Wednesday 12 November 2025
Madaxweyneha Taansaaniya, Marwo Saamiya Suluuxu, ayaa ku guuleysatay doorashadii madaxweynenimo ee dalkaas ka dhacday iyada oo heshay 98% codadkii la dhiibtay, sida ay ku dhawaaqday Guddida Doorashooyinku. Doorashadan ayaa waxa ku lammaanaa qalalaase baahsan oo ka dhacay qaybo badan oo dalka ah kuwaas oo lagaga soo horjeeday habsocodka doorshada.
Murashaxiintii ugu muhiimsanaa tartanka ayaa qaar la xidhay qaarna laga reebay tartanka, taas oo lagu tilmaamay hannaan maroorsi oo Madaxweyne Suluuxu ku doonaysay in ay ku dhacdo doorashada.
Mucaaridka ayaa ku eedeeyay Xukuumadda in ay dishay dad boqollaal gaadhaya oo diiddanaa 'ku shubashada' doorashada. Dhanka kale Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay rabshadaha iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqal insaanka oo weheliyay hannaanka doorasho.
Madaxweyne Suluuxu ayaa xilka dalkaas qabatay sannadkii 2021 oo uu geeriyooday Madaxweynihii hore, John Magufuli, iyada oo waqtigaas ahayd Madaxweyne Kuxigeen, waxana ay dalka soo maamulaysay afartii sannadood ee la soo dhaafay.