Skip to main content

Saturday 6 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Maraykanka Ayaa Ballaadhinaya Saldhig Ciidan oo uu ku Leeyahay Kiiniya

25 November, 2025
Image
Maraykanka Ayaa Ballaadhinaya Saldhig Ciidan oo uu ku Leeyahay Kiiniya:
Share

Warbixinno ku saabsan arrimaha difaaca ayaa shaaca ka qaaday in Maraykanku uu bilaabay ballaadhinta iyo casriyeynta saldhiggiisa ciidan ee Simba oo ku yaalla Laamuu, Waqooyiga Kiiniya.

Mashruucan ayaa ay ujeedadiisu tahay in la kordhiyo awoodda saldhiggan si kor loogu qaado fursadaha adeegsigiisa lagana dhigo saldhig weyn oo isku filan, iyada oo la dhisayo dhabbe diyaaradeed oo ay ku soo degi karaan diyaaradaha waaweyn ee ciidanka Maraykanku. Arrintan ayaa muujinaysa daneynta istiraatiijiyadeed ee uu Maraykanku la leeyahay Kiiniya ee dhinacyada iskaashiga ammaanka iyo milateriga, ka dib markii uu hore ugu aqoonsaday Kiiniya 'dawlad xulafo la ah oo ka baxsan NATO'.

​Saldhigga Simba ayaa ku yaallaa meel u dhow Gacanka Manda ee xeebta Laamu, waxana si wada jir ah u maamula Kiiniya iyo Maraykanka. Waxa uu saldhiggani qaabbilsan yahay sugidda amniga xeebaha Badweynta Hindiya iyo ilaa Badda Cas waana meesha ugu muhiimsan ee laga fuliyo hawlgallada cirka ee lagu taageerayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee Soomaaliya. Saldhiggani waxa uu ka mid yahay goobaha ugu muhiimsan ee ciidamada Maraykanku ay kaga sugan yihiin Afrikada ka hooseysa Saxaraha, marka laga tago Jabuuti.

​Sida ku cad warbixin ay daabaceen 'Africa Intelligence' iyo ilo ciidan oo Maraykan ahi, waxa uu mashruucan, oo ay maalgelinayso Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanku, ku dhow yahay hadda gebagebo. Ilaha ayaa tilmaamaya in ujeedadu tahay in saldhiggan Simba loo beddelo xarun ciidan oo awood u leh in ay si madaxbannaan u hawlgasho oo ka tirsan Taliska Afrika ee ciidanka Maraykanka (AFRICOM).