Sunday 16 November 2025
Dawladda Maraykanka ayaa sheegatay in 13-kii Sebtember, iyada oo kaashanaysa Dawladda Federaalka Soomaaliya, ay duqeyn ku dishay nin hubka u iibin jiray ururka al-Shabaab. Taliska AFRICOM ee Ciidanka Maraykanka ayaan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan weerarkan.
Ha se ahaato e, maalintaas waxa weerar cirka ah lagu khaarajiyay oday dhaqameed ka soo jeeday gobolka Sanaag laguna magacaabi jiray Caaqil Cumar Cabdilaahi Cabdi waxana uu dilkiisu keenay muran iyo eedo ay dadka deegaanku u jeediyeen dhinacyo kala duwan.
Oday dhaqameedkan ayaa si firfircoon ugu lug lahaa siyaasadaha gobolka, isaga oo dhawaan ka soo horjeedsaday maamulka ay Xukuumadda Xasan Sheekh ka dhisaysay Laascaanood oo la sheegay in deeegaankiisana la raaciyay, waxana uu u janjeedhay dhinaca maamulka Puntland. Ma jirin eedo hore oo ku saabsan in uu xidhiidh la lahaa al-Shabaab oo dibedda u soo baxay, waxanu dhawaan kulamo la yeeshay Madaxweyneha Maamulka Puntland.