Thursday 17 July 2025
Sida muuqata, wax badan oo togan iskama beddelaan habka uu Maraykanku ula dhaqmo Soomaaliya. Tobannaan sanno, xidhiidhka Maraykanku la leeyahay dalkan goobta istiraatiijiga ah ku yaallaa waa xidhiidh iska daba wareeg ah oo aan isbeddel badan lahayn. Waa faragelin dardar leh billawga, se ku dhammaata faro ka qaadis iyo dhabar u jeedin iyo in uu muddo is moogaysiiyo. Muddadaas uu Maraykanku saaxadda Soomaaliya ka maqanyahay waxa dib u laba kacleeya dagaallada sokeeye, waxaana xididaysta argagixisada, oo halis weyn ku abuura gebi ahaan gobolka, kolkaas kaddib ayaa uu haddana faragelin kale sameeyaa.
Mar kale waxa muuqda in Maraykanku dhabarka u jeedinayo Soomaaliya, farahana kala baxayo, waana tallaabo horseedi karta khatar gobolka iyo danaha Maraykanba soo foodsaarta.
Maamulka Trump hadda waxa uu wadaa in uu si dhammaystiran dib ugu eego siyaasadda Maraykanka ee Afrika, waxaanu dhimayaa kaalmadii badnayd iyo tababarkii uu Maraykanku siin jiray ciidamada dalalka ee la dagaallamayey kooxaha argagixisada ee xidhiidhka la leh labada urur ee al-Qaacida iyo Daacish. Siyaasadda cusubi waxa ay ku salaysantahay in hoos loo dhigo joogitaanka Maraykanka ee Afrika, se ciidamada dalalkaas lagu kaalmeeyo xogaha sirdoon iyo awoodaha ee tiknoolajiyadeed. Taliyaha Taliska Maraykanka ee Afrika, Jeneraal Michael Langley, ayaa caddeeyey in “Maraykanku hadda ka shaqaynayo xoojinta ciidamada maxalliga ah, oo uu meesha ka saarayo ku tiirsanaantii Maraykanka”.
Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Pete Hegseth oo sharraxaya qorshaha miisaaniyadda difaaca iyo milatariga, ayaa xusay in lacagahaas la dhimayo loo leexinayo shaqooyinka uu Donald Trump hadda mudnaanta siinayo, sida hawlgallada laga fulinayo xuduudda koonfureed ee Maraykanka iyo cusboonaysiinta nukliyeerka. Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika oo maamula kumannaan ciidan oo qaaradda jooga, hadda ma aha qorshe mudnaan gaar ah u leh maamulkan cusub.
Waxa aan muran ku jirin in qaaradda gudaheeda dib u habayn ka socoto. Sannadkii hore, hoggaanka milatariga Nayjar, oo afgambi dalka ku qabsaday 2023-kii, ayaa ciidamada milatariga ee Maraykanka ka dalbaday in ay ka baxaan saldhigga Agadez, oo tiro ka badan kun ciidamo ahi ku sugnaayeen, mararna halkaas ka duuleen iyagoo dagaal kula jira fallaago Islaamiyiin ah oo ka hawlgala deegaanka Saaxil. Saldhiggaas ciidamada Maraykan banneeyeen waxa hadda beddelay ciidamo Ruush ah.
Si ka duwan isbeddellada qaaradda ka socda, Maraykanka laguma khasbin in uu Soomaaliya ka baxo, se waxa uu hawlgalladiisa u koobayaa uun si loo hirgeliyomudnaan maamulka cusub ee Aqalka Cad yimi. Sannadkan, iyada oo qayb ka ah qorshaha Trump ee dhimidda kaalmada dibadda, Maraykanku waxa uu joojiyey maalgalintii ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Danab. Danab waxa ay ahaayeen ciidamada ugu kartida badan Soomaaliya ee la dagaallama al-Shabaab. Kol haddii uu meesha ka baxo kharashkii 1.5 bilyan doollarka ahaa ee Maraykanku, dawladda Soomaaliya oo awalba la daalaadhacaysay miisaaniyad yari iyo bixinta mushaharrada kale, ma awoodi karto in ay mushahar siiso ciidamadan. Maraykanku waxa kale oo uu joojiyey taageeradii maaliyadeed ee uu siin jiray Hawlgalka Nabad Ilaalinta ee Midawga Afrika.
Ka bixitaanka Soomaaliya waqtigan waa mid halis badan, sababtoo ah waxa weerar ba’an wadda kooxda al-Shabaab. Saddexdii bilood ee u dambeeyey kooxdu waxa ay gacanta ku dhigtay dhawr tuulo iyo deegaanno muhiim ah. Saddex meelood meel dalka ka mid ah waxa ay ka wadaan hawlgallo. Sida ay xusayso Haayadda ACLED, waxa ay u badantahay in al-Shabaab weerarkii ay billawday bishii Febraayo ee sannadkan ay ka faa’idaysanayso galdaloollada amni ee ka dhashay gaabiska ku yimi Hawlgalka Midawga Afrika iyo joojinta kaalmada Maraykanka. Weerarka kooxdu ka waddo maamul-goboleedka Hirshabeelle, waxa uu keenay cabsi ah; in ay dhawaanba qabsan karto caasimadda, oo dhulkaas lagu dagaallamayo laba boqol oo mayl koonfur ka xigta, madaarka ayaana duqaymo loo gaystay bishii April.
Al-shabaab waxa kale oo ay beegsatay goobo Maraykanku joogo. Sannadkii 2020 waxa ay weerartay saldhig cir oo uu Maraykanku ku lahaa Kiiniya, halkaasna waxa lagu dilay saddex Maraykan ah. Alshabaab waa koox fulisay weerar Maraykanka ka dhan ah oo la caynad ah weerarkii 11-kii September.
Dad badan oo reer Maraykan ah ayaa Soomaaliya u arki kara dal aad uga fog Maraykanka oo aan muhiimad istiraatiijiyadeed lahayn. Se xaqiiqdii, waa dal ballaadhan oo kulaalaya Badweynta Hindiya iyo Khaliijka Cadan, oo ku yaalla albaabka laga soo galo Badda Cas. Budhcad badeeddii Soomaaliya ka hawlgalay billawgii qarnigani waxa ay hakiyeen isku socodkii shixnadihii caalamiga ahaa ee marinkaas marayey, balaayiin doollarna waa lagu khasaaray. Darafka kale ee badda waxa Soomaaliya ka xigta Yaman, oo ay hadda gacanta ku hayaan ururka Xuutiyiinta ee ay Iiraan garabsiiso, dagaalna kula jira Israa’iil iyo Maraykanka.
Sooyaalku waxa uu inoo muujinayaa dhibta laga muto in Maraykanku faraha ka qaado Soomaaliya. Siddeetanaadkii, kolkaas oo Dagaalkii Qaboobaa dunida ka taagnaa, Soomaaliya oo uu Maxamed Siyaad Barre ka talinayey waxa uu xulafo la ahaa Maraykanka, ilaa Midawgii Soofiyet dumay 1991-kii, Maraykankuna xidhiidhka u jaray Soomaaliya, sababtoo ah waxa lagu eedeeyey Siyaad Barre xasuuq iyo ku tumashada xuquuqda aadamaha. Markale waxa uu Maraykanku Soomaaliya soo farageliyey 1992-kii, kolkaas oo uu ciidamo u diray, si ay u kala dhexgalaan jabhadihii isku dhex laynayay caasimadda oo sababay macaluul ba’an. Hawlgalkaas Maraykanku waxa uu soo afjarmay dhammaadkii 1993-kii, kolkaas oo Dagaalkii Muqdisho sababay in lasoo rido diyaarado dagaal oo Maraykanku leeyahay, noocooduna ahaa Black Hawk, maydka ciidamo Maraykanna jidadka la jiiday.
Mar kale waxa uu Maraykanku faragelin bilaabay kaddib weerarradii 11-kii September, kolkaas oo ay Soomaaliya noqotay meel u nugul dhuumaalaysiga al-Qaacida, sidoo kalena ay samaysantay kooxda Alshabaab. Hase ahaatee, Trump ayaa muddo-xileedkiisii hore amray in ku dhawaad 700 askari laga saaro Soomaaliya, si loo dhimo faragelinta dibadda, tallaabadanina waxa ay dhintay awooddii ciidamada Maraykanku ku lahaayeen gudaha Soomaaliya. Kaddib kolkii la arkay xoogaysiga al-Shabaab, madaxweyne Joe Biden ayaa boqollaal kale oo ciidamo Maraykan ah soo celiyey. Hadda Trump waxa uu doonayaa in uu mar kale ciidamadaas saaro.
Soomaaliya waa dawlad nidaam ahaan fadhiid ah, kaalmada Maraykanka ayaana ka hortaagan in ay gebi ahaanba dunto. Sida ay daaha uga qaadeen weerraradii 11-kii September tamarta Afgaanistaan, dawlad kasta oo fashilantaa waxa ay gabbaad u noqotaa kooxo argagixiso oo halistooda gobolka iyo indhaafsiiisanba gaadhsiiya.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.