Skip to main content

Sunday 15 February 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Maraykanka oo Hakiyey Gargaarkii uu Siin Jiray Soomaaliya

20 January, 2026
Image
واشنطن تجمّد مساعداتها للصومال بعد هدم مخزن مساعدات وتلمّح لوقفها نهائياً بحلول مايو
Share

Xidhiidhka Maraykanka iyo Soomaaliya ayaa galay marxlad aan hore loo arag ka dib markii Maraykanku shaaca ka qaaday in uu hakiyey barnaamijkii gargaarka ee uu siin jiray Soomaaliya kaas oo ay dan ku qabtay Xukuumadda Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho. Tallaabadan ayaa timid ka dib eedaymo loo jeediyey masuuliyiinta Dekadda Muqdisho oo la sheegay in ay dumiyeen bakhaarro kayd oo ku dhex yaallay Dekadda.

Go’aanka Maraykanku ku hakiyey gargaarka ayaa la shaaciyey 7-dii Janaayo 2026 waxaana ku xusnayd farriin siyaasadeed oo tilmaamaysa in gargaarka iyo caawimada Maraykanku siiyo Soomaaliya dib loo bilaabi doono ka dib marka la helo isla xisaabtan dhab ah iyo damaanad qaad lagu xaqiijinayo in aanu markale soo laaban falkan oo uu Maraykanku ku tilmaamay marin habaabin iyo leexinta gargaarka aadannimo. Ha’yadaha gargaarka ee Soomaaliya ka hawl gala ayaa iyana dhinacooda ka digay, in carqalad wal oo ku timaadda nidaamka caawimooyinka sida kaydinta iyo qaybinta gargaarku ay si toos ah u saamaynayso dadka nugul ee ku hoos nool dal la daala dhacaya mushkilado isbiirsaday oo ay ugu horreeyaan cunto yaraan iyo amni xumo.

Sida uu tibaaxayo warka ka soo baxay Maraykanka Bakhaarka la jabsaday waxa ku kaydsanaa 76 tan oo cunto iyo daawo ah kuwaas oo joogay qiime sare loogu na talo galay dadka la il daran nafaqo darrooyinka oo ay ku jiraan haweenka leh uurka iyo dhallaanka. Waxa kale oo ay xoguhu tilmaamayaan in bakhaarku ka mid ahaa Kaabayaasha Hawlgallada Degdegga ah ee hoos taga Barnaamijka Cuntada ee Adduunka (WFP) kuna yaalla Dekadda Muqdisho.

Dhanka kale, Barnaamijka Cuntida Adduunka ayaa mar danbe sheegay in uu dib u helay 75 tan oo ka mid ah raashinkii iyo dawooyinkii ku kaydsanaa goobtaas, hasayeeshee, wax faah faahin oo intaas dheer kuma uu darin, taas oo badka keentay su’aalo badan oo la xidhiidha inta uu gaadhsiisanyahay khasaaruhu iyo sida loo maaraynayo wixii danbe ee gargaar ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa dhankeeda iska fogaysay eedaymaha Maraykanka, waxaanay sheegtay in dhammaan gargaarku uu ku jiro gacmaha Barnaamijka Cuntada Adduunka isla markaas na dhacdadan ayey la xidhiidhisay hawl gal lagu ballaadhinayey Dekadda Muqdisho. Iyada oo isku dayeysa yaraynta saamaynta siyaasadeed arrintan waxa kale oo ay dawladda Soomaaliya sheegtay in hawlaha ballaadhinta ee Dekadda Muqdisho ka socda aan loo qaadan karin in ay wax u dhimayaan geeddi socodka barnaamijyada gargaarka.

Dhacdadan oo u muuqatay mid farsamo ayaa kolkii danbe isu rogtay qalaalase siyaasadeed oo dhanka kalsoonida ah oo u dhexaysa Maraykanka, Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Maraykanku waxa uu tibaaxay in aan la ogaysiin duminta bakhaarka, halka ay Soomaaliya dhinaceeda iska fogaysay eeddan, Qaramada Midoobay ayaa ina dhankeeda xaqiijisay in badi gargaarkii ku kaydsanaa goobtaas dib loo helay. Khilaafkani waxa uu dib u soo nooleeyey doodihii hore ee ku saabsanaa hufnaanta, kormeerka iyo maaraynta gargaarka aadannimo ee Soomaaliya.

Go’aanka Maraykanka ayaa u muuqda mid salka ku haya dib-u-eegis lagu samaynayo barnaamijyada sida tooska ah ama dadban ay uga faa’iidaysato dawladda Soomaaliya, waxaana suurtagal ah in dib loo qaabeeyo ama gabi ahaanba meesha laga saaro. Walow gargaarka badankiisu uu sii dhex maro hay’ado caalami ah, haddana dhacdadan ka dib Waashitoon ayaa bixinta gargaarka la xidhiidhisay kartida Xukuumadda Federaalka, taas oo dib u qaabeyn karta ama hoos u dhigi karta mashaariicda Soomaaliya, haddii aan aan damaanad buuxda laga helin dawladda Federaalka.

Xiisadda xaajadan la xidhiidha ayaa cirka isku shareertay ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in gudaha maamulka Maraykanka lagu hayo doodo iyo codad ku baaqaya in gabi ahaanba la soo afjaro gargaarka Soomaaliya bisha Maaj 2026. Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda ma jiro go’aan rasmi ah oo lagu joojinayo gargaarka waxa se isa soo taraya walaaca Maraykanka ee la xidhiidha gargaarka Soomaaliya.