Skip to main content

Tuesday 11 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Masar: Waa in Maalgalin ku Filan Loo Helo Ciidamada Tagaya Soomaaliya

3 November, 2025
Image
Masar: Waa in Maalgalin ku Filan Loo Helo Ciidamada Tagaya Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar xilli uu Qaahira ku soo dhowaynayay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar).
Share

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar, Badri Cabdilcaadi, ayaa u sheegay Guddoomiyeha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, in ay lamahuraan tahay in dadaal la isugu geeyo sidii loo heli lahaa maalgalin ku filan oo ay ku hawlgali karaan ciidamada Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM) oo ay Masar ka mid ah tahay dalalka ku yaboohay ciidamada.

Isaga oo mar kale ku celiyay in ay Masar diyaar u tahay in ay ciidamo u dirto Soomaaliya, waxa uu Wasiirka Dibedda ee Masar sheegay in ka qaybgalka Masar ee hawlgalkani uu qayb ka yahay mabaadi'da Masar ee kaalmeynta iyo kobcinta dhinacyada horumarka iyo fikirka ee dalalka mandaqadda Saaxil.

Dhanka kale Madaxweyneha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hore u sheegay in ciidamada Masar ay fadhiisimo ka dhigan doonaan deegaannada Shabeellada Hoose. Hadalka Xasan Sheekh ayaa yimid xilli hore walaacyo looga muujiyay in joogitaanka Masar iyo Itoobiya ee Soomaaliya uu horseedi karo loollan goboleed oo uga sii dara xaaladda Soomaaliya, maaddaama oo ay labada dal isku hayaan qaddiyado dhawr ah oo waaweyn, waxanu u muuqdaa Madaxweyneha Soomaaliya in uu baajinayo diidmada Itoobiya oo werwer ka qabta in ay ciidanka Masar yimaaddaan deegaannada saaran xuduuudda sida Gobolka Gedo ee muhiimka u ah Itoobiya.

Halwgalka AUSSOM ayaa weli wajahaya caqabado ku saabsan maalgalinta, xilli uu Maraykanku joojiyay taageeradii uu bixin jirin. Midowga Afrika ayaa riixaya qaab maalgalin ah oo uu ku shaqeyn karo hawlgalkani ay ku taagan tahay dawladda Soomaaliya.