Skip to main content

Sunday 14 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Maxa Ay Soomaaliya Ka Baran Kartaa Ruwanda?

10 August, 2025
Image
Maxa Ay Soomaaliya Ka Baran Kartaa Ruwanda?
Share
Hordhac 

Soomaaliya iyo Ruwanda waa laba dal oo Afrikaan ah oo uu mid waliba soo maray marxalad aad u murugsan oo colaadeed, mid walbaana uu u wiiqmay qaab u gaar ah. Soomaaliya waxa ay gashay fowdo siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye tan iyo 1991-kii, markaas oo taliskii milatari ee Maxamed Siyaad Barre laga tuuray xukunka. Waxii markaas ka dambeeyay, dalku waxa uu galay xaalad burbur dawladeed, kala daadsanaan hay’adeed, iyo dagaallo sokeeye oo qabiil ku salaysan oo muddo dheer socday, kuwaas oo illaa maanta saameyn ku leh nolol maalmeedka shacabka Soomaaliyeed. Dhanka kale, Ruwanda waxa ay wajahday mid ka mid ah xasuuqyadii ugu naxdinta badnaa ee taariikhda casriga ah, markii ay, sannadkii 1994-kii, dhacday masiibadii xasuuqa qowmiyadeed oo lagu dilay qiyaastii hal milyan oo qof, oo badankoodu ahaa dadka Tutsiga ah iyo Hutu-gii dhexdhexaadka ahaa. Ha se ahaato e, Ruwanda waxa ay muujisay horumar layaab leh oo ah dhinaca dib-u-dhiska, dowladnimada, iyo nabadeynta bulshada. Waxa ay qaadday waddooyin siyaasadeed iyo bulsheed oo u oggolaanaya in dalku uu ka baxo taariikhdaa madoobeyd, una jihaysto horumar dhaqaale iyo mid bulsho. Marka la barbar dhigo, Soomaaliya wali waxa ay ku jirtaa marxalad adag oo u baahan dib-u-habeyn qaran, nabadeyn ballaadhan, iyo dib-u-dhis dawladeed oo dhab ah. Sidaas darteed, su’aasha muhiimka ahi waxa ay tahay: Maxaa ay Soomaaliya ka baran kartaa Ruwanda? Ruwanda waxa ay si xeeldheer u maareysay geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta, iyada oo adeegsatay maxkamadaha dadweynaha ee loo yaqaan Gacaca, kuwaas oo fursad siiyay in shacabka lala xisaabtamo, runta la sheego, cafisna la helo. 

Intaa waxa dheer, dawladdu waxa ay si adag u xakamaysay hadallada nacaybka kicin kara, waxana ay dhiirrigelisay aqoonsi qaran oo ka sarreeya qowmiyad. Sidoo kale, waxa ay mudnaanta siisay amniga, dib-u-dhiska kaabayaasha, waxbarashada, iyo la dagaallanka musuqmaasuqa. Haddaba, haddii ay Soomaaliya rabto in ay ka gudubto colaadaha soo jireenka ah, waxa ay u baahan tahay in ay barato casharrada Ruwanda laga dhaxlay: In nabadda lagu dhiso run iyo cafis, in caddaalad loo helo dhibbanayaasha, iyo in la abuuro dawlad dadku isku arkaan inay wada leeyihiin, dawlad qabiilka ka sarreysa, oo ku dhisan hufnaan, cadaalad, iyo isla xisaabtan. Waxa lagama-maarmaan ah in la dejiyo hannaan mideyn kara shacabka Soomaaliyeed, si dib kalsoonidii loogu abuuri karo, loona dhisi karo mustaqbal la wada leeyahay.  

Sababaha iyo Xaaladaha Dagaalka Sokeeye ee Ruwanda iyo Soomaaliya  

Colaadihii sokeeye ee ka dhacay Ruwanda iyo Soomaaliya waxa ay ahaayeen kuwo si qoto dheer ugu salaysnaa isir, qabiil iyo taariikh hore oo kacsan, balse labadoodu waxa ay u kala dhaceen siyaabo kala duwan oo ka turjumaya duruufo taariikheed iyo siyaasiyeed oo kala duwan. Ruwanda, colaaddeedu waxa ay ka soo farcantay kala-duwanaansho qowmiyadeed oo u dhexeeya Hutu-ga iyo Tutsi-ga, taas oo markii hore ahayd kala-duwanaansho dhaqan-dhaqaale iyo bulsho, balse loo adeegsaday si siyaasadaysan xilligii gumeysiga. Jarmalkii, iyo, gaar ahaan, xilligii Beljimku gumaysan jiray dalkaas, ayaa si badheedh ah loo kala hormariyey Tutsi-ga iyo Hutu-ga, iyada oo Tutsiga loo aqoonsaday in ay yihiin dad asal ahaan sarreeya, halka Hutu-ga loo arki jiray dad ‘hooseeya’. Tallaabadaasi waxa ay abuurtey kala-shaki, iyo nacayb bulsho oo daba-dheeraaday, ugu dambeyntiina horseeday xasuuqii foosha xumaa ee dhacay 1994-kii, markaas oo diyaarad uu la socday Madaxweynihii Ruwanda, Jufenal Habyarimana, la soo riday bishii Abriil ee sannadkaas. Kooxo ah Hutu xag-jir ah ayaa durba u adeegsaday fursaddaas in ay bilaabaan xasuuq qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday Tutsi-ga iyo Hutu-gii dhexdhexaadka ahaa ee aan taageersanayn rabshadahaas. Muddo 100 maalmood gudahood ah waxa la laayey in ka badan 800,000 oo qof, waana mid ka mid ah xasuuqyadii ugu xumaa ee dunidu aragto qarnigii 20-aad.

Soomaaliya dhankeeda, dagaalkii sokeeye waxa uu salka ku hayey burburkii dawladdii milatari ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre. Xukunkaas oo muddo 21 sano ah lagu hayey xoog ciidan iyo feker keli-talisnimo, waxa uu sababay cadaadis, sinnaan la’aan siyaasadeed iyo cabbudhin ka dhan ah beelaha aan awoodda haysan. Markii ay dagaallo culus oo u dhexeeyey jabhado mucaarad ah, sida SNM (Somali National Movement), USC (United Somali Congress) iyo SSDF (inkasta oo ay jabhaddani, iyadu, jabhadnimaddii ka soo noqotay markii danbe) ay billowdeen 1980-meeyadii, gaar ahaan ka dib heshiiskii 1988 ay Soomaaliya iyo Itoobiya wada galeen, kaas oo mucaaradkii Soomaalida lagaga saaray xeryihii ay ku jireen ee gudaha Itoobiya. Arrintani waxa ay ku kalliftay jabhadihii mucaaradka ahaa in ay si toos ah ugu kacaan dawladdii Muqdisho, taas oo ugu dambayn keentay in bishii Jeenaweri 1991-kii, ay kooxdii USC xukunka ka tuurto Siyaad Barre, halka SNM-na ay qabsatay dhankii Waqooyiga (oo hadda ah Somaliland oo ku dhawaaqday in ay ka baxday midowgii Soomaaliya). Markii uu xukunkii dhacay, dalku, gaar ahaan Koonfurtii Soomaliya, waxa uu galay firaaq awooddeed (dawlad la’aan), waxana bilowday dagaallo sokeeye oo salka ku haya qabiil iyo jaho wareer siyaasadeed. Maleeshiyo beeleedkii ayaa uu mid walba isku dayey in uu xukun ka sameysto gobolka uu ka arrimiyo. Nidaam dhexe oo dawladeed lama helin tan iyo waqtigaas, waxana dalkii ku fiday burbur amni, gaajo, barakac, iyo kala daadasho bulsho. Arrintani waxa ay dhashay dhibaato muddo dheer socotay oo aan la haynin hal hoggaan ama qorshe mideysan oo dalka dib loogu dhisi karo. Labaddan dhacdo, midda Ruwanda iyo tan Soomaaliya, waxa ay muujinayaan sida taariikhda gumeysiga, kala-qaybsanaanta bulshada iyo hoggaan la’aantu ay u horseedi karaan burbur qaran oo ba’an. Haddana, Ruwanda, iyada oo la adeegsanayo hannaan nabadeed, cadaalad iyo dib-u-heshiisiin qaran, waxa ay ku guulaysatay in ay dhaliso dib-u-heshiisin bulsho iyo xasillooni dawladeed, halka Soomaaliya ay weli la tacaaleyso qodobbadii keenay burburkaas, iyada oo aan weli si buuxda uga soo kabanin ilaa hadda.  

Ruwanda: Nabad, Dib-u-heshiisiin, iyo Qaran-dhis 

Kooxdii RPF (Rwandan Patriotic Front), oo ahayd jabhad hubeysan oo ay hogaaminayeen Tutsi-gii qaxootiga ahaa ee ku noolaa Yugaandha iyo meelo kale oo dibadda ahi, markii ay qabsadeen dalka Ruwanda, sannadkii 1994-kii, waxa ay markiiba guda-gashay qorshe ballaadhan oo ku wajahan dib-u-dhis qaran iyo soo celinta midnimadii burburtay intii lagu jiray xasuuqa. Tallaabooyinkii ugu waaweynaa ee xukuumaddu qaadday waxa ay ahaayeen kuwo isugu jiray dib-u-habeyn siyaasadeed, mid bulsho, mid sharciyeed iyo mid dhaqaale, kuwaas oo dhammaantood ujeeddadoodu ahayd; in la dhiso bulsho nabad ah oo ka madhan nacayb qabiil iyo kala takoor jinsiyadeed. Sannadkii 2003, waxa la ansixiyay Dastuur cusub oo loogu talagalay in uu hor-istaago soo noqoshada colaadaha qowmiyadeed ee hore dalka u halaagay. Dastuurkan cusubi waxa uu dhiirrigelinayay midnimadda, sinnaanta muwaadiniinta, iyo in si adag loo diido kala-sooc qowmiyadeed. Si calaamadaysan, astaamihii qaranka sida calanka iyo astaanta qaranka ayaa isbeddel lagu sameeyay, waxana lagu beddelay kuwo cusub oo muujinaya rejo cusub iyo isdhexgal qaran oo ahaa qorshe si fiican loo dhigay. Isla sannadkaas 2003, waxa dalka ka dhacay doorashooyin dimuqraadi ah, kuwaas oo dadka Ruwanda ay codkooda ku muujiyeen taageerada ay u hayaan Paul Kagame, guddoomiyihii hore ee Jabhaddii RPF, kaas oo dib loogu doortay xukunka madaxweynenimo si sharci ah. Doorashooyinkaas ayaa astaan u noqday bilowga nidaam siyaasadeed oo sharciyad leh, inkasta oo su’aalo laga keenay xadgudubyo xagga xorriyadda siyaasadeed ah. Sannadkii 2006, xukuumaddu waxa ay qaadday tallaabo kale oo muhiim ah oo lagu baabi’inayo kala-soocidda deegaanka ku salaysan jinsiyadda, iyada oo 12-kii gobol ee hore loo beddelay shan gobol oo waaweyn, si loo hubiyo in gobol walba ay ku wada jiraan Hutu, Tutsi, iyo Twa.

Dhinaca garsoorka, Ruwanda waxa ay dib-u-habeyn ku samaysay nidaamkii caddaaladda si loo helo cadaalad degdeg ah oo ku wajahan dambiyadii xasuuqa. Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Ruwanda (ICTR), oo fadhigeedu yahay Arusha, Tanzania, ayaa qaadaysay dacwadaha madaxda iyo abaabulayaashii xasuuqa, halka maxkamadaha guduhu ay qaabilsanaayeen kiisaska heer qaran. Hase ahaato e, iyada oo tirada eedaysanayaasha xasuuqa geystay ama ka qayb qaatay ay aad u badnayeen, maxkamadaha rasmiga ahi ma ay dabooli karin baahida. Sidaas darteed, sannadkii 2005, dawladda Ruwanda waxa ay dib u soo nooleysay nidaamkii dhaqameed ee Gacaca – hab garsoor bulsho oo dadku, iyagu, garsooreyaal yihiin. Sidoo kale, sannadkii 1999-kii ayaa la aasaasay Guddiga Qaranka ee Midnimada iyo Dib-u-heshiisiinta (NURC), oo si joogto ah u qabtay shirar ku saabsan wacyigelin, tababaro bulshada lagu barayo qiimaha nabadda, iyo cilmi-baadhis lagu ogaanayo sida ugu habboon ee dadka dib loogu heshiisiin karo. Xusuus-qorka xusuuqa ayaa, isna, qayb muhiim ah ka noqday dadaalladaas. Matxafyo iyo xarumo lagu xusuusto dhibkii dhacay, sida Kigali Genocide Memorial Center, ayaa loo furay dadweynaha si jiilasha cusub loo baro taariikhda oo aanay mar kale u dhicin. Barnaamijyo nafsiyeed oo lagu taageerayo dadka xusuusta iyo naxdinta ka qaaday dhibaatadii xasuuqa ayaa, sidoo kale, laga hirgeliyay dalka oo dhan. Dhaqaale ahaan, Ruwanda waxa ay si wanaagsan uga soo kabanaysay burburkii. Tobankii sano ee ugu horreeyay qarnigan 21-aad, Ruwanda waxa ay heshay taageero dhaqaale oo ballaadhan oo ay ka mid tahay deymaha la cafiyay, maalgelin caalami ah, iyo xubinnimo ay ku yeelatay ururrada gobolka sida Ururka Waddamada Bariga Afrika (EAC). Arrintaasi waxa ay fududeysay hirgelinta mashaariic horumarineed oo kor u qaadday dhaqaalaha dalka, isla markaana sii xoojisay kalsoonida dadweynaha ee dowladnimada cusub. Si guud, dib-u-dhiska Ruwanda waxa uu noqday mashruuc qaran oo ay ku mideysan yihiin dhammaan hay’adaha dawladda, bulshada rayidka, iyo caalamkuba, waxana la isku dayay in caddaalad, xusuus, iyo dib-u-heshiisiin lagu beddelo nacaybkii iyo kala-soocii qowmiyadeed ee lagu gubtay. 

Isbarbardhigga Soomaaliya iyo Ruwanda

Waxaa jira isbarbardhig iyo kala-duwanaansho muuqda oo u dhexeeya Ruwanda iyo Soomaaliya, gaar ahaan marka la eego habka ay uga soo kabteen colaadohoodii sokeeye. Ruwanda, oo martay mid ka mid ah xasuuqyada ugu xanuunka badan taariikhda Afrika, waxa ay si xeel dheer u wajahday dib-u-heshiisiinta, iyada oo xoogga saartay dhismaha dawlad dhexe oo adag, midnimo qaran, iyo cidhibtirka kala-soocidda qowmiyadeed ee hore u kala qaybisay bulshada. Dawladda Kigali waxa ay dejisay qorshayaal cadcad oo lagu dhisayo bulsho isku duuban, waxana la hirgeliyey sharciyo adag oo ka dhan ah nacaybka iyo kala fogaanshaha jinsiyadeed, taas oo horseeday xasillooni siyaasadeed iyo koboc dhaqaale. Dhanka kale, Soomaaliya waxa ay weli la daalaa-dhacaysaa sidii ay u heli lahayd dawladnimo buuxda. Tan iyo markii uu burburay xukunkii dhexe 1991-kii, dalku waxa uu galay marxalad fawdo ah, iyada oo beelaha hubaysan iyo kooxaha siyaasadeed ay kala qaybiyeen awooddii dalka. Inkasta oo ay jiraan dadaallo lagu dhisayo hay’ado qaran iyo nidaam federaal ah, haddana waxaa weli jira khilaafaad beeleed oo qoto dheer, caqabado dhinaca maamulka ah, iyo amni-darro ay sabab u tahay argagixisada Al-Shabaab. Marka la eego dib-u-dhiska iyo ka gudbidda colaadda, Ruwanda waxa ay ka faa’iidaysatay taageero caalami ah, isla markaana waxa ay si xawli leh u dhistay kaabayaal dhaqaale iyo bulsho. Soomaaliya se, waxa ay weli ku jirtaa xaalad bani’aadantinimo oo murugo leh, taas oo ay uga sii dareen abaaro daba-dheeraaday, cudurro, barakac baahsan, iyo fursad la’aan ku saabsan xal waara oo siyaasadeed. Sidaas darteed, halka Ruwanda ay tusaale u tahay dawlad si tartiib ah uga gudubtay dhibaato qaran, Soomaaliya waxa ay u baahan tahay xalal waaqici ah oo salka ku haya dib-u-heshiisiin dhab ah, dhisidda kalsoonida bulshada, iyo dawladnimo daahfuran oo loo siman yahay. 

Casharrada Ay Soomaaliya Ka Baran Karto Rwanda 

Soomaaliya waxa ay wax badan ka baran kartaa waayo-aragnimada dib-u-dhiska iyo nabadeynta ee Ruwanda, gaar ahaan sidii dalkaasi uga soo kabtay xasuuqii foosha xumaa ee 1994-kii. Tusaale ahaan, nidaamkii (Gacaca), oo ahaa maxkamado dadweyne oo ku salaysan dhaqanka, waxa uu Ruwanda ka caawiyay in ay bulshadu si dhab ah u wajahdo xusuusta dambiyada, u ogaato xaqiiqooyinka taariikhiga ah, isla markaana ay dadku si wadareed isu cafiyaan. Habkan oo kale waxa uu Soomaaliya u noqon karaa tusaale wax-ku-ool ah, maadaama oo uu dhiirrigelinayo run sheegid, cafis, iyo soo celinta kalsoonidii dadweynaha. Sidoo kale, Ruwanda waxa ay aasaastay Guddiga Midnimada Qaranka iyo Dib-u-heshiisiinta (NURC), sanadkii 1999-kii, kaas oo door weyn ka ciyaaray isu keenidda kooxaha kala aragtida duwan, kor u qaadidda wacyiga waddaninimo, iyo dardargelinta wada noolaanshaha. 

Soomaaliya waxa ay ka faa’iidaysan kartaa in ay dhisto hay’ad la mid ah NURC oo u xilsaaran hannaanka dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha kalsoonida bulshada dhexdeeda. Waxbarashaduna door muhiim ah ayaa ay ka ciyaartay Ruwanda. Dugsiyada waxa dib loogu habeeyay manhajkooda si caruurta iyo dhallinyarada loo baro taariikhda xasuuqa si ay u fahmaan waxa dhacay iyo sababta ay muhiim u tahay in aanay dib u dhicin. Soomaaliya waxa ay qaadan kartaa habkan, si jiilasha cusub loogu barbaariyo nabad, is-ixtiraam, iyo xasuusta taariikhdii colaadaha si looga fogaado soo noqnoqoshadooda. Intaa waxa dheer, Ruwanda waxa ay dhistay goobo xusuus u ah xasuuqii dhacay, sida Matxafka Xusuusta Xasuuqii ee Kigali, kuwaas oo bulshada siinaya meel ay ku xusuustaan dhibbanayaashii, isla markaana u noqday goob u adeegta baraarujinta dadweynaha. Soomaaliya, oo iyaduna, la ildaran xusuuso murugo leh, waxa ay dhisi kartaa xarumo noocaas ah si loo xusuusto dhibbanayaashii colaadaha, loogana dhigo meelahaasi kuwo kor u qaada wada-hadalka iyo bogsashada dadweynaha.

Dhammaan tusaalooyinkan Ruwanda waxa ay tilmaamayaan muhiimadda ay leedahay in laga faa’iidaysto waayo-aragnimada dalalka kale. Sida ay sheegayaan qaar ka mid ah daraasadaha cilmiyeed, haddii beesha caalamku ay Soomaaliya u adeegsan lahayd waayo-aragnimada Ruwanda sidii qaab waxbarasho iyo tusmo wax ku ool ah, waxa suuragal noqon lahaa in laga hortago sii daba-dheeraanshaha colaadda. Gabagabadii, Soomaaliya waxa ay u baahan tahay hoggaan hufan oo leh karti iyo go’aan uu ku mideeyo ummadda, kuna taageero barnaamijyo nabadeed oo ay qayb ka yihiin dhamaan heerarka siyaasadeed, dhaqan iyo bulsho. Inkasta oo xaaladda Soomaaliya ay leedahay duruufo u gaar ah, haddana mabda’a wax-ka-barashada khibradaha guuleystay ee caalamka, gaar ahaan Ruwanda, ayaa weli ah waddo lagu gaadhi karo dib-u-heshiisiin waarta iyo qaran dib u midooba. 

Caqabadaha Hortaagan Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya  

Soomaaliya waxa ay, weli, ku jirtaa xaalad adag oo ay la daalaa-dhacayso caqabado badan oo isbiirsaday, kuwaas oo si toos ah u hor istaagaya dadaallada dib-u-heshiisiinta qaran iyo dhismaha dawladnimo loo dhan yahay oo xasilloon. Caqabadda ugu horreysa, uguna culus, waa kala-qaybsanaanta qabiilka ku salaysan, taas oo si qoto dheer ugu xidhan taariikhda murugsan ee colaadaha sokeeye, aargoosiyo isdaba-joog ah, iyo kalsooni-darro taariikhi ah oo u dhexeysa beelaha Soomaaliyeed. Kala fogaanshahani ma aha mid kaliya dhanka siyaasadda ah, balse waxa uu si dhab ah u saameeyaa xidhiidhka bulshada, wada-noolaanshaha, iyo xitaa aragtida muwaadinimada Soomaaliyeed. 

Nidaamka awood-qaybsiga ee beelaha ku salaysan, gaar ahaan qaabka loo yaqaan 4.5, inkasta oo loo dhisay in uu dejiyo xasaradaha siyaasadeed ee beelaha u dhexeeya, haddana dhab ahaantii waxa uu xoojinayaa kala-sooc bulsho iyo mid siyaasadeed oo abuuraya nidaam aan dhiirrigelinayn sinnaan muwaadinimo, isla markaana joojinaya fursad lagu abuuri karo qarannimo mideysan oo ka sarreysa qabyaalad. Dhinaca kale, khataraha amni ee ay horseedaan kooxaha xagjirka ah, sida Al-Shabaab, waxa ay sii murjinayaan xaaladda. Kooxdan hubeysani waxa ay si joogto ah u fuliyaan weerarro lagu bartilmaameedsanayo magaalooyin waaweyn, dad rayid ah, iyo xarumaha dawladeed, taas oo carqalad weyn ku ah dadaallada lagu dhisayo hay’ado dawli ah oo shaqayn kara. Weeraradaasi waxa ay wiiqaan kalsoonida dadweynuhu ku qabaan dawladda, waxayna abuurayaan cabsi joogto ah oo si toos ah u saameynaysa nolosha bulshada iyo horumarka dhaqaale. Waxa intaas dheer, qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalku waxa ay danahooda shaqsiyeed iyo xisbiga ay ka tirsan yihiin ka hormariyaan danta guud ee dalka. Tani waxa ay horseedaysaa khilaafaad siyaasadeed, is-aaminaad la’aan joogto ah, iyo nidaam musuqmaasuq ku dhisan, taas oo meesha ka saaraysa fursad kasta oo lagu gaadhi karo dib-u-heshiisiin dhab ah ama lagu dhisi karo hay’ado dawladeed oo lagu kalsoonaan karo.  

Xaaladaha dabiiciga ah, sida abaaraha isdaba jooga ah, fatahaadaha biyaha, iyo cunto yaraan taagan ayaa, sidoo kale, sii adkaynaya duruufaha nolosha dadweynaha. Malaayiin qof ayaa ku barakacay gudaha dalka ama u qaxay dalal kale, iyaga oo la daalaa-dhacaya nolol adag, taas oo ah culeys dheeraad ah oo saaran dawlad aan, marka horeba, lahayn awood buuxda. Inkasta oo ay jiraan dadaallo iyo taageerooyin caalami ah, sida Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) oo hadda loo beddelay AUSSOM, mashaariicda Qaramada Midoobay, iyo deeqo dhaqaale oo caalami ahi, haddana wax walba ma noqon karaan kuwo midho dhal ah haddii aanay jirin dadaal qaran oo dhab ah oo muddo dheer lagu dhisayo nabad waarta, dowladnimo hufan, iyo bulsho isku kalsoon. Dib-u-heshiisiinta dhabta ahi waxa ay u baahan tahay in si geesinimo leh loo jebiyo silsiladda qabyaaladda; in la helo hoggaan hufan oo daacad u ah shacabka, kana sarreeya danaha beelaha; in la dhiso hay’ado dawladeed oo madax-bannaan, loo siman yahay, lana jaanqaadi kara rabitaanka shacabka. Markaa oo qudha ayaa la heli karaa bulsho si dhab ah isu oggol, dawlad si dhab ah u matasha shacabka, iyo qarannimo si dhab ah u taabba-gasha. 

Gunaanad 

In kasta oo uu jiro farqi weyn oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruwanda, gaar ahaan marka la eego taariikhda colaadaha, qaab-dhismeedka bulshada, iyo heerarka uu gaaray burburka dawladnimo, haddana waayo-aragnimada Ruwanda ee dhanka nabad-dhisidda iyo dib-u-heshiisiinta waxa ay u noqon kartaa Soomaaliya tusaale wax-ku-ool ah oo qiimo gaar ah leh. Ruwanda waxa ay si cad u muujisay in marka ay jirto dawlad leh aragti fog, hufnaan siyaasadeed, iyo go’aan adag oo ku wajahan raadinta caddaalad iyo midnimo bulsheed, oo ay suuragal tahay in la bogsiiyo dhaawacyadii waaweynaa ee ay sababeen xasuuqyadii iyo kala-irdhowgii bulshada. 

Soomaaliya, inkasta oo ay leedahay duruufo u gaar ah sida kala-jab qabiil oo qoto dheer, kooxo hubeysan oo argagixiso ah, iyo burbur siyaasadeed oo muddo dheer soo jiitamayay, haddana waxa ay fursad u haysataa in ay ka faa’iidaysato qaabkii Ruwanda u maareysay raadadka xasuuqii 1994-kii, sida hirgelinta caddaaladda bulshada (community justice), barnaamijyada cafiska iyo isu-soo-dhaweynta, iyo qorshayaal qaran oo loo dhan yahay. Haddii ay Soomaaliya dooneyso in ay gaadho nabad waarta, waa in ay si dhab ah u wajahdo caqabadaha gudaha. Waxa lagama-maarmaan ah in la yareeyo kala-qaybsanaanta qabiilka oo noqotay caqabad weyn oo hor taagan is-aaminaadda bulsho iyo hannaanka dowlad-dhiska. 

Waxa kale oo muhiim ah in la sugo ammaanka guud ee dalka, si loo cidhibtiro awoodda kooxaha hubeysan ee sida Al-Shabaab oo kale ah. Sidoo kale, waa in la xalliyo dhaawacyadii naf iyo maalba lahaa ee ay sababeen dagaalladii sokeeye, iyada oo la raadinayo hannaan caddaaladeed oo lagu bogsiin karo xusuusta dadkii dhibbanaha u ahaa. Waxyaabaha kale ee aan laga maarmi karin waxa ka mid ah in la dhiso kalsooni qaran oo ku salaysan hufnaan siyaasadeed, caddaalad loo siman yahay, iyo sinaan dhaqaale oo dhexmarta bulshada Soomaaliyeed. Haddii ay Soomaaliya si miyir leh uga faa’iidaysato casharrada Ruwanda, iyada oo si dhab ah u tixgelinaysa duruufaha u gaarka ah ee taagan, waa ay u suurtogeli kartaa in ay dhisto mustaqbal cusub oo nabadeed, ku salaysan dib-u-heshiisiin dhab ah iyo midnimo qaran oo waarta.

Qoraallada kale ee qoraaga