Sunday 16 November 2025
Masraxiyadda “Codad Dabaylo Sidaan”, ee uu qoraaga weyn ee reer Ivory Coast, Bernard Dadie, soo saaray 1970-kii, waxa lagu tiriyaa dhaxalka suugaaneed ee ka markhaati kacaya kadeedka hoggaamineed iyo kelitalisnimo ee Afrika, xornimadii ka dib. Waxa ay dhaliilo dhiirran u jeedisaa faca hoggaamiyayaasha ah ee xukunka ku gaadhay qaab aan dimuqraaddi ahayn, isuna beddelay gaboodfalayaal bulshadooda ku haya cagajuglayn iyo cabudhin. Dhaliishani waa habdhaca seeska u ah masraxiyaddan ku dulwareegaysa shakhsiyadda Naahuubo, oo iska beddelay nin darxumaysnaa, noqdayna madaxweyne gacankulul oo uu humaagga dhibbanayaashii uu laayay eryanayo.
Sidaas darteed, guudmarkani kuma koobna taxliilinta dhacdooyinka masraxiyadda, ee waa akhrin dhaafsan intaas, oo koobsanaysa u daadigidda sarbeebta masraxiyadda, si aynnu u fahanno caqabadaha la wadaago ee dalal badan oo Afrika ahi la tacaalayaan, kuwaas oo ilaa hadda ku jira loollan iyo dagaal ba’an oo loogu jiro talada. Gorfayntan intaynu ku jirno, waa inaynnu caddayno in Naahuubo aanu ahayn shakhsiyad taariikh cayiman soo maray, ee keliya uu yahay tusaale ku dabbaqmaya deegaannada siyaasadeed ee Afrika.
Jaranjarrooyinka Naahuubo waxa ay kasoo bilaabmayaan boogo hore noloshiisa ugu yaallay: waa darxumo iyo yasid uu la kulmay, kalluunka uu soo jillaabtayna xoog ay kaga qaadeen kuwo u shaqeeya kalitaliye Naakaata. Dhacdadani waxa ay gelinaysaa isciilkaambi iyo yaqiinsiga awood-darrada uu la hoos joogo maamul kelitaliye ah. Se, waxa dullayntaas loo gaystay gaboodfalka u beddelayaa ma aha isciilkaambigiisa oo keliya, ee sidoo kale waxa kaalin ku leh xaaskiisa ku dhiirrigelinaysa in uu aargoosto, oo uu awood is bido, iyadoo damqaysa boogtaas, si ay awooddiisa iyo cududdiisu keliya u noqdaan waxa uu ku ciilbaxo.
Damacaas oo si indhobeelnimo ah u hagaya, ayaa uu Naahuubo u tagayaa sixiroole Baakuulo, si uu uga qaado ballan uu ku helo awoodda talo aan dabranayn. Sixirooluhu waxa uu siinayaa shardi cad oo argagax leh; Naahuubo waxa ku waajib ah in dilka laba qof oo uu aad u jecelyahay u huro helidda awooddaas. Sidaas ayaa uu Naahuubo ku waafaqayaa shardigaas adag, oo uu ku kacayaa in uu xidhiidhada dad isku xidha kuwa ugu muhiimsan jaro, oo ah in uu dilo hooyadii iyo walaalkii.
Maroorsiga dastuurka ee kelitaliyuhu waxa uu ka dhigan yahay heshiis cusub oo gaboodfalka lala galay, waxana uu sharciyaddii anshax ka xayuubinayaa taladii dalka, sida uu Naahuubo u dilay labadii qof ee ugu dhawaa
Ka dib kolka uu kursiga fuulo, taladiisana uu dhiiggan sal uga dhigo, waxa soo baxaysa ciqaabta wixii uu kursiga u huray. Waxa uu ku guuldarraysanayaa dhabaynta badhaadhe iyo nabadgalyo; oo si kasta oo uu awood u leeyahay, haddana waxa uu diidmo qayaxan kala kulmayaa gabadh uu jeclaaday oo iyadu metelaysa anshaxa qumman, arrinkan oo u xaqiijiyey in maamulkiisu ku guuldarraystay hanashada dadka ama sharciyaddii anshax.
Naahuubo waxa uu is arkayaa isagoo ku dhex cidloonaya qasrigiisii, isagoo illawsan in dadkii silsiladaha cidlada ka jabin lahaa uu jaranjarradii koowaad ee xukunkiisa u sadqeeyey. Waxa intaas u dheer in Naahuubo uu mucaaradad adag kala kulmayo dumarka, kuwaasoo si cad u diidaya damaciisa dagaal oogidda ah, kuna doodaya in burbur mooyee aanu wax kale xukunkiisu wadan.
Masraxiyaddu waxa ay tebinta uga gudbaysaa taxliilin, si ay usoo bandhigto sarbeebta gunta dheer ee uu Bernard Dadie u adeegsaday naqdinta kelitalisnimada. Xaaska kaalinta ku leh kicinta Naahuubo waxa ay metelaysaa siyaasadda danaysiga ku dhisan ee dhiirrigelisa gacan-ka-hadalka iyo xeeladaysiga. Waa astaanta dagidda qofka damaciisa u beddesha walaahow uu qiime kasta ku rabo.
Dilka hooyada iyo walaalkuna waa sarbeeb u taagan qaybta ugu xanuunka badan; dilka hooyadu waxa uu u taaganyahay khiyaanada dalka iyo hoggaaminta, dilka walaalkuna waxa uu u taaganyahay dhabarka ka toogashada iskuxidhnaantii bulsho iyo midnimadii. Waa sababta maamulka Naahuubo ee dhiiggan ku unkamay uu u la’aa sharciyad anshax. Shardiga uu Naahuubo la galay sixirooluhuna waa mid u dhigma ballanka kharriban ee kelitaliye kastaa la galo kuwa fasaadka ku gacansiinaya, oo shardigu yahay ka tanaasulidda dareenka aadamannimo iyo damiirka, oo lagu beddesho talo aan xayndaab lahayn.
Sida ay ku dambeysay talada Naahuubo ma aha dhammaadka talada qof keli ah, ee waa mid xaqiijinaysa in nidaamka ku salaysan gafka iyo gaboodfalku uu isla isagu tunka ku sito suntiisa
Ka tanaasuliddan mabaadi’du waa mid keenaysa cidlo joogsi iyo go’doon abadiya ah: illawga dhow ee uu Naahuubo ku illaawayo dhibbanayaashiisii hore waa mid u muujinaysa sida badheedhka ah ee uu noloshiisa uga saaray kuwo garab u ahaa; iyadoo gaboodfaluhu uu dadka ugu dhow u sadqaynayo si uu fanashada damaciisa ugu sii socdo, se ugu dambayn is arkaya in uu bar bannaan joogo. Diidmada dumarku kala hor imanayaan maamulkiisu waxa ay tusinaysaa diidmada bulsheed, arrinkan oo adkaynaya in awoodda kursiga aan lagu heli karin qalbiyada ama sharciyadda dhabta ah.
Masraxiyadda Bernard Dadie waa mid uu la jaanqaadkeeda waayaha Afrika markasta joogo, oo habdhaceeda iyo sarbeebteeduba si toos ah u metelayaan waaqaca siyaasadeed ee Afrikadan casriga ah.
Maroorsiga dastuurka oo sal looga dhigo damaca shaydaaniga ah: habdhaqanka Naahuubo waxa uu maanta ka muuqdaa [madaxda] maroorsata dastuurka, si ay muddoxileed kale ugu galaan doorasho, ama si ay xusheen u beddelaan seeskii maamul. U xusulduubka sidan ahi waa mid u dhigma heshiiskii “sixiroolaha”, se casri ah, sababtoo ah waxa laga tanaasulayaa mabaadi’dii aasaasiga ahayd ee maamulka toosan, waxaana lagu beddelanayaa awood aan dabranayn. Maroorsiga dastuurka waxa loo arkaa heshiis cusub oo gaboodfalka lala galay, oo waxa uu sharciyaddii anshax ka xayuubinayaa taladii, sida uu Naahuubo u dilay labadii qof ee ugu dhawaa.
Ka takhallusidda qofka siyaasad ahaan kuu dhow ee beryahan dambe cusubi waa mid u dhiganta dilkaas walaalka, oo sidaa uu Naahuubo walaalkii u dilay waa figta khiyaanada, si qofku u dammaanad qaado in uu talada si toos ah isugu sii ballaadhiyo. Arrintani waa mid maanta ka muuqata nidaamyada kelitaliska ahi qaabkay iskaga fogeeyaan mucaaridka la tartamaya, ee ay dabinnada fogaynta ah ugu maleegaan. Dilka tooska ah si ka duwan, maanta waxa la adeegsadaa dabridda tartankii sharciga ahaa iyo in shuruudo waxba-kamajiraan ah la dul dhigo. Qaababkani keliya ma mijoxaabinayaan seeskii dimuqraaddiyadda, ee sidoo kale waa mid dhabarjabin ku ah iskuxidhnaanta bulsho, natiijada soo baxdaana noqonayso: tirtiridda tartankii sharciga ahaa iyo sal-u-dhigidda xukun aan metelaad dhab ah ka haysan bulshada.
Qaababka uu Naahuubo u maray awooddu keliya ma mijoxaabinayaan seeskii dimuqraaddiyadda, ee sidoo kale waa mid dhabarjabin ku ah iskuxidhnaanta bulsho, natiijada soo baxdaana noqonayso: tirtiridda tartankii sharciga ahaa iyo sal-u-dhigidda xukun aan metelaad dhab ah ka haysan bulshada
Masraxiyadda dhexdeeda sidaas ayay dhacdooyinku ku soconayaan ilaa humaaggii dhibbanayaashu uu bilaabo in uu kelitaliyahaas dhex baacsadaan qasriga, oo noloshiisu isku beddesho xabsi iyo riyo argagax joogta ah leh. Humaagyadani waa culaysda dambiyadii uu galay oo usoo qofoobay, waana arrin xaqiijinaysa in awoodda dhabta ahi ku jirto xusuusta iyo damiirka, gaboodfaluhuna argagax joogto ah la noolyahay. Waa mid sheegaysa in ciqaabtu qofkaas uga bilaabanto jabka nafsadeed, oo ah in uu isagu gacantiisa isku ciqaabayo. Ka dib masraxiyadda dhexdeeda waxa soo baxaya abeesooyin waaweyn oo ilaaliya, se ugu dambayn iyaguna is dilaya si kastoo uu u amro. Waa tilmaan u taagan seeska mugdiga ah ee xukunkiisu ku salaysanyahay, waana wax tilmaamaya in isla wixii uu isku ilaalinayey ugu dambayn kala daadatay, oo xukunku imika gudaha iska cunayo.
Masraxiyadda “Codad Dabaylo Sidaan” waxa ay soo bandhigaysaa dhammaad argagax leh oo aan, weliba, laga fursanayn, qofka gaboodfalaha ahina ku xukumanyahay oo uu ku ciqaabanyahay la kulanka codadkaas iyo mugdigaas. Ma aha dhammaadka talada qof keli ah, ee waa mid xaqiijinaysa in nidaamka ku salaysan gafka iyo gaboodfalku uu isla isagu tunka ku sito suntiisa, sidaas darteed, awoodda la maroorsaday marna aanay ka adkaanayn awoodda dhabta ah ee ugu dambayn lagu xukumanyahay.
Farriinta ku jirta masraxiyaddu waa baaq siyaasadeed oo ku baaqaysa caddaalad, kelitaliyayaashana uga digaysa in haysashada awoodda iyo maamulku ay ugu dambayn keento kacdoonka damiirka shacabka. Sidaas darteed, masiirka argagaxa leh ee masraxiyaddu waa dhawaaq aan dhimanayn, oo dhabaynaya in awoodda xaqa ku taagani ay aakhirka loodin doonto awoodda la maroorsaday, hoggaamiyaha dhabta ahina aanu deggenaan heli karin ilaa inta uu hubsanayo in bulshadiisu karaamaysantahay oo xuquuq haysato.