Skip to main content

Sunday 15 February 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Madaxweyneha Soomaaliya oo Socdaal Taxaddar badan ku Tagay Laascaanood

16 January, 2026
Image
Madaxweyneha Soomaaliya oo Socdaal Taxaddar badan ku Tagay Laascaanood
© Villa Somalia
Share

Madaxweyneha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa socdaal ku tagay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo sannadkii hore laga hirgaliyay maamul ay gadaal ka riixaysay Muqdisho si ay cadaadis ugu saarto Somaliland iyo maamulka Puntiland labadaba. Mudane Xasan ayaa la sheegay in uu ka qaybgalayo 'caleemasaarka' madaxweyneha maamulkaas oo la doortay shan bilood ka hor, intaasna u baaqday in uu Madaxweyne Xasan uga baaqday sababo aan si rasmi ah loo shaacin, se lagu sheegay in uu ka cagajiidayay imaanshaha Laascaanood.

Sababta u weyn ee imaanshihiisa hadda riixaysa ayaa ah xiisadda siyaasadeed ee Hargeysa iyo Muqdisho oo gaadhay halkii ugu sarreysay tan iyo dhammaadkii siddeetaneeyadii oo uu dagaal khasaare ba'ani dhex marayay labada dhinac, ka dib markii ay Somaliland hore ugu tallaabsatay dhanka madaxbannaanida, iyada oo markii ugu horreysay aqoonsi ka heshay dal xubin ka ah Qaramada Midoobay - Israa'iil, arrintaas oo dhirif weyn ku ridday Xukuumadda Muqdisho oo iyadu sheegata in Somaliland ay qayb ka tahay dhulkeeda. Sida muuqata, Madaxweyne Xasan ayaa mar kale boodhka ka jafaya maamulka 'Waqooyi Bari' oo uu hore u aqoonsaday markii ay Somaliland heshiiska is afgarad la gashay Itoobiya ee xiisadda xooggani ka dhex aloosantay Hargeysa iyo Muqdisho.

Imaanshaha haatan ayaa waxa ku lammaan durbaan colaadeed oo ay tumayso xukuumadda Muqdisho, taas oo ka dhan ah Somaliland, iyada oo uu Wasiirkeeda Difaacu shalay tagay aagga Sallinta ee Gobolka Sool oo ay ka dhaw yihiin Ciidamada Somaliland waxana uu halkaas ku abaabulay kulana hadlay ciidan beeleedyo isugu jira kuwo deegaanka ah iyo kuwo ka soo goostay deegaannada Puntland oo uu ku sheegay in ay ku biireen ciidanka federaalka ee uu maamulo. Wasiir Fiqi ayaa halkaas ka diray farriimo colaadeed oo uu ugu sheegay ciidamadaas in ay difaacaan 'dalka' isaga oo ku jiheynayay wax uu ugu yeedhay 'gooni-goosadka' oo uu ula jeeday Somaliland.

Si kasteba ha ahaato e, Madaxweyne Xasan oo markii uu yimid aad looga taxaddaray amnigiisa ayaa, isaga oo inta aanu iman madmadow galiyay xilliga laga filayo in uu yimaaddo, waxa markii uu soo gaadhay la arkayay isaga oo ay ciidamo xoog u hubeysani ku gadaaman yihiin, arrintaas oo muujinaysa in si weyn looga gaashaantay dhanka ammaankiisa. Sidaas oo ay tahay, waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh noqonayaa madaxweynihii u horreeyay Soomaaliya ee intii ay Somaliland ka baxday midowga, 1991kii, yimaadda deegaan ka tirsan Somaliland, arrintaas oo ay si gaar ah ugu dabbaaldegayaan kooxaha ka soo horjeeda Somaliland oo uu ka mid yahay Wasiirkiisa Difaaca oo si cad ugu tookhay in uu joogo 'Somaliland'.

Somaliland ayaa, dhankeeda, cambaareysay socdaalka ay xukuumadda Xasan Sheekh ku tagtay Laascaanood waxana ay ku tilmaantay faragalin khatar ku ah nabadda gobolka.