan haayado amni oo awooda inay inta badan beentaas soo bandhigaan, kana salgaadhaan. Sidoo kale, khasaaraha kasoo gaadhay in caalami ahaan been la isku qabto ama la isku ogaado awgii ayaa ay hoggaamiyeyaal badani uga taxaddaraan beenta, sababtoo ah dawladuhu lama macaamili karaan nidaam aan lahayn heerkii u hooseeyey ee kalsooni ahayd, sidaas darteed, hoggaamiyayaashu waxa ay u leexdaan dhinaca hadallada maldahan ama guud, beddelka halkii ay been cad ka sheegi lahaayeen.
Cilmibaadhuhu waxa kale oo uu kala soocayaa beenta caalamiga ah ama istiraatiijiga ah, ee leh cudurdaarka maslaxad qaran ilaalin iyo beenta shakhsiga ah ee siyaasiyiintu isku ilaaliyaan si ay u dagaan bulshadooda, iyada oo kala duwanaantani qotodheertahay kolka arrinku la xidhiidho been-u-sheegidda aragtida dadweynaha ee dalalka dimuqraaddiga ah, si siyaasiyiintu u keenaan sheekooyin falkisan oo warbaahinta loo mariyo, si fududna aan lagu ogaan karin.
Farqiga u dhexeeya beenta istiraatiijiga ah iyo beenta shakhsiga ah ee siyaasigu sheego, waa in beenta istiraatiijga ahi soo gudagalayso dalladda danta qaranka, sababtoo ah hoggaamiyuhu waxa uu marinhabaabinta dadweynaha ama qarinta xog u arkaa qaab dagaal ka ballaadhan lagaga hor tagayo, ama lagu ilaalinayo mawqif gorgortan ama dammaanad qaadidda nabadgalyada bulsho. Se beenta shakhsiga ahi waa qaab hoggaamiyayaashu nafahooda ku ilaaliyaan ama saaxiibbadood, oo ay kaga fogaanayaan ceeb shakhsi ah amaba faa’ido iyaga ku kooban ku helayaan. Waa dadid iyo qarin qaab xun loo sameeyey weliba, waana nooca beenta ugu xun, sababtoo ah waa wax shakhsi u adeegaya oo aan umadda dani ugu jirin, sidoo kalena waa been wiiqaysa kalsoonidii dadweynuhu ku qabeen hoggaamiyaha, anshaxii siyaasadeedna waa wax kharribaya, oo sharciyaddii wiiqaysa.
Hoggaamiyayaasha dalalku waxa ay beenta u adeegsadaan agab ay danahooda ku ilaaliyaan ahaan, sidoo kalena dhufays uga dhigaan nabadgalyadooda, xoojinta awooddooda, sheegashada sarrayn istiraatiijiyadeed ama inay cadawgooda u diidaan sarrayn. Waxa ay gaashaan ka dhigtaan ku talaxtagga sawir ka bixinta awoodda dalkooda, amaba qarinta awoodda, amaba samaynta sawir been ah oo ku saabsan waxay damacsanyihiin si ay cadawga u bajiyaan ama saaxiibbo usoo jiitaan. Tusaalayaashu waa ay badan yihiin, kumana koobna sheegashooyinkii uu taxay Adolf Hitler kolkii uu isu diyaarinayey dagaalkii ugu weynaa ee Yurub soo mara, kumana koobna sida dawado u marin habaabiyaan xogahooda la xidhiidha nukliyeerka, sida hadalkii Arthur Sylvester, kaaliyihii wasiirka difaaca ee xilligii madaxweyne Kohn Kennedy, oo uu yidhi ka dib dhibaatadii gantaallada Kuuba: “dawladdu waxa ay xaq u leedahay inay been sheegto kolka la wajahayo musiibo nukliyeer”. Waxa kale oo tusaale ah marinhabaabinta ay Israa’iil u adeegsatay Maraykanka iyo dunida kaleba, eek u saabsan barnaamijkeeda nukliyeer, iyo “fadeexaddii Laafoon” ee sannadkii 1954-kii, kolkan oo ay Israa’iil isku dayday xumaynta xidhiidhada Masar ay la leedahay Maraykanka iyo Ingiriiska. Waxa kale oo dunidu xasuusataa xaddigii beenta ahaa ee masuuliyiinta Maraykan falkiyeen si loogu diyaar garoobo Duullaankii Ciraaq sannadkii 2003.
Waxa kale oo xidhiidh ka dhexeeyaa awoodda falkinta sheeko iyo u diyaar ahaanshaha in la aqbalo, oo hoggaamiyayaashu waxa ay beenta u sheegayaan sababtoo ah dadweyne badan baa aqbali kara beenta la falkiyey, dadweynuhuna waxa ay u aqbalayaan beenta sababtoo ah hoggaamiyeyaasha ayaa haysta agabkii lagu qancin lahaa dadweynaha. Xidhiidhkan labada gees ka dhexeeya awgii ayaa ay samaysantaa xaqiiqo siyaasadeed si dhab ah se aan u ahayn xaqiiqo, ee ah waxsoosaarka wixii maamulka iyo dadweynuhu isku waafaqeen in la aqbalo.
Waxa hadhay inaynu tilmaamno in buugga tobanaan sanno ka hor la daabacay isagoo taxanaha “dunida aqoonta” ka mid ah, dhabnimada uu abbaarayo awgeedna uu mudan yahay dib u daabicid, sababtoo ah weli mawduucyada uu buuggani ka hadlayaa waa kuwo taagan, ka sokow sida muhiimka ah ee uu u qaadaadhigayo beenta siyaasadda caalamiga ah ka jirta, isagoo raacaya manhaj siyaasadeed iyo bulsheed. Waxa uu xoogga saarayaa kaalinta beentu ku leedahay xidhiidhada caalamiga ah, iyo dhisidda iyo soosaaridda xidhiidho siyaasadeed oo gudeed iyo dibadeed. Waa diraasad uu uga dan leeyahay inuu habraacyo gorfayneed u dejiyo fahanka kakan ee la xidhiidha beenta ka jirta siyaasadda caalamiga ah, isagoo xoogga saaraya hadallada falsafadeed ee kala soocaya beenta nolosha bulsheed ee caadiga ah la sheego iyo beenta dhinacyada siyaasadeed la xidhiidha, macnaha farqiga u dhexeeya anshaxa iyo danaha kolka siyaasadda caalamiga ah ee casrigan la joogo.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.