Tuesday 19 May 2026
Yemen ayaa xaqiijisay in koox hubeysan ay afduubteen markab shidaal oo marayay Gacanka Cadmeed, iyadoo wararku sheegayaan in markabkaas hadda loo kaxaystay dhanka xeebaha dalka Soomaaliya oo hore loogu qabsaday labo markab oo kale maalmihii la soo dhaafay.
Markabkan la qabsaday oo lagu magacaabo M/T Eureka oo sitay calanka dalka Toogo, ayaa lagu qabsaday meel u dhow xeebaha gobolka Shabwa ee dalka Yemen, sida ay sheegeen saraakiisha ilaalada xeebaha Yemen, waxana ay kooxda afduubka gaysatay u muuqataa inay yihiin budhcad-baddeed dib u soo laba-kacleeyay.
Markabkan ayaa siday shidaal qaydhiin waxana saarnaa shaqaale aan tiradooda iyo haybtooda weli la xaqiijin.
Waxa uu afduubkani qayb ka yahay mowjad cusub oo weeraro ah oo dib uga curanaya xeebaha Soomaaliya, aagga Yemen iyo Badweynta Hindiya oo xilligan muhiim u ah isu socodka dunida, ka dib dagaalka Bariga Dhexe oo xidhay Marinka Hurmus. Budhcad-badeedda ayaa u muuqda in ay ka faa’iidaysanayaan mashquulka ciidamadii caalamiga ahaa ee gobolka joogay oo ku foogan xiisadaha kale ee gobolka, waxana uu afduubkani noqonayaa midkii afaraad ee muddo kooban gudaheed lagu afduubto aaggaas.