Skip to main content

Saturday 8 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Masar iyo Itoobiya: Xadhig-jiidka Aag-istiraatiiji ee Soomaaliya

19 September, 2025
Image
Masar iyo Itoobiya: Xadhig-jiidka Aag-istiraatiiji ee Soomaaliya
Share

Soomaaliya waxa ay khatar ugu jirtaa in ay noqoto furinta xigta ee xiisadda Masar iyo Itoobiya ee ku saabsan Biyo-xidheenka Weyn oo hadda kor u sii kacday, waxana ay isku murginaysaa loollannada maxalliga ah iyo loollannada aag-siyaasadeed ee ballaadhan.

Muddo dhawr sannadood ah, jilayaal badan oo shisheeye oo uu ku jiro Maraykanku ayaa si firfircoon ugu lug lahaa hawlaha la-dagaallanka argagixisada. Sidaas oo ay tahay, Daacish iyo al-Shabaab, labaduba, waxa ay sii ballaadhinayeen raadka ay ku leeyihiin qaybo kala duwan oo dalka ah. Sidii oo aanay intaasi dhib ugu filnayn, Soomaaliya waxa ay lugaha la gashay loollanka aag-siyaasadeed ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya oo ah labo awood-goboleed oo muddo dheer isugu jiray dhufeys dagaal oo ku aaddan maamulka biyaha Webiga Niilka.

Go’aanka Masar ee ah in ay ciidamo ku darsato Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) waa mid, markii dhanka wanaagsan laga eego, ka caawinaya Soomaaliya in ay si fiican ula dagaallanto kooxahan argagixisada ah. Ha se ahaato e, waxa dhab ahaan dhulka ka dhacayaa waxa uu noqon karaa in faragelinta dibedda ee arrimaha gudaha Soomaaliya ay sii karaar-qaadato, lagana yaabo in ay is-maandhaafyada gudaha u beddesho iska-horimaadyo goboleed oo dadban oo ay kooxaha guduhu u galaan dagaallo wakaaladeed.

In ay ciidan ku daabusho Soomaaliya waxa ay qayb ka tahay qaadhaanka Masar ku darsanayso hawlgalka Midowga Afrika waana heshiis ay labada dal gaadheen oo ah in ay ka taageerto Xukuumadda Federaalka Soomaaliya la dagaallanka fallaagada al-Shabaab. Ka dib bilo ay socdeen falanqeynno iyo wada-hadal ay la yeesheen masuuliyiinta Soomaaliya, waxa uu Goleha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika meelmariyay in ciidamo Masaari ahi qayb ka noqdaan AUSSOM. Meelmarintaas waxa ka horreeyay iskaashi ciidan oo labo dhinac ah oo ay hore u gaadheen Masar iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan heshiisyo difaac oo jidka u xaadhayay in Soomaaliya lagu soo daabulo ku dhawaad 10,000 oo ah ciidan Masaari ah, kuwaas oo kala badh loogu talagalay AUSSOM, badhka kalena uu yahay heshiis labo dhinac ah.

In kaste oo kooxaha xagjirka ahi ay isku fidinayaan qaybo badan oo dalka ka mid ah, haddana Soomaaliya waxa la moodaa in aanay intaasi ugu filnayn dhibaato. Waxa ay lugaha la gashay loollanka aag-siyaasadeed ee awoodo goboleed oo muddo dheer isugu jiray dhufeysyo dagaal

Nidaamka hadda jiraa waxa uu dhigayaa in ay AUSSOM keento Soomaaliya 11,900 qof oo ka kooban askar milatari, boolis iyo shaqaale rayid ah. Yugaandha oo ku deeqaysa 4,500 oo askari, Itoobiya oo keenaysa 2,500, Jabuuti oo ku yeelanaysa 1,520 askari, Kiiniya oo yeelanaysa 1,410 oo askari iyo Masar oo loo oggolaanayo keliya 1,091 oo askari.

Dhaamka Weyn ee Itoobiya waxa uu muddo toban sannadood ka badan ahaa xuddunta khilaafka ee xidhiidhka Masar iyo Itoobiya. Masar waxa ay u aragtaa Dhaamka in uu khatar jiraal ku yahay helitaankeeda Biyaha Niilka oo ay ku tiirsan yihiin 90% baahiyaheeda beerashada, cabbitaanka iyo korontada. Itoobiya, sidaa lidkeeda, waxa ay Dhaamka u aragtaa in uu lama-huraan u yahay koboceeda dhaqaale iyo amnigeeda tamarta. Wada-xaajoodyo diblumaasiyadeed oo ku saabsanaa Dhaamka ayaa kolba fashilmayay, iyada oo ay Masar ku eedeynayso Itoobiya in ay si jaani-gooni ah u buuxinaysay, ugana shaqeysiinaysay dhaamka. Waxa ay xiisaddu cirka isku shareertay bishii Ogos ee sannadkan, 2025, markii ay Masar ku dhawaaqday in hannaankii wada-xaajoodku uu burburay soona afjaray 12 sannadood oo wada-xaajood ah. Waxa xigtay in ay Masar nidar ku martay in ay qaadayso tallaabooyin waaweyn oo ay ku sugayso amnigeeda biyaha, taas oo ahayd war cad oo aan macneyn u baahnayn. Iyada oo uu murankani taagan yahay, waxa ay Itoobiya furtay Dhaamkii, 9-kii Sebtember, arrintan oo kicisay cabsi ku saabsan in xaaladda gobolku sii murugto. Xilligan oo uu Raysal Wasaare Abiy Axmed ku sheegay ‘guushii ugu weynayd ee taariikhda isirka madow’ waxa uu Dhaamku uga dhigan yahay Masar khatar soo waajahday masaalixdeeda jiritaan.

Xaaladdan oo jirta, in Masar ay ciidan ahaan u soo caga-dhigato Soomaaliya waa arrin u leh muhiimad istiraatiijiyadeed, gaar ahaan gobollada saaran xadka Itoobiya. Ciidamada Masar waxa la filayaa in lagu daabulo meelo ay ka mid yihiin Gedo, Hiiraan, iyo Shabeellada Hoose oo ah meelo ay ciidamada Itoobiya horeba ugu lahaayeen joogitaan xooggan, in kaste oo ay ku joogeen awoodo uu siiyay Midowga Afrika ama is-afgaradyo labo dhinac ah oo ay kula jiraan maamullada Soomaaliya. In kaste oo, sida ay aragtidu tahay, ay Masar beddeli doonto ciidamada Jabuuti iyo Kiiniya, haddana in ay ciidamada Itoobiya iyo Masar wada joogaan Gedo iyo Hiiraan waxa ay kor u qaadaysaa khatarta iska-horimaadka. Itoobiya waa ay ka werwersan tahay in ay Masar ciidan ku soo gurto xuduuddeeda waana ay ka digtay in ay Masar ciidan ahaan u timaaddo Soomaaliya.

Xidhiidhka Masar iyo Itoobiya waxa uu marayaa meel cakiran, ka dib furitaankii Dhaamka. Iyaga oo sidaas ah ayaa ay Masar imanaysaa Soomaaliya, weliba gobollada ay gaarka u daneyso Itoobiya – Waa arrin werwer ku haysa Itoobiya, horena si cad ayaa ay uga digtay in Masar ay milatari ahaan u timaaddo Soomaaliya

Dhab ahaan, xidhiidhka ay Soomaaliya la leedahay Itoobiya waa uu cakirmay, tan iyo horraantii 2024-kii. Waxa intaa dheer, in xidhiidhka Masar iyo Soomaaliya uu aad uga faa’iideystay colaadda ay wadaagaan ee ay u qabaan Itoobiya. Bishii Jeenaweri 2024, Itoobiya ee badaha ka oodan ayaa heshiis muran badan dhaliyay la gashay Somaliland oo ah ‘gobol qayb ahaan madaxbannaan oo ka tirsan Soomaaliya’, si ay u hesho dhabbe ay u marto Badda Cas.

Arrintaas beddelkeeda, waxa ay Itoobiya kula heshiisay in ay aqoonsato madaxbannaanida Somaliland. Muqdisho waxa ay ku cambaareysay heshiiskaas in uu yahay mid ku xadgudbaya gobonnimadeeda, waxa ay Itoobiya ka eriday hawlgalka Midowga Afrika, waxana ay ballaadhisay xidhiidhka difaac ee ay la leedahay Masar iyo Turkiga. In kaste oo nafis kooban la gaadhay dhammaadkii 2024-ka, ka dib markii ay Itoobiya iyo Soomaaliya saxeexeen baaqii Ankara ee uu Turkigu dillaalay, haddana xiisaddu waxa ay sii socotay iyada oo huursan oo u eeg baaruud (aan qarxin).

Waxa intaa dheer, in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay, sidoo kale, ka faa’iideysanayso isbahaysigeeda Masar si ay gacanta ugu dhigto gobol kale oo si madaxbannaan isu maamula, waa Jubaland e. Isku-dhacyo dhex maray xoogagga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Jubaland ayaa dib u soo cusboonaaday bishii Julaay, 2025-ka, kuwaas oo xudduntoodu tahay Beled Xaawo, Gedo, oo ah meel xadka saaran oo istiraatiiji ah oo ay labada dhinac hore ugu loollameen.

Dib-u-doorashadii la isku-maandhaafay ee Axmed Maxamed Islaan, oo loo garan og yahay Madoobe, markii ay Jubaland ka dhacday doorasho dadban oo la isku khilaafay, waxa ay sii cakirtay xiisadda u dhexaysa labada dal. Iyada oo ka falcelinaysa [doorashadaas], waxa ay Muqdisho ku soo rogtay Jubaland xannibaado dhaqaale iyo kuwo cirka ah oo aad u daran, arrintaas oo uga sii dartay degganaansho la’aanta siyaasadeed iyo go’doonsanaanta. Waxa jira filashooyin isa soo taraya oo ku saabsan in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay taageerada Masar u adeegsan doonto in ay xukunka kaga tuurto maamulka Jubaland ee hadda jira, lagana yaabo in ay ku beddesho hoggaan uga daacadsan oo la shaqeeya.

Waxa arrimaha sii murginaya in Itoobiya ay sii adkeysay xidhiidhada ay la leedahay kooxaha leh saameynta gobol – gaar ahaan Jubaland iyo Koonfur Galbeed – taasi oo sii ballaadhinaysa heerka khilaafyada dabada ku haya ajendeyaasha dibedeed. Itoobiya waxa ka go’an in Jubaland ay sii xasilloonaato. Waxa intaa dheer in ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Jubaland ay iyagu ka caawiyeen in al-Shabaab la xakameeyo. Sidaas oo ay tahay, haddii ay xoogagga deegaanka oo la safan Addis Ababa is waajahaan ciidamada Xukuumadda Federaalka, waxa ay arrintaasi abuuri doontaa qalalaase baahsan oo gobolka ka dhaca, maaddaama oo inta u badan kooxaha hubeysan ee jooga meelahani ay u daacad yihiin nidaamyada qabiil, in ka badan inta ay u daacadda yihiin maamulka Federaalka.

Muqdisho waxa ay xidhiidho colaadeed la leedahay qaar ka mid ah maamul goboleedyada, gaar ahaan Jubaland, waxana la filayaa in ay taageerada Masar u adeegsato in ay xukunka ka tuurto maamulka Kismaayo. Dhanka kale, Itoobiya waxa ka go’an in uu gobolkaasi sii ahaado mid deggan – waa meesha u dihin iska-horimaadka

Dhacdooyinkani waxa ay muujinayaan saami-qaybsiga soo baxaya ee aag-siyaasadeed ee gobolka ka jira, waxana ay hoosta ka xarriiqayaan suuragalnimada sii kordhaysa ee in ay Soomaaliya ay noqoto furin dagaal oo wakiil lagaga yahay loollanka soo xoogeysanaya ee Masar iyo Itoobiya. Is-biirsiga dildillaaca gudaha iyo faragalinta dibeddu waxa uu halis weyn ku yahay Soomaaliya. Halkii uu dalkani dheefsan lahaaa taageerada caalamiga ah ee u soo korodhay, waxa uu waajahayaa mustaqbal dhirifoon oo ah in uu noqdo ‘khasaaraha aan loo dan lahayn’ ee hirdanka awoodaha goboleed, maaddaama oo uu loollankii Masar iyo Itoobiya uu ku soo butaacay xadkiisa.

Ugu dambeyn, degganaanshaha gobolka Geeska Afrika waxa uu u dabran yahay is-xakameynta iyo aragti dheerida istiraatiijiyadeed ee dhinacyada saameynta ku leh. Masar iyo Itoobiya waxa lama-huraan u ah in ay iska dhaafaan xisaabtanka ku dhisan ‘is-goosadka’ oo ay isla qaataan habab iskaashi ku dhisan. Haddii ay arrintaas ku guuldarreystaan, waxa ay u badan tahay in ay sii jiitamiyaan deggenaansho la’aanta Soomaaliya oo u tallaabi doonta meelo ka baxsan Geeska siina quudin doonta meertada amni-darrada oo yeelata saameyn goboleed iyo, laga yaabee, mid caalami ah.

  • Qormadan waxa halkan ka soo turjumtay Bahda tifaftirka ee Geeska