Tuesday 19 May 2026
Ka dib markii uu Madaxweyne Trump sheegay in uu xidhayo marinka Hurmus oo aanu oggolaan doonin maraakiibta u socota dekedaha Iiraan, taliska dhexe ee ciidanka Maraykanka ayaa sheegay in ay fulinayaan oo ay maanta oo Isniin ah bilaabeen in ay xannibaan dhammaan gaadiidka badda ee u socda ama ka imanaya dekedaha Iiraan. Tallaabadan ayaa uu Maraykanku uga dan leeyahay in uu culeys dhaqaale oo xooggan ku saaro dawladda Iiraan, isaga oo aan toos ugu laaban dagaalkii tooska ahaa. Ha se ahaato e, waxa ay arrintani u muuqataa mid dib u kicinaysa sababihii dagaalka waxana ay soo afjari kartaa xabbad joojinta gaaban ee ay Baakistaan u kala dabqaadday.
Ciidamada Iiraan oo ka jawaabaya arrintan ayaa sheegay in xayiraadda uu Maraykanku saaray biyaha Iiraan iyo maraakiibta maraya biyaha caalamiga ah ay tahay mid sharci-darro ah oo gaadhsiisan heer ‘budhcad badeednimo’ waxana ay ku hanjabeen in ay ka jawaabi doonaan daandaansi kaste oo milatari oo uu Maraykanku ka sameeyo marinka Hurmus.
Xaaladda gacanka Beershiya/Carabta iyo marin-biyoodka Hurmus ayaa dib u cakirantay, ka dib markii ay burbureen wada-hadalladii labada dhinac ee ay dhexdhexaadinaysay Baakistaan taas oo khatar galinaysa xabbad joojintii labada toddobaad ahayd ee ay dhinacyadu isla gaadheen. Wada-hadallada ayaa u burburay is-mari-waa ku saabsan qodobbada uu dhinac kaste miiska soo saaray. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iiraan, Cabbaas Caraaqji ayaa sheegay in ay wada-hadallu u fashilmeen sabab la xidhiidha in Maraykanku oo halka u sarreysa geeyay doonistiisa iyo in uu hadba beddelayay yoolkiisa, haddana uu bilaabayba in uu bandow ku soo rogo Iiraan, taas oo uu sheegay in ay rejada sii burburinayso.
Waxa muuqanaysa in Maraykanku uu xannibaado dheeri ah ku soo kordhiyay marinkii horeba ugu xidhnaa Iiraan, taas oo uga sii dari doonta qalalaasihii shidaalka iyo ganacsiga adduunka ee uu dagaalku kiciyay. Maraykanka ayaa doonaya in uu isla xidhitaanka ku cadaadiyo Iiraan, hase ahaato e waxa muuqanaysa in Madaxweyne Trump uu qaatay isla istiraatiijiyaddii Iiraan ee xidhitaanka marinkan hawlbawlaha ah oo markii hore aad uga dagaallamayay, waxana ay tallaabadani muujinaysaa in qorshaha dagaalka ee Maraykanku aanu lahayn saldhig qorsheysan, arrintaas oo walaac dheeri ah saaraysa dunida.