Skip to main content

Saturday 13 June 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Mabda’a Dheefta: Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ee 2018 Ka Dib

21 May, 2026
Image
Pragmatism over principle: What drives the post-2018 Ethiopia–Somaliland relations?
Share

Geeska Afrika weligiiba waxa uu ahaa gobol isdiiddooyin badan kulmistay; dhinac waxa uu ahaa bar kulmisa jidad kala duwan oo jiho-siyaasadeed, muhiimad badanna u leh ganacsiga caalamiga ah, dhinac kalena, waxa uu ahaa fagaare ay gudahiisa ka socdaaan dagaallo gudeed iyo xasillooni la’aan. Sannad kastaba, tiro ku dhow afartan kun oo markab ayaa ka gudba Badda Cas, oo sida ku dhawaad boqolkiiba 40 shidaalka caalamiga ah, iyo alaab ganacsi oo qiimaheedu gaadhayo toddoba bilyan oo doollar. Marinkan ganacsi ee boqolkiiba 12 ganacsiga dunidu maro iyo saddex meelood meel ganacsiga ay is weydaarsadaan Eeshiya iyo Yurub, waxa loo arkaa fagaare loollan oo awoodaha waaweyni ku hirdamaan, una kala dheereeyaan ka samaysiga saldhigyo ciidan oo danahooda qaran ilaaliya. Se marinkan badeed ee caalamiga ah waxa ka dambeeya shabakad kakan oo iskuxidhnaanta nabadgalyada gobolka ah, oo dhaqdhaqaaq kasta oo gudeed oo dal ama dhinac gobolka ka tirsani uu sameeyaa waa mid si toos ah u saamaynaya kuwa kale ee la jaarka ah, waana tallaabo dhalinaysa saamayn xuduuddiisa dhaafsiisan. Iskuxidhnaantan waxa kasoo dhex baxay xidhiidhka Itoobiya oo ah dalka ugu dadka badan dalalka bilaa badda ah iyo Somaliland oo aan aqoonsi caalami ah dunida ka haysan.


Muddo soddon ku siman, xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland waxa uu ahaa mid nabdoon oo saaxiibtinnimo, siyaasadda dheefdoonka ah ee Itoobiya awgeed. Waa xidhiidh lagu tilmaami karo “aqoonsi isla macaamil oo ka hooseeya aqoonsigii rasmiga ahaa”. Somaliland waxa ay Itoobiya siisay aag cashuuraha ka caaggan iyo jid ganacsi, Somaliland-na waxa ay dhinaceeda ka faa’idaysatay jiritaanka deris xooggan oo ula dhaqma sidii dal leh madaxbannaani dhab ah, weliba xilli dunida kale ay qaddiyadeeda iska dhego marisey. Se, laga soo bilaabo 2018, xidhiidhkan qummanaa waxa uu la kulmay isbeddel weyn. Dib u qaabaynta siyaasadda dibadeed ee ay Itoobiya kula dhaqmayso Soomaaliya awgeed, iyo sidoo kale baahida daran ee ay u qabto bad, laguna sii daray baahida Somaliland u qabto aqoonsi rasmi ah, labada dhinacba waxa ay galeen isbiimayn diblumaasiyadeed oo halis weyn leh, dibna u qaabanaysa khariidadda Geeska. Is’afgaradkii ay kala saxeexdeen 2024 waxa uu sababay beddelidda saldhigga xidhiidhka labada dhinac ka dhexeeyey, waxaanu muran iyo uqaadanwaa ka dhex dhaliyey gebi ahaan gobolka.

Salka iskaashiga istiraatiijiyadeed

Xidhiidhada siyaasadeed iyo saaxiibtinnimo ee rasmiga ah, una dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya waxa uu bilaabmay sannadkii 1991-kii, kolkaas oo Somaliland ku dhawaaqday madaxbannaanideeda. Ka hor intaanay lasoo noqon madaxbannaanida, Somaliland waxa ay hore u ahayd maxmiyad Ingiriis oo hore, oo madaxbannaanideeda heshay 1960-kii. Shan maalmood ka dibna waxa ay la midawday Soomaaliya qaybteeda kale, oo ku hoos jirtay xukunka Talyaaniga.

Xidhiidhada labadan dal u dhexeeyey waxa ay judhiiba ku bilaabmeen qaab togan, sababtoo ah Itoobiya oo hore uga mid ahayd 35-kii dal ee Somaliland aqoonsaday shantii maalmood ee ay madaxbannaanida haysatay, waxa ay mar kalena Somaliland ka caawisay halgankii hubaysnaa ee lagala hortagay Muqdisho. Sidan darteed, Itoobiya oo Soomaaliya kaga soo horjeedday mashruuca Soomaali Weyn ee isballaadhinta ahaa, waxa ay xidhiidh la samaysay Jabhaddii SNM, oo ka dagaallamaysay cabudhinta Waqooyiga iyo saami la’aanta, waxaanay ku dhaqmeen xeerka siyaasadeed ee ah: “cadawgayga cadawgii waa saaxiibkay”.

Kolkii Somaliland lasoo noqotay madaxbannaanideeda, Itoobiya waxa ay noqotay dalkii Afrikaan ee ugu horreeyey ee qunsuliyad ka furta Hargeysa, waxaana 2006-dii loo dallacsiiyey safaarad. Walow aanay haysan aqoonsi caalami ah, haddana Somaliland waxa ay ku shaqaynaysay lacag, baasaabboor iyo ciidan u gaar ah, arrimahan oo Itoobiya siiyey dhinac nabdoon oo ay ku beddelato qaska ka socda koonfurta Soomaaliya. Ilaalinta xasilloonida Somaliland waxa ay muhiimad weyn u lahayd amniga qaran ee Itoobiya, sababtoo ah xuduudaha nabdoon ee Somaliland waxa ay caqabad ku noqdeen kooxaha xagjirka ah ee ka iman kara Soomaaliya. Dhinaca Somaliland-na, waxa ay Itoobiya u arkaysay jidka ay u mari karto aqoonsiga caalamiga ah ee ay raadinayso.

Marxaladii Abiy Axmed: isbeddelkii siyaasadaha

Ka dib markii uu xilka qabtay Raysalwasaare Abiy Axmed sannadkii 2018-kii, xidhiidhkaas muddada dheeri waxa uu bilaabay inuu ruxmo. Siyaasadda arrimo dibadeed ee cusub, oo ku dhisnayd aragtida midaynta Geeska Afrika, waxa ay mudnaanta siisay xidhiidhada rasmiga ah ee ay la leedahay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Isbeddelkan siyaasadeed oo ay garab socoto qaadashada siyaasadda faragelin la’aantu waxa ay sababeen in xidhiidhkii Somaliland iyo Itoobiya wiiqmo.

Dedaalladii bilawga ee lagu doonayey in gobolku is raaco, dibna loogu soo celiyo midayntii Soomaaliya waxa ay shaki galiyeen Somaliland, oo indho shaki ku eegtay isku soo dhawaanshaha Itoobiya iyo Soomaaliya. Kala shakigu waxa uu cirka isku sii shareeray kolkii Itoobiya ay gashay heshiis saddex geesood ahaa oo Eretariya iyo Soomaaliya dhinacyada kale yihiin. Waxa ay ahayd tallaabo ay Somaliland u akhrisatay in la isku dayayo in dib loogu celiyo midnimadii ay hore uga baxday. Cadhadu waxa ay sii xoogaysatay kolkii Itoobiya 2022 ay martigalisay shir beeleed ku kacsan Somaliland.

Dhibaatadan diblumaasiyadeed waxa ay Somaliland ku khasabtay raacitaanka siyaasadda iskudheellitirka awoodaha, iyadoo kolkan u dhawaatay dalalka gobolka ee Itoobiya cadawga la ah, Masarna ugu horrayso. Somaliland waxa ay aqbashay wufuud Masar ka socda oo heerkoodu sarreeyo, si ay uga wada doodaan iskaashiga ganacsi iyo xitaa suurogalnimada in Masar saldhig ciidan samaysato, waana arrinka Itoobiya geliyey mawqif xasaasi ah, sababtoo ah waxa ay Masar si adag isugu hayaan Dhaamka Webiga Niilka.

Is’afgaradkii 2024: Waaqac cusub

Laga soo bilaabo markii Itoobiya noqotay dal aan bad lahayn, ka dib madaxbannaanidii Eretariya ee 1991-kii, waxa ay qaadatay siyaasad ku dhisan inay badsato khiyaarrada badeed si ay u kaabto dhaqaalaheeda, arrinkan oo keenay in dalalka jaarku ku tartamaan inay ku qanciyaan adeegsiga dekedahooda. Waa xilli Itoobiya aqbashay xaaladdeeda bad la’aanta ah, dekedahana ay u aragtay keliya adeegyo ay iibsan karto oo ay adeegsan karto.

Se wixii ka dambeeyey 2018, helitaanka marin badeed waxa uu yeeshay muhiimad intaa ka ballaadhan, waxaanu isku beddelay qaddiyad amniga qaran ka mid ah. Waxa soo ifbaxday siyaasad cusub oo ku taagan lagama maarmaannimada in la helo marin badeed oo cusub oo ay Itoobiya maamulato, iyo xitaa in ay yeelato ciidamo badeed.

Isbeddelka u weyn iyo duufaantii ka dambaysay waxa ay dhaceen kowdii Jeenaweri ee 2024, kolkaas oo la kala saxeexday is’afgarad taariikhi ah. Somaliland waxa ay aqbashay inay 20 kiiloomitir oo xeebaheeda ah ka kirayso Itoobiya muddo konton sanno ah, ujeedkuna yahay inay Itoobiya ka samaysato saldhig ciidan oo badeed iyo deked ganacsi. Arrinkan beddelkiisana, Itoobiya waxa ay soo bandhigtay “dib-u-eegig qotodheer” oo ay ku samayso arrinka aqoonsiga Somaliland, waxa kale oo ay soo bandhigtay inay saami ka siiso shirkadda duullimaadyada Itoobiya (Ethiopian Airlines).

Is’afgaradkani waxa uu si cad u kulmiyey danaha labada dhinac: Itoobiya waxa ay ku dedaalaysay soo afjaridda harraadka ay u qabto bad ee soo taagnaa soddonka sanno, si ay u dammaanad qaaddo mustaqbalkeeda dhaqaale iyo amni, iyo inay ku biirto dalalka saamaynta ku leh Badda Cas. Dhinaca Somaliland-na, hantideedii ugu muhiimsanayd, oo ah booska jiquraafi ee ay ku taallo, ayaa ay u adeegsanaysay inay ku jabiso go’doonka diblumaasiyadeed ee ay ku jirtay, sidaasna ku hesho aqoonsi dhab ah.

Falcelintii gobolka

Is’afgaradku waxa uu dib usoo nooleeyey cabsi hore. Soomaaliya waxa ay is’afgaradka u aragtay inuu xadgudub ku yahay midnimadeeda, waxaanay kaga falcelisay samaynta isbahaysi millatari oo ay la samaysay Masar iyo Eretariya. Hubkii Masar iyo Eretariya ee Muqdisho soo gaadhay dhammaadkii 2024 waa wax muujiyey sida fudud ee khilaafyada maxalliga ahi isugu beddeli karaan dagaallo wakaaladeed oo heer sare ah. Awoodaha waaweyn ee saldhigyo ciidan ku leh gobolkuna waxa ay doorbidayeen in xaaladda loo daayo sida ay hadda tahay, sababtoo ah waxa ay ka cabsi qabaan in Itoobiya noqoto awood badeed oo dalalka gobolka ku hoggaamisa gacan ku haynta marinnada badda.

Muddo ka dib, cadaadisyada gobol iyo qaaradeed ee kasoo horjeeda is’afgaradka ayaa xoogaystay. Dhinacyada sida adag uga soo hor jeeday waxa ay cuskanayeen aragtida “tusbax furmay”, oo ah in aqoonsiga Somaliland uu dhaqdhaqaaqyada goonni-u-goosadka ah ee Afrika dhiirrigelinayo. Se, dhinacyadii taageeray is’afgaradku waxa ay ku doodayeen in Somaliland aanay ahayn goonni-u-goosad cusub, balse ay lasoo noqonayso uun xuduuddeedii ay lahayd kolkii ay ka xorowday Ingiriiska 1960-kii. Waa mawqif waafaqsan siyaasadda Midawga Afrika ee ku dhisan in la tixgaliyo xuduuddii gumaysiga.

Cadaadisyadii caalamiga ahaa ee badnaa awgood, Itoobiya iyo Soomaaliya waxa ay Ankara ku wada saxeexdeen “Baaqii Ankara”, Diisambar 2024, iyadoo Turkigu dhexdhexaadiyey, si qalalaasaha loo dejiyo. Heshiiskaasi waxa uu aqoonsaday baahida sharciga ah ee ay Itoobiya ku gaadhayso bad, se waxa uu si cad meesha uga saaray qodobbadii is’afgaradka Somaliland, arrinkan oo dhibaatooyin mustaqbalka ah aan awdin.

Heshiiska Ankara waxa uu Somaliland xasuusiyey kaalinteeda hoosaysa ee ay kaga sugantahay go’aannada awoodaha waaweyn. Itoobiya oo la kulantay cadaadisyo Jaamacadda Carabta iyo Midawga Afrika ahna, heshiiskani waxa uu uga dhignaa xeelad dib u gurasho, in ka badan inta uu ka ahaa inay ka tanaasushay damaceedii badeed.

Sidan oo ay tahay, haddana meesha lagama saarin is’afgaradki, Somaliland-na weli waa jidka dhabta ah ee ay Itoobiya ku dhabayn karto damaceeda badeed, keliyana ma aha xasilloonideeda, ee sidoo kale waa aragtida toga nee bulshadeedu ka haystaan Itoobiya. Ka sokow muranka is’afgaradku dhaliyey, haddana xidhiidhadii labada dhinac waa ay soo laabteen, iyadoo Madaxweynaha Somaliland uu 2025 bookhday Itoobiya, wafdi heersare ah oo Itoobiya ka socdaana uu bookhday Hargeysa, si loo xoojiyo xidhiidhka ganacsi iyo maalgashiga.

Gunaanad: jidka mustaqbalka

Isbeddellada Geeska Afrika ka dhacay wixii ka dambeeyey 2018 waxa ay muujinayaan gobol maraya dib isu qaabayn weyn. Jangooyayaasha gudeed waxa ay saameeyeen labada dhinac ee Itoobiya iyo Somaliland, waxaana garab socday danaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, oo wax weyn ka beddelay xidhiidhkooda. Kusii socoshada jidkii hore ee ku salaysnaa in la iska indha tiro Somaliland aqoonsigeedu waxa uu noqday jid aan u cuntamin Itoobiya oo si dhab ah ugu baahan deked.

Ugu dambayn, waxa habboon in yoolku noqdo “isku xidhan dhaqaale”, oo ah wax dhaafsiisan xisaabaha amni. Xoojinta xidhiidhada oo loo marayo safarrada caafimaad oo ay hadda Itoobiya ah ka hesho 20 milyan oo doollar sannadkii muwaaddiniinta Somaliland, sidoo kalena lagu kabo maalgashiga xuduudda ka tallawsan, waa jidad keenaya xasillooni ka sal adag isbahaysi kasta oo ciidan.

Geeska Afrika waxa uu hadda taagan yahay meel waddooyinku isku jaraan: inuu kusii jiro xaaladda deggenaansho la’aanta ah, amaba inuu u jihaysto mustaqbal wadahadal lagu gaadho marinka badeed iyo xaqa loo leeyahay jaangoynta masiirka. Damaca Itoobiya waxa uu sharciyad helayaa kolka loo maro iskaashi gobol oo ku salaysan xeerarka iyo danaha la wadaago, se aan loo marin tallaabooyin goonni socod ah oo midnimada dalal kale taabanaysa. Si ay Itoobiya arrinkan u dhabaysana, waa inay dalalka jaarka ah ay kusoo jiidato faa’idooyinkeeda dhaqaale: dhaqaale kobcaya, suuq weyn, horumarka kaabayaasheeda, booskeeda istiraatiijiga ah, awooddeeda ciidan, xarunta Midawga Afrika iyo kaalinteeda gobol.