Thursday 22 January 2026
Dagaalka Maraykanka ee ka dhanka ah ‘argagixisada’ ee Soomaaliya isma uu beddelin, xilli ay hoos u dhaceen hawlgalladiisii uu ka fulinayay gobolka Saaxiil ee Afrika, iyada oo ay jirto in deegaankaas, oo fidsan inta u dhexeysa dalalka Maali, Neyjar iyo Burkiina Faaso, lagu tilmaamo meelaha ugu halista badan ee argagixisada dunida. In uu Maraykanku ku eegayo labadan gobol indho milatari oo aad u kala duwan waxa ay abuuraysaa su’aalo ku saabsan sida ay ugu kala mudan yihiin Waashintoon, iyo soodimaha dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee ka baxsan xayndaabka danaha Maraykanka ee tooska ah.
Sida ay u arkaan khubaro dhanka istiraatiijiyadaha ah, Maraykanku waxa uu u arkaa ururka al-Shabaab ee Soomaaliya in uu halis toos ah ku yahay danihiisa iyo danta xulafadiisa. Ma aha keliya in ururku uu xidhiidh la leeyahay al-Qaacida e, waxa muhiim ah in uu u dhaw yahay oo lala xidhiidhinayo hawlaha marinnada biyood oo ka mid ah marinnada isu socod ee ugu muhiimsan dunida, waxana ugu mudan Baabal Mandab iyo dhabbaha isu socodka ganacsiga ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Marinnadani waa halbawlaha u weyn ee isu socodka shidaalka iyo badeecadaha u kala goosha Eeshiya iyo Yurub, khalkhal weyn oo ka dhacaana waxa uu degdeg u saameynayaa dhaqaalaha dunida iyo ammaanka qaranka ee Maraykanka.
Dhanka kale, arrintu waa ay ka duwan tahay marka la joogo dalalka Saaxilka ee ay ku sii kordhayaan weerarrada kooxaha u daacadda ah al-Qaacida iyo Daacish; waa dalalka Maali, Neyjar iyo Bukiino Faaso. In kaste oo ay weerarradani yihiin kuwo halis ku ah degganaanshaha gobolka, haddana dalalkani waa kuwo, bad ahaan, xidhan oo aan saarnayn marinno biyood oo istiraatiiji ah, kumana ah halis toos ah isu socodka badaha ee dunida iyo dhulka Maraykanka, marka la eego sida kooban ee uu Maraykanku u akhriyayo danihiisa. Sidaas lidkeeda, waxa ay dalalkani leeyihiin culeys amni iyo mid bani-aadannimo oo ay intiisa weyni ku dhacayso Yurub iyo dalalka Afrika ee deriskooda ah.
Waxa ay dadka qaddiyadahan la socdaa tilmaamayaan in kala duwanaashaha juquraafi uu ku dhafan yahay arrin siyaasadeed oo muhiim ah; waa in deegaanka Saaxilku uu sannadihii dambe isu rogay aag col la ah joogitaanka reer Galbeedka, ka dib markii ay ka dhaceen afgambiyo milatari oo is xigxigay. Ciidamada ayaa xilka ka tuuray xukuumadihii la soo doortay ee Maali, Burkiina Faaso iyo Neyjar waxana ay goleyaasha milatari ee qabsaday ku guubaabiyeen dalalkooda halhaysyada ‘Madaxbannaanida’ iyo diidmada in ‘ajinabigu wax u yeedhiyaan’, iyaga oo si tartiib ah ugu baydhay in ay iskaashiyo amni iyo kuwo ciidan la galaan Ruushka oo ay ku beddesheen wada-shaqeyntii ay la lahaan jireen Maraykanka, Faransiiska iyo dalal kale oo reer Galbeed ah.
Isbeddelkan siyaasadeed waxa uu waaqic ahaan keenay in ay burburaan xayndaabyadii amni ee ay Waashintoon adeegsan jirtay marka ay fulinayso hawlgallo. Waxa ay isugu jireen saldhigyo cireed oo ay u adeegsan jirtay arrimaha wardoonka, diyaaradaha aan duuliyaha wadan iyo barnaamijyada tababarka ciidamada maxalliga ah. Haddii aanay, haddaba, jirin cid gudaha ah oo ay la shaqeysaan, waxa uu joogitaankii Maraykanka ee gobolka Saaxilku waayay hadoodilkii siyaasadeed iyo dan muuqata oo uu Maraykanku ku hawlgalo, arrintaas oo horseedday in uu go’aansado dib-u-gurasho iyo hoos u dhac ku yimid hawlgalladiisii tooska ahaa, si kaste oo ay isu soo tarayso khatarta ‘argagixiso’ ee tooska ah ee dhulkaas ka jirtaa.
Waxa ay falanqeeyeyaashu u arkaan in Maraykanka oo degdeg uga baxa Soomaaliya ay jidka u furi karto isballaadhinta ururka al-Shabaab oo isu beddeli doona halis weyn oo ka dhan ah isu socodka Gacanka Cadmeed iyo Baabal Mandab, gaar ahaan xilligan oo uu oogan yahay qalalaasaha Badda Cas iyo weerarro ay Xuutiyiintu la beegsadaan doonyaha maraya. Sida awgeed, waxa uu Maraykanku ku foogan yahay in uu Soomaaliya ku sii lahaado joogitaan milatari iyo mid sirdoon oo kooban laakiin firfircoon, isaga oo arrintan u arka in uu ku sii xoojinayo awooddiisa ilaalinta dhabbaha ganacsiga caalamiga ah ee badaha.
In ciidamadii reer Galbeedku ka baxeen gobolka Saaxilku waxa ay abuurtay fagaag amni oo ballaadhan oo ay ka faa’iideysteen kooxaha xagjirka ahi si ay u sii ballaadhiyaan galaangalkooda. Kooxo ku xidhan al-Qaacida iyo Daacish ayaa, hadda, gacanta ku haya dhul ballaadhan oo ka tirsan baadiyaha iyo jidadka isku xidha deegaannadaas waxana ay dadka ka qaadaan cashuur, iyaga oo u shaqeynaya qaab aad ugu eeg ‘nidaamyo dawladeed’. Waxa ay arrintani ku soo beegmaysaa xilli ay warbixinno caalami ah ku qiyaasayaan in Afrika ay noqotay halka laga abaabulo ku dhawaad kala-badh dilalka la xidhiidha hawlaha argagixiso ee dunida oo dhan.
In kaste oo ay xaaladdu sidan u khatarsan tahay, waxa uu Maraykanku u muuqdaa in uu ula dhaqmayo sidii dhibaato goboleed oo aan ahayn halis toos ah oo ka dhan ah amnigiisa qaran. Gobolka Saaxil, si ka duwan Geeska Afrika, ma laha marin biyoodyo badeed oo muhiim ah iyo, xitaa, kaabeyaasha tamarta ee Maraykanka u leh muhiimadda istiraatiijiyadeed, arrintaas oo ka dhigaysa culeyska ka soo gaadhaya Maraykanka haddii uu ciidan ahaan toos u galo mid ka weyn waxtarka uu ka filanayo, gaar ahaa marka ay deegaanka ka jiraan siyaasado halhays ka dhiganaya in ay dhulkooda ka eryaan xoogagga shisheeye, kuna raadjooga sidii uu Ruushka ugu beddeli lahaa kaalintii Maraykanka.
Qaar ka mid ah dadka khubarada ku ah arrimahani waxa ay ku soo koobayaan mawqifka Maraykanka hal tibaax: Maraykanku ulama dagaallamo argagixisada in ay halis tahay e, waxa uu ula dagaallamaa in ay taabanayso danihiisa muhiimka ah waxana uu la dagaallama markii ay jirto duruuf siyaasadeed oo u oggolaanaysa in uu fuliyo hawlgallo ciidan iyo sirdoon oo sugan. Marka dhankan laga eego, joogteynta hawlgallada Soomaaliya iyo ka bixitaanka gobolka Saaxiilku waa arrin ku xidhan mudnaanta istiraatiijiyadeed, in ka badan inta ay ku xidhan tahay mabda’a la dagaallanka argagixisada.
Iyada oo, haddaba, uu Maraykanku ku foogan yahay in uu awoodihiisa ciidan ee dunida dib u qaabeeyo, xooggana saaro awoodaha waaweyn sida Shiinaha iyo Ruushka, waxa laga cabsi qabaa in uu gobolka Saaxil ee Afrika isu beddelo ‘furin la illaaway’ oo ay malaayiin dad ahi eedaan, halka Soomaaliya sii ahaan doonto aag muhiim u ah xisaabaha amniga badda ee caalamiga ah, isla markaana ay ku sii jirto ajandaha dagaalka Maraykanka ee ka dhanka ah ‘argagixisada’.