Skip to main content

Sunday 18 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Marinhabaabinta Sooyaalka Falasdiin ee Gudaha Falasdiin

4 December, 2025
Image
Marinhabaabinta Sooyaalka Falasdiin ee Gudaha Falasdiin
Share

Intii lagu jiray xagaagii 2025, waxa aan taxane tababarro ah ku qabtay Jaamacadda al-Khaliil. Hadaljeedintaas waxa aan kusoo qaatay sida diiwaannadii Cusmaaniyada ee ku kaydsan arkiifiyada loogu adeegsaday qoraalka sooyaalka Falasdiin. Anigoo kusoo beegmay xilli xasuuq joogto ahi ku socdo Falasdiiniyiinta, joogitaankaygii magaalada al-Khaliil waxa uu igu dhaliyey wayddiimo dhawr ah oo ku saabsan kaalinta ay suurogal tahay in deraasaynta sooyaalka Falasdiin ka qaadan karo fahanka gumeysiga, dhulboobka iyo xadgudubka gumaystaha.

Qofka wakhti ku qaata Daanta Galbeed, waxa uu si buuxda u yaqiinsanayaa in xadgudubka gumeysiga iyo isirsifaynta joogtada ahi aanay ahayn dhacdooyin dhif u dhaca, ee ay yihiin tijaabo maalinle ah oo qof kasta oo Falasdiini ahi maro laga soo bilaabo maalinka uu dhasho. Xadgudubkani waxa uu kusoo muuqdaa wejiyo kala duwan oo dhawr ah: ku barbaaridda guri mid ka mid ah xubnihiisii qasab lagu kaxaystay, qof la taahaya xanuunka feedhaha ay ka jabisay rasaasta caagga ahi, midka la ooyaya gaasta ilmada, dayaanka dhawaqa bambooyin xilli khasab lagu galayo dugsiyo ama la duminayo guryo. Waa carruur ku barbaartay in aanay dugsiyada gaadhin wakhtigii ku habboonaa natiijada ka dhalatay jid khasab lagu xidhay, ama mushaharaadka shaqaalaha ee dib u dhaca. Dhammaan waxani waxa ay u dhacaan si loo fuliyo go’aannada xukuumadda Israa’iil ee rabta in jawi ceeryaan lagu jiro, lana diido in mustaqbal iyo wakhti joogaba laga fekeri karo, amaba diiddan in qofka Falasdiiniga ahi gaadho dhulkiisa, gurigiisa ama xitaa xubnaha qoyskiisa, teedka iyo gumeysiga lagu hayo awgood, amaba xadgudubka dadka la degaameeyey ee aan sharciga ahayn awgood, kuwaas oo mararka qaar deggan masaafo dhow oo hal jid u dhexeeyo.

Hadda waa suurogal in aad suuraysatid anfariirka I qabsaday kolkaan ogaaday in xadgudubkan gumeysiga ah ee joogtada ah ay ceeb ka saliim ka dhigaan qaar ka mid ah buugaagta sooyaalku, amaba iska indhotiraan, xitaa buugagga sooyaalka ee gudaha Daanta Galbeed. Kolkii aan markii koowaad gaadhay Jaamacadda al-Khaliil, waxa aan rejaynayey in ay ii suurogasho in aan dadka jooga u akhriyo qaar ka mid ah dhukumantiyada Cusmaaniga ah, se inta badan dadka joogay ma ay garanayn luuqada Turkiga; arrinkan oo akhris-wadareedka aannu ku samayn lahayn dhukumantiyadaas adkeeyey, waxaanan bilaabay in aan dareemo in aanan goobjoogayaasha wada gaadhi karin. Fadhigii labaad, waxa aan ku laabtay arkiifiyadii ii gaarka ahayd ee aan sannado badan kaydiyey, waxaanan soo saaray qaar ka mid ah dhukumantiyada aan is idhi waxa ay muhiimad u yeelan doonaan ardayda deraasadaha sare iyo cilmibaadhayaasha maxalliga ah. Dhukumantiyadaas waxa ka mid ahaa kuwo caddaynaya isku dayo uu Theodor Herzl ku laaluushayey suldaankii Cusmaaniga ahaa oo diiday laaluushka loo soo bandhigay.

Baabi’inta sooyaalka Falastiinida waxa garab socota burburinta arkiifiyooyinka iyo maktabadaha, iyo boobka goobaha raadadka, falkaas oo ay ku fooganyihiin degal baadhayaal isugu dhafan Israa’iiliyiin, Maraykan iyo Yurubiyaan.

Kolkii aan shaaciyey in fadhiga ka dambeeya wakhtiga nasashada aannu akhrin doonno farriimo dhex maray Herzl iyo xukuumaddii Cusmaaniyada, dadkii hadaljeedinta joogay waxa aan wejiyadooda ka arkay dareen madhan iyo isbeddel la’aan. Waxa maskaxdayda kusoo dhacay judhiiba in laga yaabo in aan magaca dhawaqiisa khalday, siiba anigoo hadaljeedinta ku jeedinayey Carabi se adeegsaday dhawaaqa Ingiriisiga ah ee magaca Herzl, sidaas darteed waxa aan mar kale ku dhawaaqay magaca sida Cusmaaniyadii Turkiga ahayd loogu qoro, se haddana weli indhaha isoo eegayaa waa kuwii uun. Maxaa is dhaafsan?

Ugu dambayn, mid ka mid ah goobjoogayaasha ayaa jawigii aamuska galay jabiyey, oo I wayddiiyey: “Herzl waa kuma?”

Umaan diyaarsanayn wayddiin ku saabsan Theodor Herzl, aasaasihii mashruuca Sahyuuniyada, iyo ninka la odhan karo taageerada uu siiyey mashruuca dhulboobka ah ee Falasdiin ka socda waana ninka rogay nolosha Falasdiiniyiinta, ilaa haddana saamaynta ficilladiisii ay sii jiraan! Sidee ayaa ay suurogal u tahay in magaca Herzl aan si weyn loo aqoon? Waxa aan u jeestay dhinaca dadkii ugu da’da weynaa fadhigaas, anigoo weli raadinaya wax nabdiga ii dejiya. Xilligii nasashada, mid ka mid ah xubnaha Guddiga Waxbarashada ayaa ii sheegay in arrinkani ka tarjumayo xaaladda moogganaanta sooyaal ee jiilasha soo kacaya ee Daanta Galbeed ku jiraan. Haddana, weli arrinkani iima cuntamin.

Kol dambe, anigoo la sheekaysanaya laba saaxiib – midkood ay tahay taariikhyahanad shaqo gabtay oo kasoo qayb qaadatay diyaarinta manhajka taariikhda rasmiga ah ee dugsiyada sare ee Daanta Galbeed, ka kalena uu yahay cilmibaadhe sooyaalka cusub iyo suugaanta Falasdiin waxa aan helay tafsiirka dhacdadaas I qabsatay. Ka dib Heshiiskii Ooslo ee lagu dhisay Xukuumad Iskeed-u-taagan oo Falasdiini ah, manaahijta rasmiga ah waxa maalgaliyey Midawga Yurub, siiba cilmiga bulsho iyo culuumta insaaniyaadka, diyaarintooduna waxa ay la kulantay faafreeb iyo dabagal adag, oo lagu shardiyey hoos u dhigidda arrinta la xidhiidha isir-sifaynta Falasdiiniyiinta iyo in la diido in Sahyuuniyadu tahay aydhiyoolajiyad gumeysi oo dhulboob ah, xitaa waxa la shardiyey in manaahijta laga saaro sooyaalka iskacaabbinta. Arrintan waxa ka dhashay natiijooyin saamayn fog yeeshay, waxaana ugu muhiimsan barbaaridda jiil aan waxba ka fahansanayn sooyaalka xadgudubka gumeysiga ee maanta la rabo in uu waajaho.

Soo gudbinta sheeko xul ah oo cid gaar ahi dooratay, mararka qaarna ceeb-ka-saliim laga dhigay, oo ku saabsan sooyaalka Falasdiin iyo Israa’iil ma aha wax ku kooban dhulka la haysto, sida aannu ognahay annaga oo sooyaalka Bariga Dhexe ee Casriga ah ku dhigna jaamacadaha Maraykan. Marar badan waxa aannu la kulannaa arday aan sooyaalkan ka ogayn wax aan ka ahayn inta qoysaskoodu uga sheegeen, inta ay ka barteen dugsiyada diinta, amaba inta laga soo daayo warbaahinta Maraykanka oo dhinac u janjeedha.

Sidaas darteed, anfariirkaygu ma ahayn sida dhallinyaradu uga war la’yihiin sooyaalka Sahyuuniyada iyo qaababkeeda gumeysi iyo dhulboob, se waxa yaabka ahi waa in ay yihiin dadka raadka sooyaalkaas la nool ee saamaynteeda u qoolan, haddii ay gartaan magaca Herzl iyo haddii ay garan waayaan ba. Waaqicana, waa ay adagtahay in tijaabooyinkaas oo kale si qumman loogu dhigo dugsiyada iyo jaamacadaha.

Falastiiniyiintu dhul boob iyo xasuuq uun kalama ay kulmin Israa’iil iyo dawladaha taageera ee sidoo kale waxa ay kala kulmeen tirtirid sooyaaleed, faaf reeb lagu sameeyey manaahiijta waxbarashada oo ay maalgeliyeen Yurubiyaanku, taas oo keentay in ay kacaamaan jiil aan fahansanayn sooyaalka xadgudubka gumeysiga.

Waxa kale oo iga yaabiyey waa xaddiga maalgelin ee xukuumaduhu ku bixinayaan Israa’iil iyo Daanta Galbeed, oo weliba lagu taageerayo haayado Galbeed, si loo baabi’iyo sooyaalkaas ama dib u qorid loogu sameeyo, amaba loo kala teedo isaga iyo jiilasha qaab reebaya saamayn raad fog, sida saamayntaas aan goobjoogga ka noqday. Qaabkan, gumeysiga Falasdiin waxa loo soo gudbiyaa sida in uu yahay bilaa sooyaal, bilaa bilow, sidaas awgeedna dhammaad suurogal ahi aanu u jirin, sida in gumeysiga iyo isdegaamayntu yihiin wax dabiici ah, oo lagu khasbanyahay. Sidan ayaa u hoggaansanka, gumeysiga iyo cagajuglaynta lagaga dhigayaa arrin caadi ah. Aydhiyoolajiyadda siyaasadeedna, sida Sahyuuniyada oo xididdo sooyaal oo la yaqaanno lihi, waxa ay isku beddelaysaa sheeko ilaashan oo aan la taaban karin. Xitaa qaababka fudud ee gumeysigani leeyahay, sida kolonyo milatari oo jid ka gudbaya ilaa soo daynta aabbe qasab lagu xidhay, waxa loo soo gudbiyaa sida in ay yihiin falal samada ka yimi, oo aanay ahayn taxane xadgudub oo sooyaal leh, aadamena abaabulay, qaababkooduna kusoo noqnoqonayaan Falasdiin muddo qarni ku dhow.

Baabi’inta sooyaalka waxa garab socda burburinta arkiifiyooyinka iyo maktabadaha, iyo boobka goobaha raadadka ee ay wadaan aqoonyahan dagalbaadh oo Israa’iiliyiin, Maraykan iyo Yurubiyaan ahi. Diiwaannada sooyaalkana waxa loo adeegsadaa u adeegidda sheeko hal dhinac ah oo sharciyeynaysa in lahaanshaha laga qaado shacab asal ah oo xidhiidhka uu dhulkiisa la leeyahay la jaro.

Xayiraadda dhukumantiyada sooyaal iyo xakamaynta ilaha lagama maarmaanka u ah cilmibaadhista, qoraalka iyo deraasayntu waxa ay qayb ka yihiin dagaal aamusan oo lagu hayo Falasdiin iyo haybtooda dal. Joogitaankaygii al-Khaliil waxa uu igu riixay helitaanka xidhiidh ka dhexeeya xadhkahaas. Tusaale ahaan, sababma ayaa ay Arkiifiyada Qaran ee Israa’iil ugu diiddaa cilmibaadhayaasha Falasdiin ee Daanta Galbeed ku sugan in ay fursad u helaan arkiifiyadan? Sababma ayaa ay mashaariic cilmibaadhiseed oo waaweyn, lagana maalgeliyo Midawga Yurub, sida mashruuca Jarmalka ee ku saabsan sooyaalka “Cusmaaniyiintii Falasdiiniyiinta ahaa” oo ka socda Qasa iyo al-Khaliil, loola kaashadaa jaamacado Israa’iil, iyada oo aan la oggolayn ka qayb qaadashada arday keliya oo Falasdiiniah oo aanu geli karin, qurbaha iyo gudaha dalka midka uu doonaba ha joogee? Sababmaa loo joojiyaa buugagga la xidhiidha sooyaalka Falasdiin marka ay soo galayaan Daanta Galbeed ee ay soo marayaan istabaha Israa’iil? Se sababma ayaa ay uga aamusanyihiin kuwo badan oo ah cilmibaadhayaal reer Galbeed, oo haysta ilihii deraasaynta sooyaalka iyo dhigistiisaba, ugana dhego adaygaan iskudayada gumeysi ee ah in la masaxo sheekada Falasdiin, xilli uu weliba garab socdo xasuuq?

Farriintayda ku socota cid kasta oo danaynaysa shacabka Falasdiin, oo jecel deraasaynta sooyaalkeeda, sidoo kalena fahansan halista ay leedahay tirtiridda sooyaalkaas, maxaa aynnu samayn karnaa?

Cilmibaadhayaasha, siiba kuwa deraaseeya Galbeedka Eeshiya waxa waajib ku ah:

  1. In ay ardayda Falasdiiniyiinta kusoo daraan mashaariicdooda cilmibaadhis ee ku saabsan Falasdiin; bulshada Falasdiin waa dad firfircoon oo si hufan uga qayb qaadan kara haddii fursad loo siiyo.

  2. In la sameeyo qaabab waxbarasho oo u gaar ah ardayda Falasdiin iyo manhajyo cilmibaadhis iyo aqoonta sooyaalaynta.

  3. In ilo maaliyadeed loo raadiyo ardaydaas oo u suurogeliya barashada Cusmaaniyadii Turkiga iyo afafka kale ee arkiifiyooyinka.

  4. In ay daaha ka qaadaan falalka lagu mamnuucayo ilaha sooyaal iyo tirtirkiisa.

Waa run in aynnaan awoodayn xakamaynta dabarrada xukuumadda Israa’iil iyo kuwo la shaqeeya oo haayado Galbeed iyo Carbeed ba leh, se haddana ma aha in ay ina joojiyaan. Joogitaankaygaas kooban ee al-Khaliil waxa uu I baray in dhabar adayg waxa badan lagu qaban karo.

  • Qormadan waxaa laga soo turjumey halkan.