Sunday 16 November 2025
Madaxweyneha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa socdaal ku tagay Itoobiya waxaanu la kulmay Raysal Wasaare Abiy Axmed. Sida lagu faafiyay bogga Madaxtooyada Soomaaliya, waxa uu Madaxweyne Xasan kala hadlay Raysal Wasaareha dhinacyada iskaashiga, la dagaallanka argagixisada iyo ixtiraamidda madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee labada dal. Tibaaxdan dambe ayaa ah mid, inta badan, la soo qaado marka ay jiraan walaacyo ku saabsan siyaasadaha gudaha ee dal oo uu dal kale ku lug leeyahay. Halkanna, waa qodob munaasibaddiisa leh, maaddaama oo uu Madaxweyne Xasan dagaal ugu jiro in uu mijaxaabiyo maamulka Kismaayo, caqabadaha hortaaganna ay ka mid tahay Itoobiya oo gacansaar la leh hoggaamiyeha Jubaland, isla markaana aan oggolayn in wax laga beddelo xisaabta siyaasad-deegaan ee gobolka Gedo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan ku tagay Kismaayo socdaal ku soo idlaaday wejigabax siyaasadeed, ka dib markii uu fashilmay wax isfahan ah oo laga gaadho ismaandhaafkii u dhexeeyay isaga iyo hoggaamiyeha Jubbalaan, . Kulankaas oo ay fududeynayeen sirdoonnada Itoobiya iyo Kiiniya, ayaa uu Madaxweynuhu kula kulmay Axmed Madoobe isaga oo aan ka noqon waarankii qabasho ee uu hore ugu gooyay. Sidaas oo ay tahay kulankaasi waa uu burburay.
Intaa waxii ka dambeeyey, waxa uu Madaxweyneha Soomaaliya faray kaaliyeyaashiisa in ay diyaariyaan qorshe lagu afgambiyayo maamulka Axmed Madoobe, waxana khiyaarrada miiska u saaran ka mid ah; in uu maamul cusub ka dhiso gobolka Gedo si ay Dawladda Federaalku u siiso sharciyaddii maamulka Jubbalaan. Khiyaarkan oo ah midka uu sida gaarka ah u doorbidayo Madaxweyne Xasan ayaa culeys kala kulmaya dhanka Itoobiya oo joogitaan xooggan oo muddo dheer jiray ku leh Gobolka Gedo.
Mar sii horreysay, waxa ay Itoobiya culeys saartay ciidamada Dawladda Soomaaliya oo ay dagaallamayeen kuwa Jubbalaan, waxana muddo dheer ka go'nayd Itoobiya in ay ilaaliso xaaladda siyaasadeed ee gobolkaas oo ay qaybo muhiim ah oo ka mid ah ka qabsatay ururkii Ittixaad al-Islaami, sannadkii 1996-kii, sidiina ay weli ugu leedahay galaangal siyaasadeed iyo mid amni oo joogto ah.
Kulanka degdegga ah ee uu Xasan Sheekh ka raadsaday Abiy Axmed ayaa ay ilo u dhuundaloolaa sheegayaan in uu ku doonayo in uu daliigo mawqifka Itoobiya ee ku saabsan Jubbalaan, oggolaanshana uga helo qorshihiisa Jubbalaanta- cusub. Kiiniya ayaa, iyana dhankeeda ka soo horjeedda qorsheha siyaasadeed ee uu wado Madaxweyne Xasan, waxa uu se is tusayaa in furaha u muhiimsan ee, si gaar ah gobolka Gedo uu ku jiro gacanta Itoobiya.
Mawqifka Itoobiya ee gobolka Gedo ayaan hadda caddeyn in uu wax iska beddelayo, ha se ahaato e, mawqifka Itoobiya ee Gedo weligii ma noqon mid warbaahinta mara ama laga muujiyo Addis Ababa. Waa mawqif siyaasad ahaan aamusan, laakiin laga fuliyo taliska Doolow iyo ciidamadeeda jooga gobolka.