Skip to main content

Wednesday 12 August 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Waraysi

Marka Sharcigu Xadgudbayo

5 August, 2026
Image
Marka Sharcigu Xadgudbayo
Share

Waxa uu waraysigani qayb ka yahay wada-sheekaysiyo taxane ah oo daarranaa mas’alladda cunfiga oo lala yeeshay aragti-curiyayaal, faylasuufyo, iyo naqdiyeyaal. Waxa lagu waraystay muggan Gayatri Chakravorty Spivak oo bareefasar ka ah aqoonta aadanaha Jaamacadda Kolombiya. Waxa ka mid ah wax-soo-saarkeeda buugga, An Aesthetic Education in the Era of Globalization (2012).

Brad Evans: Waxa aad badi wax-soo-saarkaaga kaga hadashay waayaha haysta looma'ooyaanka dunida, gaar ahaan kuwa ku nool Hindiya, Shiinaha, iyo Afrika. Sidee ayaynu falsafadda ugu adeegsan karnaa in ay kaalin ka geysato abuuridda fahan hagaagsan oo ku saabsan cunfiyada kala duwan ee ka dhashay silica looma'ooyaanka? 

Gayatri Chakravitry Spivak: In kasta oo cunfi kastaa yeelanayo magacyo iyo habab baadhitaan oo kala duwan, misana waxa uu keenayaa weyddiimo kakan oo isa soo shabbaha. Waxa aan isu tixgeliyaa dadyawga nabadda ku baaqa ee cunfi-la-dirirka aaminsan, balse ma dafiri karayno xaqa ummad kastaa u leedahay in ay iska caabbiso cunfiga, xataa iyada oo duruufo adag ku sugan in ay cunfi adeegsato. Kolkaa waa habeenkii xalay ahaa oo tegay in aad meel cunfi daran ka jiro ka sugto in ay akhlaaqdu macne samayso. Sidaa daraaddeed kala duwanaansho ayaa u dhexeeya falcelintaa ka dhalatay iyo in la fahmo sababta cunfigu u noqday mid kamakacdo ah. 

Marka dadka qaar loola dhaqmo in ay dadka kale ka hooseeyaan, jawaabta qudha ee jirtaa waxa ay noqonaysaa gacan-ka-hadal iyo rabshad. Marka koox ay iska sarraysiinayso koox kale waxa ay si dadban ugu leedahay wax aad tihiin "kuwo hooseeya" oo aan awoodin in ay u fekeraan si "qumman." Waa gar in aynu ku sifaynno in taasi tahay xadgudub garasho. Kooxaha la cadaadiyay lagama hor istaago xaqa ay u leeyihiin in ay xoogsadaan, balse waxa loogu daraa oo lagu cadaadiyaa in ay shaqooyin dheeraad ah oo adag ay u qabtaan bulshada. Sidaa darteed; dadkaa laga ma hor istaagin kartidooda ee waxa ay awood ka sarraysaa ku soo rogtay shaqooyin bahalnimo ah oo aan caqligal ahayn. Awooddaa wakaaladeed ee maaddiga ahi waxa ay xaddidaysaa dulmiyaha. Dhanka dulamanayaasha se wax kale uma hadhin oo aan ka ahayn hayb cunfi ah oo qaabanaysa siyaasaddooda iyo fekerkooda. 

Waxa ay taasi si qummaati ah inoogu hagaysaa iska-horimaadka u dhexeeya cunfiga maangalka ah iyo kan aan maangalka ahayn. Sidaa darteed bay kooxaha wax maquuninayaa u foolxumeeyaan suuradda ay bixinayaan la maquuniyayaashu ee falcelinnada cunfiga ah, waxana ay dhahaan waa kuwo "dhalan ahaan cunfiga u abaabulan", ma aha in ay yihiin kuwo ka martabad hooseeya, balse asalka bannaanba waa kuwo xun oo denbifalayaal ah asaas ahaan ama diintooda ayaa u janjeedha in wax la khaarijiyo.

Ta argaggaxa lihi se waa in cunfiga dawladda ee sharciyaysan ay dad badan mid maangal ah u tixgeliyaan. Waxa caqligaasi ku doodayaa in qofku haddii uu xidhaba dhar ama khalfiyad gaar ah ku abtirsado, in taasi ka dhigayso in uu sharci ahaan awood u leeyahay in uu wax dilo. Nooca cunfigaasi waa kan ugu walaaca badan, sababta oo ah qolada awoodda haysataa si joogto ah bay qiil uga dhigataa. 

B.E: Waxa lala xidhiidhsiiyaa iska caabbinta iyo cunfiga wada socda halgannadii xoraynta qarameed ee gumaysiddiidka ahaa ama kuwii lagaga hortagayay nidaamkii Faashiga ee Yurub. Ma is leedahay waxa aynu u baahannahay in aynu fiiro cusub ku eegno si aynu u dhuuxno xoogagga qabsashada iyo dhiigmiirashada ah ee dawladda qawmiga ah ka go'an oo loo fasiray in ay tahay dib ugu noqosho maxallinnimo iyo isir? 

G.C.S: Waa su'aal kakan oo una baahanaysa feker falsafadeed oo dhab ah. Waxa aan ka imi dhawaan Madasha Dhaqaalaha Caalamiga ah oo aan deraaseeyay fahankooda ku saabsan awoodda iyo iska caabbinta, si dhammaystiranna uga duwanayd fahanka ay ka haystaan koox sida Muslinka Rohiinga ee ku nool xeebta galbeed ee Mayanmaar ah, in kasta oo labada kooxoodba ay ka mid yihiin nidaamyada awoodeed ee dunida iyo kuwa saameeya, balse waa kuwo liddi isku ah. Waxa ay Rohiinga la kulantay xasuuq wadareed dhutinaya, sida ay ku sifeeyeen cido badan, waxa ay caddilaysaana akhriska Buudhiga ah ee Bariyaynta, in ay tahay diin u abaabulan jacayl iyo nabadgelyo waarta. Waxa aynu maanta aragnaa Buudhiyiin ka soo jeeda Taylaan, Sirilaanka, iyo Mayanmaar oo ku milmaya cunfiga ay dawaladdu kula kacayso tirayarta. 

Aung San Kyi oo ahayd afhayeen iyo abaabule dimuqraaddiyadda aaminsan oo mucaarad ah waxa ay si geesinnimo leh uga hor timi habdhaqankii cadaadiska ahaa ee uu xukunkii militarigu qayb ka ahaa. Balse isla markii la sii daayay waxa ay doorbidday in ay ilaashato oo haysato awoodda, waxa ay aad uga aamustay silica ay la rafaadayaan oo waxa ay la dhinac noqotay xisbiga aqlabiyadda ee waday in badan habdhaqanka cunfiga ee ka dhan ah tirayarta aan Buudhiga ahayn. Waxa jira fasir odhanaya: in ay xisbiga aqlabiyadda ula safatay si mustaqbalka loo xaqiijiyo dimuqraaddiyad. Waxa aan se isleeyahay in aynu wanaajinno malaha aynu ka haysanno marwo Aung in kasta oo ay waajib tahay in laga dhiidhiyo gumaadka uu wado, oo in loo xagliyaana aanay keenayn in la helo dimuqraaddiyad. 

In kasta oo taas beddelkeeda ay tahay halkii lagaga noqon lahaa siyaasad ku dhisan haybta, waxa ay iska caabbinta dhabta ahi ku dhisan tahay la dareen noqoshada mixnadda Rohiinga in lagu xidho halganka caalamiga ah, oo runtiina ah siyaaq ay tahay lagama maarmaan si loo daweeyo xaalad kasta oo isu eeg. Loollannadii waddaniga ee qadiimiga ahaa ee ku dhisnaa haybta, sida taas aynu soo xusnay, waa mid aad u qancin yar duni casriyowday. Idil ahaantood fiiro iyo ahmiyad bay kasbanayaan si Mayanmaar loogu dhidbo in ay tahay begaalkii u horreeyay iyo u diyaargarawgeeda gelidda nidaamka hantigoosiga caalamiga ah.

Inta aynu ku dhex jirno carra'edagaysankaa dawladda qawmiga ahi waxa ay u hawlgalaysaa si ay u xaqiijiso, danaha hantigoosiga caalamiga ah, dimuqraadiyadduna waxa ay ku soo ururaysaa shakhsiyaad farakutiris ah, oo badiyaa liddi ku ah aragtiyaha miyirka qaba, dawladduna waxa ay ku koobnaanaysaa doonitaannada hantigoosiga ah. Sidaa darteed waxa iska caabbinta mudnaan u leh in ay aqoon u lahaato xeerarka maaliyadeed si ay u doonto waayo tani waa iska caabbin aan sugnayn oo ay tahay in la barto. Waxa ina saaran in aynu aqoonta ka dhalinno nidaamyadaa la og yahay ee u muuqda in ay tahay mid mutuxan, ilaa ay inoo suuragasho ka hortagga cunfiga bulsheed ee ay keenayso hantigoosiga aan nidaamsanayn. 

B.E: Wax ma nooga sheegi kartaa raadadka ka dhalanaya in dardargelinta xuquuqda aadanaha looga baydho "ganacsato naftood-hurayaal ah" iyo "samafalayaal" ay ka mid yihiin Bill Gates, lehna maanhag gaar ah oo ku saabsan si guud "xuquuqda" iyo "sarraynta sharciga"?

G.C.S: Waxa ay ka dhigan tahay uun in sharci jiro balse aanu caddaalad ahayn. In la rumaysto ama la sugo jiritaanka qaanuun kuma filna in ay ka hortag dhab ah u noqoto cadaadiska. Xadgudubyada ugu halista badan ee ka dhan ah xuquuqda aadanuhu waxa ay ka dhex qabsoomeen sharciga dhexdiisa. Haddii qaanuunka xakamaynayaa bulshada aanu ku tababbaran waxa uu Fuukow u bixiyay "dhaqangelinta xorriyadda," oo qaanuunku wuxuu u jiraa keli ah in loo fuliyo qasab, kuwaas lagu qasbayna waxa ay ka heli doonaan hareerihiisa goldaloolooyin.

Sidaa awgeed "dareenka" dimuqraadiyaddu waa mid aad saamayn u leh kolka lala dhaqmayo saboolka: oo ah kooxaha aaminsan in ba'a iyo hoogga haystaa yahay mid dabiici ah oo ay tahay kolka la gaajaysiinayo in ay adkaystaan oo kadeedka ku qaabbilaan aamusnaan. Ma aha oo arrinku uma dhawa carruurta ku ciyaaraysa waddooyinka dhagaxaanta, waxana uu ku baahsan yahay oo dhan kasta oo nolosha kooxdaas ka mid ah oo ugu shaqaynaya maalqabeennada xilli cimilladu ay kulushahay lacag aad u yar ama aan waxba ahaynba, runtiina ah nooc ka duwan faqriga. Taa lidkeeda waxa jira suurad ay weynaynaan samafalayaasha hodanka ahi iyo wakaaladaha caawimaaduhu oo la xidhiidha saboolnimada magaalada. Waxana jira sixir had iyo goor weheliya suuraddaa sooca ah ee tibaaxaya: carruur ku dheelaysa bullaacadaha furan. Dabcan, waxa uu sawirkaasi soo bandhigayaa dulmiga bulsheed ee halista ah ee jira. Hawsha samafalka ahi kor iyo hoosba haddii aanay danayn siin tacliinta quwaynaysa ruuxda, natiijooyinkiisuna waxa ay noqonayaan caksiga oo iska caabbin mustaqbalka la xidhiidha oo dulmiga ku saabsan ma dhalinayso aan ka ahayn ilbidhiqsiyo caannimo ah oo ay helayaan samafalayaashaasi. 

Waxa aan ugu yeedhay ganacsatada "naftood hurayaasha ah", maxaa yeelay ma jiraan ama way yar yihiin xeerarka qabanaya shaqaalaha ka hawlgala hay’adaha aan dawliga ahayn ahayn. Marka ay u wanaagsan yihiin waxa ay u soo bandhigayaan baaq ku saabsan shaqaalaha laamahaa ka hawlgala si koboc looga sameeyo taagnaanta dawladda libaraalka ah ee cusub ee aanay lahayn ruuxdeeda maamul kartida si dib loogu qaybiyo oo aanay iska caabbinta dastuuriga ahi muwaaddiniinta ugu noqonayn mid waxgal ah nidaamka dawliga ah ee "sarraynta sharcigu" yahay tiir asaasi ah oo una shaqeeya uun si loo ilaaliyo tayada koboca hantigoosiga caalamiga ah. Kooxaha xuquuqda aadanuhu waxa ay dhaliilaan dawladda, ganacsatudna waxa ay ku baaqaan in xuquuqda la soo celiyo. Balse ma jirto raacitaan dimuqraaddiyadda ku saabsan, waana dhif in ay ururradaas iyo kooxahaasi u sii shaqeeyaan wakhti dheer.

Waxa jirta mushkilad kale oo ku saabsan ururradaas oo ku arooraysa waxsoosaarka bulsheed ee hantigoosadka, iyada oo aan la tibaaxin baahida joogtada ah ee hantigoosigu u qabo in uu dardargeliyo booskeeda si ay u yarayso xuquuqda qaybo ka mid ah hay'adaha dadweynaha. Waana waxa carqaladaynaya dhisidda hay'adaha wax hagaajinaya: oo ka dhigan in sidaa lagu waayayo dawladdii barwaaqasooranka iyada oo aan ifkaba iman. 

Waanay yar tahay badiyaa in waxa joogtaysmaya ee koboca waara waa tayada kharashka iyo in la labanlaabo faa’iidada, iyada oo ay aad u yar tahay in ficil daruuri ah la qaato oo ku saabsan masuuliyadda degaanka, waana waxa aynu ugu yeedhi karno, "dibudhaca joogtada ah". 

Maanta, wax kastaa waxa ay ku saabsan yihiin magaalow, deraasaadka magaalawga, khatarta magaalowga, bulshooyinka shabkadaha ah, iyo wixii la mid ah. Ma jiro qof ka tirsan xalqadaha siyaasad-dejinta oo ka hadlaya hantigoosiyaynta dhulka iyo sida tani ay ugu xidhan tahay si toos ah in laga siibo xuquuqdii dadka. Tani waa khad kale oo hubin ah, waxana waajib ah in isku day kasta oo kale oo ka warramaya cunfiga in aynu tixgelinno. 

B.E: In kasta oo aad si weyn u qaddariso fekeraayo badan oo lagu yaqaanno doodahooda kacaanyahnnimo sida Fraanz Faanon, waxa aad naqdisay sida oo kale xadka waxqabadkooda marka arrinku ku saabsan yahay nooca bulsheed iyo xoraynta gabadha. Maxaa sababay? 

G.C.S: Naqdiskaa ku aaddan Faanon wuu jiraa, balse keli ku ma aha. Sida ragga kale ay la qabaan badigood ee ka hadlaya halganka kacaan, suuragal ma aha in aad ka looxjiidatid halganka dheddigoodka. Waxa uu isku dayay faanon in uu "dhimashadii isticmaarka" ku dhex fahmo booska ay gabadhu taagan tahay, isaga oo is weyddiinaya qaabdhismeedka aabbennimo ee qabsashada. 

Kacaanka dabadii, Aljeeriyadii gumaystaha ka dib, iyo meelo kale oo dunida ah, dumarkii qaybta ka ahaa halganka, waxa ay ku khasbanaadeen in ay sii wadaan halgankoodii ku saabsanaa xuquuq baadigoobidda iyaga oo u maraya heshiisyo ka go'an ururradii kacaan ee xorayneed ee ku mashquulay arrimaha maamulka dawladda. Mushkiladaha labada jinsi way ka da' weyn yihiin kuwa ku saabsan mushkiladaha dawladnimada casriga ah iyo dagaalladeeda, waanay ka fog tahay loollanka ama dagaalka u dhexeeya labada nidaam ee hantiwadaagga iyo hantigoosadka, oo, wuu ka qadiim san yahay halganka dhaqdhaqaaqyada waddaniga ah. 

B.E: Waxa aad si adag u rumaysan tahay awoodda tacliinta ku dhisan fanka iyo farshaxannimada, balse waxa aad baadigoobaysaa ka hor tagga fekradaha laga soo dheegtay farshaxanka Galbeedka ee Kinsiga ah oo laga soo dhanbalay konsabyadaa aad adeegsanaysid ee sida "dhaqdhaqaaqa mala'awaalka ah" ama "burburinta togan", sidee arrinkaasi u shaqaynayaa? 

G.C.S: Dhaqdhaqaaqa mala'awaalka ahi waxa uu ku aroorayaa in loo dhabaradaygo macangagnimada mala'awaalidda naska oo ay tahay in loo fahmo unug iyo dhis is haysta, halkii loo fahmi lahaa uun in uu yahay qaab xaddidan iyo safxad daabacan iyada oo la tixgelinayana maamuuska naska gaarka ahi leeyahay. Sababtaas bay sugaantuna u tahay muhiim. Xarfaha suugaantu waxa uu nuxurkeedu ku aroorayaa in laga takhalluso aragtida qoraaga. Waxa uu isku daygaasi ku caddilamay lixdameeyadii su'aasha qiimaha daran ee "buuggani xidhiidh ma i la leeyahay?" oo aan si weyn ugu xadgudbin uun suugaanta e soo bandhigtay is mahadin jamaahiiri ah. Suugaantu si ay u ahaato mid ujeeddo leh ma aha in ay lagamamaarmaan tahay in ay xidhiidh la yeelato akhristaha, waana taas caqabadda farshaxanka ahi, in aynu mala'awaalno arrin aan waaddix ahayn jalleecada kowaad, waxana suuragal u ah in caqabaddaasi ay dagaal kula jirto waxa ay koobsanayso ee unugyo dimuqraaddi ah. Tani muhiim bay tahay, beddelkii aan la shaqayn lahaa dadka kale ee aan i soo shabbihin. Caqabaddan hor dhooban dimuqraaddiyaddu waxa ay koobsanaysaa baahida loo qabo doortayaal mutacallin ah oo aan keliya ahayn kuwo xogogaal ah. 

Waxa aan adeegsaday "burburinta togan" si aan madmadow u geliyo macnaha caadiga ah ee burburinta: burburinta gudaha ah ee ula kaca ah ee agabka isa sarraysiinta la magac baxay sayidka. Burburinta togan ma aha burburin: fekraddu waa in la galo hawraarta aad u naqdinaysid si dhammaystiran, si aad uga shaqaysiisid gudihiisa. Jidka kali ah ee waxgalka ah ee kuu shaqaynaya si aad wax u burburisid waa kan marka aad wax ka burburinaysid gudaha. 

Qaabkaas ayay agabyada fekerka imbiriyaaliga ahi u shaqeeyaan oo ay horumaraysay isu socodka wakhtiga garabaha iyo soo muuqashada dadka. Aynu tusaalihii u danbeeyay u soo qaadanno waxa uu Immanuel Kant ku xusay buuggiisa "Critique of the Power of Judgment", oo keli ah aanu ku dhiirranayn in aynu u baahannahay in aynu ka mala'awaalno shakhsi kale, bal e uu ku dhiirranayo lagamamaarnnimada weelaynta heer aad noqonaysid in aad la qaybsatid qofka kale ka fekeriddiisa iyo dareemiddiisa oo ay inoo noqoto dabeecad labaad. 

In kasta oo Kant aanu weligii kaga hadlin buuggiisa addoonnimada, balse wuu qiray in dumarka iyo shaqaaluhuba aanay awoodin fekerka madaniga ah. Balse, haddii aad dhabtii ka fekertid, waxa jiray haween iyo shaqaalayaal madani ah oo lagu tababbaray in ay u fekeraan oo u dareemaan sida saadadooda. Waxa ay si joogto ah isugu taxallujinayeen in ay noqdaan sida saadadooda, si ay uga dhaadhacsiiyaan adduun-araggooda iyo dareennadoodaba si weyn in ay u noqoto dabeecad labaad 

Tani waa sida qofku ku dhaqangelinayo burburka. Waa in aad qirtid soocnimada iyo naxariisdarrada waxqabadka Kant, marka aynu ka dhadhansanayno astaamaha imbiriyaaliga ah ee uu dib u soo celinayo muujinaysana isburinnada ku jira waxqabadkaa. Waa imtixaan dhab ah oo waaqici ah oo ku arooraya falsafadda. Waxana ay taasi inagu dhalinaysaa wax iska weyddiinta ah haddii ay suuragal tahay si loo abuuro dabeecadda labaad ee dumarka iyo shaqaalaha iyaga oo aan la qasbin, la dabrin oo la maskax-maydhin. Balse waa in aynu ka fekenaa, maxaa se dhacaya kolka ay dabaqadda ama isirka taliyaa ku andacoonayo xaqa ay sidaa ku samayn karto? Miyay se jirtaa mushkilad ku saabsan awoodda oo la iska indhatirayo oo la xidhiidha niyadda wanaagsan ee ay sheeganayaan? Sidee se u ekaanayaa, xaaladdan, iska caabbinta tacliineed? Waxa laga yaabaa in la khalad fahmo maaddaama oo aanay bulshadu diyaar ahayn. Sidaa awgeed waxa waajib ah in jidkeeda la galo, hawshii lagu heli lahaa timaaddo jaadgoonni ah, sida uu Maarkis tibaaxay.