Skip to main content

Sunday 16 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Maraykanka oo ka dayrinaya xaaladda Soomaaliya iyo is-fidinta al-Shabaab

24 September, 2025
Image
Maraykanka oo ka dayrinaya xaaladda Soomaaliya iyo is-fidinta al-Shabaab
Share

La-taliyeha Madaxweyneha Maraykanka ee Arrimaha Afrika, Muscad Boolis, ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ay tahay mid aad u xun oo werwer leh. Wareysi uu siiyay laanta Carabida ee telefishanka Aljazeera ayaa waxa uu ku sheegay in markii hore ay xaaladdu ka soo raynaysay, laakiin ay hadda aad u liidato. Waxa uu ku sababeeyay in ururka al-Shabaab uu horumar ka sameynayo dagaalka oo uu dhul badan qabsanayo.

Isaga oo ka hadlayay sida uu u arko xaaladda Soomaaliya, waxa uu Muscad Boolis yidhi; “Waxa aynnu arkaynaa in ururka al-Shabaab iyo kuwo kale oo ka tirsan ururrada argagixisada ah sida Daacish iyo kuwo ay hore ugu siqayaan oo ay qabsanayaan dhul dheeri ah iyo deegaanno. Arrintaasi waa mid werwer leh oo aad u xun waana in degdegg loo xalliyo arrintan.”

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sannadkii u dambeeyay la noolayd khilaafaad siyaasi ah oo ka dhexeeya iyada iyo maamullada federaalka qaarkooda oo marar keenay isku-dhacyo hubeysan, iyo mucaaridka siyaasiga ah ee Muqdisho oo si weyn ugaga horyimid xukuumadda arrimo la xidhiidha sharciyada doorashooyinka iyo wax ay ku tilmaameen ‘olole dhul xaraash ah’ oo ay ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh. Khilaafkan siyaasiga ah ayaa abuuray degganaan la’aan guud iyo in ay dib u noqdeen dadaalladii la dagaallanka al-Shabaab, waxana ay horseedday in kooxdu dib u qabsato deegaanno badan, isla markaana ay halis ku noqoto Muqdisho.