Skip to main content

Tuesday 24 June 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Maseyrka

24 December, 2024
Image
h
Getty Images
Share

Curis cilmiyeedka Dr. Mark L. Ruffalo ee ku saabsan masayrka, si gaar ah dadyawga qaba Jirrada Shakhsiyadeed ee Seeragoyska ah ama Shakhsiyadaha aan Caaddifad ahaan Deganayn (Boderline Personaltiy Disoder), kolkii aan akhriyay waxa aan isweydiiyay oo aad uga fekeray heer intee leeg bay Soomaalidu qabtaa jirradan oo uu saamayn ku leeyahay xidhiidhadooda nololeed: kuwa lammaane, kuwa qoys, qaar walaalo, saaxiibbo, shaqawadaag iyo macaariifba? Sidoo kale, waxa aan dib u jaleecay fiidyawyo badan oo aan barta Tiktoogta ku arkay oo u badan wiilal si ama si kale u boorinaya in gabadh aan masayr lahayn aanay mudnayn guur iyo in lammaane laga dhigto, taas oo baraha bulshada shaacsane ka noqotay oo aad la isu la wadaago, loona arko malkad iyo dhaqan sarrayn leh oo ay tahay in qofta dumar ahi ku astaysnaato. Waxa aan iswaydiiyay waxa dhallintaa ku kellifay in ay dareenka dabiiciga ah ee maseyrka ilaa heerkaa gaadhsiiyaan oo muunadeeyaan oo buunbuuniyaan, iyo waxa ku kellifay ee saameeyey si’aragooda ku aaddan arrintaas; waxaan se ka badin waayay in ay tahay saamayn xagga diinta kaga soo baydhay in ay tahay. Markaa, waxa aan dib ugu noqday Turaathka Islaamku waxa uu arrintaa ka yidhi oo aad ugu dhaw waxa ay dhallintaasi ka aamisan tahay xaaladdaas maseyrka. Bilmetal, si aynnu qodobkan u caddayno, waxa uu Ibnu Qayim al-Jawzi ku oranayaa buuggiisa al-Jawaab al-Kaafii, bogga 45aad, “Asalka diintuba waa masayr  qofka aan masayr lahaynina waa qof diinlaawe ah, masayrkuna waxa uu qalbiga ka ilaaliyaa dhaawacyada oo waxa uu dadka ka weeciyaa xumaha iyo fuxshiga, halka masayr-la’aantu qalbiga ay tawafiso.” Kolka uu sidaa leeyahay wadaadkani,ma ah fatwo cirsilloonkayeedh ah e, waxa uu soo xiganayaa axaadiis badan oo nebiga loo tiiriyo oo ku saabsan arrintan oo ay ka mid yihiin mid odhanaya, “Muuminku waa ka masayra, masayrka Eebbaana ka daran”, “Eebbe waxa uu jecel yahay addoonka masayra”, iyo, ugu danbayn, mid laga soo wariyo in saxaabiga Sacad bin Cibaadah yidhi, “Seef bilaa galaan kurka kaga jari lahaa haddaan naagtayda ku arko nin” dabadeed nebiga loo sheegay arrintaas oo uu isna yidhi, “Oo ma waxa aad la yaabban tihiin masayrka Sacad? Iga walla anigaa ka masayr badan, anigana Eebbaa iga masayr badan” iyo qaar kale oo la mid ah. Waxaa ba jira buugyare nini isugu ururiyay axaadiista ku soo aroortay masayrka Eebbe, ka nebiga iyo saxaabadiisa. Kolkii aan intaa ka soo helay nusuusta diinta ee la hayo waxa igu dhashay waydiimo ah: Masayrka dadka iyo ka nebiga (oo dabcan qof dadka ka mid ah) garatay ee masayrka Eebbe waa sidee? Oo ma dhabaa oo Eebbe waa masayraa? Jawaabihii su’aalahaas isla nusuusta diimaha aniga oo ka dhex baadhaya ayaa xadiiskani qub igu soo yidhi, “Eebbe denbiyada oo dhan waa dhaafaa Shirkiga mooyaane.” Oo horta waa maxay SHIRKIGU? Saw masdarka kelmaddaasi kama iman ‘shariig’ oo ‘wadaage’ ah? Markaa Eebbe waa dhaafaa denbi walba oo isaga laga galo kolka laga tago in waxa uu xaqa isu siiyay ee aadmiga ku waajibiyay cid kale laga siiyo oo ay la wadaagto hoggaansanaantii iyo hayinsamidii uu rabay? Laakiin, saw taasi ma ah waxa ugu wayn ee Eebbe ka masayro mar haddii la inoo soo wariyay in uu, asal ahaan, Eebbe masayro? “Haa” baan isugu madaxruxay, sida ay wadaaddo badan oo diimeedba ku fasireen, oo ka socday. “Laakiin, Eebbe ma ah bani’aadanka oo kale sida nusuustu sheegto ee masayrkiisu waa sidee tolow?” baan haddana weli jawaab u la’aa, ugu danbayn se kaarkeeda waxa iga fujiyay Ludwig Feuerbach oo waxa uu qabaa, sida uu ku xusayo buuggiisa Jawharka Masiixiyadda (The Essence of Christianity), “in iinsaanku atagtida uu ka haysto qudhiisu ay tahay mid la mid ah isla ta uu ka haysto Eebbe, gebi ahaanba, sida aragtida uu Eebbe ka haystaana ay u tahay mid la mid ah isla ta uu ka haysto naftiisa—waa laba isceshanaya oo aan kala dhanbalmin. Haddaba, kolka iinsaanka la joogo waa kuma Eebbe? Waa qudhii iinsaanka ee badhaxala’ayd, ruuxdii iinsaanka ee saafiga ahayd iyo naftii iinsaanka, laftiisii iyo qalbigiisii—waa kaa Eebbe. Eebbe waa muuq ka mid ah muuqaalada dabiiciga ah ee gudaha iinsaanka ku jira. Waa jawharka asliga ah ee isaga qeexaya.” Haddaba, si aad ii la dareentaan arrintaas oo ii la qiimaysaan waxtarkeeda ama waxyeeladeeda aan soo koobo nuxurka qoraalkan iyo wixii aan ka fahmay oo af Soomaali ah.

Horta curiskani waa mid soo bandhigaya aragti aqooneed xeeldheer oo ku saabsan dareenkaa aynnu kor ku soo sheegnay ee masayrka, oo caadi ahaan ah mid dabiici ah, se kolka qof qaba BPD uu haleelo uu isu beddalayo jirro aynnu isla magaceeda ugu yeedhi karno—Masayr. Masayrku waxa uu falcelin u noqdaa dareeno kakan oo qofka uu ku dhaco haleela. Asalkaba qofka dareenkaas qabaa waa mid u dhexeeyaa dareenno doonis, jacayl iyo isu-soo-dhawaansho ah iyo kuwa kale oo cabsi, cadho, kalsoonidarro iyo kalatag ah, saa xaaladda noocaas ah ee kakan ee is-hirdinaysaa waxa ay dhashaa werwer ka soo burqada muhiimadda joogtada ah ee qofkani siinayo in qofkiisu (cidda uu jecel yahay, si gaar ah lammaanaha) uu khiyaamaynayo ama wax ka qarinayo, iyo sidoo kale shakiyo kale oo hor leh oo uu ka qabo, heer uu liqi waayo, wax kasta oo uu qofka kale u sameeyo si uu u shakibixiyo, lammaanihiisan caadifadeed oo ku jira giraan joogta ah oo uu ku hubsanayo daacadnimadiisa. Xaaladaha qaarna waxa laga yaabaa in masayrkani u horseedo ismoodsiis gayaysiiya dabeecado xukunridis (judgmental) iyo wax la halmaala. Mararka qaar kolka uu gaadho soohdimaha aan laga soo laabana, qofka la ildaran jirradan masayrku, waxa uu idil ahaanba ku qancaa aaminaad la’aanta lammaanihiisa, si kasta oo qofka kale isugu dayo in uu u soo bandhigo wax beeninayaa arrintaas. Badina waxa ay jirradan Masayrku ku keentaa qofkaas loollan joogto ah oo uu kala dhexeeyo lammaanihiisa, halka ka kalana dareemo in uu yahay isha shakigu ka soo fulayo, mid aan la rummaysan karin, iyo in lagu eedaynayo wax aan xaq loogu lahayn. Tusaale ahaan, waxa uu adeegsanayaa qofkaa la ildaran xaaladdani weedho la mid ah, “Wax aad igu qancin kartaa ma jirto si aad ii tusto in aad i jeceshahay, oo weligay ku rumaysan maayo.”  Isla tusaale kale oo  Dr. Makr L. Ruffalo ku sheegayo curis kale oo uu ku sharraxayo, si gaar ah, Jirradan Shakhsiyadeed ee Seeragoyska ah waxa uu odhanayaa, isaga oo ka hadlaya in cabsida kalatagga ay aad iyo aad isugu dhaw yiiin, oo jenbiga isu saaran yihiin, cabsida isu-soo-dhawaanshaha:

“Kolkii ay ka soo wareegtay siddeed bilood xidhiidhkooda, ee ay ku dhaceen dareenno kalabadbadasho ah, waxa ay bilawday in ay bayshankani ka shakido ulajeeddada lamaanaheeda. Oo haddii uu ilbidhiqsiyo ka daaho ka jawaabidda fariimaheeda ay markiiba ku tuhunto khiyaano. Waxa gudaheeda ku sii labajibbaarmayay dareennada cadhada, oo waxa ay u fasiranaysa, xataa waxyaabaha aadka u yar, in ay tahay ulajeeddo xun. Dhawrkii cashaba dhexdooda waxa ka qarxayay khilaaf hor leh, oo mar kasta oo lammaanheedu isku dayo in uu u soo bandhigo jacaylka uu u qabo iyo doonistiisa ku aaddan in uu xidhiidhkooda xoojiyo, sida ugu daran ee ugu fog bay isaga riixaysay. Jeer uu markii danbe gegi fawdo ah isu rogtay xidhiidhkoodii. Ilbidhiqsi kasta oo ay isu soo dhawaadaan, waxa ay iyadu dib ugu guranaysay in ay fulkaano qalalaaso ah kiciso oo tooshka ku ifiso ceebihiisa iyo khaladaadkiisa. Marmarka qaarna, gebi ahaanba, waa ay hakinaysay oo waxa ay lammaanaheeda kaga tegaysay isaga oo daallan oo dareen ahaan kidfan oo u dhexeeya kalgacalka uu u qabo iyada iyo taagdaradiisa ku aaddan in aanu xamili karin meertadan qalalaase. Ugu danbayna, waxa ay lammaanahaa ku sababtaa in ay kala tagaan oo uu adkaysi u yeelan kari waayo in uu xamilo arrintan, si kasta oo ay u xooggan yihiin doonisa uu iyada u qabo. Gebi ahaanba waxa uu ku guldarraysanayaa in u fahmo nolosha xasiloonidarro ee ay ku jirto. Iyaduna, kolka uu ka tago, waxa ay ku hafataa dareenka ah iswaayidda iyo xanuun oo waxa ay iswaydiisaa, “Oo muxuu iiga tegay aniga oo ah ta keliya ee jecel?”

Waxa se dareen damaq badan ah iyo waayitaan xanuun badan, in qofka masayrka noocan ah qabaa ay ka soo burqanayso  cabsi uu ka baqayo in ay lammaanihiisa iswaayaan, nasiibdarro se, taa lafteeda ayaa sabab u noqon karta in ay iswaayaan—waana natiijadii qofkaa la buka masayrku uu u ordayay muddo badan in uu ka hor tago. Sidaas ayuu dareenkan masayrku ku noqdaa mawduuc burbur iyo baabba’ u horseeda xidhiidhada lammaane ee is-duqaynta ku dhisan (self-defeating relational pattern) kuwaas oo qimaha soo-afjariddooda ay bixiyeen cabsida ah waayitaanku.

Haddaba, marka laga eego arrintan dhinac Saykadaynaamig (Daraasadaha Dhimirka ee la xidhiidha dareenlaxaweedyada iyo caadifadaha) waxa soo baxaysa in dareenkan Masayrku yahay mid milicsi (reflection) u ah dhaawacyo fogfog oo la xidhiidha waaya’aranimo carruureed, taas oo xidhiidhada dhab-abbaarku ku barriiqdaan in ay bixiyaan dareenno ku dhisan jacayl iyo xasillooni. Oo badi dadka hadda la nool xaaladdan Masayrku waxa ay u badan yihiin in ay yihiin qaar yaraantoodii la soo kulmay danayn la’aan, in la cidleeyey iyo dhibaatayn kale oo raadkii ay arrimahaasi kaga tageen ka soo muuqdeen xidhiidadoodan hadda. Sida ay sheegayaan cilmibaadhisaha qaarna, 70% dadka qaba jirradan BPD waxa ay soo mareen jugooyin caruurnimo oo nafsadeed (Porter et al., 2020) oo keenaysa in Masayrku dhalo in la kari waayo in la dhiso xidhiidho ku qotama kalsooni iyo daacadnimo, taa baddelkeeda ay miciin bidaan in ay adeegsadaan qalabada isdifaacidda (defence machanism) sida in la kala tago, iyo loo jabo in la wajaho werwerkooa gudeed ee ay dhaleen doogahaa nafsadeed ee dhallaanimo. Gebagabadii, wax talo caafimaad ah ama xal lagaga kaban karo xaaladdan waxa uu Dr. Makr L. Ruffalo sheegayaa in dawooyinka la xidhiidha ee ay qaataan dadyawga qaba Jirrada Shakhsiyadeed ee Seeragoyska ah, si loogu dejiyo xaaladdoodu, in ay wax ka tari karto arrintan Masayrka, se si guud ay dhif tahay in laga helo Farmasidhimireedka (Pharmacotherapy) wax lagu la tacaalo xaaladdan, si gaar ah.

Qoraallada kale ee qoraaga

Dhaqan

Baroordiiqdii Ibraahin Jaamac

Buug

Soogalooti