Wednesday 19 November 2025
Madaxweyneha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa dib ugu soo laabtay Hargeysa ka dib safar labo maalmood qaatay oo uu ku tagay Addis Ababa, Itoobiya, halkaas oo uu kula kulmay madaxda Itoobiya oo uu ka mid yahay Raysal Wasaare Abiye Axmed, sida uu sheegay Wasiirka Dibedda ee Somaliland oo la hadlay warbaahinta, markii weftiga Madaxweynuhu soo gaadhay Hargeysa.
Socdaalka Madaxweyneha Somaliland ee Addis Ababa oo aad loogu dheg taagayay, sida aan hore ugu warrannay, ayaa waxa uu abuuray wayddiimo hor leh oo ku saabsan xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo Itoobiya si weyn u qarisay joogitaanka Madaxweyneha Somaliland ee Addis Ababa. Warbaahinta xukuumiga ah ee Itoobiya ayaa si muuqata uga aamustay socdaalkan iyo kulamadii uu Madaxweyne Cirro la yeeshay masuuliyiinta dalkaas, arrintaas oo dhalisay su'aalo ku saabsan ajendaha ay Itoobiya ka lahayd booqashada Madaxweyne Cirro oo ay iyadu martiqaadday, sida ay xogo lagu kalsoon yahay tibaaxeen.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Bakaal oo si kooban ugu jeediyay warbaahinta warmutiyeed hal dhinac ah ayaa waxa uu sheegay in ay Itoobiya ka wada hadleen iskaashi dhinacyo badan iyo in uu 'Raysal Wasaareha Itoobiya ammaanay Somaliland' waxana uu wasiirku ka gaabsaday in wax su'aalo ah laga wayddiiyo socdaalka, taas oo ay dad badan u macneysteen in aanu weftiga Madaxweynuhu rabin in laga hadlo xog dheeri ah oo ku saabsan socdaalkooda.
Ilo xogogaal ah ayaa tilmaamay in Itoobiyaanku ay la soo hadal qaadeen Madaxweyneha Somaliland Isafgaradkii ay Itoobiya iyo Somaliland wada gaadheen 1dii Jeenaweri, 2024, iyada oo Itoobiya markan meesha ka saaraysa qodobkii aqoonsiga Somaliland, arrintaas oo uu Madaxweyneha Somaliland ku gacansaydhay.
Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ayaa ay su'aalo ka taagnaayeen tan iyo doorashadii la soo dhaafay ee uu talada ku qabtay Madaxweyne Cirro. Itoobiya ayaa hore heshiis ula gaadhay Soomaaliya kaas oo ay ku baajinaysay in ay hore ugu sii socoto Isafgaradkii ay la gashay Somaliland, waxana ay intaas ka dib muujisay in ay hoos u dhigto heerka wada xidhiidhka ee Somaliland. Ha se ahaato e, wararka ayaa sheegaya in Madaxweyneha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo hore u aqoonsaday xaqa ay Itoobiya u leedahay in ay badda gaadho uu hadda oggolaansho ka muujinayo Isafgaradkii Somaliland iyo Itoobiya gaadheen sannadkii hore, iyada oo meesha laga saarayo qodobka aqoonsiga madaxbannaanida Somaliland. Arrintan ayaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku beddelanayaa in ay Itoobiya gacan ka siiso dagaalkiisa ka dhanka ah Jubbalaan iyo qorsheha uu rabo in u maamul gaar ah uga dhiso gobolka Gedo ee Soomaaliya.
Dhanka kale, Raysal Wasaare Abiye Axmed ayaa dhawaan dib u bilaabay hadalhayntiisa ku saabsan xaqa ay Itoobiya u leedahay in ay hesho marin badeed, taas oo mar kale gobolka ka kicisay xiisado hor leh, gaar ahaan Itoobiya iyo Eriteriya.
Si kasteba ha ahaato e, socdaalkan Madaxweyne Cirro ee Addis Ababa ayaa u muuqda mid aan meesha ka saarin daruurihii su’aalaha ahaa ee dul hoganayeh xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, sannadkii la soo dhaafay, waxana la eegi doonaa sida ay siyaasad ahaan iyo diblumaasi ahaanba isu muujiyaan waqtiyada soo socda.