Skip to main content

Tuesday 19 May 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Madaxweyne Ruto oo Weeraray Midowga Afrika

12 April, 2026
Image
Madaxweyne Ruto oo Weeraray Midowga Afrika
Share

Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, ayaa si adag u naqdiyay Midowga Afrika, isaga oo shaki geliyey kartida ee in uu si waxtar leh uga jawaabo caqabadaha sii kordhaya ee wajahaya qaaradda Afrika. Isaga oo ka hadlayay Shirka Iskaashiga ee Mashariki, waxa uu Ruto walaac ka muujiyey ‘hoggaan-xumo’ iyo ‘gaabiska’ dhanka ka falcelinta arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee saamaynta ku leh ummadaha Afrika.

Waxa uu Ruto yidhi, isaga oo ka hadlayay Midowga Afrika: “Waxaan idiin sheegayaa, oo aanu wax shaki ahi igaga jirin, in Midowga Afrika aanu, siday maanta yihiin ugu habboonayn in uu noqdo hoggaankii ay qaaraddani u baahanayd ee wax ka tari lahaa dhibaatooyinka mustaqbalka.” Waxa uu ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in dib-u-habeyn lagu sameeyo Midowga Afrika. Madaxweyne Ruto waxa uu intaas ku daray in, in kasta oo ay muuqato baahi loo qabo isbeddel, ay haddana jirto iska-caabbin xooggan oo ururka dhexdiisa ah oo hortaagan in la fuliyo dib-u-habeyn macno leh oo lagu sameeyo ururkan.

Dhaliilaha loo jeedinayo hay’addan metasha qaaradda Afrika ma aha mid cusub. Muddooyinkii u dambeeyey, waxa sii kordhiyay walaaca laga qabo waxtarkiisa iyo dhaliilaha loo jeediyo. Ururkan, oo loo xilsaaray horumarinta nabadda, amniga, iyo maamul-wanaagga dimuqraadiyadeed ee qaaradda Afrika, waxa loo arkaa mid ku dhibban gudashada waajibaadkiisan. In kasta oo Midowga Afrika uu leeyahay haykal dhismeed oo muuqda, haddana kartida uu u leeyahay in uu si ka-go’naan leh uga jawaabo dib-u-dhaca dimuqraadiyadda iyo colaadaha qaaradda ayaa si weyn loo saluugsan yahay.

Shantii sano ee u dambeeyey oo qudha, waxa Galbeedka Afrika ka dhacay taxane afgembiyo ah. Waxa ay ka bilaabantay dalka Maali oo, sannadkii 2020, afgembi lagu riday Madaxweyne Ibrahim Boobakar Kiita, waxana xigtay in ay mar labaad ciidanku sii xejisteen talada. Dalka Gini ayaa, isna, afgembi milateri xilkii lagaga tuuray Madaxweyne Alfa Kondhe, ka dib markii uu si aan la isku raacsanayn u beddelay dastuurka si uu xukunka u kordhisto, waxana hadda dalkaas xukumada Mamaadi Dombooya. Dalal kale ayaa iyaguna raacay oo ay ka mid yihiin Burkiina Faaso iyo Neyjer oo iyaguna argagax ku riday dimuqraadiyaddii gobolka, markii xoog xilka lagaga tuuray Madaxweyneyaashii ka talinayay oo qaarkood hore loogu arkayay in ay yihiin dimuqraaddi.

In kasta oo qaar badan oo ka mid ah afgembiyadan ay kuwii sameeyay ku sheegeen in ay yihiin tallaabooyin lagu saxayo taliska iyo kacdoon horusocodnimo oo looga gol leeyahay la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo maamulxumada, haddana inta badan xukunnadan milateri waxa ay, sidii looga bartay, muujiyeen damaca ah in ay xukunka ku sii joogayaan qabsashadaas, iyaga oo mararka qaarkood ku doodaya in shuruudaha dimuqraadiyadda iyo xaqiiqada dhabta ah ee deegaannadoodu aanay is lahayn. Ibraahim Tarowre, oo ah hoggaamiyaha isku magacaabay kacdoonyahanka Burkiina Faaso, ayaa dhawaan mowqifkan caddaystay:“Aan runta ku hadalno e, dimuqraadiyadda na looguma talagalin annaga” ayaa uu u sheegay Sky News.

Afgembiyada ka sokow, doorashooyinka ka dhacay qaybo ka mid ah Afrika ayaa iyaguna dhaliyey dhaliil xoog leh oo ku saabsan hufnaanta iyo xornimada, iyada oo aanu Midowga Afrika wax kaalin ah ku yeelan. Dalka Tansaaniya, doorashooyinkii u dambeeyey ayaa si weyn loogu dhaleeceeyey is-daba-marin, cadaadis la saaray mucaaradka, iyo xannibaado lagu soo rogay warbaahinta iyo bulshada rayidka ah. Dalka Kameroon, Madaxweyne Pawl Biya ayaa awoodda haysta muddo ka badan afartan sanadood, doorashooyinkii Yugaandhana waxa uu Madaxweyne Yoweeri Musefeni ku dheereystay xukunkiisa horeba aadka ugu dheeraa, isaga oo ku qasbay hoggaamiyihii mucaaradka, Boobi Wayn in uu dalka uga baxsado dibedda. Ugu dambayn, dalka Jabuuti ayaa isna labo cisho ka hor qabsaday doorasho uu dib isugu cumaamaday hoggaamiyeha muddada dheer xukumayay Jamhuuriyaddaas yar, Ismaaciil Cumar Geelle, oo caan ku ah doorashooyinka aan tartanka lahayn.

Dhanka kale, xaaladaha amni ee qaaradda Afrika ayaa ka sii daraysa, gaar ahaan gobolka Saaxil. Kooxaha argagixisada caalamiga ah iyo xagjirka hubeysan ee xidhiidhka la leh ururrada ay ka mid yihiin al-Qaacida iyo Dawladda Islaamiga ah (ISIS) ayaa isku ballaadhiyey ku fidiyay hawlgalladooda dalalka Maali, Burkiina Fasso iyo Nayjer, iyaga oo ka faa'iidaysanaya jilayca maamul ee dawladaha iyo tabashooyinka dadka deegaannadaasi ay ka qabaan nidaamyada xukunka. Kooxahan hubeysan ayaa weeraro ku qaada dad shacab ah, ciidamo, iyo kaabayaasha dhaqaale, iyaga oo abuuraya amni-darro baahsan iyo barakaca tobannaan kun oo qof. In kasta oo ay jiraan dedaallo heer gobol iyo heer caalami ah, oo ay ku jiraan hawlgallo uu taageero Midowga Afrika, haddana xakamaynta kooxahan sii fidaya ayaa noqotay arrin adag.

Soomaaliya oo ah dal tusaale u ah dalalka fashilmay ayaan, iyana, weli maaro loo helin, ka dib soddon sannadood in ka badan oo degganaansho la’aan ah. labaatan sannadood ayaa ay hadda joogaan ciidamo ka socda Midowga Afrika oo ay taageerto Qaramada Midoobay, welina waxa dhulka badankiisa ka talisa kooxda al-Shabaab iyo maamullo qabiil oo kala qoqoban.

Mid ka mid ah colaadaha ugu xun ee hadda ka taagan qaaradda Afrika waa dagaalka Suudaan, oo qarxay 2023-kii, una dhexeeya Ciidanka Qaranka Suudaan iyo fallaagada ee la yidhaahdo Ciidanka Birmadka Degdegga ah (RSF). Colaaddan Suudaan waxa ay horseedday burbur baahsan, barakac baaxad leh, iyo masiibo bini-aadamnimo oo aad u weyn. Waxa jira caddaymo muujinaya dambiyo dagaal iyo isir-sifeyn ka dhacday gobollada qaara, sida ay tabiyeen qaar ka mid ah ururrada xuquuqda aadane, iyada oo ay dhici karaan in dambiyada qaar gaadhsiisan yihiin ‘xasuuq’.

Midowga Afrika waxa uu ku guuldarreystay, hadda iyo horeba, in uu si karti iyo xilkasnimo leh uga hawlgalo colaadaha iyo qaddiyadaha Afrika ee cakiran. Waxa uu ku guuldarreystay in dhinacyada Afrika ku dhex galo nabadeyn, in uu sameeyo hannaan Afrikaan ah oo uu ku maareeyo dhibaatooyinka Afrika oo ay ka mid yihiin arrimaha dawlad-dhiska dimuqraaddiyada, xukun boobka ciidan iyo kuwa la xidhiidha dib-u-dhaca dhaqaale iyo aqooneed.

Sidaa awgeed, eedeymaha uu u jeediyay Madaxweyne Ruto waxa ay si dhab ah uga turjumayaan qanaaco-darrada sii kordhaysa ee laga qabo ururkan mideeya qaaradda Afrika. Waxa ay, sidoo kale, dhab u iftiiminayaan karti-darrada ururka iyo sida uu gudihiisa uga yahay mid dunsan oo diiddan in lagu sameeyo isbeddel macne leh, xilli ay qaaradda Afrika wajahayso culeys dheeri ah oo ugu biiray in la sii galayo duni aan sugnayn.