Skip to main content

Wednesday 9 October 2024

Aragti

Mashaqada Adeegga Caafimaad ee Soomaalida

19 September, 2024
Image
bukaan
Sawirka: Nin bukaan ah, Vassily Maximov (1844–1911)
Share

Bukaan Faarax waxa uu muddo dheer ahaa bukaan-socod, sida ay Soomaalidu u taqaan qofka aanay xaaladdiisa caafimaad degganayn, haddana aan u jiifin kuna foognayn in uu si firfircoon u raadsado baanasho. Waxa uu si joogto ah u qaadanayay daawada yareysa aysiidha caloosha ee, inta badan, loo cuno cudurka ay Soomaalidu ugu yeedho ‘Gaasterida’. Dhab ahaan Mudane Faarax iska ma uu bilaaban daawadan, sida ay dad badani yeelaan e, isaga waxa u qoray dhakhtarro dhawr ah oo uu mar hore talo biday. 

Waxa uu in muddo ah ka cabanayay xanuun laabta ah oo dhanka bidix u badan, daal iyo jidh xanuun. Sida uu sheegay, waxa uu u tagay dhakhtar caan ah oo, baadhitaan ka dib, ku sheegay kana daaweeyay Gaasteri. Baadhitaannada laga qaaday laftooda waxa ka muuqatay in uu dhakhtarku ka baadhayay Gaasteri iyo cudurro kale oo aan toos ula xidhiidhin cabashadiisa. Muddo sannad ah oo aanay xaaladdiisa waxba iska beddelin, waxa uu ku celceshanayay daawadii ‘Gaasterida’ ee hore loogu qoray. Mar labaad ayaa uu dhakhtar u tagay una cawday. Waxa uu isna u diray baadhitaanka H. Pylori, kuwo kale oo guud iyo sawirka diiradda caloosha (endoscopy). Waxa kale oo loo sameeyay combiyuuterka uur-ku-jirta caloosha (abdominal U/S) Waxa, keliya, soo baxday bakteeriyada caloosha (H. Pylori) waxanu u qoray saddex daawo oo loogu talagalay cidhibtirka bakteeriya iyo bogsashada nabarka caloosha, in kaste oo aan diiradda lagu arag wax nabar ah. Muddo kale ayaa ka soo wareegtay oo markii ay laabta bidix xanuuntaba uu kaniinkaas liqo kuna jiifsado, illaa uu ladnaado. Dheragga iyo socodka ayaa ugu darnaa, sida uu ii sheegay. Maalin maalmaha ka mid ah oo uu casuumad ka qaybgalay ayaa uu aad u xanuunsaday; waxa uu culeys ka dareemay dhankii bidix ee laabta, waxa ku adkaaday neefsiga waxanu yeeshay yalaalugo iyo matag. Maalintaas waxa la jiifiyay cisbitaal waxana labo cisho laga daaweynayay Gaasteri iyo Sumoobid Cunto (food poisoning). Ogobey ma sheegin qof kale oo qadadii maalintaa ku bukooday. 

Muddo kolkii uu xaaladdaas bukaan-socod la ahaa, xaaladdiisana lagu suntay in uu leeyahay Gaasteri ku xumaatay, ayaa uu maalin doonay in uu qof xigtadiisa ah dhiig u shubo. Hawlwadeenkii goobta dhiigshubista ayaa qiyaasay cadaadiska dhiiggiisa waxanu u sheegay in uu aad u kacsan yahay oo aanu dhiig ka shubi karin markan. Si uu dhiigkarkaas looga shakiyay isaga hubiyo ayaa uu maalin ii yimid. Wareysigii xaaladda ayaa uu iigu sheegay cabashooyinkiisaa hore oo dhan, intii uu adeeg caafimaad doontay iyo waxa loo qabtay. Markii aan cabbiray waxa uu cadaadiska dhiiggiisu ahaa 180/110 mmHg. Kolkii aan laabtiisa banneeyay si aan u sahamiyo, waxa markiiba muuqday garaaca wadnaha oo laabta soo riixaya, barta garaaca ugu xooggan, iyana, aad ayaa ay uga leexsanayd bartii caadiga u ahayd. Codad dheeri ah ayaa laga maqli karayay dhegeysiga wadnaha waxaana si cad u muuqatay in uu wadnihiisu ballaadhay oo uu ku socdo hawlgab bilow ah, waxa kale oo muuqatay in calaamadaha uu muddada la liitay ay yihiin wadne-xanuun ka dhashay dhiigga oo aan ku filnayn muruqa wadnaha (ischemic heart disease - IHD). Waxa aan u diray dhakhtar wadneha ku takhasusay oo caddeeyay intii ka muuqatay iyo in albaabka halbawlaha bidix uu cidhiidhi yahay una baahan yahay qalliin. Faarax waxa halkaas uga bilowday safar caafimaad-raadsi oo ku saabsan wadneha. Markii iigu dambeysay, xaaladdiisu aad ayaa ay isu beddeshay waxana aan u rejeynayaa guul caafimaad. 

Faarax, oo aan ahayn magaca dhabta ah ee bukaanka sheekadani ku saabsan tahay, waxa uu tusaale u yahay xaalad guud oo ku saabsan adeeg-bixinta caafimaadka oo jiheysnayn. Waxa jira mabda’ gundhig u ah go’aan-gaadhka dhakhtarka waana in uu xaaladaha cabasho ee bukaanka u baadho sida ay u kala halis badan yihiin. Cudurrada fududi waa in ay yeesheen mudnaanta ugu dambeysa ee dhakhtarka, taas oo aan ka dhignayn dhayalsi. Habka uu dhakhtarku u furfuro una samahiyo cabashada bukaanka ayaa sidaas ah oo mudnaanta la siiyaa xaaladda ugu halista badan, ka dibna midda ka sii halista yar, iyo ugu dambeyn xaaladda ugu halista yar oo ay qaar noqon karaan kuwo aan dhibaato caafimaad lahayn ee, keliya, u baahan ‘niyad dhis’ iyo fahansiin. 

Qaabka adeeg-bixinta caafimaadka ee dhulka Soomaalidu, inta badan, waa habkaa lidkiisa. Cudurrada ugu badan ee ay dhakhaatiirtu daaweeyaan waa kuwa aan halista weyn lahayn. Marar badan waxa lagu talaxtagaa daaweynta cudurro aanay jirin si loo daweeyo. Taayfoodh, Gaasteri iyo qanja-xanuunka carruurta ayaa loo daaweeyaa qaab ku celcelin iyo wahsi ah. Si guud, waxa ay dhakhaatiir badani eegtaan xaaladaha shaacsan, arrintaas oo keentay in qaabka go’aan-gaadhka dhakhtarku uu u bato sida ay xaaladuhu u kala sahlan yihiin, qaarkoodna aanay weligood dhaafin xaaladaha sahlan. Arrintaasi waxa ay leedahay khataro caafimaad oo aad u daran; waxa ay keentaa in uu bukaanku ka habaabo marinkii caafimaadkiisa, in ay xaalado khatar ahi aad uga daahaan waqtigii wax laga qaban lahaa iyo in, mararka qaar, uu dhakhtarku uga sii daro bukaanka heer uu u dhiman karo daawooyinka uu u siinayo xaaladaha sahlan oo qaarkood ay dedejin karaan xaaladaha halista ah. 

Hannaankan adeeg-bixinta caafimaad waxa uu ka dhashay sababo isbiirsaday oo isugu jira tababar la’aan, xilkasnimo la’aan, nidaam lagu kormeero laguna xakameeyo adeeg-bixinta caafimaad oo aan jirin iyo ujeeddo ah ‘dhayal ku lacageyso’. Ha se ahaato e, intan oo qudhi ma xambaareyso tilmaanta ‘mashaqo’ sababta oo ah eraygaasi waxa uu xambaarsan yahay macne ah in aanu dhinac fayoobi jirin ama xaalad si xun u murugsan. Dhab ahaan, adeeg-bixinta caafimaad ee guud ahaan dhulka Soomaalidu aad ayaa ay u murugsan tahay. Hannaanka ka-gungaadhka cudurka, inta badan, looma hagarbaxo, sida aan kor ku xusnay, shaybaadhka waxa marar badan dadka looga qaadaa in ay lacag ku shubaan khasnadda xarunta caafimaad oo, dhab ahaan, laguma saleeyo baahiyaha caafimaad ee bukaanka, daawooyinku ma aha kuwo tayadooda la yaqaan waxana ay leeyihiin shaki aad u weyn, inta badanna waa dhif in uu dhakhtar la socdo bukaankiisa daawada ka dib. Waxa iyana mashaqo iskeed u taagan ah qaabka ay dadweynehu u isticmaalaan daawooyinka oo halis ku ah bulshada. 

Khasaaraha ka dhasha tayo-xumadu waa mid aan, inta badan, lagu baraarugsanayn. Haddii la qiimeyn lahaa waxa uu ka badan lahaa qiime kaste oo ku kacayo adeeg caafimaad oo qaali ah oo tayo leh oo dalka laga hirgalin lahaa. Ku noqnoqoshada dhakhtar aanu qofku ku raysan, qabatinka daawooyin aan waxtar ahayn iyo muddada bukaannimada dheeraatay oo aanu qofku waxsoosaar yeelanin waxa ay leedahay khasaare dhaqaale, mid nafsadeed iyo, dabcan, mid nafeed oo weyn. 

Marka laga tago goldaloolooyinkaa oo dhan, waxa dhakhaatiir badan ugu wacan in ay daaweeyaan xaaladaha sahlan waa in aanay waqti u haynin in ay si mug leh uga bogtaan xaaladda bukaanka, wareysi ahaan iyo jidh ahaanba. Waxa ay ku xisaabtamaan tirada bukaannada ah ee ay lacag kaga qaateen qaababka kala duwan ee kaadh, baadhitaan iyo daawooyin. Waxa ay arrintaasi keenaysaa in ay dhakhtarka dhaafto, bukaankana uu u hoosaasiyo, xaalado caafimaad oo halistooda leh, kuwaas oo wax laga qaban karo haddii waqtiga ku habboon la ogaado loona gudbiyo ciddii aqoonteeda gaarka ah iyo xirfaddeeda leh. 

Irridda hore ee laga galo caafimaadku waa ‘in aan waxyeello la geysan – do no harm’ ka dibna waxtar loo noqdo qofka lagana shaqeeyo sida ugu wanaagsan ee ay dantiisu ku jirto. Hannaankaas in lagu dhaqmaa waxa ay u baahan tahay in wax laga qabto hannaanka caafimaadka oo ah heer maamul iyo qorsheyaal aragti leh, xoojinta kormeerka oo aqoon ku dhisan, tayeynta waxbarashada iyo joogteynteeda, iyo midda ugu muhiimsan oo ah baraarujinta dadweynaha oo la barayo laguna dhiirrigalinayo isticmaalka xaqooda caafimaad oo uu qofku, ugu yaraan, la xisaabtami karo dhakhtarka dhayalsanaya ee ka degdegsan in uu xaaladdiisa ka bogto. Waa arrin u baahan aragti qumman, maalgalin weyn iyo waqti door ah.