Skip to main content

Saturday 7 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Maraykanka iyo Iiraan: Shuruudda Miiska Wadahadalka ka Eryi Karta Iiraan

11 February, 2026
Image
Maraykanka iyo Iiraan: Shuruudda Miiska Wadahadalka ka Eryi Karta Iiraan
Share

Waqti ay dunida oo dhani u dhegtaagayso dagaal weyn ah oo mar kale ka qarxa Bariga Dhexe, ka dib markii uu Maraykanku ku soo daabulay maraakiibtiisa dagaalka oo ay ku jiraan kuwa diyaaradaha xambaara, si uu isugu diyaariyo weerar ka dhan ah Iiraan, waxa uu Jimcihii la soo dhaafay wadahadal aan toos ahayni u furmay labada dhinac oo ay wufuuddoodu ku kulantay Masqad, Cummaan. Waxa ay ka wadahadlayaan arrinta nukliyeerka Iiraan oo toboneeyo sannadood ahayd ubucda khilaafka labada dal, iyo qodobbo kale oo uu Madaxweyne Trump ku soo daray hadda qodobbada wadaxaajoodka, Iiraanna ay si weyn ugu gacansaydhay in laga wada hadlo.

Shuruudaha uu Madaxweyne Trump wato, si looga baaqsado dagaal, waa saddex shardi;

  1. In Iiraan ay, gebi ahaanba, joojiso barnaamijkeeda nukliyeerka oo ay kobcinta Yuuraaniyamta gaadhsiiso eber, isla markaana ay waxii ay hore u kobcisay u dhoofiso dal kale oo saddexaad. Waxa uu doonayaa Iiraan oo ka madhan wax nukliyeer.

  2. In ay si weyn hoos ugu dhigto riddada gantaalaheeda, kuwa riddada dheer ama dhexe ee ay hadda haysatana ay baabiiso, isla markaana ay dammaanadqaaddo in aanay dib u sameyn doonin, iyo

  3. In ay, gebi ahaanba, joojiso taageerada ay siiso kooxaha gobolka ee iyada ku xidhan sida Xuutiyiinta Yemen, Xisbullaahiga Lubnaan iyo kooxaha Falastiiniyiinta.

Saddexdan qodob si weyn ayaa ay ugu gacansaydhay Iiraan waxana ay masuuliyiinteeda wadaxaajoodku sheegeen in ay, keliya, diyaar u yihiin in ay ka xaajoodaan arrinta nukliyeerka oo aanay, iyadana marna ka tanaasuleyn farsamada nukliyeerka ee rayidka ah. Qodobbada la xidhiidha gantaalaha iyo taageerada kooxaha gobolka ayaa ay Iiraan u aragtaa kuwo la xidhiidha madaxbannaanida go’aan ee qarankeeda oo aan gorgortan lahayn.

Madaxweyne Trump waxa uu hore uga baxay heshiiskii ay Iiraan hore ula galeen shanta dal ee Diimada Qayaxan ku leh Goleha Ammaanka oo lagu daray Jarmalka (P5 +1), kaas oo dhigayay in ay Iiraan hoos u dhigto heerka Kobcinta Yuraaniyamta oo aanay muddo 15 sannadood ah dhaafin 3.67% isla markaana ay si joogto ah u korjoogteyso Hay’adda Atoomikada Adduunka (IAEA), dhanka kalena Iiraan laga qaado cunaqabateynta. Madaxweyne Trump, oo ay aragtida la qabto Israa’iil, ayaa heshiiskaas ku sheegay mid aad u xun waxana uu ka baxay muddo xileedkii hore ee uu xukunka qabtay, si ay dib ugu labakacleyso xiisaddii labada dhinac oo halkii ugu xumeyd gaadhay bishii Juun ee sannadkii hore oo ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan weerarro cirka ah oo culus, iyaduna ay kaga jawaabtay gantaalo khasaare ba’an u geystay Israa’iil.

Maxaa uu, haddaba, Trump uga dan leeyahay saddexdan shardi ee adag?

Donald Trump waxa uu doonayaa in uu hal mar ka takhalluso saddexda khatarood ee ay Iiraan u leedahay Israa’iil iyo Maraykanka, isaga oo adeegsanaya baqagalin daran. Waxa uu doonayaa in uu ka takhalluso, gebi ahaanba, farsamada nukliyeerka ee Iiraan; haddii heerka kobcinta Yuraaniyamta la gaadhsiiyo eber, intii hore loo kobciyayna dalka laga saaro, waxa Iiraan ku adkaan doonta in ay dib u bilowdo wax dhaqdhaqaaqa oo nukliyeer ah, sababta oo ah kobcinta lafteeda ayaa u baahan gaaska Yuraaniyamta ee UF6 oo isaga laftiisa laga dhaliyo wejiga hore ee farsameynta Yuraaniyamta. Haddii ay Iiraan yeesho dalabka Trump, waxa ay ka baxaysaa, gebi ahaanba, farsamada nukliyeerka oo ay ku jirto tan rayidka ah ee korontada iyo midda cilmbibaadhista labadaba. Haddii ay u baahato in ay dib u bilowdo mar kale, waxa ay Iiraan ku qasbanaan doontaa in ay soo dhoofsato, taas oo uu yar yahay suuragalnimada in ay hesho cid u soo dhoofisa ama u soo dusisa.

 

Ka hor inta aanu Trump beddelin doodda Maraykanka ee ku aaddan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan, waxa uu Maraykanku qabay in yoolka Iiraan ee barnaamijkani yahay sameynta hub nukliyeer ah, isaga oo ku doodi jiray in aanu dhib ku qabin adeegsiga rayidka ah ee farsamada nukliyeerka. Waxa ay sirdoonka Maraykanka iyo Israa’iil isku raacsan yihiin in Iiraan ay kobcinta Yuraaniyamta gaadhsiisay 60% oo ay tallaabooyin koobani uga hadhsan yihiin in ay soo saarto bambo nukliyeer ah (90%), iyada oo aanay jirin sabab ay farsamo nukliyeer oo rayid ah u kobciso ilaa heerkaas, maaddaama oo ay 3 – 5% u baahan tahay si ay uga dhaliso tamarta koronto. Ha se ahaato e, Donald Trump waxa uu doonayaa in uu gebi ahaana meesha ka saaro tiknoolojiga nukliyeerka ee Iiraan, taas oo ay adag tahay in ay Tahraan aqbasho.

Qodobka labaad ee gantaalaha ayaa in badan ahaa isha werwerka ee Maraykanka iyo Israa’iil. Dalka Iiraan waxa uu caddeeyay in uu yahay midka keliya ee beegsan kara, isla markaana beegsadayba, gudaha Israa’iil iyo saldhigyada Maraykanka ee gobolka. Dagaalkii 12-ka cisho ee dhex maray labada dhinac, waxa ay Iiraan ku ridday Israa’iil in ka badan 500 oo gantaal oo nooca baalistigga ah waxana ay toos u garaacday illaa shan saldhig oo ciidan oo ay Israa’iil leedahay. In badan oo ka mid ah gantaalahani waxa ay dhaafeen difaacyada cirka ee Israa’iil oo ah lakabyo dhawr ah oo kala sarreeya oo loogu talagalay in ay heerar kala duwan ka difaacaan cirka.

 

Arrinta gantaalaha Iiraan, iyo barnaamijka nukliyeerkuba, waxa ay caqabad ku yihiin aragtida Israa’iil ee ah in ay joogteyso sarreynteeda militari ee gobolka Bariga Dhexe. Aragtidan waxa salka u dhigay Raysal Wasaarihii lixaad ee Israa’iil, Menaakhim Beegin, waxana uu nuxurkeedu yahay in dalalka cadowga la ah Israa’iil ee gobolka aanay u oggolaan sarreyn dhanka milatariga ah, gaar ahaan nukliyeerka, oo ay Israa’iil baabiiso mashruuc kaste oo halis milatari leh ka hor inta aanu hanaqaadin. Damacaas weyn ee Israa’iil ayaa uu Madaxweyne Trump doonayaa in uu ku hirgaliyo cagajugleyn xooggan iyo gacan-fidin wada socda.

Qodobka la xidhiidha joojinta taageerada Iiraan ee kooxaha gobolku waa yool labaad oo uu ku doonayo in uu ku rifo galaangalka Iiraan ee Bariga Dhexe iyo saameynteeda siyaasadeed. Iiraan waa dalka qudha ee la gali kara Israa’iil iyo Maraykanka, lana galayba, waxa loo yaqaanno ‘dagaal wakaaladeed’ oo ah in dhinacyada is hayaa ay isugu adeegsadaan gacmo kale oo ay ku dagaallamaan. Kooxaha gobolka ee gacansaarka la leh Iiraan in badan ayaa ay madax xanuun ku hayeen Maraykanka iyo Israa’iil waxana ay u muuqataa hadda in Donald Trump oo doonayo in uu faylkaas soo xidho, waa haddii ay u suuragasho qandaraasle han weyn oo looga bartay in uu wax weyn qabsado si uu wax uun u hanto.

Saddexdan qodob ee uu miiska soo saaray Madaxweyne Trump waxa ay ka dhigayaan wadahadallada Cummaan kuwo aad u adag, waxana ay soo ururinayaan fursadaha lagaga baxsan karo in Gacanka Garbeed uu qarxo, in kaste oo dalalka gobolku ay si weyn isugu dayayaan in la gaadho in uun wax is-afgarad ah oo lagaga baaqsado isku-dhac daran, haba ahaado is-afgarad kulmeegaadhba ha e.