Tuesday 14 July 2026
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa booqasho taariikhi ah ku tagaya Israa'iil, waana booqashadii u horreysay ee heer Madaxeed oo ay labada dhinac is dhaafsadeen, tan iyo markii ay is aqoonsadeen, dhammaadkii sannadkii hore.
Marka laga tago in booqashadani ay leedahay mudnaan marxaladeed, haddana muhiimadda ugu weyn ee booqashada ayaa la filayaa in ay dhacdo fiidnimada Isniinta, sida ay tabisay The Jerusalem Post, marka si rasmi ah loo furo safaaradda Somaliland, taas oo calaamad u ah samaynta xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxa oo u dhexeeya labada dal.
Madaxweyne Cabdillaahi ayaa qorsheeyay inuu booqashadiisa ugu horreysa ee rasmi ah ku tago Israa'iil dhammaadkii bishii Maarij, sida ay ku warrantay The Jerusalem Post bishii Febraayo, iyada oo soo xiganeysa laba ilood oo arrintan u dhuundaloola.
Sida ay xoguhu hore u tilmaameen, booqashadani ma noqon doonto markiisii ugu horreysay ee uu dalkaas tago Madaxweyne Cirro se waa middii u horreysay ee rasmi ah. Madaxweynuhu wuxuu hore u sameeyay booqasho qarsoodi ah oo uu Israa'iil ku tagay xilligii wadahadalladii diblomaasiyadeed ee horseeday in Israa'iil ay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland bishii Diseembar 2025.
Booqashada hadda waxa ay koobsan doontaa furitaanka safaaradda Somaliland ee Israa’iil iyo taxane kulamo heer madax dawladeed ah oo looga golleeyahay in lagu ballaadhiyo iskaashiga dhinacyada ammaanka, ganacsiga, tignoolajiyada biyaha, tamarta dib loo cusboonaysiin karo, iyo horumarinta gobolka.
Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa waxa soo dhaweyn rasmi ah u samayn doona Madaxweyneha Israa'iil, Isaac Herzog waxanu ku qaabbili doonaa xarunta madaxweynaha ee Qudus saacaddu marka ay tahay 11:30 maanta.
Intaas ka dib, Madaxweynaha Somaliland waxa loo qorsheeyay in uu yeesho kulan diblomaasiyadeed oo uu la yeesho Herzog, isla markaana uu ka qaybgalo qado-sharaf dawladeed oo ay la socdaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa'ar. Waxa kale oo qorsheysan in uu la kulmo Raysal Wasaareha Israa'iil, Benyamin Netanyaahu.
Waxa sidoo kale qorsheysay in uu booqan doono goobo muhiim ka ah Israa'iil oo si borotokooli ah loogu soo dhaweeyo madaxda soo booqata dalkaas.
Booqashadan ayaa la filayaa in ay mar labaad kiciso xiisad diblumaasiyadeed oo gobolka ah, qaybna ay ka yihiin Soomaaliya iyo dalalka garabka u ahi.