Saturday 7 March 2026
Madaxweynaha Israa’iil Isxaaq Herzog ayaa ka dagay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, safarkan ayaa geeska Afrika ka dhigaya ubucda loolan sii fidaya kaas oo salka ku haya loolan goboleed. Booqashadan ayaa timid ka dib markii maalmo yar ka hor uun Madaxweynaha Turkiga, Orduqaan, uu booqasho rasmi ah ku tagay Itoobiya.
Labadan dhacdo ee aadka isugu dhaw ayaa daaha ka faydaya tartan sii xoogaysanaya oo u dhexeeya quwadaha Beriga dhexe saameynta ku leh kuwaas dedaallo ugu jira sidii ay saldhigyo istaraaiiji ah ugu yeelan lahaayeen Geeska Afrika, waxaana isa soo taraya dedaallada ay wadaan Masar, Isutagga Imaaraadka Carabta, Sucuudiga, Turkiga iyo Israa’iil ee ku jihaysan gobolka.
Horaantii Bishan Madaxweyne Orduqaan waxa uu booqasho rasmi ah ku tagay Itoobiya, waxaanu ahaa safarkii ugu horreeyey ee rasmi ah ee Orduqaan ku tago Itoobiya tan iyo 2015-kii, taas oo muujinaysa isbeddelka gobolka iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka curtay mandaqada wixii ka danbeeyey aqoonsiga ay Israa’iil u fidaysay Somaliland kaas oo si weyn u ruxay miisaanka siyaasadeed ee Geeska Afrika.
Marka laga yimaaddo booqashadan Turkiga ee Itoobiya oo ay labada dal ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga dhexdooda ah, waxa kale oo la arkay in sanadihii la soo dhaafay, xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka Khaliijka iyo Addis Ababa uu ahaa mid sii xoogaysanayey waxaana safka hore kaga jira xidhiidhkaas Isutagga Imaaraadka Carabta.
Isutagga Imaaraadka Carabta muddo dheer waxa loo arkayey mid ka mid ah saaxiibadda aadka ugu dhow Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 2018-kii, Abu Dabay waxa ay door weyn ka ciyaartay taageerada siyaasadeed iyo dhaqaale ee Itoobiya. Waxaa la sheegaa in uu Imaaraadku dhabarka u ritay gargaar maaliyadeed xilli ay Itoobiya la daalaa dhacaysay dhaqaale xumo, wuxuuna si muuqata u maalgeliyay kaabeyaasha dhaqaalaha, tamarta iyo beeraha. Xidhiidhkan dhawi waxa uu keenay in ay labada dal noqdaan saaxiibo Istaraatiiji ah oo leh isku xidhnaan.
Dhanka kale, Sacuudi Carabiya oo ka mid ah dawladaha ugu waaweyn Khaliijka Carabta isla markaas na leh saamayn diineed, dhaqaale iyo siyaasadeed ayaa iyaduna kordhisay dhaqdhaqaaqeeda diblomaasiyadeed ee Addis Ababa ku aadan. Toddobaadyadii la soo dhaafay, Riyaad waxa ay Addis Ababa u dirtay Wasiirkeeda Arrimaha Dibedda taas oo muujinaysa in ay isu taxallujinayso sii adkaynta xidhiidhka labada dal, dardargelintan Sucuudigu ayaa salka ku haysa isbeddelka Geeska ka socda, marin biyoodka Baddacas.
Haatan waxa muuqata in ay tartanka si weyn uga dhex bidhaamayso Israa’iil oo dhawaan noqotay dawladdii ugu horreysay ee xubin ka ah Qaramada Midawbay ee aqoonsata Somaliland iyada oo Somaliland ku tilmaantay ‘dal madaxbannaan’, waxaanay Israa’iil kordhisay dedaalladeeda dibloomaasiyadeed iyo Istaraatiiji ee Geeska Afrika, sidaas awgeed booqashada Madaxweynaha Israa’iil ee Itoobiya waxa ay u muuqataa mid lagu sii adkaynayo dedaalladaas.
Ugu danbeyn Geeska Afrika oo juquraafi ahaan dhaca goob Istaatiiji ah waxa uu isu rogay masrax ay quwadaha Bariga Dhexe iyo kuwa soo baxayaa ay si ballaadhan ugu loolamaan isla markaasna ku muujiayaan awooddooda. Booqashooyinka meeqaamkoodu sarreeyo ee Israa’iil, Turkiga, Sacuudiga iyo quwado kale ku gaalaa bixinayaan Geeska ma aha dhacdooyin teel teel ah, balse waa qayb ka mid ah loolan weyn oo salka ku haya awood juquraafi siyaasadeed, marinnada ganacsiga ee muhiimka ah, maalgashiyo, iyo saameyn dhaqaale ama istaraatiijiyeed oo isugu soo biyo shubanaya is fidin iyo galaangal yeelasho.