Skip to main content

Sunday 16 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Masrax

Marka Cunfigu Sharci Noqdo

2 October, 2025
Image
Marka Cunfigu Sharci Noqdo
Share

Dabshidkii 2007-kii waxa lagu tiriyaa sannadkii ugu foolaadsanaa shaneemada hollywood-ka ee qarniga 21-aad. Waa sannad baadisooc ku ahaa filimaan leh sheekooyin falsafiya oo lafagura, naqdiya waayaha bulshada, islajeerkaana ku abuura kasmaalid iyo baraarug. Ogobeey waa sannadka ay soo ifbaxeen filimaan xusuus maguuraan ah ku yeeshay mucaaashaqiinta shaneemada. Waxaa kamid ahaa; No Country for Old Men, There Will Be Blood, Zodiac iyo into The Wild.

Filinka la yidhaa “No Country for Old Me “oo sannadkaas soo baxay waxa wada agaasimay walaalaha Joel and Ethan Coen, oo loo garan ogyahay (Coen Brothers), sheekada filinka waxa laga soo dhigaalay noofal uu qoray Cormac McCarthy waa isla sheekada uu magaca filinku wato taas oo la daabacay labo sanno ka hor soo saarista filimka.

Walaalaha Coens waxay shaacsane ku yihiin in ay filimaantooda dhagarta iyo cunfiga ah ku ladhaan kaftandhable iyo maad, balse filinkan waxay u agaasimeyaan farsamooyin sahlan, dhacdooyin fudud oo aamusnaan ah ayaa waxa ka dhex aloosmaya rabshado iyo xasarad joogta ah. Iskuma ay lurin qurxin iyo muunadayn, sidoo kale agabka muusigga aad luugama adeegsan.

Horraysaba waxa xiiso iyo su'aal maangad ah innagu dhalinaaya magaca filinka, waa ciwaan mar tabinaaya sida qofka duqoobay ugu qaloodo dunida uu yaqaannay markay dhalan roganto, islajeerkaana abuurmaan dhaqamo cusub oo aanu la jaanqaadi karin. Mar kale waa ciwaan inoo bidhaaminaya hoobadka anshaxeed siduu u burburiyo qiyamka soo jireenka ah iyo sida qofku anshax la'aan u dadnimotirmo oo cunfigu anshax u noqdo. Nuxurada dabinka qaddarka, sharka iyo macnadarradu, waa qodobbada uu tabinaayo filinkani.

Rakibka sheekada

Goobtu waa lamadegaanka gobolka Texas, bilowga hore waxa aynnu arkaynaa baxaalliga Llewelyn Moss (Josh Brolin), waa askari ka soo laabtay dagaalkii Fitnaam, waa nin xeeladda dagaalka yaqaan oo garasho badan. Wuxuu si kadiso leh ula kulmayaa maydad wadhan lamadegaanka Texas, waa dagaal ka dhashay heshiis daroogo oo fashilmay. Inta uu dhex jibaaxayo maydadka, wuxuu helayaa shandad ay ku jirto lacag dhan laba malyuun oo doollar, wuxuu go'aansanayaa inuu hantiyo lacagta. Doorashadaasi waxay u horseedaysaa inuu ku dhaco dabinka qaddarka iyo baacsad aan hakasho lahayn.

Dabshidkii 2007-kii waxa lagu tiriyaa sannadkii ugu foolaadsanaa shaneemada hollywood-ka ee qarniga 21-aad. Waa sannad baadisooc ku ahaa filimaan leh sheekooyin falsafiya oo lafagur iyo naqdin ku abbaaraya waayaha bulshada, islajeerkaana ku abuura kasmaalid iyo baraarug.

Moss waxa ku raad jooga Anton Chigurh (Javier Bardem), waa shakhsiyad rabshad badan oo arxanlaawe ah, waxa lagu tiriyaa shakhsiyaddii ugu argagaxa badnayd, xumaanleyda ka soo muuqatay shaashadaha filimaanta. Wuxuu ku dabajiraa lacagtii Moss qaatay. Inta uu socdo baacsiga Moss iyo Chigurh, dhanka kale waxa inoo muuqanaya Sheriff Bell oo ah sarkaal da'weyn oo ka walaacsan hoobad anshaxeed iyo burburka qiyamkii soo jireenka ahaa, wuuna ku dhex qaloodaa dunidan sharku qulqulaayo. Dhanka kale wuxuu isku deyaa inuu xalliyo rabshadda jirta ee uu dareemaayo inay ka tamar badan tahay.Bartaas ayey ka unkantaa qulqulka sheekada filinku taas oo ay udub-dhexaad u tahay shar aan dhammaad lahayn iyo cidhib-dambeed aan la baajin karin.

Dulucda filinka

Dulucda filinkan udubdhexaadka u ah waxa kamid ah qaddarka iyo fursadda, dhacdooyin si lamafilaan ah u dhaca ayaa noqda cidhib-dambeed lamadhafaan ah. Middaas waxa inoo muujiyanaya go'aanka sahlan ee jilaaga Moss gaadhayo siduu ugu horseedayo rabshado joogta ah.

Dhan kale, Chigurh oo ah jilaha ugu dhiifoon ee sheekada ku xuduman tahay waa astaan matalaysa duni aan xeer iyo anshax jirin siduu qofku u dhaqmi karo. Shakhsiyadda Chigurh maaha nin dadka u dila nacayb iyo nacabnimo, balse waa qof isu arka in uu qaddarka wakiil ka yahay, oo xeerarka iyo anshaxa insaaniga ahna ka sarreeyo. Chigurh, wuxuu nolosha iyo dhimashada dadka ku jaangooyaa xarash iyo madaxa shilinka. Waa dood inoo muujinaysa in aayaha dadku u luqun jibaadhan yahay qaddar aan la baajin karin.

Ciwaanka filimku (No Country for old men) waa ciwaan mar tabinaaya sida qofka duqoobay ugu qaloodo dunida uu yaqaannay markay dhalan roganto, mar kalena waa ciwaan bidhaaminaya hoobadka anshaxeed siduu u burburiyo qiyamka soo jireenka ah iyo sida qofku anshax la'aan u dadnimotirmo oo cunfigu anshax u noqdo.

Nuxurrada kale ee filinku tabinaayo waxa ka mid ah u hilowga berisamaadka iyo qalada laga dhaxlo casriyawga. Sarkaal Tom Bell, markuu ku baraarugo hoobadka ku socda qiyamkii uu la soo noolaa wuxuu dareemaa walbahaar faceed, oo wuxuu ku cataabaa shalaa dhaantey. Mar kale filinku wuxuu innoo bidhaaminayaa doodda ah in taariikhda Ilbaxnimada insaanku sii hoobanayso oo ayna isa soo tarayn, middaasna waxa inna tusaya rabshadda joogtada ah ee filinku ku iba furmayo kuna soo idlaanayo.

Gabogabadii, dhammaadka filinku waa mid maangad ku noqonaya daawadayaasha. Waxyaabaha filinkan dhammaadkiisa baadisooca ka dhigay waa inuu ka leexday dawgii lagu bartay filimaanta dambiyada ee ku soo dhammaan jiray in xumaanleyda wanaaggu ka adkaado oo dhibaatada sheekadu ka unkantay la furdaamiyo. Balse si ka duwan xeerarkaas ayuu filinkan (No Country for Old Men) ku dhammaanayaa, waa dhammaad inoo sii iftiiminaya dulucda iyo doodda filinka, oo dhammaadka waxa aynu aragnaa in cunfiga iyo rabshaddu sii xadhka goostaan ilaa heer ay sharciyoobaan, halka qaddarkuna noqdo ugaadhsade aan laga baxsan karin. Mar kale dhammaadka filinku wuxuu dhab'abbaarayaa macnadarrada nolosha, sida dhacdooyin shil ahi aayahaaga u rafaadiyaan. Sidoo kale, dhammaadka waxa aynu garwaaqsanaynaa sida noloshan casriyawga ah insaanku uga xuubsiibtay anshaxa. Waa dhammaad xasuus aan tirmayn ku yeeshay mucaaashaqiinta shaneemada.

Qoraallada kale ee qoraaga

Aragti

Eelka Laba-baraadleynta