Wednesday 19 February 2025
Mario Vargas Llosa waa mid ka mid ah qoraayada dunida ugu caansan xilligan aynnu noolnahay. Waxa lagu bartay taxane buugaag ah oo kala duwan, walow ay sheekafaneeddu udubdhexaad u tahay waxqabadkiisa qoraal, magaciisana safka hore ka gelisay suugaanta dunida. Waraysigan aynnu tarjumayno waxa laga qaaday 2013-kii, waxaana waraystay Eric Clement, oo ka socday wargeyska La Presse. Waraysiga waxa uu qoraagani kaga hadlayaa qaddiyado dib innoogu celinaya laba sooyaal: sooyaalkii Peru iyo ilbaxnimadii hore ee dalkaas, waxa kale oo uu qoraagu waraysigan iftiiminayaa dhacdooyin noloshiisa ku saabsan sida helitaankii abaalmarinta Noobalka ee suugaanta iyo guuldarradii uu kala kulmay doorashadii madaxtooyada Peru ee uu isu taagay. Waa waraysi dhinacyo badan oo qoraagan laga ogeyn daaha ka qaadaya.
Mario Vargas Llosa: Waxyaabaha qurxoon ee ay tahay in Peru laga muujiyo waxa ka mid ah dhaxalka dalkan ee arkiyoolajiyada iyo farshaxanka leh. Nasiibdarro arrinkan dadku aad uguma baraarugsana, sida dalal kale oo dhaxalkaas oo kale leh loo yaqaan. Sidaas darteed, bandhiggaasi waa tallaabo wacan oo weliba si tayo sare leh loo soo agaasimay. Waa bandhig fursad inoo siinaya in aynnu fahanno kala duwanaanta dhaxalka aadame.
MVL: Beryahan dambe sidaad aragtid, Sotheby’s [oo dillaala farshaxanka iyo raadadka hore ee la helay], waxa uu magaalada Baariis ku soo bandhigayaa xaraashka toddobaatan qaybood oo farshaxankii Peru ah, wakhtigiisuna yahay wixii ka horreeyey intaan Isbaanishku iman Peru. Farshaxankan badankiisa waxa laga keenay Barcelona, waana farshaxan qiimo sare ku fadhiya, qurux ahaan iyo sooyaal ahaanba. Weli ma arag cid arrinkan ka hortagta. Waxa kale oo jira farshaxan iyo raadad taariikheed oo badan oo ay dalka kooxo dalka uga saareen sifo sharci darro ah. Joojinta arrimahan waa in maxkamadaha caalamiga ahi ka hawlgalaan.
MVL: Farshaxanka yaalla madxafyada waaweyn, sida Louvre, Hermitage ama del Prado, sina macquul uma aha in aynnu ku fikirno in halkaas laga qaado. Waa in waxii hadda si sharcidarro ah lagu dhoofiyo laga hawlgalo, oo la raaco heshiisyada caalamiga ah iyo xeerarka u yaalla, oo aynnu dhinaca kalena ixtiraamno madxafyada waaweyn ee lagu soo bandhigo waxqabadkan.
MVL: Peru iyo meel kasta oo kaleba, fikradda wadaraynta aqoonsiga bulsho waxa ku hoos jira arrin khatar weyn leh, waxaanay gundhig u tahay aydhiyoolajiyad halis ah oo la mid ah tii qawmiyadda. Ma jirto bulsho si dhammaystiran uga soo wada jeedda hal isir, dhaqan, bulsho ama diin, kala duwanaantuna waa wax wanaagsan oo togan. Xaaladda Peru marka dhinac laga eegana waa mid amakaag leh, sababtoo ah waa dal isirro badan koobsanaya, dhaqanno kala duwan kulansada oo aqoonsiyo kala duwan ka jiraan.
MVL: Waxa aan ka hadlayay qaar ka mid ah bulshooyinka asalka u leh Peru. Dadkii asal ahaan loogu yimi hal xaalad kuma sugna, bulshada reer Peru-na hal sanduuq kuma wada ridi karno. Bulshooyinka qaar baa casriga la jaanqaaday oo bulshooyinka cusub ee dunida wax la qaybsaday. Bulshooyin kale, oo tiro ahaan yar, badankana ku nool kaymaha Amasuunka, ilaa hadda waxa ay ku jiraan noloshii hore ee bilawga iyo xaalado nololeed oo taariikhda ka hor ah.
MVL: Waxa aan aaminsanahay in arrinkaas lagu suuragelin karo in la raaco siyaasad maskax badan lagu hagayo oo dadkaas u suuragalisa in loo abuuro fursado cusboonaysiin ah, dhinaca kalena aan laga takhallusin dhaqanka soo jireenka ah ee bulshada. Waa arrin adag oo si taxaddir leh in loo sameeyo u baahan. Dad badan ma suuraysan karaan in la cusboonaysiiyo nolosha bulsho iyada oo aan la burburin dhaqankoodii hore, afafkii iyo waxyaabihii soo jireenka u ahaa.
MVL: Wixii dedaal ah ee aan samayn karayay waan sameeyey, waxaana jira dad kale oo dedaal kale oo badan bixiyey, si wanaagsanna uga midho dhaliyey. Aniga fikirkayga, siyaasaddu ma aha waxa aan u janjeedho, se suugaanta ayaa ah waxa aan xiiseeyo. Bulshada reer Peru waxa ay doorasho la’aantayda igu celiyeen in aan mar kale waxqabadkaygii qoraal ku laabto, oo ah shaqo aan ku raaxaysto. Guuldarradaasina waxa ay ahayd mid aan si weyn ii taaban. Hase ahaatee, fikrado badan oo aannu xilligii ololaha doorashada ku baaqaynay, sida in aan xorriyadda la kala dhantaalin, mid siyaasadeed, mid bulsho, mid dhaqaale iyo mid dhaqanba, weli waa fikrado iyo baaqyo jira oo sidii hore ka sii xoogaystay, waxaana astaan u ah in Peru horumar samaynayso.
MVL: Haddii aynnu soo qaadanno buuggayga “Civilization del Espectaculo” waa buug aan rejo wanaagsan ka muujinayn dhinacan. Muran kuma jiro in isbeddelo waaweyn ku dhaceen xorriyadda siyaasadeed iyo xorriyadda dhaqaaleba. Mufakiriintii lIbaraaliyada, sida Adam Smith, Friedrich Hayek iyo Isaiah Berlin, waxa ay aaminsanaayeen in xorriyada dhaqaale iyo xorriyada suuqu ku lammaanaan karin nolol aqooneed oo xooggan iyo nolol ruuxeed, sababtuna waa in saqaafadda iyo arrimaha ruuxdu ku dhex lumayaan xorriyadda dhaqaale. Xilligeenan waxa aynnu noolnahay xilli dib u dhac ballaadhan ku yimi aragtiyaha aqooneed, saqaafadda lafteediina laga dhigtay wax lagu madaddaasho oo wakhtiga la isku dhaafiyo. Aad baa hoos loogu dhigay kaalintii saqaafadda, waxaana safka hore ka qaaday lebbiska, quruxda iyo adeegyada kale ee suuqa laga helo. Isla jeerkan, waxa saboolnimo weyni ku habsatay dhinaca ruuxda. Waxa aan aaminsanahay in arrinkani halis weyn ku yahay nolosha, weliba marka qodobbo kale ka dhashaan sida musuqmaasuqa oo imika aad u baahaya. Waxa meesha taalla dhibaato anshax, sidaas darteed, ma jirto sabab niyad wanaag loo muujiyo, sababtoo ah dawo looma hayo dhibaatooyinka sii kordhaya.
MVL: Xilligan taagan wax badan kagama qayb qaadan karo, sababtoo ah fekraduhu boos muhiim ah kuma laha xilligeenan. Samankan waxa muhiim ah muuqa iyo sawirka, heer la gaadhay in dadka hoggaanka u ah bulshadu aanay ahayn mufakiriin, falaasifo ama saynisyahanno, se ay yihiin ciyaartoyda iyo dadka tiifiiyada laga arko, macnaha waa dadka madaddaalada, ee maaha dadka fekerka. Ma aaminsani in dadkaas lagu daydaa leeyihiin fekrado cad oo ay farriimo wax dhisi kara ku soo gudbin karaan. Arrinku kol haddii uu sidaas yahay, waxa cad in saboolnimo baahsani ku habsatay ruuxda iyo fekerka, se madaddaalada iyo hababka raaxaysiga ayaa noqday waxa halbeegga u ah nolosha. Kala wareeggani keliya aqoonta ma saamayn, ee xitaa siyaasadda ayaa ma dhalays aan macno badan ku jirin isku beddeshay. Waxa dumay hannaankii qiyamka, waana wax burburin kara maamullada dimuqraaddiga ah ee dunida Galbeedka iyo dunida saddexaadba. Waa mushkiladda u weyn ee dadka soo foodsaartay xilligan.
MVL: Amakaag iyo lama filaan aad u weyn ayay igu noqotay. Waxa aan yaqiinsanaa in aanan heli karin abaalmarintan noloshayda inta ka hadhay, arrimihii siyaasadda ee aan faraha la galayna in ay iga hor istaagayaan helitaankeeda ayaan aaminsanaa. Se waa ay i siiyeen wax kastoo jirayba, waana sababta ay lama filaanka iigu noqotay.
MVL: Runtii hadda wakhtiba uma helo noloshayda gaarka ah. Abaalmarinta Nooballku waxa ay kugu soo furaysaa nooc xayaysiis joogto ah, badankana warbaahinta ayaanad ka helayn wakhti. Marar badan baan isku dayaa in aan wakhti gaar ah u asteeyo qoraalka, se waxaan ogaadaa in aanan wakhtiba hayn. Arrinka warbaahintu waxa uu ugu xoogganaa sannadkii koowaad ee aan Noobalka ku guulaystay, walow haddana waan ku faraxsanahay in aan tijaabadaas lafteeda maro, indhaha badan ee warbaahintu se dhaliilahooda waa ay leeyihiin.
MVL: Aniga oo dhallinyaro ah ayaan bartay luuqadda Faransiiska. Waxa aan xiise weyn u qabay suugaanta Faransiiska. Waxa aan filayaa in suugaanta Faransiisku saamaynta ugu weyn igu leedahay, waxaana soo raaca in aan toddobo sano ku qaatay Faransiiska, oo ah sannado qaabeynta ugu weyn ka qaatay noloshayda qoraannimo.
MVL: Haa, qarnigii 19aad suugaantiisa waan jecelahay. Waxa kale oo dadkaas suugaantooda aan ka helay ka mid ah, Balzac iyo Stendhal, waxa kale oo aan wax ka akhriyaa Baudelaire iyo Rambo. Qarnigii 20aad laftiisa waxa saamayn igu yeeshay Marcel Proust iyo Celine. Waa laba qoraa oo wakhtigan casriga ah soo gaadhay, marka laga yimaaddo fikradaha argagaxa leh ee ay difaaceen. Waxa kale oo aan waxqabadkiisa suugaaneed ka helay André Malraux oo qoray mid ka mid ah sheekooyinkii qarnigii 20aad ugu tayada badnaa. Waxa kale oo aan ku saamoobay fikrada wujuudiga ee Sartre, walow aan waxyaabo badan mararkii dambe ku diiday, haddana weli saamayntiisii waa ay i haysataa, sida dooddiisii ahayd in suugaantu nuxur yeelato oo ay nolosha dadka saamayso.
MVL: Maanta inta aan qoraayo dhintay waxqabadkooda akhriyo ayaa ka badan inta aan akhriyo kuwa nool. Waxa aan inta badan akhriyaa waxqabadka Boccaccio, waxa aan aad u akhriyaa suugaanta Faloorinis, suugaanta casriga ahna wax waan ka akhriyaa, se waxa aan u badanahay akhriska suugaanta kalaasiga ah.
MVL: Haa, maalin kasta waxbaan qoraa, waxaanan leeyahay saacado shaqo. Subixii iyo duhur ka dibba waxa aan wax ku qoraa gurigayga. Marka aan Spain joogo, oo aan sannadka badh ka mid ah ku qaato, waxa aan jecelahay in aan maktabad wax ku qoro ama aan maqaaxi tago. Sidan waxa aan dhaqan ka dhigtay ilaa berigii aan Paris ku noolaa. Marar badan waan jeclaystaa in aan maqaaxi wax ku dhex qoro. Isniinta ilaa Jimcaha waxa aan qoraa buugga aan markaas wado, dhammaadka toddobaadkana waxa aan qoraa maqaallada aan sida joogtada ah uga shaqeeyo. Sida uu horeba Flaubert u yidhi, qoraalku waa hab nololeed, mana sawiran karo nolol oo aan wareegtadan nololeed lahayn. Noloshaydu gebi ahaan waa sidan, wixii kasoo hadhaana waa wax aan ugu adeegayo intan.
MVL: Sheekooyinku waxa ay maskaxdayda ku dhashaan iyagoo xambaarsan qaabka ay noqonayaan. Waxa jira sheekooyin marka aan bilaabayo aan ugu talogalsanahay masraxa iyo sheekooyin sheeko-faneed ahaan aan u qoro. Waxa igu abuuran dareen aan bilawgaba aan ku garan karo nooca sheekada. Sheekada Boccaccio, waxa aan bilawgiiba go’aansaday in sheekadani masraxiyad noqoto.
MVL: Waan dhammeeyey buuggaas toddobaadyo ka hor, waana sheeko-faneed cinwaankeedu yahay “Geesiga Qarsoon”, waxaanu ku soo bixi doonaa Isbaanish. Labadii sanno ee u dambeeyey ayaan sheekadan qorayey, waana sheeko dhacdooyinkeedu ka dhacayaan Peru, goobo u dhexeeya labada magaalo ee Lima iyo Piura, oo ah magaalo aan yaraantaydii ku soo qaatay. Waa sheeko ku saabsan Peru sida ay hadda ku sugantahay iyo isbeddellada waaweyn ee dhacay, dhinaca bulshada, cusboonaysiinta, horumarka dhaqaale, samaysanka dabaqadda dhexe, dhinaca kalena kor u kaca nabadgalyo darrada, dambiyada magaalada, kooxaha daroogada iyo isbeddelka guud ee dalka ka dhacay.
MVL: Marka aan dhammeeyo sheekooyinka Boccaccio, waxa aan qayb kale ku dari taariikh-nololeedkayga, waxaanan taariikh-nololeedkaas u gaaryeeli toddobadii sanno ee aan Paris ku noolaa, lixdanaadkii qarnigii hore. Waa xilli Paris ahayd mid ka mid ah magaalooyinka ugu hibada sarreeya aqoon ahaan, suugaan ahaan iyo fan ahaanba. Waa xilli dad door weyn ku leh dhinac kastaa soo mareen, oo sinimooga cusubina hanaqaaday.
MVL: Waa xilli aad u wacnaa, oo nolosha siyaasadeed aanay ka baxsanayn nolosha aqoonta. Waxa aan xasuustaa doodo siyaasadeed oo aan ka qaybgalay, aadna ashqaraar u ahaa. Waxa aan filayaa in dooddii siyaasadeed ee ugu toolmoonayd ee aan daawaday waa dooddii u dhaxaysay Raysalwasaare Michel Debre iyo Pierre Mendes France. Waxay ahayd dood ay ka muuqato maskax badnaan, habdhaqan wanaagsan, aqoon iyo garasho siyaasadeed oo durugsan. Sidaas darteed, sannadahaasi waa sannadihii iigu wanaagsanaa, iiguna saamaynta badnaa suugaan ahaan iyo aragti ahaanba.
MVL: Waxa jira waxyaabo badan oo aan berigii hore wax ka qoray, maanta se aan si ka duwan sidaas hore wax uga qori lahaa. Sheekooyin badan oo aan qoray beri hore ayaa ina horyaalla, xilligaasna biime ahaa, sidaas darteed, waan la jiraa waxii aan hore u qoray oo dhan.