Skip to main content

Thursday 17 July 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Maraykanku ma Aqoonsan Doonaa Soomaalilaan?

11 June, 2025
Image
Maraykanku ma aqoonsan doonaa Soomaalilaan?
Share

Jamhuuriyadda Soomaalilaan madaxbannaanideeda ka dhanka ah Jamhuuriyaddii Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday muddo hadda laga joogo dhawr iyo soddon sanno, se ilaa hadda kumay guulaysan in ay hesho aqoonsi caalami ah, walow ay tijaabadeeda siyaasadeed iyo nabadgelyaba guulaysteen. Arrimahan dhiirrigelinta leh ka sokow, marka laga reebo dalal faro ku tiris ah oo wada macaamil la yeesha si ay danahooda uga wada shaqeeyaan, ma jiro cid weli ku dhiirratay in ay Soomaalilaan dal madaxbannaan u aqoonsato. Inkasta oo Xafiiskii Soomaalilaan ee Nayroobi loo dallacsiiyey Xafiis sare oo diblomaasiyadeed haddana dhoollacadeyntii u danbaysay ee Madaxweynaha Kiiniya William Ruto ku qaabilay Madaxweynaha Soomaalilaan ma dhallin aqoonsi ay Soomaalilaan hesho.

Hadda waxa jira ifafaalo muuqda oo la filaayo in ay soo rumeeyaan rejada intaas badan la sugayey, oo albaab u noqdaan. Waa korodhka ku yimi dhaqdhaqaaqa masuuliyiin reer Soomaalilaan ahi ka wadaan Washington, oo ay taageersanyihiin xubno muhiim ah oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, kuna baaqaya aqoonsiga Soomaalilaan, si Maraykanka loogu dammaanad qaado danahiisa gobolka. Madaxweyne Cirro oo xoojinaya filashadaas ayaa kulan uu la yeeshay Wargeyska Gaardiyaan ku xusay in ay rejaynayaan oo ay filayaan in aqoonsiga Maraykanku soo dhawyahay, oo haddii la fogeeyo ilaa sannadka 2028-ka ay tahay in la dhawro. Haddaba maamulka Trump ma fulin doonaa aqoonsigan, oo ma beddeli doonaa nidaamka xidhiidhada Maraykanka iyo Soomaaliya ee ku salaysan siyaasadda “Soomaaliya mid ah”, xilli xubnaha xisbigiisu ku dhiirrigelinayaan in uu ka faa’idayo aqoonsi uu Soomaalilaan siiyo?

Aqoonsi caalamiya oo habsana

Jabhaddii SNM waxa ay 1991-kii ku dhawaaqday in ay la soo noqotay madaxbannaanidii Soomaalilaan, kolkaas oo koonfurta dagaal sokeeye ka qarxay, dawladdii dhexena meesha ka baxday, sidaasna waxa kusoo afjarmay 30 sanno oo midnimo ahayd. Dhinaca kale, Soomaaliya waxa ay madaxbannaanida Soomaalilaan u aragtaa kala goynta dalka iyo ku tumashada madaxbannaanidii Soomaaliya, oo waxa kaliya ee bannaan uu yahay in la wada joogo oo mid la ahaado. Soomaalilaan dhankeeda waxa ay muddadaas heshay xasilooni siyaasadeed, oo saldhigeedu yahay nidaam dimuqraaddi ah. Waxa kale oo la hirgaliyey nabadgalyo, marka laga reebo xaalado kooban, taa soo u jeedkeedu yahay sidii loo heli lahaa aqoonsi caalamiya.

Billawgii waxa bartilmaameed ahaa aqoonsi laga helo dalalka jaarka, se urur goboleedyada, oo uu ugu horreeyo Ururka Midawga Afrika, ayaa codsiga Soomaalilaan si weyn uga hor yimi, oo hindisahan u arkay mid dhaawacaya xuduudihii laga dhaxlay gumaysiga ee lagu heshiiyey in sidooda loo daayo. Hase ahaatee, dalalka jaarku, sida Itoobbiya iyo Kiiniya, waxa ay Soomaalilaan siiyeen iskaashi gaar ah. Soomaalilaan iyana waxa ay sii ambaqaadday in ay raadiso iskaashiyo caalami ah oo aqoonsi keeni kara ugu dambayn, waanay ku guulaysatay inay wadashaqayn la yeelato dalal ay ka mid yihiin Ingiriiska iyo Jarmalku, kuwo kalena waxa ay ku qancisay inay ka furato xafiisyo metela (Midawga Yurub, Imaaraadka iyo Turkiga), inkasta oo aan marnaba xidhiidhadaasi aqoonsi rasmi ah u horseedin.

Waa ay caddahay Soomaalilaan marnaba in aanay ka tanaasulin aqoonsi caalami ah, se uu weli ku koobanyahay in si hoose xidhiidho loola wado dalal gobolka ku yaalla iyo kuwo dunida ahba, walow xidhiidhada sidan ahi xaddidanyihiin. Waa sababta ay dalalkaas ugu yeelatay xafiisyo maamul, dhaqaale iyo diblumaasiyadeedba. Intan waxa dheer in Soomaalilaan iyo Taywaan is aqoonsanyihiin, oo ay ku ballameen in labaduna isugarabsadaan sidii ay aqoonsi caalami ah u heli lahaayeen iyo sidoo kale maalgelinta waxii taas suurogalinaya. Arrinkani waxa labadoodaba ka dhigayaa aagag ay ku loollamaan Maraykanka iyo Shiinuhu.

Dedaalka loogu jiro Soomaalilaan oo aqoonsi heshaa waxa uu soo laba kacleeyey kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaalilaan, Cabdiraxmaan Daahir Adam, uu booqasho ku tagay Washington bishii hore. Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasiirku waxa uu Washington u tagay adkaynta xidhiidhka labada dhinac iyo ka dhaadhicinta in Soomaalilaan la aqoonsado, oo ay u noqoto Maraykanka saaxiib gobolka ah oo istiraatiiji ah. Madaxweyne Cirro waxa uu xoojiyey bayaankan, oo waxa uu xusay in aqoonsiga Maraykanku kaabbiga saaranyahay, soon a dhaafay ka dhaadhicin, imikana uu yahay wax wakhtiga uun ku xidhan. Hadalladani waxa ay kusoo beegmayaan xilli la hadal hayo in Soomaalilaan ay Maraykanka u soo bandhigtay in uu Berbera ka samaysto saldhig ciidan, oo weliba sida wargeyska Financial Times uu xaqiijiyey isagoo xiganaya masuul Maraykan ah, kaas oo sheegay in ay bilaabmeen wadahadallada ku saabsan hirgelinta tallaabadani.

Wadahadalka Soomaalilaan iyo Maraykanku waa waxa sababay in Dawladda Federaalku kaga jawaabto in uu Xasan Sheekh Maxamuud warqad u diro Donald Trump, isagoo ugu baaqaya in uu Maraykanka si ku meelgaadh ah ugu gacangelin doono Berbera iyo Boosaaso, oo uu saldhigyo ciidanna siin doono, si uu Maraykanku u xoojiyo joogitaankiisa gobolka. Tallaabadani waxa ay soo cusboonaysiiyey doodda ku saabsan muhiimadda Berbera iyo barta istiraatiijiga ah ee Soomaalilaan ku taallo ee suurogalin kara in ay aqoonsi ku raadsato. Muhiimadda istiraatiijiyadeed waa sababta ka dambaysa in awoodo badani ku loollamaan cag soo dhigidda deegaankan, dalalkaas oo kuwo jaarkaa ah iyo kuwo dunida kale ahba.

Hargeysi waxa ay hadda haysaa mid la mid ah jidkii ay qaadday bishii Jeenawari ee 2024 qaadday oo ahaa isfaham[ETC1]  ah inay Itoobbiya bad ka kiraysay muddo 50 sanno ah, kuna beddelatay aqoonsati ay ka hesho, walow aanu qorshahani hirgelin, kaddib markii dalal gobolka ahi isla kaceen, oo buuq badan iyo khilaaf ka dhashay, Itoobbiyana cadaadis lagu saaray inay ka noqoto heshiiskaas. Hadda waxa aad loogu kuurgalayaa go’aannada laga sugayo Washington iyo suurogalnimada inay Soomaalilaan aqoonsato. Waa arrin horseedi kara in dalal kale dib ugu laabtaan xidhiidhka Soomaalilaan iyo siyaasaddooda midnimada Soomaaliya.

Dagaalka Washigton: Siyaasad iyo Dano

Xidhiidhada diblumaasiyaadeed ee Maraykanka iyo Soomaaliya waxa ay ahaayeen kuwo soo jireen ah oo soo bilaabmay ka dib madaxbannaanidii Jamhuuriyadda, se waxa uu jiho kale qaaday waxii ka dambeeyey afgambigii 1969-kii, oo Soomaaliya markaa u badatay dhinaca Midawgii Soofiyet-ka, xidhiidhka Maraykanka iyo Soomaaliyana noqday mid fadhiid ah, ilaa ugu dambayn Maraykanku xidhiidhka Soomaaliya jaray kaddib weerarradii Black Hawk ee qaybta ka ahaa hawlgalkii nabad ilaalinta Qaramada Midoobay. Labaatan sanno dabadood markii dalku yeeshay dastuur ku meelgaadh ah, ayaa ay Washington dib u cusboonaysiisay xidhiidhka Soomaaliya, markaas oo ay usoo magacawday safiirkeedii koowaad xilligii maamulka Sheekh Shariif.

Waa xidhiidh u badnaa kaalmayn iyo xoojinta tababarka ciidamada Soomaaliya la siiyo, gaar ahaan ciidamada Danab ee loogu talagalay la dagaallanka argagaxisida, iyo fulinta weerarro cirka ah oo lala beegsado kooxda al-Shabaab, oo inta badan lasoo bilaabay waayihii Obaama, waana weerarro ilaa hadda socda oo lala beegsado kooxa argagixisada. Xidhiidhkani waxa uu weji kale yeeshay markii uu Trump yimi xafiiska, oo waxa Soomaaliya lagu daray dalalka aan la oggolayn in muwaaddiniintiisu u safraan Maraykanka, dad qaxoonti ahaana waxa lagu soo celiyey dalka. Iyada oo xaaladdani jirto, haddana maamulka Trump waa uu sii waday kaalmada siyaasadeed iyo istiraatiijiyadeed ee gobolka, waxaana weli sii socda weerarrada duqaynta ah ee lagu wado kooxda al-Shabaab, walow oo uu Trump dadka kaga yaabsaday soo jeedintiisa ah in Maraykanku ciidamada kala baxo Soomaaliya.

Arrimahan oo taagan, xidhiidhka Maraykanku la leeyahay Soomaalilaan waa mid weli socda, waxaana dabada ka riixaya goobta istiraatiijiga ah ee Soomaalilaan dhacdo, walow xidhiidhku weli ku koobanyahay mid goonnisocod ah oo aan la shaacin. Soo laabashadiisan cusub, Trump waxa uu ku caanbaxay in aan la saadaalin karin tallaabooyinka uu qaadayo, waana qodobka xoojinaya suurogalnimada in uu aqoonsiga bedka keeno.

Ilaa hadda qodobka muuqdaa waa in aan aragtidii Maraykanku is beddelin, oo weli waa mid ku dheggan siyaasaddii “Soomaaliya mid ah”, waana siyaasadda uu xoojiyey safiir hore, Larry Andre, isaga oo ka qaybgalay xuska 62 guuradii madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaas na xusay in dalkiisu taageersanyahay Soomaaliya mid ah, oo uu garawsanyahay xuduuddii la ansixiyey xilligii xornimada. Hase ahaatee, aragtidani caqabad weyn maaha, waayo ma aha tu u babbacdhigi karta dib u habaynta la wado iyo dhaqdhaqaaqa raba in siyaasaddan lafteeda meesha laga saaro. Safiirkii hore, J. Peter Pham, ayaa isna dhankiisa siyaasaddan lafteeda ku tilmaamay mala’waal aan xaqiiqo ku salaysnayn, oo uu Maraykanku ku adkaysanayo muddo ka badan soddon sanno.

Waxa isa soo taraya dhaliisha loo hayo siyaasaddan midnimada Soomaaliya ee Maraykanku ku dhaqmayay muddada dheer, waxaana jira kooxo haayadaha dawladda Maraykan ku dhex jira oo ku dedaalaya in ay siyaasaddan beddelaan, waxaana Koongarayska ka dhex bilaabmay baaqyo ku aaddan in la aqoonsado Soomaalilaan. Xilligii maamulka Biden, xildhibaanno ayaa dhanbaal u diray maamulka Biden bishii Maaris ee 2022, iyagoo codsanayey in la xoojiyo iskaashi lala sameeyo Soomaalilaan, kolkaas oo madaxweynihii hore ee Soomaalilaan Muuse Biixi, uu booqday Washington.

Dib u eegista siyaasadda Maraykanka waxa ay ku qotontaa taagtarrada Xukuumadda Federaalka oo aan awoodin xakamaynta dhibaatooyinka baaxadda leh ee dalka ka jira, iyo ifafaalo muujinaya in Xukuumadda Federaalku hoos u dhac ku socdo. Waxa cad in maalgelintii Hawlgalka Midawga Afrika gabaabsi tahay, aadna hoos ugu dhaceen kaalmadii dibaddu. Waxa kale oo cirka isku shareeray loollanka siyaasadeed ee gudaha dalka, kaddib wax ka beddelka dastuurka oo aan la isku waafaqsanayn oo khilaaf xooggani ka dhashay. Waxa kale oo awoodda Federaalka sii wiiqay khilaafka kala dhexeeya maamul-goboleedyada. Muddadaas waxa kordhay weerarrada al-Shabaab. Xaaladahan kakan ee ka taagan Soomaaliya, marka la barbardhigo deggenaanshaha siyaasadeed ee Soomaalilaan iyo nabadgelyada, weliba xilli xubno Trump u dhawi wadaan dhaqdhaqaaqa aqoonsiga Soomaalilaan sida Xildhibaan Scott Perry oo Koongarayska Maraykanka horgeeyey xeer lambarkiisu yahay 10402, oo ku baaqaya in la aqoonsado Soomaalilaan, oo uu Maraykanku diblumaasiyad dhamaystiran ku yeesho Hargeysa si uu u ilaashado danaha Maraykanka.

Dhaqdhaqaaqyada Koongarayska ka socdaa waxa ay ka shidaal qaadanayaan soo jeedin uu sameeyey Machaadka Heritage Foundation, oo ku xusan Mashruuca 2025 ee Jamhuuriga. Soo jeedintan ayaa madaxweynaha ugu baaqaysa aqoonsiga Soomaalilaan, si uu Maraykanku u ilaashado danahiisa. Waa isla madashii martiqaadday Muuse Biixi Cabdi  sannadkii 2022-kii. Dhaqdhaqaaqyadaas waxa soo raaca taageerada ay muujiyeen masuuliyiin hore oo Maraykan ahi. Kaaliyihii Xoghayihii Arrimaha Dibadda ee hore, Tibor Nagy, ayaa bartiisa X ku sheegay lagama maarmaannimada in uu Trump beddelo siyaasadda, oo uu iska joojiyo siyaasadda munaafiqnimada ku dhisan ee ah qawda maqashii waxna ha u qaban, lagana gudbo siyaasadaha soo jireenka ah.

Si guud, waa uu guuldarraystay Hawlgalkii Rejo soo Celintu, oo waxa ka dambeeyey dagaal sokeeye iyo in xidhiidhkii Maraykanku la lahaa Soomaaliya uu go’o. Sannado badan oo xidhiidhkaasi maqnaa iyo sannado kale oo uu Maraykanku xidhiidh la lahaa Xukuumadda Federaalka, waxa muuqata in aanu Maraykanku fahmi karin isdiiddooyinka Soomaaliya dhexyaalla, markaa is weydiintu waxa ay tahay Maraykanku markale ma isku deyi doonaa in isbiimayn kale sameeyo, oo uu aqoonsado Somalliland?

Aqoonsigu ma dhibbaa mise waa fursad?

Soddon sanno lasoo laabashada madaxbannaanida Soomaalilaan kaddib, waxa lagu guulaystay dhisidda nidaam deggen siyaasad ahaan iyo nabadgalyo ahaanba, walow aan si dhammaystiran loogu guulaysan soo afjaridda dhibaatooyinka siyaasadeed ee gudaha ee ku sal leh dhaqanka, qabyaaladda iyo sooyaalka. Sidaas si ka duwan, Xukuumadda Federaalku, iyada oo haysata aqoonsi caalami ah iyo kaalmo siyaasadeed iyo millatariba, waxa ay ku guuldarraysatay isku wadidda inta hadhsan iyo dhabaynta mabda’a midnimida dalka, arrinkan oo ku sal leh khilaafka ba’an ee kala dhexeeya maamul-goboleedyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo ka duulaya isweydiinta ku saabsan xukunka federaalka iyo midnimada Soomaaliya, waxa uu ku baaqay in la isku dayayo dhisidda hannaan cusub oo dhinacyada isu soo dhaweeya, lagana bilaabayo Madasha Wadatashiga iyo Wadahadallada Qaran ee la filayo inay qabsoonto 15ka bishan Juun, oo ay kasoo qaybgeli doonaan hormuudka siyaasadda iyo bulshada rayidka ahi. Waa madal ka qabsoomi doonta Muqdisho, oo lagaga hadli doono xoojinta dib u heshiisiinta iyo xidid u siibidda dhibaatada siyaasadeed ee dalka iyo dhibaatada federaalka.

Waa ay adagtahay in la saadaaliyo mustaqbalka Soomaalilaan inta aan arrinka aqoonsiga meel la saarin. Aqoonsiga laftiisu waxa uu madaxda dalka ku noqon karaa miino, oo haddii lagu guuldarraysto ballanqaadyadaas Maraykanka, dadku waxa ay ku hungoobi doonaan dhabnimada aqoonsi raadinta. Waxa laga cabsi qabaa in dhaqdhaqaaqyada Maraykanka gudihiisa ka socda ee aqoonsiga Soomaalilaan daarrani uu kusoo koobmo mid khuseeya xidhiidhada guud, Maraykanka oo maalgashi bilaash ah hela, awoodda dalkiisa ku ballaadhiya gobol awoodo kale kula loollamayaan.

Hase ahaatee guul laga gaadho cadaadiska lagu hayo maamulka Trump waxa ay keeni kartaa in lagu guulaysto aqoonsi iyo jamhuuriyadda oo dib u curasho samaysa. Se waa wax u baahan wakhti iyo dedaal lagu bixiyo dhammaytirka aqoonsiga. Dedaalkaas waxa saldhig u ah dardargelinta raadinta aqoonsiga. Fursadda muuqataa mid caqabado badani ku gadaamanyihiin, oo waa wax Soomaalilaan u soo jiidi kara colaadinta awoodo kale. Ku guulaysashada aqoonsiga Maraykanka, kama dhigna in Soomalailaan si kama dambaysa ah ay gacanta ugu dhigtay aqoonsigii caalamiga ahaa, kamana tarjumayo xaddidnaanta dhaqdhaqaaqa Muqdisho ee ku saabsan dammaanad qaadidda midnimada Soomaaliya.


Qoraallada kale ee qoraaga