Saturday 8 November 2025
Madaxweyneha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa maanta kulan la yeeshay saraakiil ciidan oo Maraykan ah oo ka socday Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM). Kulanka ayaa lagaga wada hadlay, sida ay baahisay Madaxtooyada Somaliland, nabadgalyada gobolka, kor u qaadidda iskaashiga nabadda iyo xasilloonida.
Kulankan ayaa imanaya labo cisho ka dib markii ay Guddida Arrimaha Dibedda ee Aqalka Hoose ee Koongereska Maraykanku meel marisay xeer ay ku jirtay in Maraykanku uu xafiis ka furto Hargeysa, xidhiidho xoogganna la yeesho Somaliland.
AFRICOM ayaa si gaar ah u daneynaysa Somaliland gaar ahaan dhinacyada ammaanka iyo kaabeyaasha ay ka mid tahay Berbera. Waxa ay arrintani qayb ka tahay daneynta guud ee Maraykanka oo uu ka socdo dhaqdhaqaaq riixaya arrinta Somaliland.