Tuesday 19 May 2026
Dekedda Berbera ee kulaalaysa Gacanka Cadan, muddo dheer ayaa ay boqortooyooyinku u arkayeen deked aan laga maarmin. Dekeddan ku taalla xeebta Somaliland, saddexdii qarni ee u dambeeyey waxa ay himilo u ahayd awoodaha waaweyn ee Geeska Afrika ku loollamay.
Intii Dagaalka Qabow lagu jiray, Midawgii Soofiyet waxa uu yaqiinsaday qiimaha dekeddan. Kolkii Jeneraal Siyaad Barre qabtay talada Muqdisho 1969-kii, ee uu abaabulay mashruucii midnimada Shanta Soomaaliyeed, oo Jamhuuriyadda Soomaaliya lagu darayo Soomaalida Itoobiya, kuwa Waqooyi-Bari Kiiniya iyo kuwa Jabbuuti, Moosko waxa ay usoo bandhigtay saanad ciidan, si uu Ruushka ugu oggolaado inuu soo dego Berbera, oo uu halkaas ka ilaaliyo dhaqdhaqaaqa badda iyo maraakiibta ka gudbaysa Suways iyo Gacanta Carabta. Berbera sidan waxa ay ku noqotay goobta muhiimadda Geeska Afrika hanata.
Dagaalkii Ogaadeeniya (1977 ilaa 1978) waxa uu keenay dhammaad lama filaan ah oo Midawgii Soofiyati kaga baxo Soomaaliya. Duullaanka Soomaaliya kusoo qaadday Itoobiya, ee loo galay dhabaynta midaynta Soomaalida, waxa uu sababay in Midawga Soofiyati beddelo mawqifkiisii, oo uu taageero Mingistu Xayle Maryam oo Itoobiya haystay. Siyaad Barre waxa uu caydhiyey lataliyayaashii Soofiyati, waxaanu laalay iskaashigii saaxiibtinnimo, waxaanu goobjoog u noqday mashruuciisii Soomaali Weyn oo lagu duugay hawdka Ogaadeeniya. Geeska Afriki ma hanjabinin Siyaad Barre oo keliya, ee sida uu xusayo Zbigniew Brzezinski, lataliyahii Karter ee Amniga Qaranku, heshiiskii SALT, ee ahaa heshiiska keliya ee u dhexeeyey Maraykanka iyo Soofiyat ayaa isla halkaas lagu aasay. Geeska Afriki keliya ma aasin hankii Siyaad Barre ee midnimo, ee waxa uu liqay heshiis ka mid ahaa tiirarka diblumaasiyadda labadii awoodood ee dunida, waa sida caddaymo badani ka marag kaceen; Geeska Afriki waxa uu liqaa mashaariico waaweyn, wax aan dambaskooda ahayna kama tago.
Danayntaas Berbera ee Dagaalka Qaboobi salka u dhigay, qarniga 21aadna waa ay sii ballaadhatay. Hadda Midawgii Soofiyat ma joogo Berbera. Shirkadda DP World baa saxeexday heshiis muddo soddon sanno ah sannadkii 2016, iyadoo lacag dhan 442 milyan oo doollar dekedda ku maalgashatay. Halkii uu Siyaad Barre uu Berbera ka dhiganayey cadaadis uu u adeegsado hurinta dagaalka midaynta Soomaali Weyn, Imaaraadku kolkan waxa uu dekedda u adeegsanaya ujeeddo gebi ahaan taas ka duwan: waa kala goynta Somaliland iyo Soomaaliya, iyo qoto dheeraynta kaalinta Imaaraadka, Itoobiya iyo Israa’iil ku leeyihiin Badda Cas. Imaaraadku waxa kale oo uu rabaa dhisidda kaabayaasha ganacsi iyo nabadgalyo ee fursad u siinaya inuu awood ku yeesho mid ka mid ah marinnada badeed ee dunidu ugu muhiimsan.
26-kii Diisambar 2025, Israa’iil waxa ay noqotay dalkii ugu horreeyey ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee aqoonsada Somaliland, iyadoo go’aankaas ku tilmaantay, sida Netanyaahu cabbiray, in uu yahay go’aan lagu saleeyey Heshiiska Ibraahiimiyada. Ma ahayn tallaabo mudnaanta koowaad siinaysa Somaliland, ee waxa ay la xidhiidhay Berbera. Aqoonsiga Somaliland waxa uu Israa’iil u dammaanad qaaday inay cagta soo dhigto goob istiraatiiji ah oo 300 ilaa 400 km u jirta Yaman. Waa meel siinaysa xogo sirdoon oo horumarsan iyo inay saldhig ciidan ka samaysato si ay uga hor tagto weerarrada Xuutiyiinta iyo isfidinta Iiraan ee Badda Cas.
Weerarkii iyo duqaymihii Israa’iil iyo Maraykanka oo wadajiraa ay ku qaadeen Iiraan ma ahayn sabab Geeska Afrika loollanka awoodaha waaweyn usoo jiidaysa, sababtoo ah loollankani waabu jiray, waanu fidayey. Arrinka duqaymahaasi soo afjareen se waa arrin ka muhiimsan: waxa soo afjarantay beentii u dambaysay ee aynnu rumaysannay, oo ahayd in nidaamka siyaasadeed iyo dhaqaale ee Dagaalkii Qaboobaa ka dib xoogaystay uu yahay nidaam gargaarka bani’aadamnimo Geeska Afrika ku dhisaya.
Si aynnu u fahanno waxa lumay, waxa ka horreeya inaynu fahanno dhabnimadiisa; waayo sheegasho sida loo dhigay aan run u ahayn ayey ahayd. Gargaarka bani’aadamnimo ee Galbeedka oo Geeska Afrika u diiday inuu gebi ahaan dumo Dagaalkii Qaboobaa ka dib, asal ahaan ma ahayn gargaar kasoo burqaday ku dhaqan anshax iyo damiir, walow hal-ku-dhigyadaas la adeegsaday. Galbeedku waxa uu u baahnaa Gees Afrikaan oo xasilloon, si saddex shay loo dammaanad qaado: jiritaan la’aanta dhibaatooyin qaxoonti oo buuxiya bogogga hore ee wargeysyada Yurub, in aan gobolku gabbaad u noqon kooxaha xagjirka ah ee u baahanaya faragelin milatari oo toos ah, iyo inaanay dhicin macaluul warbaahinta laga soo daayo oo islxisaabtan u baahata. Galbeedkuna waa uu helay hoggaamiyeyaal Geeska ka soo jeeda oo Galbeedka xasilloonidan uga shaqeeya, taageeradaasna dhaafsada.
Galbeedku waxa uu u baahday “Gees Afrikaan” oo ay fududdahay in la xakameeyo, Meles Sanaawi ayaana arrintan fududeeyey, beddelkeedana, waxa uu helay wixii ay Itoobiya uga baahnayd dawlad dhis. Ma ahayn sadaqo ama gargaar, ee waxa uu ahaa heshiis.
Meles Sanaawi waa tusaalaha ugu cad ee hannaankan. Ma ahayn malag aan dambi samayn, oo xukuumaddiisu waa tii cabudhisay Oromada iyo Deegaanka Soomaalida, waana salka nidaamka ugu dambayn sababay musiibadii Tigrayga, se haddana waxa uu fahmay heshiiska hoose ee Galbeedka, weliba qaab aan kuwa kale u fahmin. Waxa uu Galbeedka isaga dhigay saaxiibka aan looga maarmin Geeska, oo waxa uu metelay qofka hortaagan isfidinta al-Shabaab, dhidibka deggenaanshaha gobolka iyo heshiisiiyaha aanay dhinacyadu ka maarmin.
Arrinkan beddelkiisa, waxa uu helay deeqo badan: maalgelino caafimaad (PEPFAR), maalgashiyo beereed, maalgelinta caymiska bulsho, fududayn ganacsi iyo amaaho Bangiga Dunida ah. Kaalmadii dibadeed waxa uu u beddelay awoodo gudeed oo dawladdu yeelato, oo gaadhsiisan heer deeq bixiyayaashu aanay mararka qaar ku qanacsanayn, weliba isaga oo markasta ku dooday inaanay deequhu ku filnayn, walow ay natiijooyin la taaban karo keeneen. Xilligii Meles, Itoobiya waxa ay ku dhawaatay iskufilnaansho cunteed, si aanay weligeed Itoobiya hore ugu dhawaan, waxaana laga baaqsaday macaluul soo laalaaban jirtay. Waa kan halbeegga dhabta ah ee waxa hadda burburayaa.
Kolkii uu Meles dhintay 2012, hannaankani si tartiib ah ayuu u bilaabay inuu dumo. Xayle Maryam Dhisaalin waa uu sii waday heshiis maqaarsaar ah se aan guntii gaadhsiisnayn, dhuuxii istaraatiijiyadeedna aan lahayn. Hase ahaatee, Abiy Axmed, gebi ahaanba heshiiska waa uu soo afjaray. Ma aha inaanu awoodin sii wadistiisa, se waa in uu haysto aragti gebi ahaan taas hore ka duwan. Mashruuca Abiy waa mid xaddaaradeed oo maxalli ah – falsafadda Medemer, qoomiyad masiixi otodhogos ah, iyo saldhig siyaasadeed oo Oromo ah. Dan kama laha inuu noqdo gacanyaraha Galbeedka, ee waxa uu rabaa inuu halyeeynimo u metelo Itoobiyaanka, waxaana kasoo baxday xukuumad sii wadda helitaanka kaalmooyinkii uu heshiiskooda galay Meles, se aan ku dhaqmayn shuruudihii lagu bixiyey iyo shuruudihii horumarineed ee uu Meles dejiyey. Waxa ay iska noqdeen gargaar, waana waxa sababay in xukuumaddu dagaal ka hillaaciso deegaanka Tigrayga iyadoo haddana gargaarkaas helaysa, wax cadaadis ah oo lagu sameeyeyna aanu jirin.
Arrinka soo afjarmay 28-kii Feebarweri ma aha “nidaamka” laftiisa, oo hore ayaa baabi’inta USAID u bilawday inay nidaamkaas furfurto, khilaafyada ka dhex jiray Khaliijkuna waa ay sii badanayeen duqaynta ka hor. Se arrinka soo afjarmay waa xujadii maangalka ahayd ee ugu dambaysay ee ahayd in wax la sixi karo. Hannaanku waxa uu ku taagnaa saddex tiir: maalgelin Galbeed, deggenaanshaha Khaliijka iyo dawlad ka jirta Geeska Afrika oo awoodda inay kaalmada dibedda u beddesho iskufilnaan gudeed. Imika saddexdan tiirba waa ay dumeen, dagaalka Iiraanna sababta ma laha, ee keliya waxa uu sababay in aanay suurogal ahayn sii wadidda muujinta in arrimuhu dhabbihii hagaagsanaa hayaan.
Ereyada “dhibaato”, “musiibo”, iyo “xaalado degdeg ah” si dhab ah uma tilmaamayaan waxa Geeska Afrika ka socda, keliya waxa ay tilmaamayaan duruufta, se ma tilmaamayaan nidaamka gunta ka fagmaya. Ereybixinta ku habbooni waa “dhiigbax gudeed”. Dhismaha guud ee haayaduhu wuu jiraa (Haayaddii Qaxoontigu way joogtaa, Barnaamijka Cuntada Dunidu xafiiskiisa loojasti waa uu ku leeyahay Jabbuuti, Midawga Afrikana weli waa uu wataa shaqadiisa), se nidaamyada gudeed ee haayadahan ka shaqaysiinayay baa dhiigbax ku socdaa, weliba qaab aan waxba laga qaban karin.
Dhiigbaxa koowaad waa mid maaliyadeed. Go’aan keli ah ayaa USAID ku joojisay xaddi u dhigma boqolkiiba 42 maalgelinta gargaarkii bani’aadamnimo ee dunida, boqolkiiba 86 barnaamijyadeediina waa la joojiyey. Itoobiya waxa ay weyday wax ka badan hal bilyan oo doollar, halka boqolkiiba 80 la xidhay goobihii cuntada loogu karinayey qaxoontiga Suudaan toddobaaddo gudahood. Jarmalku waxa uu goostay 4.8 bilyan yuuro oo gargaar ah, faransiisku waxa uu joojiyey wax ka badan hal bilyan, halka Ingiriiskuna 900 milyan oo doollar u rogay inuu qaxoontiga gudaha ku kaalmeeyo. Maraykanku deeq bixiye caadi ah kama ahayn nidaamkan, ee waxa uu ahaa gidaarka tiirka u ah, oo dumay iyadoo weli dadkii degganaa ku jiraan.
Dhiigbaxa labaad, waa loojastiga. Jabbuuti waxa ay boqolkiiba 95 bixisaa waxa ay Itoobiya lasoo degto, sidoo kalena waa xarunta kaydka u ah gargaarka bani’aadamnimo ee la siinayo dalaka Soomaaliya, Suudaan, Yaman iyo Itoobiya. Waa xarunta loojasti ee Barnaamijka Cunnada Dunida, sidaas darteed, waa halbawlaha gobolka. Bartan xasaasiga ahi waxa ay ku taallaa albaabka laga galo Badda Cas, oo hadda dhaqdhaqaaqii maraakiibtu hoos u dhaceen boqolkiiba 75, ka dib weerarrada Xuutiyiinta iyo xidhitaanka Iiraan ay xidhay Hurmus. Saddex meelood meel ganacsiga carro nafaqeeyayaasha dunidu waxa ay maraan marinkan.
Dhiigbaxa saddexaad, waa siyaasad. Dagaalka Iiraan ka socdaa waxa uu halmar meesha ka saarayaa kaalintii xasilinta iyo saamaynta labada dal ee Khaliijku (Sacuudiga iyo Imaaraadka) ku lahaayeen Geeska Afrika. Hoos u dhacan kaalintooda ku yimi waa mid abuuraya kaalin bannaanaatay. Tusaale ahaan, RSF oo Suudaan ka dagaallanta, waxa ka go’aya taageeradii Imaaraadka, se kama dhigna inay taagdarraynayaan, oo waxa ay maalgelintii dibadeed kaga maarmayaan qodista dahabka iyo cashuurta laga qaado rayidka, waana arrin ka dhigaya jabhad sidii hore ka gacan kulul oo cid ay u hoggaansataa aanay jirin. Midawga Afrika oo dhexdhexaadinta dhinacyada Afrika u adeegsan jiray maalgelinta uu ka helo Midawga Yurub iyo dalal Khaliijka ah, waxa yaraanaysa kaalintiisii dhexdhexaadinta, waxaana caddaanaysa in madaxbannaanida Afrika ee dhinaca nabadgalyadu ay ahayd mid dibedda laga maalgeliyo oo aan lahayn qotodheeraan kale.
Dhiigbaxa afaraad waa xawaaladaha. Waa ka ugu saamaynta xooggan, sababtoo ah bulsho iyo qoysas badan baa ku tiirsan lacagaha qaraabadoodu bannaanka uga soo diraan. Soomaaliya waxa ay sannadkii xawaaladaha ka heshaa hal bilyan oo doollar (wax ka badan miisaaniyadda xukuumaddeeda), Itoobiyana waxa ay ka heshaa shan bilyan oo doollar sannadkii, boqolkiiba 75 lacagahaasina waxa ay soo maraan xawaaladaha aan rasmiga ahayn. 750 kun oo Itoobiyaan ah oo aan dhukumantiyo haysan ayaa ku sugan Sacuudiga, oo haddii dagaalku sii socdo halis ugu jira in lasoo tarxiilo. Xeerarka adag ee maaliyadda ee ka jira Khaliijku waxa ay carqaladayn karaan lacagaha xawaaladaha, tan oo tusaale ahaan ka dhigan in qoyska Suudaaniga ahi nabadgalyadii gudeedna la’yahay, masruufkii qaraabadiisu usoo diraysayna uu waayayo.
Giraanta caanka ah ee gargaarka bani’aadamnimo – dhibaatada oo la aqoonsado, qaybinta maalgelinaha, dib usoo celinta seeskii xasilloonida, ka dibna lasoo celiyo – waa fekrad ku tiirsan in gobolku bogsan karo dhibaatada ka dib, se Geesku, shuruudihii gundhigga u ahaa soo kabashada waxa la burburiyey ka hor intaan wax heshiis ahba la bilaabin.
Dhaqaalaha Suudaan waxa uu dumay boqolkiiba 42, mashruucii beereed ee ugu muhiimsanaa (Mashruuca Jasiira) waxa uu la kulmay boob. Ciidamada Qaranka iyo RSF mid kastaaba goonni ayaa uu isu maalgeliyaa iyagoo boobaya khayraadka dalka. Kolkaas, Suudaan ma aha dal u baahan “dib-u-dhis”, sababtoo ah haayadihii dib-u-dhiska samayn lahaaba waa ay dumeen (nidaamkii cashuureed, beerihii iyo nabadgalyadii), waxa kaliya ee soo hadhayna waa dhaqaale dagaal.
Dhibta ka weyni, waa in 53% carruurta Waqooyiga Daarfuur ay la daalaadhacayaan nafaqo darro. Macaluusha sidan ahi, waa mid ilmaha kunka maalmood ee ugu horreeya cimrigiisa ku sababaya maskax-naafoobid aan waxba laga qaban karin. Waa carruur mustaqbalka noqonaya dhallinyaro aan waxba soo saari karin. Dhibaatadani waxa ay noqonaysaa mid joogto ah, iyada oo dunidiina ku mashquulsantahay dhibaatooyin kale, sida Iiraan. Soomaaliyana, waxa sii awoodaysanaysa ururka al-Shabaab, sababtoo ah dadka waxa ay siinaysaa wax aanay xukuumaddu awoodin; mushahar, adeegyo iyo nidaam. Waxa jira caddaymo sheegaya in dhallinyaro badani ku biirayaan al-Shabaab, waxa kale oo jira caddaymo muujinaya in xidhiidh ka dhexeeyo Xuutiyiinta iyo al-Shabaab, arrinkan oo dhibta aan deegaan ku koobayn, ee ka dhigaya mid gobolka oo dhan raadaynaya.
Kolka lasoo hadal qaado bixitaanka Galbeedka ee Geeska waxa maangal ah in la is wayddiiyo: Shiinuhu kaalinta Galbeedka ma buuxin doonaa? Dadka u kuurgalayaa waxa ay arkayaan isballaadhinta Shiinaha ee muuqata, sida saldhiggiisa milatari ee Jabbuuti, jidka tareen ee Addis Ababa iyo Jabuuti isku xidha, daymaha uu siiyey Itoobiya iyo Kiiniya, iyo danaha uu ku leeyahay dekedaha Badda Cas. Shiinuhu waa dhinaca dibadeed ee ugu maskax badan istaraatiiji ahaan, sababtoo ah waxa uu kulansaday awoodihii, samirkii iyo aragtida wakhtiga fog ee aanay Waashintoon hadda lahayn. Laakiin, Shiinuhu kaalinta Galbeedka qaadan maayo, maxaa yeelay diyaar uma aha, oo xitaa waa ay xisaabiyey, oo waxa si qotodheer ugu soo baxday in aanu kaalintaas mudnayn.
Shiinuhu waxa uu wax ka bartay tijaabada Galbeedku kala kulmeen Itoobiya xilligii Meles, waxaanu fahmay in hannaankaasi aanu guulaysanayn marka ay dawladdu tahay mid xooggan oo gacanta wax ku haysa mooyee. Kolkii Itoobiya bilawday furfuranka, Shiinuhu kaalintii bannaanaatay ee Galbeedka muu buuxin, keliya waxa uu ilaashaday maalgashiyadiisa iyo maaraynta daymahiisa, isagoo ka fogaanaya dhibaatooyinka siyaasadeed. Shiinuhu waxa uu ilaashanayaa dekedahiisa iyo jidadka tareen, xeryaha qaxoontigana waxa uu u daynayaa ciddii danaynaysa. Waxa uu fahmay inuu macaashkiisa heli karo isaga oo aan masuuliyad isa saarin, sidaas ayaanu ku wadayaa ilaa laba mid dhaco: in ay soo baxdo dawlad adag oo gobolka ah oo u qalanta inay noqoto saaxiib dhab ah oo Shiinuhu ku kalsoon yahay, ama in heerka deggenaansho la’aantu gaadho heer uu si toos ah maalgashiyada Shiinaha uu u taabto, oo ku khasbaya inuu faragelin sameeyo. Hadda labadan midina ma jiro, tan oo ka dhigan in kaalinta bannaani iska sii jiri doonto.
Hannaanka “dillaaliddu” (haayadaha isku xidh) marka uu dhammaado, xalku ma aha in la raadiyo xal kale oo dillaalnimo ah. Keenidda deeq bixiyayaal kale, ama maalgelin intii hore kasii badan, dhibaatada ma xallinayaan, sababta oo ah waa wax dhisaya isla qalfoofkii hore oo kale oo taagdaran, kuna dumaya khalkhal kasta oo siyaasadeed. Arrinka dhabta ah ee aynu u baahannahay waa wax ka xooggan maalgelin, waa ilaalinta dhidibbada farsamo iyo haayadeed ee dawladda kobcaysaa u baahan tahay.
Waxa aan uga jeedaa, ilaalinta adeegyada beeraha, nidaamyada digniinta hordhaca ka bixin kara suququlka cunto, shabakadaha xawilaadda lacagaha, iyo qaababka maalgelinta soo dhoofsashada carro nafaqeeyayaasha. Ilaalinta iyo dhisidda nidaamyadani waa wax hoggaamiye kasta oo han dawlad dhis leh baahi u qabo. Waxa aynnu u baahannahay heshiis “xasilloonida cunto ee Geeska Afrika” ah, oo ballanqaadaya in dal kastaa boqolkiiba toban miisaaniyaddiisa ku bixiyo beeraha.
Xidhitaanka marinka Hurmus ma aha dhibaato fudud oo laga gudbi karo, sababta oo ah waa marin boqolkiiba 27 shidaalka dunida, iyo boqolkiiba 30 carro nafaqeeyayaasha dunidu ay maraan. Sanduuqa Lacagta Dunidu waxa uu qiyaasay in korodh kasta oo boqolkiiba toban ah oo ku dhaca shidaalku uu kor u qaadayo sicirbararka dunida boqolkiiba 0.4. Beeralayda Itoobiya ee kala badh aanay soo iibsan karin carro nafaqeeyayaal saboolnimadooda darteed, iyo 24 milyan Suudaani ah oo la dhibaataysan macaluul, marinka Hurmus iyo qiyaasaha la xidhiidha waa u geeri ama nolol, xilli ay meesha ka maqantahay dawladdii soo faragashan lahayd.