Friday 17 April 2026
Kadib 40 maalmood oo dagaal culus socday, waxaa lagu dhawaaqay xabbad-joojin u dhexeysa Maraykanka iyo Iiraan. Hase yeeshee, hadallada kala duwan ee ka soo baxay dhinacyada ku lugta leh arrintan ayaa muujinaya in heshiiska la gaadhay uusan weli si buuxda u caddayn, gaar ahaan marka la eego baaxaddiisa juqraafiyeed iyo dhinacyada siyaasadeed ee uu khuseeyo.
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shahbaas Shariif, ayaa sheegay in xabbad-joojintu ay khusayso guud ahaan gobolka Bariga Dhexe, oo ay ku jirto Lubnaan. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, wuxu sheegay in Israa’iil ay taageersan tahay go’aanka Madaxweyne Donald Trump ee ah in weerarrada ka dhanka ah Iiraan la hakiyo muddo laba toddobaad ah, balse wuxuu caddeeyay in arrintaasi aysan khusaynin furinta Lubnaan. Kala duwanaanshahan hadalka ahi wuxuu durba muujiyay in dhinacyadu si kala duwan u fasirayaan qodobbada heshiiska.
Qodob kale oo muran dhaliyay waa marinka Hormus. Iiraan waxay sheegtay in marinku u furnaan doono maraakiibta, balse amnigiisa iyo maamulkiisa ay si toos ah u hagayaan ciidamada qalabka sida ee Iiraan. Dhankiisa, Trump wuxuu sheegay in Maraykanku gacan ka geysan doono maaraynta isu-socodka maraakiibta ee marinkaasi, taas oo muujinaysa in labada dhinac ay si kala duwan u fasirayaan cidda dhab ahaan gacanta ku haysa marinkan istiraatiijiga ah.
Sidoo kale, waxaa jira mugdi la xidhiidha barnaamijka nukliyeerka Iiraan. Wakaaladda Associated Press ayaa sheegtay in ay jiraan kala duwanaansho u dhexeeya nuqullada Faarisiga iyo Ingiriisiga ee qorshaha xabbad-joojinta. Nuqulka Faarisiga ah waxaa ku jirtay eray bixin tilmaamaysa aqbalaadda kobcinta yuraaniyamka, halka eraygaas uusan ka muuqan nuqulka Ingiriisiga ah. Tani waxay dhalinaysaa su’aalo waaweyn oo ku saabsan mid ka mid ah qodobbada ugu xasaasisan khilaafka labada dhinac.
Bale, heshiiskan wuxuu ka tarjumayaa dib-u-gurasho ay sameeyeen labada dhinac. Trump, oo hore uga hanjabay “is-dhiibid buuxda oo aan shuruud lahayn” iyo xitaa beddelka nidaamka Iiraan, ayaa hadda u wareegay miiska wadaxaajoodka. Dhanka Iiraan, Tehran waxay markii hore diidday heshiis ku-meel-gaadh, waxayna dalbanaysay heshiis dhammaystiran oo dammaanad qaadaya in aan dagaal dib loogu noqon.
Dhinaca Israa’iil, heshiiskan waxaa loo arkaa dhabar-jab siyaasadeed. Warbaahinta Cibraaniga ah iyo mucaaradka, gaar ahaan Yair Lapid, ayaa si adag u dhaliilay Netanyahu, iyagoo ku eedeeyay inuu ku fashilmay himilooyinkii uu dagaalka ku galay.
Waxaa la filayaa in Islamabad ay martigeliso kulan u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan si loo sii ambaqaado wadaxaajoodyada loona xoojiyo xabbad-joojinta. Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda in la xalliyay arrimaha waaweyn sida barnaamijka nukliyeerka, gantaallada ballistic-ga ah, iyo doorka xulafada Iiraan ee gobolka.
Dhanka dhaqaalaha, suuqyadu si degdeg ah ayaa looga dareemay heshiiska, iyadoo qiimaha foostada saliidda uu hoos u dhacay boqolkiiba 14, kuna dhacay 96.83 doolar. Tani waxay muujinaysaa in cabsidii degdegga ahayd ee laga qabay dagaal ballaadhan oo gobolka ku fida ay yaraatay.