Thursday 22 January 2026
Iyada oo ay ilaa xalay ka socdeen magaalada Boorama bannaanbaxyo rabshado wata oo keenay in tiro badan oo dad ahi ku dhintaan, ka dib markii ay ciidamada amnigu rasaas u adeegsadeen dibadbaxayaasha, Madaxweyne Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa go'aanno ka soo saaray xaaladda magaalada. Madaxweynuhu waxa uu amray Ciidamada Milatariga in laga saaro magaalada, waxana uu sheegay in aan lagu dhaqaaqi doonin tallaabo aan laga tashan, arrintaas oo u muuqatay in uu hakiyay go'aankii Xukuumaddiisa ee ahaa in ay ogolaatay, isla markaana qabanayso, munaasibadda loogu dabbaaldegayo Xeer Ciise oo lagu waday in ay ka dhacdo magaalada Saylac. Go'aankaas hore ee Xukuumadda ayaa ahaa midka kiciyay qalalaaseha ka dhacay magaalada ee khasaaraha badan geystay. Hadalka Madaxweyneha ayaa u muuqday mid dejin ah waxanu ku baaqay in waxgaradka Somaliland ka qaybgalaan sidii xasilooni loogu soo dabbaali lahaa magaalada.
Dhanka kale, xaaladda magaalada ayaa weli kacsan waxana jira dadaallo isku dhafan oo lagu maareynayo xaaladda, iyada oo waxgaradka deegaanku ay u ballansan yihiin in ay ka wada hadlaan xaaladda magaalada iyo sida ay wax u dhaceen.
Qalaasahan ayaa ka dhashay muranka labo beelood oo gobolka wada dega oo isku maandhaafsan lahaanshiyaha dhulka iyo magaalooyin, arrintaas oo uu kiciyay xus loo agaasimayay Xeer Ciise oo ay dhawaan UNESCO u aqoonsatay in uu ka mid yahay dhaxalka dhaqan ee aadane, halka ay beesha labaad u aragto in ay xuskaas ku lammaan yihiin sheegashooyin dhuleed kuna gacansaydhay in lagu qabto Saylac. Dad badan ayaa ku dhaliilay Xukuumadda Somaliland sida ay u maareysay arrintan, iyada oo go'aanno isku lid ah ka soo saartay xilliyo kala duwan.