Skip to main content

Tuesday 20 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Maxaa ay Kacdoonnadu u Fashilmaan?

21 July, 2025
Image
Maxaa ay Kacdoonnadu u Fashilmaan?
Share

Mufakeriin iyo falaasifo badan baa wax ka qoray kacdoonnada xilligan casriga ah, haddana kacdoonku waa mid ka mid ah qaddiyadaha la isugu maandhaafka badan yahay, ee doodaha badani ka dhashaan, sababtuna waa dhinacyada iyo xaglaha kala duwan ee laga istaago fahankiisa, heer feker ama heerka waaqica uu isbeddelku ka dhacayo. Marka la eego sooyaalka kacdoonnada, waxa ka buuxa baaqyo barkumataal ah, marka lagaba yimaaddo rejada la qabo, filanwaaga iyo riiqda ay reebaan, inta badan kacdoonnada qalalaasaa garabsocda, waxaanay reebaan dhaawacyo iyo eel aan laga soo kaban. Kacdoonnadu waxay sidaan fekrado iyo qiyam cusub oo jamaahiirta kacday maskaxdooda ka guuxaya, haldoorka siyaasadeed ee dadka horkacayay baana isku daya in ay ka dhabeeyaan, oo ay u beddelaan mashaariic waaqica ka hirgala, si ay u rumeeyaan filashadii dadka ee ahayd gaadhidda berri maanta dhaanta. Hase ahaatee, kacdoonnada waxa jaangoysa isle’egta gudaha iyo dibadda, oo kacdoonku ma aha oo qudha mid waddaniyadeed oo badhaxtiran, se waxa kale oo uu kiciyaa faragelinta awoodo dibadeed oo isku daya in ay kacdoonka kusoo ridaan jidka danahooda khuseeya.

Cilmibaadhayaasha iyo falaasifaduba waxbay iska wayddiiyaan halka kacdoonnadu ku dambeeyaan, waxaana ka mid ah Daniyel Shiirot, oo arrinkan ku qaadaadhigay buuggiisa “You Say You Want a Revolution?: Radical Idealism and Its Tragic Consequences”. Waxa uu su’aalo ka keenayaa halka ay ku dambeeyeen kacdoonno dhawr ah oo casriyadii dambe dhacay, kuna soo afjarmay godob iyo in uu dhiig badani ku daatay. Kacdoonnadaas waxa uu  ka soo bilaabayaa Kacdoonkii Faransiiska, kacdoonnadii Maksiko, Ruushka, Jarmalka, Shiinaha, Aljeeriya iyo Iiraan, ilaa laga soo gaadho kacdoonnadii Yurubta Bari iyo kacdoonkii Gu’ga Carabta. Waxa uu aad ugu kuurgalaya sida ay aydhiyoolajiyadaha kacdoonka ah, ee marka hore ballanqaaday dib u habayn gun iyo baar ahi, ugu guuldarraystaan rumaynta ballanqaadyada iyo qiyamkii sare ee kacdoonka lagu bilaabay, iyo siday isugu beddelaan kelitalisyo kale oo cabudhin iyo cagajuglayn kusoo urura, halka aydhiyoolajiyado badanina ku dambeeyaan habqan maamulka ah, oo inta badan kacdoonno cusub dhaliya.  Iyada oo ay sidaas tahay haddana, dhammaan kacdoonnadaasi waxa ay lahaayeen gar iyo jidbixin, marka laga yimaaddo masiirkooda iyo halkay ku dambeeyeen, sidaas darteed, waxa lagama maarmaan ah in loo fiirsado waxa qaabeeyey, lana baadho fasiraadaha sababaha ku riixay masiirkaas xun, sidoo kalena loo dhugyeesho qaabka looga fogaan karo sababahaas.

Shiirot, waxa uu ka bilaabayaa masiirkii dhibta badnaa ee uu ku dambeeyey Maarkii de Kondersey oo ka mid ahaa mufakeriintii Kacdoonka Faransiiska, oo 1789-kii xabsi ku dhex dhintay isagoo la sumeeyey. Geeridiisu waxa ay xilligaa ka dhignayd in gebi ahaanba Liiberaalliyaddii kacdoonku duntay, sababta oo ah Kondersey waxa uu ka mid ahaa falaasifadii Baraarugga, waxa uu difaaci jiray xuquuqda gabadha, waxaanu si weyn u taageeri jiray dimuqraadiyadda. In uu ku baxay gacanta xagjirkii Kacdoonka la waday waxa ay ahayd arrin qadhaadh iyo masiir madow, waana masiir kusoo noqnoqday kacdoonnadii waaweynaa ee qarnigii 20aad, laga soo bilaabo Kacdoonkii Maksiko ee 1910-kii, ilaa laga soo gaadho Kacdoonkii Iiraan ee 1979-kii. Inta badan kacdoonnadaasi waxa ay ka sinnaayeen in hoos loo dhigay ama meesha laga saaray kacdoonyahannadii dhexdhexaadka ahaa. Geerida Kondersey laba sanno ka hor, waxa baxsaday Maarkiis de Lafayete, oo ka mid ahaa hoggaankii Kacdoonka Faransiiska, isagoo ka baxsaday in uu xabsi galo amaba la dilo, sababtoo ah Wasiirkii Caddaaladda ee xukuumaddii Jaakobins, ayaa soo saaray waaran lagu xidhayo, si uu naftiisa ula baxsadana waxa uu u cararay Ustari, se halkaas baa lagu qabtay, shan sannana waa la xidhay.

Qoraagu waxa uu aaminsanyahay in dadka dhexdhexaadka ah ama qunyarsocodka ahi xaalad adag kala kulmaan kacdoonnada, siiba marka haayadaha talisku fashilmaan, xukunkuna dadkii gadoodsanaa gacanta u galo, waana xilliga masiirka Kondersey iyo Lafeyete uu ku dabbaqmo cid kastoo dhexdhexaad noqota, walow aanay ahayn xaalad kacdoon kasta ka dhacda. Masiirkani waa mid si waafi ah looga dheehan karo sooyaalka kacdoonnada, kuwa midig iyo kuwa bidixba, ee dunida ka dhacay dhammaadkii qarnigii 18aad ilaa qarnigan hadda aynnu ku jirno. Sooyaalku waxa uu soo bandhigayaa sababo dhawr ah oo dadkii kacdoonka badh ka mid ahi u xagjiroobeen, sidaas darteed, waxa lagama maarmaan ah in la deraaseeyo sababaha guuldarrada iyo sababaha keeni kara in aanay aydhiyoolajiyadaha raadhikaalka ah ee ballanqaada dib u habayn gun iyo baar ahi ku xadgudbin xalalka dhexdhexaadka ah ee lagu furdaaminayo dhibaatooyinka bulsheed, dhaqaale iyo siyaasadeed, iyada oo weliba kacdoonnadu ka shidaal qaataan qiyamka iyo anshaxa ku baaqaya dhisidda bulsho wanaagsan, iyadoo loo marayo isbeddel degdeg ah. Inta badan kacdoonku waxa uu wataa doonista ah in isbeddel degdeg ah lagu sameeyo xidhiidhada dhaqaale iyo bulsho, se dib u habaynta tartiibka ahi ugu dambeyn waxa ay keentaa isbeddel gun iyo baar ah oo wax kacdoonnadu rabaan ah, se haddana isbeddelkaas qunyar socodka ah kacdoon looma arko, sidaas darteed dadka hoggaamiya kacdoonnadu kuma kalsoona dib u habayntaa caynkaas ah.

Sooyaalka kacdoonnadu waxa uu soo bandhigayaa in kacdoonnadu ku kala duwanyihiin natiijooyinka, oo qaar baa badh ahaan guulaysta, halka qaarna horseedaan dagaallo sokeeye ama faragelin shisheeye . Sidaas darteed, qoraagu waxa uu bedka keenayaa in kacdoonnadu afar marxaladood maraan. Marxaladda koowaad waa marka hoggaamiyayaasha hore ku guuldarraystaan in ay furdaamiyaan dhibaatooyinka waaweyn, arrinkanina waxa uu bilaw u noqdaa in nidaamkii jiray dumo, kolkaas oo hoggaamiyayaal cusub oo firfircooni yimaaddaan, se khibraddooda xukunka iyo maamulku koobantahay, iyagaana noqda hormuudka cusub. Inta badan kuwan dambe waa dhexdhexaad, sidaas darteed, waxa ay ku guuldarraystaan in ay haqabtiraan codsiyada iyo cadhada shacabka kacsan ee codsanaya isbeddel gun iyo baar ah, amaba xitaa waxay ku guuldarraystaan in ay fahmaan baaqa shacabka. Guuldarradani waxa ay jidka u xaadhaa mawjad cusub oo kacdoonyahanno ah, oo kuwii hore ka adag, oo aan ka labalabayn in ay jid kasta oo dhiig ku daadanayo u maraan maroorsiga talada.

Marxaladda labaad ee kacdoonku waa falcelinta qalalaasaha wadata ee lagaga falceliyo dagaalka sokeeye ama faragelinta ajnabiga ee kacdoonku sababay. Marxaladda saddexaad, hoggaankii kacdoonka ee xagjirka ahaa ayaa soo roga habab iyo dhaqanno aan waaqici ahayn, lana dabbaqi karin, iyagoo is tusaya  si kacdoonka loo hirgeliyo, taladana loo haysto, in ay lagama maarmaan tahay xoojinta cabudhinta iyo cagajuglaynta, oo haayadaha milatari iyo amni ee nidaamka raadhikaalka ahi sameeyey ayaa la fasaxaa, loona adeegsadaa in dadka lagu khasbo hoggaansami, dalal iyo ururro ajnabi ah ayaa ay dhaliil kala dul dhacaan, dad gudaha ku suganna waxa lagu tuhmaa khiyaano, si ay uga baxsadaan xaqiiqada ah in aanay barnaamijyadoodu waaqici ahayn. Kolkan baa la bilaabaa in hoggaankii cusbaa laftiisu is ugaadhsado, kelitalisnimadana la hirgeliyo.

Marxaladda afaraad, nidaamyada cusub ee kelitaliska ah, daahfurnaanna aan lahayn ayaa isku beddela nidaamyo musuqmaasuq, kacdoonyahannadiina waxa ay ka tanaasulaan yoolashoodii dhabta ahaa, si ay u ilaashadaan talada, kelitalisnimadana waxa ay uga wareegaan musuqmaasuq iyo nidaamyo aan lahayn haayadihii dabagel sameyn lahaa, ee baadhi lahaa musuqooda.

Kacdoonkii Maraykanka ayaa ah kacdoonka keliya ee taariikhda casriga ah ka badbaaday dhammaan marxaladahan, halka Kacdoonkii Faransiisku marxaladahan oo dhanba uu maray, waana sababta sooyaalka Kacdoonka Faransiiska tusaale looga dhigtay deraasaynta kacdoonnada. Shardi maaha in kacdoon kastaa maro afartan marxaladood, oo laga yaabee in uu laba ama saddex ka mid ah maro, waa marka uu kacdoonku kusoo afjarmo natiijo aan wanaagsanayn, waxaana sababa xagjirnimada kacdoonka oo keenta natiijo aan la mahadin, waana arrin muujinaya muhiimadda xalalka dhexdhexaadka ah iyo daahfurnaanta iyo siday u dhabeeyaan isbeddel bulsho oo guud.

Qoraagu waxa kale oo uu tilmaamayaa in dalalka qaar la kulmeen isbeddello waaweyn oo muddo jiitamay, hoggaankana u hayeen hoggaamiyayaal muxaafid ah, waa isbeddello markii dambe caddaaday in ay ahaayeen kacdoon aanu dhiig ku daadan ama aan kelitalisnimo iyo cagajuglayn lala iman. Hoggaamiyayaashani waxa ay yaqiinsadeen lagama maarmaannimada dib u habayn hore-u-socod ah, si khataro ka waaweyn looga baaqdo. Waxa tusaale u ah Jarmalka, oo sannadkii 1848-kii uu ka dhacay kacdoon Liiberaalli ahaa oo fashilmay, dib-u-socodkii kasoo horjeedayna talada ku nageeyey, kuwaas oo uu hoggaaminayey Otto von Bismarck. Iyada oo ay sidaas tahay haddana ninkani waxa uu ku guulaystay in uu la jaanqaado isbeddelka, oo waxa uu oggolaaday ballaadhinta dimuqraadiyeynta, waxa uu talada ka qaybgaliyey dabaqaddii xoogsatada, waxaanu oggolaaday in dabaqadaha dhexe cod siyaasadeed yeeshaan. Hase ahaatee, hormuudkii siyaasadeed iyo milatari ee ka danbeeyey waxa uu u jiheeyey sii shidaalinta hanka qoomiyadeed iyo himilada imbiryaaliyada. Mayal-adaygaas milatari iyo tookha qoomiyadeed waa ka sababay khalkhal gelinta nabadgalyadii Yurub, ee ugu dambeyn riday Dagaalkii Koowaad ee Dunida, waxaana dagaalkaas kasii dhashay Naasigii oo sidii hore kasii mayal-adag. Xaaladdan mid la mid ahi waxa ay ka dhacday Jabbaan, oo laga soo bilaabo 1868-kii ay ka socotay dib u habayn iyo cusboonaysiin ay hoggaaminayeen kelitalisyo iyo muxaafidiin, ugu dambaynna Jabbaan waxa ay isku beddeshay dawlad imbiryaali ah oo gacan kulul, taas oo gashay dagaallo dhiig badani ku daatay.

Iyada oo talaxgab tartiib ahi ku socdo siyaasadda dalalka dimuqraaddiga ah, dunida maanta waxa la arkaa in haddii la awoodi waayo hirgelinta isbeddellada lagama maarmaanka ah, oo Maraykanka iyo Yurubta Galbeedba ku jiraan, ay u badantahay in uu dhaco qalalaase aan la filayn. Waa xaalad ka qarxi karta meel kasta oo dunida ka mid ah, siiba gobolka Bariga Dhexe, iyo koonfurta iyo badhtamaha Aasiya. Ruushka iyo Shiinuhu waxa ay usii xuubsiibanayaan dawlado faashiste ah oo colaadiya liibaraaliyadda, qaar ka mid ah dalalka Yurubta Barina waxa ay isku beddelayaan kelitalisyo. Sidaas darteed, waxa la rabaa in isbeddel tartiib ah la hirgeliyo, lana keeno xalal iswaafajin ah oo habboon, sababtoo ah waa habka ugu wanaagsan ee lagu dhabayn karo dib u habayn. Haddii se kacdoonno dhacaan, hormuudka kacdoonnadaas waxa ay la dhibtoon doonaan hor istaagga in aanay kacdoonnadaasi dhalin natiijo dhiig ku daato. 

  • Qormadan waxa laga soo turjumay halkan

Qoraallada kale ee qoraaga