Skip to main content

Saturday 8 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Fan

Maarseel Baroosti iyo Baadi goobidda Macnaha: Sidee Suugaantu Inoo Daaweyn Kartaa?

4 November, 2025
Image
Maarseel Baroosti iyo Baadi goobidda Macnaha: Sidee Suugaantu Inoo Daaweyn Kartaa?
Share

Heerkulka intaa sii kordhaya ee aynnu wada aragno, iyo cimilada intaas soo xumaanaysa ee xaalufka keentay, lagana yaabo in ay belaayo ka soo jiijii leedahay, waxa aad moodaa in ay nolosha aadmigu sugayso dhacdo kedis ah oo mar si ba’an u gilgisha, tolow maxaa laga yeeli doonaa?

Abwaankii Faransiiska ahaa ee Maarseel Boroosti, waxa uu leeyahay:

“Waxa aan aaminsanahay haddii wax geeri innagu handadayaa jiro, in ay noloshu si kedis ah u fiicnaanayso, bal idinku waxaad ka fekertaan, inta mashruucyo, safarro, xidhiidho jacayl, iyo waxbarasho ay nolosha inaga qarisay, iyaga oo ilmaqabatay ahaa oo uu had iyo goor caajisku baajintooda ku fooganaa, isaga oo maaweelo ka helaya kalsoonida uu ka qabo in uu timaaddada qaban doono.”

Waxa uu qabay daalka aan dareenno, macnabeelka, iyo gebagebada Abokolistiga ah ee aynnu ku foogan nahay, waxa sabab u ah adduun’arageena, taas oo innaga yeesha inaan u hoganno “nolol maalmeedka”. Waxyaalaha isku midka ah ee aynnu dhacdo iyo baxda kasta samaynnaana waxa ay ka yimaaddaan oo qudha sida aan xilliga u aragno.

Xilliga waxa aynu ka naqaannaa qiyaasta saacadda iyo goorta, iyo wareegga uu dhulku cadceedda ku wareego, taas oo ah wakhtiga aynnu wax kala soconno, “Isbeddelka xilliga” sidii uu sheegay Faylasuuf Jiin Baygat teer iyo dhallaanimadii waxa aan xilliga ka naqaannaa intaas ma dhaafsiisna, hayeeshee, xilliga fahankiisu sidaa waa uu ka xeeldheer yahay. Faylasuuf Maartin Hedigaar waxa uu qabaa in aynnu wakhtiga ku qoonsan karno “Eegga”, waxaan uga jeedaa in aan wakhtiga faaqidno ama dareemi karno joogitaankiisa, balse haybtiisa ma sugi karno, taas oo ka dhigan in aan la garan karin waxa uu dhab ahaan yahay, jiraalka ayuuna taas kala mid yahay, kaas[jiraalka] oo aan laftiisa ahaanshihiisa la aqoon. Sidaa darteed, Hedigaar waxa uu qabay in jiraalka iyo xilligu ay yihiin labo isku sidkan, jiraal la’aan wakhti ma jiro, jiraal kastana xilligiisa ayuu leeyahay.

Sannaddii 1913-kii, suugaanyahanka caanka ah ee Maarseel Baroosti, waxa uu soo saaray hormadii koowaad ee noofalkiisa goobidda waqitigii lumay’ taas oo ah sheekada ugu dheer ee taariikhda la hayo, iyada oo ka kooban, malyan iyo laba boqol oo erey. Afar iyo toban sano ayuu qorayay isaga oo sariirtiisa jiifa oo noloshiisa ka goobaya dhaxal loo aayo oo uu uumiyaha u reebo, tabta aabbihiisii dhakhtarka ahaa ee bukaanka daweyn jirey. Hayeeshee sidee ayay noofalka Baroosti inoo daweyn kartaa?

Waayo-aragnimada ruuxiga ah ee Koob shah ah

Baroosti waxa uu qaybta koowaad ee noofalkiisaa kaga warramayaa aamin uu gurigooda ku soo laabtay, maalin qabaw oo nuxuus ah ayay ahayd. Hooyadii ayaa markiiba fujaan shaah iyo kackac Faransiiska ah ee Maandaliin u keentay, kolkii hore waa uu diiday, balse markii uu jabkii u horreeyay shaaha ku fiiqsaday, nayaayiro aanu waaqii arag ayaa saaqday. Ma aha dhadhanka oonta oo qudha, isaga oo idil ayaa dareemay in uu cokon yahay, in ay dunidu hannaaan yeelatay oo wax walba halkiisa toolmooni ugu hagaagay. Ilbidhiqsigii waxa uu Baroosti dareemay in uu ka ladnaaday aragtidii fadhiidka ahayd uu uu xilliga ka haystay, xusuustiisa ayaana tagtadii dib u dhugatay oo taaganta ku soo dartay, tagtadaa dib loogu baaqay ayaa uu naftiisa waayo kasta dib u bartay oo u bogtay sidii in uusan isagiiba ahayn oo ruux kale yahay.

Jab kackac ah oo uu cunay, shaahna ku kabbaday oo qudha ma aysan ahayn, waxay ahayd saamayn maankiisa gaadhay oo uu kaga bogtay waayihiisa iyo nuxurka uu jiraalkiisu ku saabsan yahay, kolkaa waxa uu Boroosti yidhi: “Saacaddu keliya ma aha uun saacad ee waa dhalo-ubax oo ay ka buuxaan caraf, jabaq, dareenno iyo jewiyo kala duwan.”

Waayo-aragnimadaas oo miidhan ayuu wax mar ka badan sheekada gudaheeda marayaa, haddii ay tahay cod goonni ah oo uu maqlay, aqal uu galay, waxaas oo dhammaantood ah tijaabo xisi ah, iskuna dayayo in uu akhristayaasha u iftiimiyo, isla markaana ugu baaqaya in ay waxyaabo cusub tijaabiyaan oo ay kaga xorroobaan caadooyinka maalinlaha ee ku dabran, kol ay ugu yaraan, ilbidhiqsiba ha ahaatee, tijaabiyaan. Ilbidhiqsiyadaas cokonaanta, waxa uu faylasuufka Maraykanka ah ee Wilyam Jeemis u bixiyay, “Waayo-aragnimada Ruuxiga ah,” hor iyo horraana waa waayo-aragnnimo nafsadeed iyo ruux ahaaneedba, taas oo markaaba aadmigu dareemo kaaha rooxaaniyadda oo ku dhacaya madhnaantii, qarracankii iyo qaayabeelkii dubaaqiisa ceegaagay.

Waa maxay waxyaalaha cusub ee aynnu ruux ahaan ku dararayno, sida uu Boroosti tibaaxay?
Macna goobidda gabidhaclaynta

Baroosti waxa uu sheekadiisa dhexdeeda goobaya MACNAHA, isaga oo jeerka hore arbaha sheekadu u malaynayo in ay MACNAHA hayaan dabaqadda Burjiwaasiga ee Faransiiska iyo foolaadka bulshada, kuwaas baa tadhahay e, kolkaa waxa lamahuraan ah in ay MACNAHA heleen, balse xoogaa haddii u fiirsado, hungo ayuu ka qaadayaa, bulshooyinkaasi hadal macaan iyo jalbeeb aan nuxur lahayn ayay hayeen, noloshooduna waa wakhtilumis iyo macnabeel.

Mar kale, waxa uu arbaha sheekadu booqanayaa goobaha damaashaadka ee Baalbik ee xeebaha Noormaandi, gashaanti Alberiin la dhaho ayaa halkaa jacalkeedu ka aqbaalmayaa; dabadeed Boroosti oo werinaya waxa uu faallaynayaa, inaan macnaha nolosha jacaylka ka dhex heli karno, gaar ahaan, sida in uu dib inoo wada midayn karo, oo xilliyadeena ugu mudan misna ugu amakaaga badan ugu wadaagi karno. Balse waxay ku dambayn doontaa in uu jacaylka ka niyadjabo, kadib waxa uu tebinayaa, ma jiro qof wax kasta aan wadaagi karno oo dhab ahaan inoo laab garan kara, jacaylkuna ma awoodo in uu kelinimada inaga badbaadiyo.

Fankaa innooga jawaabi doona

Waxa uu qoraagu macne goobaba, kol uu Albertiin ka raadiyo, ama bulshooyinka ladan ee Faransiiska, ugu danbaynta waxa uu helayaa qodobka uu Boroosti filayo in uu heeryada wakhtiga inaga dhigi doono, macnaha inoo sheegi doono oo waayo-aragnnimo ruuxi ah inna siin doono doono. Hadal iyo dhammaantii, waa “FANKA”. Borooosti waxa uu aaminsan yahay in uu fanku inagu sedi karo inaan adduunka qaab cusub u aragno, fiiro suubban oo ta dhallaanka oo kale ku eegno. Kolka aan looxad faneed eegayno ama sheeko akhrinno, durbadiiba waxa inagu soo dhacaya qof intaas uga soo eg muuqa iyo dhaqanka ciddaa aan akhrinnay ama aragnay, xitaa waxa laga yaabaa inaan nafteenna ka boganno xilliyadaa dhumay ee la soo mooday.

Waxaaba laga yaabaa inaan shakhsiyad inoo dhaw ka baranno sheekada Zorba ee dheesha iyo farxadda miidhan, ama sheekada qallafsan Ivan Ilyich, halkaas oo iskaga soo dhawaanayno muunadda shakhsiyadaha aadmiga ee aadka u kala geddisan.

Baroosti inaga ma codsanayo waxsoosaar faneed, inaad madxafyada booqano, ama sheekooyin qorno, waa se in aynu kaadsiimo yeelanno oo walxaha dhugmo ku dayno, sidii oo aynu waxaas markeennii ugu horraysay arkaynno, innaga oo feejignaanta ubadka leh oo aan caada maalmeedka u hoganayn sida barbaarta. Marka aan dabeecadda iyo walxahaba eego sida fannaanka oo kale, dareenkeenna ayay kobcin kartaa, bilicdana si xooggan ayaan u bogan karnaa, waaya’aragnimadeenna ruuxiga ahna way quudin doonta, heer jab Maandaliin ah oo aan koob shaah ku kabanno waaya’aragnimo gooni ah ina siinayso.

Qormadan waxa laga soo turjumay halkan, waxaana soo turjumay Ibraahim Iman.