Saturday 18 April 2026
Subax walba waxa aan saf dheer u galaa si aan biyo u helo, waxa aannu ku jirnaa meel nolosheedu bilowgii aad iigu adkeyd. In kasta oo aysan marna fududaan haddana waxa igu filan inaan la qabsaday ugu yaraan. Buul yar iyo ardaagiisa ayaa qoys waliba ku jiraa, beri dhexdaasa koox baa intay noo timid noo ballan qaaday guryo inay noo dhisayaan se gidaarkii uun bay taageen dibna umaanu arag. Allaylehe waxa aanu ka faa’idnay inay riigaggii aanu dawliska dari jirnay biro ku rakibeen kuwaas oo aad ruxayso uun, waxba isma dhaamaan oo labudaba waa daal laakiin waa ay kala wakhti yar yihiin.
Toddoba sanno ayaan xeryahan qaxoontiga ku jiraa waxaan ku dhalay shan carruur ah labana hore ayaan u haystay, marwalba oo aan ka fekero dheeraanta wakhtiga aan ku jiray waxa si kadis ah maankaygu ii hor keenaa Mullaaxo. Mullaaxo waa lixdan jir kala badh cimrigeeda ku jirtay xeryahan oo dhoof sugaysay ama inay mar uun ka baxdo se waxa aan ka baqayaa inay ruuxdeedu kaga tagto lafta iyo jiidhkana lagu duugo buulashan agtooda, waxa iyaduna joogta Xaliimo oo dhawr iyo konton jir ah tobaneeyo carruur ahna ku dhashay ninkeediina uu daacuun ku dilay xerada.
Halkan waa la isu fiirsadaa, waxa ka jirta nolol ka daran tii miyiga ee aan aqaanay, gabadha waxa saaran masuuliyaad badan oo ah daryeelka, ilaalinta, ka warhaynta qoyska oo dhan iyo ninkeeda. Nimanku inta badani ma shaqeeyaan oo waxay qabtaani meesha ma jirto sidaaas ooo ay tahayna cudurdaar uma noqonayso. Aniga kaygu magaaladuu xamaal u yara tagaa waxa uu soo helana qaadkiisa ma soo dhaafto, raashinka yar ee aan carruurta ku quudiyo xeradaa naluugu qaybiyaa oo aan u tashiilaa ubadka waxa aan wax u kala dhigdhigtaa bil bil ku gaadhsii, bilaha qaarna maba helno intaa yar oo waa la musuqmaasuqaa.
Waxa haddaba yara quruxda badan ee aan maalinta oo dhan sugo waa dhalada reer Faahiye, waa reerka ugu ladan xerada, waayo dee iyaga macaluul, qax iyo gaajo toona ma keenin meeshan ee kibir iyo dhoof jacayl ayey u yimaaddeen. Buulkoodu waa ka ugu nadiifsan ee uguna quruxda badan xerada, wuu sibdhisan yahay oo gudigiisa qolaalkii magaalada ayaa la moodaa, biyo nadiif ah bay carruurtoodu cabbaan, oon wanaagsan oo caano iyo hilib aanu ka maqnayn ayey marwalba cunayaan. Anigu waan ku ladanahay oo maadaama aanu isu dhawnahay buul ahaan, carruurtooduna ay kuwaygii isku da’ yihiin oo ay wada ciyaaraan. Waxa ay haystaan talefeeshan oo labadii saxan ayaa ugu dhex rakiban ardaaga, tiifii kaliya maahee qasaalad iyo talaagadna waa ay haystaan, reerkaa waan ka helaa, fiidkii marka ay gaadho dadka xerada oo dhan ayaa ardaagooda isugu yimaadda oo dhaladaas daawada aniga oo dadkaas kamid ahna maalintii oo dhan baan sugaa inta saacadaas la gaadhayo.
Musasalo ayaan daawannaa, wararka caalamka iyo bariga dhex ayaan ka bartay oo aan iyagana xiiseeyaa. Maari Maar waxa uu ahaa waxa ugu xiisaha badan ee dhaladaas laga daawado aad baan u jeclaa waxa ugu weyn haddii aan hayo waan dhigi jiray. Marar badan xitaa odaygayga waan isku qabsanay, markaasaan anigu qaadkiisa iyo camal la’aantiisa soo xasuusan jiray oo aan murankam dhankaa ula leexan jiray.
Waxa aan xasuustaa habeen uu Mursal ku dilay gabadhiisa, isaga oo mirqaan cirkaa marayo waxna u dheeraayeen mooyi, ayuu kusoo dhex dhacay dadkii oo isla wada maqan, gabadh aanu nabar iyo jug gaadhsiini ma jirin habeenkaa oo Asma ayuu ka wada dhex raadinayey, xitaa aniga habeenkii anoo sii jeeda oo si yaroo gaaban u fadhiya dhabarkana godaya ayuu raqabadda bahal laad ahi iga qabsaday markaasaan daandaamay oo aan yaabay.
Saaka dirqi baan kusoo toosay safkii dheeraana wuu i sugayaa waxa intaa dheer in dhar badani ii yaallo oo haddii aan maanta maydhi waayo, wax aan carruurta u xidhaa ama odaygu xidho ma jiraan. Waan necbahay in dharku isku kay gaadhgaadho se baryahanba dhabarka ayaa la iga hayey, sidii inaad mooddo in dhaxani i gashay ayaa subaxba meel aydini iska kay taagaysay.
Laba baaf, saabuun maris iyo oomo baan soo qaatay oo aan barqadii la soo fadhiistay ardaaga. Doqoni hoosiis bay hadh moodaa baan maqli jiraye maanta anigii baa noqday oo isla duhurkiiba qorrax baa dhakada i daloolisay oo midabkaygiina inta ay dhalaalisay gubtay haddana. Waxaan la silcaba casaradii baan dhameeyey aniga oo daalan, lafuhuna i burbursan yihiin ayaan dirqi ku marmaroojiyey dharkii oo aan xadhko halkan ah oo xeradoo dhan ka dhaxeeyaa ku wadhwadhay iyagoo biyihu tiftaa ka hayaan.
Galabnimadii oo dhan anigaa sheeko u ahaa xerada oo waxa la igu wada eegayey indho foolxun iyo waji qariib ah oo aanad marna ka helayn. Inta ay islaamaha qaari i soo eegaan ayey si wiswis iyo indho ka qarsi ah wax iiga sheegayeen. Anigu badaaba ma hayo oo dareenkan gudaha uma dhaadhicin, iridka ardaagaygii oo ah meeshaan dharka ku dhaqayey baan shaah udgoon oo aan hayl, dhago yare iyo qorofal afkaa ka taagay oo bigays ah fiiqsanayaa, waxa aan isaga reebayaa daalkii iyo dhaxantii aan ka qaaday biyahaan maantaba faraha kula jiray.
Mar ay fiidkii ahayd anigoo ciyaalkii intaan cashaysiiyey kala seexinaya ayaan banaanka nuxnux ka maqlay, mise waaba islaantii soddohday iyo islaamo kale oo halkan afka isku haya. Alla oo tallow xilligaa maxay xerada ka soo doontay oo magaaladii ka keenay baan niyadda iska weydiinayaa. Sidaan marxabba iyo soo dhawayn u muujinayey ayuun baa waxa iga hor yimid waji cadhaysan oo aad mooddo inaan aabbihii soo dilay. “hooyo, maxaa dhacayna, ma hawl baa soo korodhay?!” ayaan idhi aniga oo yara naxsan.
“Naa! belo ku hooyeysataye, dharka da’aya ee haddana tawafay ee warkoodu suuqa iigu yimid, maxay yihiin” ayuun bay iska soo jartay islaantaan islahaa geeri bay soo wadaa. Waxayna sii raacisay iyada oo aan hadalba iga sugin “ wiilkaygii ha yimaaddo sidan kugu qabi maayo oo caawa waraaqdaada ayuu yeedhin doonaa, bahalyahey basarida ah ee na ceebaysay. Wallaan loo odhanayn taasay soddoh u tahay oo aannad reerkayaga dhaxdin ugu sii ahaan doonin”.