Skip to main content

Sunday 16 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Madaxweyne Cirro oo Addis Ababa ku Tagaya Safar Hore Loo Raagsaday

13 October, 2025
Image
Madaxweyne Cirro oo Addis Ababa ku Tagaya Safar Hore Loo Raagsaday
© Xafiiska Afhayeenka M JSL
Share

Madaxweyneha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi – Cirro, ayaa berri safar ugu baxaya dalka Itoobiya, isaga oo maanta uun ka soo laabtay safar muddo dheer qaatay oo uu ku joogay dalka Imaaraatka Carabta. Safarkan ayaan laga bixin xogo dheeri ah oo ku saabsan ajendihiisa, haseyeesho e waxa ay iluhu xaqiijiyeen in uu ku tagayo martiqaad uu ka helay Raysal Wasaareha Itoobiya, Abiye Axmed, waxana uu martiqaadkani imanayaa xilli ay maalin ka hor Addis Ababa ku kulmeen Raysal Wasaare Abiye iyo Madaxweyneha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, lama se oga in uu xidhiidh ka dhexeeyo labada booqasho, in kaste oo ay ilaha qaar sheegeen in Madaxweyne Xasan uu kala hadlay Abiye Axmed in aanu soo-dhaweyn u sameyn Madaxweyne Cirro.

Madaxweyne Cirro oo uu hadda u sii dhammaanayo sannad uu hayay talada Somaliland ayaan weli booqan Itoobiya oo muddo dheer ahayd dalka xidhiidhka ugu dhaw la leh Somaliland, si dhawna ay u wada shaqeyn jireen dhammaan madaxdii soo martay Somaliland. Cabdiraxmaan Cirro ayaa madaxweyne ka noqday Somaliland ka dib sannad uu xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya gaadhay heer uu gobolka gilgilay, markii uu Abiye Axmed la saxeexday madaxweynihii ka horreeyay Cirro, Biixi, is-afgarad istiraatiiji ah oo la sheegay in uu dhigayay in Somaliland ay saldhig ciidan oo badda saaran siiso Itoobiya, beddelkeedana ay Itoobiya aqoonsato Somaliland. Is-afgaradkaas ayaa kiciyay mawjado diblumaasiyadeed iyo hadalhayn siyaasadeed oo xoggan, gudaha iyo dibeddaba, waxana ku lug yeeshay awoodo goboleed oo loollan ka dhexeeyo. Xisbiga Waddani ee talada Somaliland haya, oo markaas mucaarid ahaa, ayaa xilligaas qaatay mawqif aan caddeyn oo ku aaddan is-afgaradkan, waana arrinta ay dadka qaar u aaneeyeen in aan Madaxweyne Cirro lagu soo dhaweyn Addis Ababa muddo sannad ku dhaw.

Si ka duwan sidaas, waxa jiray dhacdooyin hakad galiyay in Somaliland iyo Itoobiya ku sii socdaan is-afgaradkii ay gaadheen isla xilligii uu Muuse Biixi talinayayba. Waxa ay Itoobiya la gashay Soomaaliya heshiis uu dhexdhexaadiyay Turkigu, kaas oo dhigayay in ay Itoobiya ‘ixtiraamto madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya’ taas oo ahayd qodob ay ku doodaysay Soomaaliya kuna deedafeynaysay is-afgaradka, dhanka kalena waxa ay Soomaaliya ku aqoonsatay heshiiskaas ‘xaqa ay Itoobiya u leedahay in ay gaadho badda’ oo aan la caddeyn. Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhawaan wareysi uu bixiyay ku sheegay in is-afgaradkii uu u joogsaday ka dib markii Itoobiya “lagaga adkaaday” dhanka diblumaasiyadda. Qodobkan awgii, dad kale ayaa qaba in ay Itoobiya u soo dhaweyn wayday Madaxweyne Cirro, iyada oo dhawraysay heshiiska ay la gaadhay Soomaaliya ee uu dhexdhexaadiyay dalka Turkiga oo labada dalba ka leh dano istiraatiiji ah.

Haddaba, safarka hadda ee Madaxweyne Cirro ku tagayo Addis Ababa ayaa loo dheg taagaya, iyada oo si gaar ah loo fiirinayo qodobbo door ah oo ay ka mid yihiin heerka soo dhaweynta oo muujin doonta sida ay Itoobiya u daneynayso xidhiidhka Somaliland, in mar kale la dhaqaajiyo is-afgaradkii ay hore u gaadheen Hargeysa iyo Addis Ababa oo hadda gamaarsan, in kaste oo uu madaxweyne hore, Muuse Biixi, ku tilmaamay in uu fashilmay, iyo sida ay booqashadani ula xidhiidhi doonto isbeddellada siyaasadeed ee gobolka ka jira. Waxa hubaal ah in ay booqashadani tahay mid muhiimad gaar ah leh oo si gaar ah loola socon doono.