Sunday 16 November 2025
Xubno ka mid ah Kongereska Maraykanka ayaa si weyn u cambaareeyay gumaadka ay xoogagga RSF ka geysteen magaalada Faashir ee galbeedka Suudaan oo ay qabsadeeen labo cisho ka hor. Guddoomiyeha Guddida Xidhiidhada Arrimaha Dibedda ee Aqalka Sare ayaa bartiisa X ku sheegay in waxa Faashir ka dhacay ee bahalnimada ahi aanu ahayn wax iska dhacay – “Waa qorshihii ay mar walba lahaayeen RSF” waxa uu ku daray in xoogagga RSF ay galeen foolxumooyin argagixiso oo uu ku jiro xasuuq, waxanu raaciyay; “RSF waa in loogu yeedho waxa ay tahay; urur argagixso ah oo shisheeye ..”
Xubno kale oo ka tirsan Kongereska ayaa si adag u cambaareeyay falalka ay xoogagga RSF ka geysteen Faashir waxana ay ku baaqeen in uu Maraykanku la xisaabtamo dalalka taageeraya kooxda oo ay ka xuseen Imaaraatka Carabta.
Gaaska lixaad ee Ciidanka Suudaan iyo kooxo hubeysan oo ay isgarabsanayeen ayaa dorraad ka baxay magaaladan oo muddo labo sannadood ku dhaw ku jirtay go’doon ay ku hayeeen xoogagga RSF, waxana soo baxay muuqaallo argagax leh oo isugu jira layn wadareed iyo tacaddiyo aad u baahsan oo lagula kacay dad shacab ah.
Dhanka kale muuqaallo laga helay setallaytka ayaa muujiyay maydad badan oo jidadka yaalla iyo goobo dhan oo uu midabkoodu isu beddelay dhiig, arrintaas oo muujinaysa heerka uu gaadhsiisan yahay gumaadka ee ay geysteen xoogagga RSF. Waxa aad u baahay askarta xoogagga oo muuqaallo iska duubaya, iyaga oo laynaya ama bahdilaya dad shacab ah kuna weeraraya erayo la xidhiidha isir-nacayb.
Magaalada Faashir ayaa ah halkii u dambeysay ee uu Ciidanka Suudaan ka joogo gobolka weyn ee Daarfuur, waxana ay qabsashadani sii xoojinaysaa awoodda kooxda RSF ee galbeedka dalka, iyada oo ay kor u sii kacayso suuragalnimada in uu dalka Suudaan u kala go’o labo qaybood, mar kale.