Friday 13 February 2026
Maalinkii koowaad ee muddo-xileedkan labaad ee Donald Trump, wargeysyadu waxa ay baahiyeen sawir argagax leh oo ah gabadh Kolombiyaan ah oo murugo awgeed jilbaha dhulka dhigtay kaddib markii amar madaxweyne lagu joojiyey barnaamijkii caanka ahaa ee CBP One, oo muhaajiriinta sida gabadhaas oo kale dunida ka kala yimi u saamaxayey in ay qabsadaan ballan ay magangalyo ku codsadaan ama ay dib ula midoobayaan qoysaskooda, kumannaan gabadhani ka mid tahay ayaa hubanti la’aan waajahay, waxaana ka dhashay in xuduudda koonfureed laga hirgeliyo magaalooyin xabsiyo ah oo dadka lagu ururiyo.
Muddo-xileedkiisii koowaad, trump waxa uu hirgeliyey hab lagu ilaaliyo muhaajiriinta oo loo yaqaan ‘ku hakashada Maksiko’. Waa hab dhigaya in muhaajiriinta kasoo tallaabaya xuduudda Maksiko ay ku hakadaan Maksiko inta la hubinayo codsigooda. Waxa kale oo uu soo rogay Xeer 42, oo dhigayey in Maraykanku tarxiili karo magangalyo doonka iyada oo aan la eegin codsigooda magangalyo isaga oo kolkaas ka faa’idaysanayey xanuunkii Karoonaha. Madaxweynihii ka dambeeyey ee Biden ayaa laalay labadan hab ee Trump soo rogay, sannadihii 2022 iyo 2023. Isain Mandujano oo dhaliilayey siyaasadahan ayaa sheegay in “Maraykanku Maksiko u daayay in ay shaqooyinkan aan habboonayn qabato”, muhaajiriinta sugitaanka ku jira ee jooga xuduudda waqooyi iyo koonfureed ee Maksikana halis ugu jiraan dhibaatooyinka kooxaha maandooriyaha ka ganacsada iyo dumarka oo xadgudub jinsi loo gaysto. Muddo-xileedkan labaad Trump waxa uu soo celiyey halkudhiggiisii ‘ku hakashada Maksiko”, walow madaxweynaha cusub ee Maksiko, Claudia Sheinbaum, ay caddaysay in aanay “Maksiko aqblayn in ay qaabbisho muhaajiriinta u socda Maraykanka ee halkaas magangalyada ka raba”, se ay u fidin doonto kaalmo aadame, arrinkan oo muran la’aan laga dheehan doono adeegyada milatariga Maksiko iyo ilaalinta xuduuddooda.
Aniga oo ah ruux reer Maraykan ah oo ku takhasusay deraasadaha Afrika, kana hawlgala Maksiko, maalinna ma sawiran in aan samayn doono deraasad ku saabsan goob aad ugu dhow waddankayga. Marar badan shaqadaydu waxa ay ila gashay Sinigaal iyo dalalka Galbeedka Afrika, waxaanan la falgalay muhaajiriinta Sinigaal ee Talyaaniga iyo Isbayn ku sugan. Sidaas oo ay tahay, 202 waxa wicitaan iiga yimid xarun ku taalla magaalada Maksiko siti, oo lagu qaabbilo muhaajiriinta laga tirada badan yahay ee aan cidi la socon. Waxa la iga codsaday in aan u turjumo wiil yar oo Sinigaal ka yimi, luuqadda keliya ee uu ku hadli karaana tahay Wolof-ka. Safarkiisan uu Maksiko ku yimid waxa uu doonayey in uu nasiibkiisa ka qaado qulqulka xuduudda Maraykanka lagaga gudbayo. Waxa uu la socday koox Sinigaal ka timi, oo soo maray Marooko iyo El Salvador, ka hor intaanay masuuliyiinta laanta socdaalku ku qaban madaarka Maksiko siti. Dabadeed waxa loo diray xaruntan, waxaanu diiday cunto iyo in uu dadka dhexgalo. Waxa uu ku wareersanaa, kana walaacsanaa sababta loo xidhay. Isaga, wiil 13 jir ah oo Gaambiya ka yimi iyo wiil 17 jir ah oo ka yimi Muritaaniyaba waxa laga walaacsanaa in ay u gacangalaan kooxaha dadka tahriibiya ee xuduudda Maraykanka geeya. Saddexdaba waxa horyaallay in ay kala doortaan: in lagu celiyo dalalkoodii, in ay magangalyo weydiistaan Maksiko oo aanay ka sii gudbin iyo in ay codsadaan in ay xubin qoyskooda ah oo Maraykanka jooga u tagaan iyaga oo ballan ka qabsanaya barnaamijka CBP One, ballantoodana ku sugaan xaruntaas ay ku xidhanyihiin. Midkoodna ma rabin labada doorasho ee hore. Wiilka reer Sinigaal waxa aannu aabbihii iyo adeerkii ka helnay Maraykanka, oo lala dejin karo, se suurogal may ahayn ilaa walaalkiisa ka weyn isna safar la mid kiisii uu soo galo oo uu Maksiko yimaaddo, si uu uga caawiyo in uu xarunta kasii daayo, sidaasna xuduudda ku tagaan.
Wiilka reer Murutaaniya waxa uu Maksiko ku yimi safar gebi ahaan ka duwan ka wiilkaas reer Sinigaal. Waxa uu tahriibka go’aansaday kaddib markii dhawaan hooyadii dhimatay, aabbihiina waa qof weyn oo aan shaqayn karin. Qaar badan oo ilmaadeerradii ah ayaa Maraykanka ka horgalay, oo safarkan oo kale soo maray, waxaanu rejaynayey in uu ku biiro. Waxa uu iiga warramay in uu diyaarad ka soo raacay caasimadda Murutaaniya ee Nouakchott, oo dabadeed diyaarad isugu maray dalalka Marooko, Turkiga, Kolombiya iyo El Salvador, kaddibna uu ka degay Nicaragua. Waxa uu safarkiisa kasii watay Nicaragua, oo uu ku safray bas iyo doonni, mararna lugeeyey, isagoo u kala gudbay Honduras, mar kale El Salvador iyo Guatemala, ugu dambayn na soo gaadhay Maksiko. Waxa lagu qabtay magaaladan Maksiko siti, oo la geeyey xaruntan. In lagu celiyo dalkiisii ikhtiyaar u furan muu ahayn, sidaas darteed, xaruntu waxa ay ka shaqaysay in ilmaadeerradiisa Maraykanka jooga lagu xidho, lana sugo inta laga aqbalayo codsigiisa ah in uu ehelkiisa ku biiro. Sannad uu Maksiko ku qaatay, oo uu Isbaanishka ku bartay kaddib, waa la qaaday, waxaana la dejiyey oo uu hadda ku suganyahay magaalada Kolombos ee gobolka Ohio.
Tirokoobyada laga sameeyey muwaaddiniinta Afrikaanka ah ee Maraykanka ku qulqulaya, Maksikana ka gudbaa, waxa ay caddaynaysaa in tiradu aad u korodhay tobankii sanno ee u dambeeyey. Korodhkani waxa uu dhibaatada kusii kordhinayaa dhibaatooyinkii hore uga jiray xuduudda Maraykanka iyo Maksiko oo ay hore u buuxiyeen muhaajiriinta ka yimaadda Ameerikada Dhexe iyo ta Koonfureed. Yurub, kolkii ay adkaysay xuduudaheeda, Afrikaan badan ayaa helay waddooyin cusub oo halis ah, oo ay ku galaan Maraykanka, si la mid ah saddexdan wiil. Tirokoobka Laanta Socdaalka Maraykanka ee 2020-kii waxa uu muujinayaa in tirada muhaajiriinta Maraykanka u socda, soona dhexmara Maksiko, ee aan ahayn muwaaddiniinta Ameerikada Dhexe iyo Koonfureed, ay tirada muhaajiriinta boqolkiiba 12 ka ahaayeen. Sannadkii 2023, muhaajiriintan dunida kale ka yimi waxa ay ahaayeen boqolkiiba 51. Intii u dhaxaysay 2007 ilaa 2018, tirada muhaajiriinta Afrikaanka ah ee Maksiko uga gudbay dhanka Maraykanku waxa ay ka kordheen 460 iyaga oo noqday wax ku dhow 3000. Intii lagu jiray muddadan, muhaajiriinta Afrikaanka ah waxa u badnaa muwaaddiniinta kasoo jeeda Soomaaliya, Ereteriya iyo Koongo. Bilawgii 2015, muhaajiriin badan ayaa kasoo qulqulay Sinigaal iyo Gini Konakri, sannadkii 2019 na waxay tiradoodu gaadhay 7065 qof. Sannadkii 2021, markii dib loo furay xuduudda Koosta Riika, Panama, tirada muwaaddiniinta Afrikaanka ah ee Laatiinka soo dhexmaraa waxa ay gaadhay 5084. Maqaal lagu baahiyey AP News, waxa uu xusayaa in sannadkii 2022, muhaajiriin Afrikaan ah oo dhan 6672 ku sugnaayeen Maksiko, tiradan oo sannadkii 2023 isku beddeshay 59,834 muhaajir. Tirokoob dawladda Maksiko soo saartay dhammaadkii sannadkuna waxa uu muujinayaa 46,288 muhaajir oo aan dhukumantiyo haysan oo dalka ku sugan.
Muddo-xileedkii hore ee Trump, Maksiko waxa ay noqotay meel lagu kala horo muhaajiriinta, halisna ay ugu jiraan in ay xuquuqdooda ku waayaan. Sannadkii 2019 Trump waxa uu Maksiko ugu hanjabay in uu cashuurta ku kordhin doono, Maksiko oo qodobkan tallaabo ka qaadaysaana waxa ay joojisay fiisayaasha ay siiso muhaajiriinta kasoo galaya Guatamala. Dad badan oo muhaajiriintan ka mid ah waxa ay magaalooyinka xuduudda koonfureed ka samaysteen ururro, sida magaalada Tapachula, xitaa waxa ay samaysteen ururka muhaajiriinta Afrikaanka, waxaanay ka bannaanbaxeen tacaddiyada ciidamada socdaalku dadka u gaystaan. Trump, sanadkii 2019 waxa uu mar kale ku gooddiyey in uu badeecada Maksiko ka timaadda saarayo cashuur boqolkiiba 25 ah. Madaxweynihii Maksiko oo ka digtoon saamaynta dhaqaale ee arrinkani yeelan karo ayaa ballanqaaday in uu toban kun oo ciidamada ilaalada xuduudaha gayn doono xadka waqooyi, si ay uga war hayaan halista kooxaha daroogada ka ganacsada iyo qulqulka muhaajiriinta. Sida uu xusayo agaasimaha Xarunta Xuquuqda Aadamaha, Santiago Aguirre, sidii ay arkeen 2019-kii, samaynta ciidamadaas xuduudda ilaaliyaa waxa uu sii abuuray dhibaatooyin dadka muhaajiriinta ah loo gaysto. Ray iyo Flores oo diraaseeyey saamaynta muhaajiriinta aan haysan dhukumantiyo ku leeyihiin caafimaadka guud, waxa ay ku doodeen in muhaajiriinta Afrikaanka ahi la kulmaan dhibaatooyin badan kala kulmaan caqabadda luuqadeed ee haysta, midabtakoorka, jidadka halista ah iyo dhukumantiyo la’aanta. In aanay dalalka Afrika badankoodu qunsuliyado ku lahayn Maksiko lafteedu waa caqabad kale oo haysata muhaajiriintan.
Dhawaan waxa aan la hadlay shaqaalihii xarunta saddexda wiil ee aan la kulmay lagu hayay, waxaanay ii sheegeen in muhaajiriin badan oo carruur ah ay hayaan oo ballantii codsigooda ah in ay ehelkooda ku biiraanna la laalay, iyaguna aanay garanayn wax ay sameeyaan. Hadda oo fursadihii muhaajiriintu haysteen sii yaraadeen, xukuumadda Maksiko waxa ay waajahaysaa dhibaato ballaadhan. Maksiko ma waxa ay noqon doontaa meel muhaajiriintaas Afrikaanka ah ee rabay in ay ka gudbaan ay ku nagaadaan? Se sidee xukuumadda Maksiko iyo bulshaduba uga felcelin doonaan? Sida Marinda xusayso, sannadkii 2021, oo 2034 oo muhaajiriin Afrikaan ah la xidhay, oo ahayd tiro kooban, in shaqaalo la’aanta iyo koobnaanta adeegyadu sababeen in nidaamkii qaxoontigu burburay, hadda oo tirada aad uga badatay intaas, Maraykuna albaabadii xidhay, sidee masiirkoodu noqon doonaa? Maxay se noqon saamaynta ay ku yeeshaan bulshada Maksiko.
Waxa laga soo turjumay halkan.