Skip to main content

Thursday 22 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Madaxweyneha Somaliland ayaa Joojiyay Munaasibadda Xeer Ciise, Si loo Dejiyo Qalalaasaha Boorama

6 December, 2025
Image
Madaxweyneha Somaliland ayaa Joojisay Munaasibadda Xeer Ciise, Si loo Dejiyo Qalalaasaha Boorama
Share

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa markii labaad ka [hadlay] xiisadda Boorama kana soo saaray go’aanno dheeri, muddao 24 saacadood gudahood ah. Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in ay xukuumaddiisu joojisay munaasabadda Xeer Ciise oo laga qaban lahaa magaalada Saylac waxana uu caddeeyay in uu taageerayo gogol nabadeed oo loo dhigo labada beelood ee gableedka Somaliland, kuwaas oo isku maandhaafsan arrinta munaasabadda Xeerka Ciise.

Isku-dhacyo baahsan oo magaalada Boorama ku dhex maray dad ka gadoodsan go’aankii hore ee ay xukuumaddu ku ogolaatay munaasabadda Xeer Ciise ayaa keenay dhimashada ugu yaraan dhawr iyo toban qof iyo dhawaac aad u badan, arrintaas oo magaalada u rogtay xaalad faraha ka baxsan.

Madaxweyneha Somaliland ayaa xalay ku baaqay nabad waxana uu amray in ciidamada militarigu ka baxaan magaalada iyo goobaha rayidka, waxa uu, markaana, sheegay in aanay qabsoomi doonin wax aan laga tashan, arrintaas oo u muuqatay hakinta munaasabadda Xeer Ciise. Ha se ahaato e, waxa muuqatay in aan lagu qancin oo waxa sii socday rabshadaha iyo ku dhacyada ciidanka iyo dadka gadoodsan. Sababtaas ayaa kalliftay in Madaxweyne Cirro uu mar kale hor yimaaddo warbaahinta una sheego in uu gebi ahaanba joojiyay munaasabadda xeerka, si uu u dejiyo dadweyneha. Dhanka kale, waxa uu, mar kale, ku celiyay in ciidamadu ka dhawrsadaan waxyeellada shacabka, iyaga oo amniga sugaya. 

Waxa, sidoo kale, magaalada gaadhay [odayaal dhaqan] oo ka tagay Hargeysa si ay uga qaybqaataan dejinta xaaladda. Odayaashan oo ay xukuumaddu dirtay ayaa Boorama kaga dhawaaqay in la hakinayo munaasabadda Xeer Ciise, isla markaana ay dhigayaan gogol nabadeeda. 
Madaxda dhaqanka ee gobolka Awdal ayaa, dhankooda, soo dhaweeyay go’aankan odayada iyo Madaxweyneha ee ku aaddan hakinta munaasabadda iyo dejinta xaaladda. Suldaan Dhawal oo u hadlay ayaa sheegay in ay qaateen go’aanadaas waxana uu ku baaqay in dadweynuhu is dejiyaan shirna ay isugu iman doonaan.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa ku eedeeysay Soomaaliya im ay faragalinayso xaaladda Boorama kana waddo tallaabooyin khalkhal galin ah.

Bayaanka ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa jawaab u ahaa qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya iyo hadallo ka soo yeedhay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo Somaliland ugu baaqay in ay tixgaliso rabitaanka dadka Boorama.