Skip to main content

Monday 17 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Maraykanku ma aqoonsan doonaa Somaliland?

31 December, 2024
Image
Somaliland
Share

Qaddiyada aqoonsi raadinta Somaliland waxa ay sannadka 2024-ka la kulantay isbeddelo waaweyn oo si dhakhso ah u dhacay. Dhacdada koowaad ee aqoonsiga Somaliland boodhka ka jaftay waa isafgaradkii Somaliland la gaadhay dalka Itoobbiya, dhacdada labaad waa in madaxweynaha Maraykanka ee Donald J. Trump mar labaad loo doortay madaxweynannimada Maraykanka, dhacdada saddexaadna waa in Somaliland ku guulaysatay in ay qabato doorashooyinkii isa-saarka ahaa ee madaxtooyada iyo ururrada.

In kasta oo fulinta is afgaradka Somaliland iyo Itoobiya weli aan wax guul ah laga gaadhin haddana qaddiyadda aqoonsi-raadinta Somaliland waxa ay soo jiidatay indhaha caalamka, waxaana loo garaabay caqabadaha adag ee ay dimuqraadiyadda Somaliland ka soo dabbaalatay. Waxa sidoo kale qaddiyadda cirka ku sii shareeray baaqa qaar ka mid ah masuuliyiin hore uga tirsanaa maamulkii Trump, arrinkan oo dhaliyey in xeer ku baaqaya aqoonsiga Somaliland la horgeeyo Koongarayska Maraykanka. Qalalaasaha ka taagan Bariga Dhexe ayaa sidoo kale indhaha dunida ku soo jeediyey qaddiyada Somaliland, waxaana lagu baraarugay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Somaliland u leedahay nabadgalyada reer Galbeedka, xilli Xuutiyiinta iyo Iiraan, oo awoodda Shiinuhuna barbar socoto isku ballaadhinayaan gobolka Badda Cas.

Hawlgelinta kooxo abaabulan

Beryihii dambe waxa jiray dedaallo ay wadeen koox ka mid ah masuuliyiin hore uga tirsanaa maamulkii hore ee Trump iyo xildhibaanno Maraykan ah, oo ah in ay maamulka Trump ku dhiirrigeliyaan aqoonsiga Somaliland. Dedaalladan waxa ugu xoogganaa in xildhibaan Scott Berry xeerka aqoonsiga Somaliland uu horgeeyey Guddiga Arrimaha Dibadda ee Koongarayska, 12kii Diisambar ee 2024. Xeerkan oo uu sidoo kale taageersanyahay Andrew Ogles, waxa uu ku baaqayaa in Somaliland loo aqoonsado dal ka madaxbannaan Soomaaliya. 

Xeerkan ku baaqaya aqoonsiga Somaliland ma aha kii ugu horreeyey noociisa, oo waxa hore Aqalka Sare ee Maraykanka la horgeeyey xeer ku saabsan “Iskaashiga Somaliland”. Xeerkan oo ay hindisihiisa wadeen sanatar James Elroy Risch iyo saddex saaxiibbadii ahi waxa uu ku baaqayay in la adkeeyo xidhiidhka Maraykanku la leeyahay Somaliland, waxaana lagu xusay dheefta Maraykanku ka heli karo xidhiidhkan, sida nadabgalyada Badda Cas, ganacsiga caalamiga ah iyo xoojinta dedaallada dimuqraadiyadda Afrika. In kasta oo xeerkani caddeeyey in aanu ku baaqayn madaxbannaanida Somaliland, haddana waa la joojiyey, Aqalka Sare, oo xilligaas aqlibayaddu dimuqraaddi ahaydna, kama fadhiisan.

Xeerkan hore ma tilmaamayo in Xisbiga Jamhuuriga ahi aaminsanyahay madaxbannaanida Somaliland, ee waxa lagu tilmaami karaa in ay guulaysteen dedaallo Somaliland ku bixisay kasbashada saaxiibbo Jamhuuriga ka tirsan. Si ka duwan sidan, dimuqraaddiga gudihiisa lagama soo dhaweeyo madaxbannaanida Somaliland, waxaana ka tirsan xubno aad u taageersan midnimada Soomaaliya, sida xildhibaan Ilhaan Cumar, waxa kale oo uu xisbigu ku dhegganyahay siyaasadda Wasaaradda Arrimaha DIbadda Maraykanka ee ah “Soomaaliya mid ah”.

Kala qaybsanaantani dan uma aha qaddiyada Somaliland; sababtuna waa in habkani hawlgelinayo kooxo la abaabulo oo ka tirsan Jamhuuriga, se ay iska dhegotirayso xisbiga Dimuqraaddiga. Dhinaca kale saaxiibtinimada lala samaynayo xubnaha Jamhuurigu waa saaxiibtinimo bar-kuma-taal ah oo ah kooxo abaabulan oo u shaqaynaya kolba ciddii hawlgelisa, waana qodob ay fahmeen dadka midnimada taageersan. Haddii qaabkan lagu wado waxa ay ka dhigantahay in qaddiyada Somaliland ku koobnaato  xubno kooban oo saamayn badan aan lahayn, oo ah xagjirka Midigta Jamhuuriga. Arrinkani waxa uu dhaawac gaadhsiin karaa qaddiyada Somaliland, waxaanu ka bixin karaa sawir xun, sida in qaddiyada Somaliland lala xidhiidhiyo loobbiga Israa’iil. Waxa kale oo fudud in dhinaca kalena abaabulaan xubno Jamhuuriga ka tirsan oo ka dhan ah qaddiyada Somaliland, sida uu hore u sameeyey Xasan Sheekh Maxamuud, oo hawlgeliyey sharikadda Von Batten-Montague-York, L.C. oo uu hoggaamiyo garyaqaan Jamhuuriga ka tirsan, kuna guulaysatay in ay carqaladayso xeerkii sanatar James Risch uu aqalka sare u gudbiyey. 

Si la mid ah Maraykanka, madaxbannaanida Somaliland waxa ay taageero xooggan ka heshaa siyaasiyiin reer Ingiriis ah, waxaana ka mid ah Wasiirkii Difaaca UK ee hore, mudane Gavin Williamson, oo sheegay in uu wadahadal kooxda Trump kala yeeshay qaddiyada aqoonsiga Somaliland, tilmaamayna in uu si weyn ugu kalsoonyahay in uu Trump tallaabooyin wanaagsan qaddiyadan ka qaadi doono.

Inkasta oo dedaalladan iyo baaqyadani ay jiraan, haddana wax badan iskama beddelin siyaasadda Maraykanka ee Somaliland. Williamson laftiisu waxa uu hawlgeliyey kooxo abaabulan oo Ingiriiska gudihiisa qaddiyada Somaliland kaga dooda.

Bariga Dhexe ee cusub

Waxa habboon in Somaliland xidhiidh wanaagsan la yeelato labada xisbiba, Jamhuuriga iyo Dimuqraaddigaba, oo ay u muujiso danaha la wadaagi karo, iyada oo laga faa’idaysanayo isbeddellada gobolka ka jira. Waxa jira arrimo badan oo udubdhexaad looga dhigi karo qaddiyada Somaliland, sida nabadgalyada iyo deggenaanshaha Somaliland gaadhay tan iyo markii ay ku dhawaaqday madaxbannaanideeda sannadkii 1991-kii, kolkaas oo xukuumaddii Muqdisho dhacday, Koonfurtana cagaha la gashay qalalaalse joogto ah.

Waxa kale oo mudnaan la siin karaa, udubdhexaadna looga dhigi karaa qaddiyada Somaliland tijaabada dimuqraadiyadeed ee ay Somaliland ku guulaysatay, oo mudnaan badan ku leh reer Galbeedka. Somaliland waxa ay ku guulaysatay in ay qabato doorashooyin muhiim ah, oo ay ka mid yihiin afar doorasho oo madaxweynayaal si nabad ah isku beddeleen, waxa kale oo la qabtay doorashooyin baarlamaan, dawladaha hoose iyo doorashooyin ururro.

Arrinka saddexaad ee udubdhexaad looga dhigi karo aqoonsi-raadinta Somaliland waa goobta istiraatiijiga ah ee ay Somaliland ku taallo. Waa goob kulaalaysa Gacanka Cadan, aadna ugu dhow Yaman oo ay gacanta ku hayaan kooxda Xuutiyiinta oo lafdhuun gashay ku noqday Maraykanka iyo xulufadiisa gobolka. Arrinkani waa mid mudan in Somaliland si habsami leh uga faa’idaysato.

Arrinka afaraad ee xusidda mudan, Somaliland-na u noqon kara wax ay ku gorgortamaan waa loollanka reer Galbeedka iyo Shiinaha ee Geeska Afrika, arrinkanina waxa uu ku suurogeli karaa Somaliland oo xidhiidh adag la yeelata Taywan, xafiiska metelana xoojisa.

Xadgudubka Yahuuddu ka waddo Marinka Qasa tan iyo Aktoobar 2023-kii waxa uu keenay in Badda Cas awoodo caalami ahi isha ku hayaan, ka dib markii Xuutiyiintu sheegeen in ay la safanyihiin kooxaha iska caabbinta Qasa. Xuutiyiintu waxa ay weerarro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn isugu jira ku qaadeen Israa’iil, waxaanay bartilmaameedsadeen maraakiibta xammuulka sida ee ay ka shakiyaan in ay Israa’iil ku socdaan. Maraykanku waxa uu bilaabay in uu hawlgallo millatari oo uu la kaashanayo xulafadiisa ku bartilmaameedsado goobo Xuutiyiintu joogaan.

Dad badan ayaa saadaaliyey in bartilmaameedsiga Israa’iil u wareego dhinaca Xuutiyiinta iyo Iiraanm iyaga oo ka faa’idaysanaya xabbadjoojinta ay Lubnaan la sameeyeen oo ka dhintay weerarradii Xisbullaah, dumitaanka jabhaddii Suuriya ka dib markii meesha Bashaar al-Asad ka baxay, jabhadihii taageersanaa Iiraanna meesha ka baxeen, sidoo kalena ciddanka cirka ee Yahuuddu baabi’iyeen awooddii ciidanka Suuriya. Arrimahan oo dhammi waxa ay muujinayanaan in gobolka koonfurta Badda Cas noqdo goob dagaal oo ay ku hirdamaan Maraykanka iyo xulafadiisa oo dhinac ah iyo Iiraan iyo Xuutiyiinta oo dhinac ah, waana arrinka bogcadda siyaasadeed ee Somaliland xoojinaya. 
 

Waxa mar kale dib u bilaabmay wax iska weydiinta muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Somaliland u leedahay nabadgalyada Maraykanka. Goobta ay ku taallo ee u dhow marinka Baab al-Mandab iyo Khaliijka Cadmeed, waxa uu awoodsiinayaa ilaalada mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ganacsiga caalamiga ah. Waxa kale oo walaac leh in imaatinka millatariga Maraykan ee Somaliland uu sababi karo in Somaliland cagaha la gasho xasaradda dagaalka Xuutiyiinta iyo Iiraan wadaan. Xidhiidh la samaysiga Maraykankuna ma dammaanad qaadayo aqoonsiga Somaliland, ee waxa uu keeni karaa uun wadashaqayn amni.

Fursadda Trump

Wargeysyo laga leeyahay Israa’iil ayaa qaadaadhigay hindise ah in Israa’iil aqoonsato Somaliland, taas beddelkeedana ay saldhig badda ah ka hesho Somaliland, halkaas oo ay ka weerari karto Xuutiyiinta khatarta ku ah. Sida xukuumad iyo shacabba ka muuqata, Somaliland ma danaynayso in ay aqoonsiga Israa’iil u dhexmarto, xukuumad iyo shacabna waa la taageersanyahay xaq-u-dirirnimada shacabka Falasdiin, waxaana la is barbardhigaaba madaxbannaanida Somaliland iyo qaddiyada Falasdiin, oo ah laba xaq oo ay tahay in bulsho kastaa go’aan ka gaadho masiirkeeda.

Haddiiba aynnu isla qaadanno in masuuliyiin ka tirsan maamulka Trump dabada ka riixayaan aqoonsiga Somaliland, dedaalkani waxa uu wajahayaa caqabado badan, oo ay habboontahay in loo fiiro lahaado. Waxa kow ah mawqifka dalalka gobolka oo aan taageersanayn madaxbannaanida Somaliland, gaar ahaan Masar oo oo Geeska Afrika kula loollamaysa Itoobiya. Halkan waxa ka soo baxaya gaabiska xukuumadahii kala dambeeyey ee Somaliland ka sameeyeen xidhiidh la samaynta dalalka Carbeed ee la jaarka ah, sida Sacuudiga iyo Qadar, waana wax habboon in dalalkan lala saaxiibo intii cadaw lala noqon lahaa. Caqabadda labaad ee arrinkan horyaallaa waa siyaasadda Trump oo danaha Maraykan heerka koowaad ka dhigaysa, waxaanu mudnaanta siinayaa qaddiyadaha dhaqaale iyo ganacsiga caalamiga ah. Caqabadda saddexaad ee qodobkan hortaallaa waa in Maraykanku xilligan ku mashquulsanyahay qaddiyado caalami ah oo ka muhiimsan ta Somaliland, sida Dagaalka Yukrayn, loollanka ganacsi ee Shiinaha iyo dagaalka Bariga Dhexe. Caqabadda afaraad ee qodobkan hortaallaa waa siyaasadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo taageersan midnimada Soomaaliya, waana mawqif u baahan in dedaal dheeraad ah laga galo. Caqabadda shanaad ee hortaalla dedaalkan la wado waa saldhigga ciidan ee Maraykanku ku leeyahay Jabuuti, oo baahida Maraykanku u qabo saldhig uu ku yeesho Somaliland hoos u dhigaya.

Mawqifka u yaalla xukuumadda cusub ee Somaliland waa in ay hufto xidhiidhka Maraykanka, oo ay doorato jidka mudan oo noqda hab lagu heli karo aqoonsi caalami ah. Waa xaq heshiisyada caalamiga ah damaanad qaadayaan in ay Somaliland hesho aqoonsi. Haddii Trump tallaabooyin wanaagsan qaado iyo haddii kaleba, qaddiyadani waxa ay soo jiidatay indhaha dunida, waxaanay safka hore kaga jirtaa qaddiyadaha Geeska ka taagan. Arrinkani waxa uu madaxweyne Cirro ka rabaa dedaal dheeraad ah iyo xal u helidda dhibaatada Laascaanood iyo gorfaynta kala daadashada nidaamka federaalka Soomaaliya oo sii xoogaysanaya.