Sunday 16 November 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa socdaal ku tagay maanta magaalada Kismaayo, si uu ula kulmo hoggaamiyeha Jubaland, Axmed Madoobe, oo muddo sannad ah ay u dhexeysay colaad lafojabis ah oo gaadhay waaranno qabasho iyo dagaallo dhiig ku daatay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la arkayay isaga oo ay aad ugu hareeraysan yihiin ciidamo xoog u hubeysan oo uu ka sii kaxaystay Muqdisho iyo diyaarado helikabtarro ah oo guud wareegayay markii uu ka degay gedada diyaaradaha ee Kismaayo, arrintaas oo laga dheehan karo kalsooni-darrada sarreysa ee u dhexeysa labada hoggaamiye.
Safarka uu Madaxweyne Soomaaliya ku tagay Kismaayo ayaa daaran isku-day uu dhawaanahan waday kuna doonayay in uu heshiis siyaasi ah la gaadho Axmed Madoobe, ka dib markii ay fashilmeen dhammaan isku-dayadii Muqdisho ee mijaxaabinta maamulka Kismaayo oo ay sannad ka hor isa seegeen, markii uu Axmed Madoobe dib isugu doortay si khilaafsan doonista Muqdisho.
Kulanka waxa qayb ka ah, kana soo shaqeeyay saraakiil Kiiniyaan ah, kuwaas oo fududeynaya wada-hadalka labada nin. Waxa uu Madaxweyneha Soomaaliya doonayaa in hoggaamiyeha Jubaland uu qayb ka noqdo qorshihiisa doorashada Federaalka iyo isbeddelladii lagu sameeyay dastuurka, taas beddelkeedana ay Dawladda Federaalku siiso maamulka Kismaayo ee Madoobe nooc sharciyad ah.
Ha se ahaato e, Axmed Madoobe waxa u dhawaan is afgarad la gaadhay mucaaridka Muqdisho iyo maamulka Puntland oo ay ku heshiiyeen in ay wada dhisaan madal ay u bixiyeen Madasha Mustaqbalka Soomaaliya, taas oo u muuqatay in lagu wiiqayo dadaalka Xasan Sheekh ee kala qaybinta mucaaridkiisa isugu jira maamullada iyo siyaasiyiinta kala duwan, xilli uu waqtigu kuu soo ururaya Madaxweyneha Soomaaliya.