Skip to main content

Monday 7 September 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Mandeella: Hoggaamiyihii ugu Dambeeyey Hoggaamiyayaashii Falaasifada ahaa ee Afrika

30 August, 2026
Image
Mandeella: Hoggaamiyihii ugu Dambeeyey Hoggaamiyayaashii Falaasifada ahaa ee Afrika
Share

Nelson Mandela oo ah madaxweynihii ugu horreeyey ee si dimuqraaddi ah loogu doorto Koonfur Afrika (1994 ilaa 1999), waxa uu dunida ku yeeshay saamayn qotodheer. Ma ahayn hadaljeediye muxaadarooyinkiisa lagu bartay, ma ahayn kelitaliyayaasha laga baqo, mana ahayn mufakir lagu bartay waxsoosaarkiisa fikir ee badan. Sidaas oo ay tahay, Qaramada Midoobay waxa ay maalinkiisii dhalasho, oo ku beegan 18-ka Julaay, ka dhigtay maalin caalami ah, sidanna waxa uu ku noqday qofkii ugu horreeyey ee madaxweynanimo soo mara, ee hela maamuus sidaa u weyn oo qaaradaha ka gudbay. Laga yaabee, in maamuuskan la huwiyey lagu fasiri karo siduu ugu dhawaa hannaanka “boqorka faylasuufka ah”.

Mafhuumkan “boqorka faylasuufka ah” ama “madaxweynaha faylasuufka ah” waa mafhuum ku abtirsada falsafadda Galbeedka, weliba hadalka faylasuufkii Giriigga ahaa ee Socrates, oo kusoo arooray buugga ardaygiisii Plato ee Jamhuuriyad: “Aadamuhu sharka kama nasanayaan ilaa falaasifada dhabta ahi ay talada qabtaan, ama kuwa talada hayaa ay noqdaan falaasifo dhab ah”.

Balse, tilmaanta faylasuufnimo ee mafhuumkani kuma koobna uun cidda baratay falsafadda ama leh takhasus akaadami. Sida uu sheegay faylasuufka reer Koonfur Afrika, Mobogo Percy More, faylasuufku ma aha uun qofka diraaseeya falsafadda, ee sidoo kale waxa weeye: “Qof awood u leh inuu keeno ka qaybqaadasho macno leh oo uu ku darsado horumarka fikirka falsafadeed iyo dunida afkaarta, iyada oo aan la eegayn heerkiisa akaadami ee uu takhasuskan ka gaadhay”.

Mafhuumka “boqorka faylasuufka ah” waxa uu hanaqaaday xilli taariikheed uu xukunku ku koobnaa boqorrada ama urustuqraadiyiinta, oo ah xilligii la qoray buugga “Jamhuuriyad” una dhaxeeyey sannadihii 380-kii ilaa 375-kii ee Miilaadiga ka hor. Balse, siyaasadda dimuqraaddiga ah ee casrigan, ereybixintan macnaheedii afeed looma adeegsado, ee waxa uu koobsadaa madaxda dalalka iyo la taliyayaasha sar sare, walow welina loo adeegsado boqorrada weli sii jira. waa ereybixin laba weji leh; dhinac waxa ay ka sheegaysaa hoggaan maangalnimada iyo anshaxa ku socda, xilkasnimana ku taliya, dhinaca kalena waa ereybixin tibaaxaysa in xukunku ku keliyoobo boqor kelitaliye ah.

Hannaanka “boqorka faylasuufka ah” ama “madaxa faylasuufka ah” waa hannaan si weyn uga muuqday madaxdii Afrikaan ee ugu horreeyey, ahna jiilkii talada dalalka kala wareegay gumaysigii, sidoo kalena lagu magacaabo aasaasayaashii Afrika. Madaxdani ma ahayn madax siyaasiyiin ah oo keliya, balse sidoo kale waxa ay ahaayeen hoggaan fikir, oo waxa ay kulmisteen maamulka dalalka iyo falkinta aragtiyaha.

Cilmibaadhaha siyaasadeed, Fozi al-Gomaidi, waxa uu aaminsanyahay in “hoggaanka fikir uu yahay qofka leh aqoon ku filan, kuna habboon, oo uu ku carin karo hannaan jira, isagoo qofkaasi raba inuu qaabfikir cusub horseedo, dadka kalena ku hoggaamiyo”. Arrinkani waa ujeedkii ay ku dedaalayeen hoggaankaas jiilka koowaad ee ahaa ee Afrika, sababtoo ah waxa ay iska caabbiyeen hannaankii maamul ee gumaysiga Galbeedka, waxaanay isku dayeen inay curin cusub u horseedaan mustaqbalka qaaradda.

Walow gaabis laga helayo isku daygooda, haddana aasaasayaashaas faca koowaad ahaa waxa ay noqdeen astaan bulshooyinkoodu ku hirtaan xilligii ka xoroobidda gumaysiga, iyo sannadihii ka dambeeyey ee rejo wadareedka. Saamaynta hoggaankaasi kuma koobnaan maamulka dawladda, ee sidoo kale waxa ay saamayn ku dhex yeesheenn dunida fikirka; iyagoo metelaya booska ah “madaxda Afrika ee falaasifada ah”, waxa ay falkiyeen oo ay faafiyeen aragtiyo iyo habraacyo, waxa ay jeediyeen khudbado macno fog leh, waxaanay qoreen qoraallo ay kaga hadleen israaca Afrika, qawmiyadda Afrika, hantiwadaagga Afrika, xuddumaynta maamul ee Afrika, dhaqdhaqaaqa dadka madow iyo falsafadda ogaalka.

Balse, Koonfur Afrika jidkaas may qaadin, sababtoo ah waxa degaamayn gumaysi ku sameeyey Holan laga soo bilaabo qarnigii 17aad. Ingiriiskuna waxa uu kusii xididdeeyey awooddiisa gumaysi, ilaa dhammaadkii qarnigii 19aad. Sababtan awgeed, Koonfur Afrika afartan sanno ayay dib ugu sii jirtay talada kooxdii koobnayd ee caddaanka iyo nidaamkii midab-takoorka. Jidkaas dheer ee uu dalku qaaday awgeed, madaxbannaanida dalku waxa ay dib u dhacday ilaa 1994-kii.

Dib u dhacan xornimo waa sababta Mandeella ka dhigtay hoggaamiyihii Afrikaan ee ugu dambeeyey jiilkii hoggaamiyayaasha Afrika ee madaxbannaanida ka dib ee qarnigii 20aad. Dib u dhacan xornimo laftiisu waxa uu Mandeella siiyey boos jaadgoonni ah oo uu dib u eegid ku samayn karo guulihii hoggaanka Afrika iyo meelihii ay ku guuldarraysteen ee afartankaas sanno. Sidoo kale, toddoba iyo labaatan sanno oo uu xidhnaa, waxa uu ban baxay akhrin iyo diraasayn, waxaanu kansho u helay u kuurgal badan, isagoo ka fikiraya dhibta dalkiisa iyo guud ahaan qaaradda ka taagnayd. U kuurgalkaasi oo ay la jiraan farriimihii uu qoray iyo kulannadii uu ku qabtay xabsigu, waxa ay ka qayb qaateen hiridda falsafaddiisa iyo qoridda hannaankiisa siyaasadeed.

Tijaabadaas waxa kasoo dhex baxay hannaanka Mandeella ee hoggaanka falsafadeed, isagoo ka duwan qaababkii kale ee hoggaamiyayaashii kale ee Afrika iyo dunidaba. Hannaanka Mandeella waxa uu ku suntanaa ka madhnaanta u xaglinta aydhiyoolajiyadeed iyo lahaanshaha falsafadda isku wadka. Waa labada qodob ee uu ku darsaday dunida afkaarta. U xaglinta aydhiyoolajiyaddu waxa ay meesha ka saaraysaa kala aragti duwanaantii iyo dooddii, halka isku wadku uu keenayo kulminta isdiiddooyinka iyo is waafajinta dano hirdamaya.

Dhaqankiisaas isku wad, waa waxa u suurogaliyey u furfurnaanta isdiiddooyinka iyo kala duwanaanta, isagoo sidan ku yeeshay tilmaamo ka mid ah kuwii uu Socrates xusay in looga baahanyahay “hoggaamiyaha faylasuufka ah”; “waa dad jecel barashada wax dhabta ah, waxaanay necebyihiin wax kasta oo been ah, waxa ay u xusulduubaan ogaanshaha dhabta, waxna waa ay u kuurgalaan. Waxa u dheer inay yihiin bulshaawiyiin aan lagu ag qaloon, kana fogaada isla weynida iyo cabsida. Si fudud bay wax u bartaan, waana dad is xakameeya”.

Socrates laftiisu waxa uu qirayaa inay dhif tahay in la helo qof kulansada tilmaamayaas, se, waxa la odhan karaa, Mandeella ayaa ku dhawaaday inuu koobsado tilmaamahan.

Mandeella waxa uu ku dhex dhashay boqortooyada Tembu, ee ku abtirsata bulshada Xhosa. Waxa la filayey inuu aabbihii ka dhaxli doono talada oo uu hoggaamiye dhaqameed noqon doono, balse jidkaas waa uu ka weecday oo waxa uu doortay inuu barto qaanuunka, si uu garsoore u noqdo. Muddo ka dib, waxa uu ka gudbay soohdintii isirkiisa, ilaa uu bulshada wada gaadhay. Dadkii la kulmay waxa ay ku tilmaameen inuu deeqsimo iyo dad isku wad lahaa, sida uu Socrates tilmaamayo ee ah “bulshaawi aan lagu ag qaloon”, waxa kale oo uu ahaa, qof ka fog is cajabin iyo fulaynimaba, oo waxa uu kulmistay go’aan adayg iyo isdhul-dhig. Inuu ka tanaasulay hoggaan dhaqameedkii, haddana markii dambe ka uu xilka ka dagay hal muddo-xileed ka dib, waa waxa ka duway hoggaamiyayaasha kale ee Afrika ee doortay inay talada hayaan weligood.

Isla wakhtigan, waxa uu ku biiray Shuuciyada, isagoo xubin sir ah ka noqday Xisbigii Shuuciyada ee Koonfur Afrika, ka dibna waxa uu hoggaamiyey Jabhaddii Dimuqraaddiga ahayd ee Midawday, oo isirro kala duwani ku midoobeen sannadkii 1983-kii. Ugu dambayn, waxa uu ku guulaystay dejinta dastuurka cusub ee Koonfur Afrika sannadkii 1996-kii, dastuurkan oo bogaadin badan helay sababtoo ah waxa uu ilays u noqday dimuqraadiyadda liberaaliga ah. Waa tan awoodda uu u lahaa kulminta isdiiddooyin jira.

Waxyaabaha kale ee ammaanta huwiyey waxa ka mid ah mawqifkii uu ka taagnaa gacan-ka-hadalka. Markii uu ku biiray Shirweynaha Qaran ee Afrika ee afartanaadkii, waxa uu bilawgii ku baaqay inaan gacan-ka-hadal la samayn, se mar dambe ayaa uu beddelay istiraatiijiyaddiisii, waxaanu noqday hoggaanka guud iyo aasaasaha garabka hubaysan ee ururkan, lixdanaadkii. Mar kale oo ah xilligii dimuqraadiyadda waxa uu doortay inaan gacan-ka-hadal la dooran. Khibraddani waxaa waxa dhaxalsiiyey inuu si wacan u kala saari karo gacan-ka-hadalka sida dhabta ah yoolka ugu adeegaya iyo midka aan yoolka lahayn.

Ka dib markii uu xabsiga kasoo baxay, Mandeella waxa uu tusaale dhab ah u noqday dhaafitaanka waxa uu Socrates ku magacaabo “doonitaannada liita”, oo uu ugu horreeyo doonitaanka aargudasho, isagoo Mandeella qaatay saamaxaad iyo dhaafidda wixii hore. Sidan ayaa uu ku noqday hoggaamiye dhex u noqda dhibbanayaashii iyo dambiilayaashii, isagoo ku dedaalaya jid kulmiya danaha dhinac walba.

Sidaas oo ay tahay, dhaxalka Mandeella kama madhna dhaliil, sida in lagu tuhmo in markii uu madaxnimada gaadhay uu ka tanaasulay codsiyadii seeska ahaa, siiba codsiyadii dhaqaale. Balse, habdhaqankiisa iyo anshaxiisa ayaa ahaa waxa hagay ee aan isbeddelin, isagoo fuliyey ballankii ahaa inaan Koonfur Afrika la kala yeelan, oo aan isir la isu kala gurin. Habdhaqankani waa waxa usoo jiiday in Koonfur Afrika gudaheeda looga arko aabbe, isagoo u dhaqmayay sida qof aabbo ahi uu danaha carruurtiisa uga shaqeeyo.

Jidka siyaasadeed ee Mandeella waxa uu maray jid dhif ah in la arko, isagoo ahaa kacdoonyahan ay dalal badani ku dareen liiska argagaxisada, haddana 1993-kii waxa uu helay abaalmarinta Noobal ee Nabadda, waana kaalin aanay helin hoggaamiyayaashii Afrika ee facii koowaad ahaa. Waxa kale oo uu helay in ka badan 250 abaalmarin iyo maamuus, heer magaciisu uu ku ladhmay hoggaanka anshaxa leh.

Walow ay kulminta talada iyo xilkasnimadu ay sees u tahay hannaanka “hoggaamiyaha faylasuufka ah”, haddana waa wax nidaamyada cusub aad ugu adag. Waa halka jaadgoonninimada Mandeella ay ku duugantahay, sababtoo ah isku wadkiisa ayaa sababay inuu gaadho barta rasmiga ah ee isku dheellitirka dhinacyada jira oo dhan.