Skip to main content

Saturday 14 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Mashruuca dawladnimo ee Soomaaliya waa mid fashil qarka u saaran

17 August, 2025
Image
Mashruuca dawladnimo ee Soomaaliya waa mid fashil qarka u saaran
Share

Jidka isku xidha magaalada Garoowe ee caasimadda maamul-goboleedka Buntilaan iyo dekedda Boosaaso, waxa uu dhexmaraa dhul ay gacanta ku hayeen laba kooxood oo ka mid ah kuwa ugu halista badan kooxaha jihaadiyiinta ah ee dunida. Buuraha bari ee fog, waxa fadhiisimo ka samaystay unugyo taabacsan ururka Daacish, deegaanno ku teedsan galbeedka jidkana waxa gacanta ku hayay ururka Al-Shabaab, oo ah faraca ugu awoodda iyo firfircoonida weyn ururka al-Qaacida.

Ciidamada Buntilaan, oo taageero ka helaya duqaymaha cirka ee Maraykanka iyo Imaaraadku fulinayeen, waxa ay siddeedii bilood ee la soo dhaafay dagaal ku qaadeen ururka Daacish. Sida la qiyaasay, weerarkani waa mid si weyn u guulaystay, oo sida uu xusayo Maxamed Mubaarig, madaxa ha’ayadda amniga ee Maamulku, ciidamadu waxa ay ka takhalluseen 800 oo ka tirsan unug ka koobnaa 959 ilaa 1,100 oo dagaalyahan oo Daacish taabacsanaa, inta kooban ee soo hadhayna waxa ay ku go’doonsan yihiin godadka dhulka buuralayda ah ee ay ku dhuumaalaysanayaan. Maxamed waxa uu si kalsooni leh u aaminsan yahay in dhammaan laga takhallusi doono. Dhinaca kale, Madaxweynaha Buntilaan, Siciid-Deni, waxa uu higsanayaa in kooxaha argagixisada laga sifeeyo Buntilaan, ka hor inta aanu dhammaan sannadkan socdaa.

Guulahan Buntilaan waxa ay ka duwan yihiin xaaladda amakaagga ah ee uu dalka intiisa kale ku jiro. Saddex sano ayaa laga joogaa markii Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay Madaxweynaha, xukuumadda Federaalkuna weli waa mid tabcaan ah. Al-Shabaab waxa ay dib u qabsatay deegaannadii badhtamaha dalka ee hore looga saaray. Sannadkan waxa ay duqayn ka gaysteen madaarka Muqdisho, weftigii Madaxweynahana waxa la la beegsaday weerar uu dirqi kaga badbaaday, xubno weftiga la socdayna ku dhinteen. Xaaladdani waxa ay ku soo beegmaysaa xilli dalalkii Galbeedku hoos u dhigeen taageeradii ay Soomaaliya la garab joogeen, oo ah tallaabo gilgilaysa mid ka mid kuwii ugu horreeyey mashaariicda dawlad-dhiska ee dunida.

Saddex sanno ka hor, guuldarradan lama filayn. Xasan Sheekh waxa uu horumar degdeg ah ka gaadhay la dagaallanka Al-Shabaab, waxaanu dhabeeyey guulo diblumaasiyadeed, oo ay ka mid yihiin: in Soomaaliya laga qaaday xayiraaddii hubka ee Qaramada Midoobay ay dalka ku soo rogtay sagaashanaadkii, markii dawladdii dhexe meesha ka baxday. Waxa kale oo ka mid ah in 2023-kii heshiis lagu gaadhay in Soomaaliya laga dhimo daynta, iyada oo laga saamaxay amaah dhan 4.5 bilyan doollar, tallaabadan oo Soomaaliya u saamaxday in ay ku soo laabato nidaamka maaliyadda ee dunida. Sidoo kale, xukuumadda Xasan Sheekh waxa ay dunida ka heshay hiil iyo taageero ballaadhan, kaddib markii ay Itoobbiya isku khilaafeen afgaradkii  ay wada gaadheen Somaliland.

S e anfariirka dhabta ahi waxa uu bilaabmay bishii Maaris, 2024, kolkan oo ay xukuumadda Soomaaliya bedka keentay xeerka wax ka beddelka distuurka, oo madaxda xukuumadda awoodo dheeraad ah siinaya, hannaankii doorasho ee aan tooska ahaynna ku beddelaya doorasho qof-iyo-cod ah. Judhiiba wax-ka-beddelkan waxa lagu tilmaamay isku-day lagu mijoxaabinayo nidaamka federaalka ee awalba tabcaanka ahaa, se maamul-goboleedyada, sida Buntilaan, awood u siinayey in ay u madaxbannaadaan hawlahooda, siiba nabadgalyada iyo cashuuraha. Walow madaxweynayaal horeba isku-dayeen in talada dalka lagu soo ururiyo Muqdisho, haddana tallaabadan Xasan Sheekh waxa lagu tilmaamay mid aan hore loo arag, dhiirranaanteeda awgeed, sida uu ku doodayo Cabdi Faarax Juxa, oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Buntilaan.

Khilaafkani waxa uu sii ballaadhiyey ismaandhaafkii awalba ka dhex taagnaa xukuumadda dhexe iyo maamul-goboleedyada. Buntilaan waxa ay si toos ah xidhiidhka ugu jartay Muqdisho, 15 bilood ka hor. Madaxweynaha maamulkan, Siciid-Deni-na waxa uu taageerayaa hannaan federaal oo la mid ah midka Imaaraadka, oo toddobada imaaradoodba ay si siman u qaybsadaan talada. Masuuliyiin ka tirsan Buntilaan ayaa sidoo kale ku doodaya xoojinta xidhiidhka Buntilaan iyo Somaliland.

Xidhiidhka Muqdisho iyo Jubbalaan, ayaa ah midka ugu kakan, khilaafka ugu xoogganina ka jiro. Xukuumadda Federaalku waxa ay bishii Noofambar ee 2024 diidday dib u doorashada Sheekh Axmed Madoobe, oo ah Madaxweynaha maamulka, si weynna isku colaadiyaan Xasan Sheekh. Labada dhinac waxa ay bixiyeen amarro lagu soo xidhayo kan kale. Xukuumaddu waxa ay xidhay madaarkii Jubbalaan, waxaanay diidday in qoondada lacagta ee maamulkan loo fasaxo. Bishii Julaay ee ina dhaaftay, ciidamada Jubbalaan iyo kuwa Federaalka waxa dhex maray dagaal qadhaadh, oo ugu yaraan shan qof ku dhinteen.

Xukuumaddu waxa ay isku difaacdaa doodda ah in dhibaatooyinkan jiraa qayb ka yihiin dabeecaddii soojireenka ahayd ee uu lahaa loollanka dawladda dhexe iyo maamul-goboleedyadu. Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar, waxa uu tilmaamayaa in madaxweynihii Xasan Sheekh ka horreeyeyba khilaaf xooggani kala dhexeeyey maamul-goboleedyada oo ay Buntilaan ka mid tahay.

Hase ahaato e, hoos u dhaca gargaarkii caalamiga ahaa waa waxa markan ka digaya saamayn halis badan in uu keeno. Waxa uu qorshuhu ahaa in sannadkan la beddelo Ciidamada nabad-ilaalinta ee Midawga Afrika ka socda, lana aasaasay sannadkii 2007-dii, si ay nabadda Soomaaliya u ilaaliyaan, Al-Shabaabna ula dagaallamaan, tirada lagu beddelayana la dhimo. Kaddib sugitaan qaatay siddeed bilood, weli dawladihii qaadhaanka bixinayey waa kuwo ka labalabaynaya kharashka. Midawga Yurub waxa uu bixinayaa lixdan milyan oo Yuuro, se haddana nusqaanta maalgelintu waa mid taagan, kaddib markii dalalka Qadar, Imaaraadka iyo Sacuudigu diideen in ay ka qaybqaataan, Maraykankuna uu dhimay kharashaadkii, oo halka uu sannadkii 2023-kii kaga qaybqaatay 1.2 bilyan doollar, sannadkan uu kaga qaybqaadanayo 400 milyan oo doollar, dhinaca kalena, Ciidamada Qaranka Soomaaliya aan u qoondayn miisaaniyaddoodii cuntada, shidaalka iyo mushaharka.

Hoos u dhaca taageerada waxa loo aanaynayaa isbeddelka ku yimid waxyaabihii ay siyaasadda Maraykanku mudnaanta siin jirtay, laakiin isbeddelkan ka sokow, Waashinton gudaheeda waxa kordhaya shakiga laga qabo dhabnimada mashruuca dawlad-dhiska Soomaaliya, ee tobannaan sanno oo taageero ah kaddib, weli aan taabbogelin. J. Peter Pham, oo muddoxileeddii hore ee Trump ahaa ergayga Maraykanka u qaabbilsan Afrika, waxa uu is weydiinayaa: “Kaddib soddon sanno oo guuldarro ah, miyaanay mudnayn in beddel kale laga fekero?”

Sidaas oo ay tahay, ma muuqato in Maraykanku si dhammaystiran faraha uga la baxayo Soomaaliya. Laga soo bilaabo bishii koowaad ee sannadkan, maamulka Trump waxa uu duqaymo cirka ah ku weeraray kooxaha Jihaadiga ah, ee ay ku jiraan bartilmaameedyo Daacishta Buntilaan ah. Ha se ahaato e, waxa jira codad muhiim ah oo Waashinton kaga dhex doodaya in Somaliland –amaba xitaa Buntilaan- loo tixgashado isbahaysi ka mudan xukuumadda Federaalka, kaddib taageeradaas tobannaanka sanno socotay ee aan midhodhalka lahayn. Somaliland laftigeedu waxa ay ku dedaalaysaa in Maraykanku uu xeebteeda ka hirgaliyo saldhig ciidan, oo ay dhaafsato aqoonsi. Bishii Juun, waxa Somaliland booqday Jeneraal Michael Langley, oo ah sarkaalka ugu sarreeya Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM).

Ha se ahaato e, isbeddel kasta oo sidan ahi, waxa uu Muqdisho u bandhigayaa halis weyn. Badhtamaha iyo koonfurta dalka, khilaafka siyaasadeed iyo dhimidda kaalmadii dibaddu waxa ay si toos ah u saamaynayaan awoodda ciidanka dalka. Sarreeye-guuto, Axmed Cabdillaahi Sheekh, oo ah taliyihii hore ee ciidanka Danab oo ah ciidamo ay Waashinton si gaar ah u tababbartay, waxa uu walaac ka muujiyey dilal taxane ah oo loo gaystay hoggaanka ciidamada, waxaannu aaminsanyahay in falalkani yihiin natiijo ka dhalatay in ay Al-Shabaab ciidanka ku milantay. Si ka duwan xaaladda Buntilaan, jihaadiyiinta koonfurtu waa ay sii xoogaysanayaan. Waxa la sheegay in kooxdu taakulo hub iyo tababbar ahba ay ka hesho kooxda Xuutiyiinta ee Yaman, waxaana laga cabsi qabaa in Al-Shabaab ay isku biimayso qabsashada Muqdisho.

Waa run in faragelin ay sameeyaan dalalka dibaddu, gaar ahaan Qadar iyo Turkigu, ay meesha ka saarayso qabsashada Muqdisho, haddana khiyaarrada kale ee bannaani waa kuwo sii xumaanaya. Maqnaanshaha maalgelinta Ciidamada Hawlgalka Midawga Afrika waa mid sababaya in xaaladda jirtaa sannadba sannadka ka sii dambeeya ay ka sii darto, sida uu ku doodayo Cumar Maxamuud oo ka tirsan Kooxda Qalalaasaha Caalamiga ah (International Crisis Group). Dad kale ayaa ka cabsi qaba in dagaalladii beeluhu ay soo labakacleeyaan, waa xaaladda uu cilmibaadhe Afyare Cabdi Cilmi uu ku magacaabay “dagaal wakaaladeed oo wejiyo badan”, oo uu uga jeedo fididda kooxaha hubaysan ee ay kala taageerayaan awoodaha dibadda ee loollamaya, oo ah xaalad sii adkaynaysa suurogalnimada in la gaadho heshiis siyaasadeed. Si kooban, mid ka mid ah dalalka ugu tabarta daran Afrika, ayaa khilaaf hor leh iyo dumitaan cusub u jihaystay.