Skip to main content

Thursday 22 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Maansadu Ma Qeexi kartaa Qarannimada? Arrinta Maanso Afeedda Soomaalida iyo Qaranka — Q2.aad

8 December, 2025
Image
Maansadu Ma Qeexi kartaa Qarannimada? Arrinta Maanso Afeedda Soomaalida iyo Qaranka — Q1.aad
Share

Qormadan waxaa laga soo turjumey halkan, waxaana soo turjumey Shucayb dheeg.

Dood maanseeddii Deelley iyo waayihii ay daaranayd (1979- 1980)

Ka dib dagaalkii Ogaadeeniya ee sannadkii 1977-kii Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray, iyo ka dib isku daygii afgambi ee 1978-kii, xaaladda siyaasadeed ee Soomaalida gudaheedu way kacday, jabhado mucaarid ahina way samaysmeen. Mid ka mid ah jabhadihii mitidka ahaa ee ugu horreeyay waxay idaacadaha ka faafinayeen dacaayado afka ah oo ka dhan ah taliskii Siyaad Barre ee ay dagaalka kula jireen. Sidii lagu yaqaannay dagaallo dhaqameedkii hore ee Soomaalida, dacaayadda lafjabka ah ee ka dhanka ahaa taliska, waxa xambaaraysay tix afeedda. Silsilad maanseedii Hurgumo, oo ahayd mid qabiilaysan oo wax kala antirinaysa, ayaa si xawliya ugu dhexfaaftay Soomaalida.

Dib u soo kadintii eexaysiga qabliileed ee haayadaha dawladda iyo soo banbixii siyaasadii qabiilaysnayd ayaa lafjab ku noqday iskudhigidii qarannimodoonka ee taliska, taas oo kooxihii mucaaridka ahaana ugu muuqatay in awooddii dawladnimada uu qabiil gaar ahi iska kala riday. Liicitaankii qaranka iyo aafadii bulshada waxa keenay maansadii dacaayadda ahayd ee mucaaridka, taliskuna abwaanno u jawaaba ayuu raadsaday.

Mid ka mid ah doodaha tix afeedda Soomaalida ee xiisaha leh, waa Deelley oo socotay laga soo bilaabo Diisambar 1979 ilaa Abriil 1980, waxana ka qaybqaatay konton ka mid ah foolaadka abwaannada. Doodda tix afeedda Deelley waxa faafiyay dawladda iyo guddidii Akaadamiyadda Fanka iyo Cilmiga. Laamaha dawladda ee u xilsaaran baahinta dooddani si bilaasha ah ayay canjaladaha abwaannada ugu qaybinayeen, qof kasta oo awoodana waxa fursad loo siiyay in uu si nabad ah uga qaybqaadan karo, marka laga yimaaddo gacanta faafreebka ah ee xilliga uu doono talisku marinkaro.

Ujeeddada uu ka lahaa in uu doodda la wadaago taageerayaashiisu waxa ay ahayd in dib loo soo celiyo qaranimadii iyo sumcaddii qaranka, lagana saaro meesha fekerka qabyaaladda iyo nintooxsiga. Tix doodeedda Deelley waxa xidhiidhinayay mid ka mid ah abwaannada Soomaalida, aqoonyahankii daahqaaday cabbirada maansada Soomaalida. Inkasta oo abwaannada doodda ka qaybqaadanayay badankoodu ay waxna kicin karayeen waxna qori karayeen, haddana tixdooda si afka ah ayay canjaladaha ugu soo duubayeen. Xeerarka tixdu waxa ay ahaayeen in abwaan kastaba uu xarafraaca tixdiisa ka dhigo D, halka badda maansadana uu ka dhigo ta jiiftada.

Hordhaca maansada ee xidhiidhiyaha laftiisu soo saaray waxa uu si ba'an u weerarayay nidaamka qabyaaladda, ee gabyaagu uu dhakada ka saarayo asalka shar kasta iyo caddaawadda ummuldooxa ah ee dilaaga dhashay iyo dibudhaca haysta Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu muujinayay in nidaamka qabaligu yahay sharci uu guumeystuhu samaystay oo ay ka faa'idaysteen madaxda siyaasadeed ee Soomaalidu, suuragaliyayna dad aan waxba barani in ay jagooyin sare dawladda ka qabtaan.

Deelley oo ahayd dood iyo tix afeed waxa faafiyey taliskii kacaanka isaga oo uga gol lahaa dhimista qabyaaladda isku jeedinta abwaannada, waxaana u xil saarnaa faafinteeda iyo faafreebkeeda qayb ka mid ah laamaha dawladda. Sidaas oo ay tahay haddana abwaannadii ka qayb qaatay waxa ay si dad ban u soo bandhigayeen dhaliisha dawladda.

Tixda Soomaalidu had iyo jeer waxa ay xanxantaysaa danta dhagaystayaasha, waxana ay odhan ogtahay dhaliisha iyo sidoo kale amaantaba, oo badanaa labadoodaba lagu soo bandhigo hab tix ah. Abwaannada hormuudka ka ahaa qaarkood caan ayay ahaayeen, waayo waxa ay ka tirsanaayeen oo ay ku soo caanbaxeen waaxaha idaacadaha iyo fanmasrixiyeedka dalka, qaarkalena caan may ahayn, laakiin waxa ay kuwa kale kala sinnaayeen curinta iyo hibada tixda, abwaanada noocaas ah ayaa ka qaybqaatay dood maanseedda Deelley.

Inkasta oo ay ka qaybqaatayaashu badnaayeen, haddana sagaal iyo afartan qof uun bay rukhsaddii dawladda iyo faafreebkeedii sii daayeen. 49-kaa hal gabadh oo kaliya ayaa ku jirtay, inta kale ee soo hadhay rag bay ahaayeen.

Dood maanseedu ku dhawaad afar bilood ayay socotay, meelo badan iyo mawduucyo badan ayay xoog u taabatay, kuwaas oo qaranka iyo qabiilku ay koow ka ahaayeen. Doodda dhexdeeda, labada fekradood ee iska soo horjeeda ee qaran iyo qabiil ayaa si tixaysan loogu soo qaadanayay, waxana ay doodu ku siqaysay oo si aan hore loo arag u soo bandhigaysay dhaliisha siyaasadeed ee dawladda. Deelley waxa ay ahayd dood maanseed si weyn u agaasiman, gabyaa kastana waxa uu si xeeladaysan uga duulayay wixii la isla yaqaannay. Hab u-oolka dood maanseedu waxay ahayd sida giimta oo kale, badanaana maansayahanku waxa uu tibaaxayay xeerarka shaxda Soomaalida marka uu soo bandhigayo doodda, god guurkiisana waxa uu ku salaynayay xiwaarka horusocdka doodda.

Inkasta oo abwaannada badankoodu reer magaal ahaayeen, qaarkoodna ay ahaayeen haldoor waxbartay oo jagooyin muhiim ah ka haya haayadaha, haddana, habwarinta iyo si u dhihidda sarbeebaha ay maansooyinkooda u adeegsanayeen waxa ay tagasay si'uyeeliddii tix afeedda Soomaalida ee xagga sare ku xusan. Badanka duruufaha iyo waayaha maansooyinka waxa matalayay waaqica miyinimo iyo raacatanimo ee Soomaalida. Mawduuca, nuxurka iyo tiirka diiradduba dhammaantood waxa ay daarnaayeen waaqica reer miyiga raacatada ah ee Soomaalida.

Waxa muhiimka ah ee ay tahan in dood maanseedan laga fahmaa waa asalka farriinteeda. Sida uu Marshall Mculahan qabo waa waxa la siin karo " gudbintu waa farriin." Marka la waydaarto doodaha iyo dhaleecaynta, maansadu waxa ay si weyn ugu jirtay tartan dhanka luuqadda ah, maansayahanaduna waxa ay muujinayeen sida xeeshadheer ee ay ugu talaxtageen luuqadda Soomaaliga iyo farabadnaanta erayada ku jira. Lahjadaha kala kaanka ah ee abwaan waliba wax kusoo gudbinayay, soo ururinta hab nololeedka dadweynaha reer miyiga ah ee lahjaddaa ku hadlaa waa fariinta ay siddo.

Iyada oo laga dabqaadanayo waxaa la yidhi oo dhan, su'aalahan ayaa soo baxaya:

  1. Ku dhaqanka bulshada ee tix afeedda Soomaalidu miyuu soo saaray male'abbaar ama baadisooc qeexan?

  2. Ku dhaqanka bulsheed ee tix afeedda Soomaalidu wax la taaban karo ma ku darsatay xidhiidhada awoodeed ee bulshada Soomaalida iyo nidaamka siyaasadda?

  3. Meel marinta si'yeeliddu ama xeerarka ay abuurtay tix afeedda raacatada Soomaalidu ma soo daysay siyeelid aan ta geela ahayn? Tusaale ahaan, bulshada beeralayda ah ee Koonfurta Soomaaliya, waxa aad mooddaa in aanay jagooyin taabagal ah ku lahayn nidaamka baadisooca qaranka. Afmaalnimada tix afeedda Soomaalida beeralayda ahi ma waxa ay ku tolantahay siyeelidda quruxda taas oo cagsi ku ah xididka 'hal-abuur' ama daajinta hasha?

  4. Habkee ayaa ka soo bixi kara qiimaynta iyo jawaabo u helidda su’aalahan? Maansadu Ma Qeexi kartaa Qarannimada?

  • Halkan ka akhriso qaybtii 1aad.