Gabagabada sannadku marwalba waxa ay igu riixdaa in aan hakado, oo aan yara istaago, fekero oo dib u milicsi sameeyo. Dhammanshaha sannadkan waxaan u arkay in ay tahay fursad aan wax kaga qori karo ku mammanaanta waxqabadka iyo dhaqanka odhanaya "faramadhnaan ha fadhiisan".
Dhammaanteen waynu soo marnay dareenka denbi ee inna saaqa marka ay maalintu idlaato innaga oo aan wax kale qaban, aan ka ahayn dhegaysiga muusikada, dul wadhnaanta sariirta, ama ku dheygagga saqafka.
Maalin dhammaystiran ayaa ku idlaanaysaa qabashada hal hawl: waxqabad la'aan. Iyada oo wakhtiyadaa firaaqadu dhandhan macaan leeyihiin, haddana, waa kuwo denbi dul hoganayo, maxaayeelay sida —caqliyadda waxqabadku dhigayso—waa in aynu ka faa'ideysannaa wakhtigan "dayacmaya".
Waxa uu soo bandhigayaa cilmiga kala dhigdhigga nafeed/ falkinta–nafeedi (psychoanalysis) fasiraad tilmaamaysa sababta ay sidani u dhacdo—ee wakhtiyada firaaqada denbiga loogu tilmaamo. Dhammaanteen waxa aynu gudeheenna ku sidanaa sawir nafeed oo saxartiran oo ceeb ka saliim ah, sawirkaas waxa lagu magacaabaa: "Anigada Saxarkatiran/ الأنا المثالية", waana hadhaaga garaadka fog (subconscious/اللاواعي) ee dhammaystirnaanta aaminsan, hadhaagaas oo innooga soo tallaabay waalidkeen markii aynu yarayn.
Marka la eego sida jeesjeeska leh ee Freud u tilmaamay, waxa aynu nahay marka la eego sida waalidku innoo arko "Ilmo boqor ah", oo ceeb ka madhan. Haa, waa suuragal in dareenkan weynayntu kaalin dardargelineed ka qaato hanka iyo hal-abuurka qofka, hase ahaatee waxa uu sidoo kale isku beddeli karaa jeermis xun oo innagu afuufa dareemidda ceebaal iyo in aynu hoos fadhino saqafka filashooyinka dadka kale innaga haystaan.
Halka, wakhtiyada degganaanta iyo jabaq la'aanta, walaacu u soo muuqdo isaga oo wata sawirka ereyga “haddii”: haddii wakhtigan sidii ay ahayd uu waxbarsho iyo hanashada xirfad cusub ku bixi lahaa (si aan naftayda u horumariyo) intaasi ma igu filnaan lahayd? Mise intaa in ka badan ayaan u baahanahay si aan heerka kaalingalimada u gaadho? Waa dareen quuta xaqiiqada ah in ay jiraan mar walba fakaag iyo gaab culayskiisa wata oo u dhexeeya halka aynu taagannahay iyo halkii ay ahayd in aynu gaadhno.
Waxaan doonayaa marwalba in aan noqdo inankaa yar ee la jecelahay, ee muunsoodka (dhoollacadaynta) mar ka dheehday wejiga qof uu jecelahay.
Waxaan doonayaa in aan wakhtiga istaajiyo oo aan gacanta ku qabto—maadaama ay amintu tahay mid aan soo noqonayn— ilmahaa yar ee gudaheenna ku jiraa waxa uu ahaanayaa mid ku nool xusuusta tagtadii, isaga oo jooga taaganta. Ugu danbaynna marka aynu garawsanno in aynaan ahayn kuwo dhammaystiran, si ka duwan sidii ay u maleeyeen dadku, waxa aynu isku deyaynaa buuxinta booskaa, innaga oo gudaheenna ka dhex qotominayna sawirka dhammaystirnaantaa hore ee luntay.
Waxa aan qaatay laba sannadood oo aan shaqo la'aan ahaa . Si ka duwan filashadii laga qabay, waxay ahaayeen maalmahaygii ugu quruxda badnaa ee ugu wanaagsanaa, hase ahaatee, markaan la kulmo mid ka mid ah saaxiibbaday oo aannu muddo badan kala maqnayn, weydiinta ugu horreysa ee nacaybka leh ee aan la kulmaa waa: “shaqo ma heshay?” ama “koorsooyin ma qaadatay?” Sababta oo ah waxa jira fikrad ah in aan shaqo lagu siin doonin haddii la ogaado in aad laba sannadood shaqo la'aan ahayd, shahaadana aanad qaadan. Wadasheekaysigani waa qosol, hase ahaatee waa dhab marka loo eego dhaqanka LinkedIn ee qiimaha qofka ku cabbira waxsoosaarkiisa iyo waxqabadkiisa.
Mar uun waxaan joojiyay cudurdaarradii iyo sharraxaadihii aan dadka u sheegi jiray marka ay wax i weydiiyaan. Waan ogahay in qofku geli karo isweydiimo nafeed oo isdaba joog ah, kuwaasi oo uu isaga warsanayo in uu mudan yahay raaxadan uu ku jiro. Sawirka nafeed ee kaamilka ahi kuma oggola in aad qaadato oo aad ku raaxaysato wakhtiyada raaxada ah, jeer oo ay ku dhex jirto mooyee dareen kadeed wata, kaasi oo isku dayaya in uu kugu celiyo shucuur hore oo aad si wacan u taqaan: dareemidda denbi.
Josh Cohen (psychoanalyst) waxa uu arrintan kaga hadlayaa aragti xeeldheer "Hab dhaqanka shaqo ee casrigan, rabitaanka qofka ee kaamilnimada si fudud ayaa looga faa'iidaysan karaa inta lagu dhex jiro cadaadis shaqo oo joogto ah iyo farriimo inaga dalbanaya in aynu mar kasta gaadhno heerka ugu sarreeya ee awooddeenna, [taasi oo ah hab looga faa'ideysto aniga ceeb ka saliimka ah]."
Anigada saxarkatiran ee ceeb ka saliimka ahi waxa ay si joogto ah innooga rabtaa in aynu noqonno qofkaa aynaan weligeen noqon karin; ballanqaadka ah in aynu nasan doonno marka aynu gaadhno yool cayiman iyana marka aynu sidaa u gaadhno waxaas, la kulmi mayno waxaan ka ahayn madhnaan inna daboolaysa oo inna liqaysa.
Sidaas ayuu qofku isugu beddelayaa mid eryana Joodo [jilaa sheeko] oo daba ordaya wax aanu gaadhayn. Anigada saxarkatiran ee ceeb ka saliimka ahi waa gumayste aan la fahmi karin. Gudaheenna ayay ku sugan tahay iyada oo wadata tilmaanta ah in ay tahay hiiliye inna jecel oo aan wanaag mooyee wax kale innala rabin, mase aha, sidaas awgeed ayay ka hortageedda iyo iskacaabinteedu u noqotaa arrin aad u adag.
Bulsho dadka ku qiimaysa waxqabadkooda muuqda iyo sida ay u muujiyaan in ay mashquulsan yihiin, qofka aan soo bandhigin wax tilmaamaya oo sugaya waxtarkiisu waxa uu noqonayaa cullaab iyo culays. Xattaa haddii aanay jirin wax aad miiska soo saartaa, waxa lagaa rabaa in aad dadka kale la matasho nolosha, illaa noloshuba isku beddesho dheel ay bulshada oo dhan ka qayb qaadanayso. Wakhti kadibna, matalaaddu waxay noqonaysaa culays heer uu qofku jeclaysto in uu baabo'o.
Xaalladan ayuu wax ka qorayaa Josh Cohen isaga oo leh: "Bukaanka mala-awaala ee sawirta isaga oo geerida si muddaysan ugu baxsanaya, oo muddo yar dhimanaya, ama isaga oo si muddaysan u qarsoomaya, wax kale ma aha e, waxa ay u dhacday arrintaasi sida badan, xaaladda uu ku jiro lafteeda ee daalka iyo walbahaarka leh, waa bar mugdi ah oo u dhexaysa bilawga iyo faraqaadidda."
Waa isdiiddo niyadxumo abuuraysa oo tijaabada aadaminida qayb ka ah: xattaa doonis la'aanta lafteedu ugu danbayn waa uun doonis. Suuragal uma aha qofka in aanu waxba doonin, isaga oo aan ku dhicin godka doonista lafteeda.
Lagana yaabee, waxan aynu ku magacawno ku hafashada shaqadu (burnout) in uu yahay mushkilad ka dhalatay xaalad lala qabsaday, oo ah dareen ku soobooddo ah oo aynu kaga durkaynno ama kaga fogaanayno kaalintii aynu muddo badan nafaheenna ku qeexi jirnay.
"Caajisku waa wanaagga keliya ee innoo suuragaliya in aynu si gundheer u fekerno"
—Oscar Wilde
Wadasheekaysi uu qaaday Julian Schnabel ayaa waxa ay ka warrantay Eman halka ay ka soo bilaabatay shaqadeeda faneed iyo amintii ay ka soo noqotay suuliga ama musqusha ee ay aragtay isdhexyaalka, kala daadsanaanta, iyo khashinka sariirteeda dul tuulan, kadibna waxa ay mala-awaashay isla muuqaalkaas oo haddana loo raray bandhig-faneed cad, waxa ayna leedahay: “isla laxdaddaas aan arkay ayuu iila muuqday mid aad u quruxbadan, kadibna waxaan ku fekeray: halkani noqon mayso meesha ugu xun ee aan ku dhinto, waa meel quruxbadan, waa meeshii ii oggolaatay in aan noolaado."


Isdiiddada ku jirta shaqada faneed ee My Bed, waa in ay waayo-aragnimo caadi ah u beddesho farshaxan iyada oo aan waxba ka beddelin, ee oggolaanaysa in ay ahaato sidaa ay tahay. Sida ay Eman inna xusuusinayso, ma nihin aalado u shaqaynaya si aan kala go' lahayn. Daalka iyo murugadu ma aha wax mar kasta looga gudbi karo rabitaan adag, ee waa lama dhaafaan. Sidaas awgeed ayay mar uun istaaga iyo joogsigu u noqdaan qaab aan doorasho ka furnayn. Fanku waa awood culaska nolosha innaga furdaamisa.
Maxay khasab u tahay in aan gucleeyo? Goorma ayay munaasab tahay in aan hakado oo joogsado? Waa weydiimo ay muhiim tahay in qofku naftiisa waydiiyo, oo uu ku soo celceliyo. Xitaa nolosha maalinlaha ah ee shaqo ee kakan, su'aalahani weji kale ayay yeelanayaan, maxaayeelay qofku waxa uu og yahay in uu awoodo in uu shaqada faraha ka qaadi karo marka uu doono [balse noloshu guud ahaan sidaas ma aha. Shaqada adag xilligaad joojinayo waad garan kartaa, laakiin nolosha xilligaad istaagaysid ma garan kartid]; mararka qaarkoodna, ka joogsiga iyo ka tanaasulku ma aha oo keliya in laga hor yimaaddo xeerarka bulshada ee waa in qofku diidan yahayba in asal ahaanba uu qayb ka noqdo.
Waa laga yaabaa in odhaahda “Maanta waxba qaban maayo” ay tahay mid kahasho leh, maxaayeelay, waxa ay tilmaamaysaa suuragalnimada in la noolaan karo nolosha iyada oo aan hadaf xaddiidan iyo doonis jaan go'ani midina jirin.
Qormadan waxa soo turjumay Wahiib Cali, qoraa iyo turjumaan,waxana uu ka soo turjumay halkan.