Skip to main content

Friday 16 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Maansadu Ma Qeexi kartaa Qarannimada? Arrinta Maanso Afeedda Soomaalida iyo Qaranka — Q1.aad

4 December, 2025
Image
Maansadu Ma Qeexi kartaa Qarannimada? Arrinta Maanso Afeedda Soomaalida iyo Qaranka — Q1.aad
Share
Waxa aan isku dayi doonaa in aan warqaddan daaha kaga qaado xidhiidhka iskeensasho iyo isgo'aamineed ee ka dhexeeya ku dhaqanka maanso afeedda Soomaalida iyo samaynsanka baadisooca qabiilka ku dhisan ee bulshada Soomaalida.

Qormadan waxaa laga soo turjumey halkan, waxaana soo turjumey Shucayb dheeg.

Soomaalidu waa bulsho iskudareen ah

Umadda Soomaalidu waxa ay leedahay astaan yaab leh, oo ah in ay luuqadda wadaagaan, taas oo keentay in ay ku dhabawdo weedhii Benedict Anderso ee ' bulsho iskudareen ah', waa bulsho xubnaheedu wadaagaan sifooyinka iyo caadooyinka guud iyo dhaqamada. Wuu jiraa kala duwanaansho lahjadeed oo u dhexeeya qaybaha kala ologga ah ee Soomaalida, laakiin taasi waxba may yeelin muujisanka sawir bulsheed ee ay mideeyeen luuqadda iyo aaminaaddu. Sawirkan midaysan ee Soomaalida waxa uu u muuqanayaa mid aan isqabanayn haddii aynu u kuurgalno xaaladdan uu maanta qabiilku calanwallaynayo, waxana soo baxaysa xaqiiqdiisii kaladaadsanaanta ahayd wixii ka horreeyay bilawgii qarnigii 20-aad ee guumeystuhu yimid.

Xilliyadii hore deegaanka qallafsan iyo burburka bulashada, ee aalaaba la xidhiidhka nolosha dhaqandhaqaale ee Soomaalida miyiga ee raacatada ah ayaa bilay soo’ifbixidda nooc kasta oo horumar siyaasadeed lagu midaysanyahay ah. Hay'ad la'aantaa ayaa dhashay in luuqadda lagu qoro farihii ay curiyeen dadka aan Soomaalida ahayn, waayo qabiilka kale waxa uu ka baqayay in qabiilka uu curiyaha fartu ku abtirsadaa qarqiyo. Sida hubantida ah luuqadda Soomaaligu may yeelan hab qoraal ilaa iyo waayihii 1972-kii. Inkasta oo luuqadda Soomaalida la qoray 1972-kii, haddana, ‘afmaalnimadu’ sidii bay uga sii socotay dhaqanka Soomaalida, gaar ahaan tixda dhexdeeda. Ugubadnaan, laba tobanguuro, xilliyadii u dhexaysay 1972-kii iyo 1991-kii, qoraaladda luuqadeed iyo suugaan afeeddu way isbarbar socdeen.

Qalalaasihii siyaasiga ahaa, sida dagaalkii sokeeye, ayaa xannibay hinqashadii farkicinta iyo suugaanta qoraalka ah. Haddaba, dhaqanka Soomaalida waxa xitaa imika sees u ah afmaalnimada iyo tixda kuwaas oo weli cidhiidhsanaya kaalinta fancabbirka ee dhaqanka Soomaalida.

Tix afeedda Soomaalida iyo astaamaheeda

Tix afeeddu waa boqorka hab suugaaneedda Soomaalida. Sarraynta ay tix afeeddu ka sarrayso fanka qaybtiisa kale ama kaalinteeda matalaaneed ee dhaqanka Soomalida, waxa ugu wacan sababo wax ku ool ah. Xarafraaca ay tix afeedku leedahay baa ka dhigay mid dusha si fudud looga qaban karo, islamarkaana meel dheer gaadhi karta oo dhaqankana baahin karta. Luuqda tix afeedka abwaanku ku qaado ama cid kale oo xifdisanba ay ku luuqayso, laxanka goonnida ah iyo habdhaca gabayga lagu qaadayo ayaa iyaduna fududaysay in si dhib yar laabta loogu qaban karo. Qofafka badan ee gabayga xifdisan ayaa sida ay u lalinayaan bilo gudahood iskaga tallaabiya carrooyinka Soomaalidu ku dhaqantahay. Waxa jira heeso iyo gabayo laga garanayo bogcad kasta oo Soomaalidu ku nooshahay, kuwaas oo si afka ah lagu isku gaadhsiiyay, dad badanna caan ka dhigay. Sidoo kale, tix afeeddu waa kayd taariikheed xanbaarsan oo facyawga u kala xanbaarta qaamuuska.

Tix afeedda Soomaalida waxa jira xeerar looga baahanyahay in uu qofka gabyaaga ahi raaco. Kuwaas oo ah xarafraaca iyo habadhaca, waana waxa ka duwaya tiraabta. Astaanta kale ee soocdaa waa godka. Kala godad duwanaanta tix afeedda Soomaalida waxa go'aamiya tirada alannada ee ay yeelato, tan oo dhawaanahan danbe ay soo kordhiyeen oo ay deraaseeyeen aqoonyahannada Soomaalidu. Godkasta oo tix afeedda Soomaalida ka mid ah xarafraacu waa waajib. Xarafaraaca ay ku bilaabanto ayay tixda oo idili ku socanaysaa. Taa macanaheedu waxa weeye; halkii laynba waxa qasab ah in laga helo xarafraaca ay tixdu ku socoto.

Gabyaagu, waa hiboole xagga curinta iyo adeegsiga luuqadda Soomaaliga labadaba hodan ka ah. Waa qaamuus lugaynaya islamarkaana xariif ku ah samaynta erayo cusub, kuwaas oo luuqadda ku soo biira ka dib marka uu gabayga ku soo daro, sidoo kale waa kaydka iyo qaamuuska luuqadda Soomaaliga. Awoodda uu u leeyahay in uu curiyo gabay iyo in uu nolosha ku soo daro waxyaabo aan hadda ka hor jirin iyo in uu eraybixinno keeni karo, ayaa gabyaaga ka dhigay qof caan ah oo aad loola dhaco.

Duruufaha xoola dhaqashadu gabyaaga waxa ay ku carisay in ay hashu udubdhexaad u noqoto tix afeedda Soomaalida, waana ta keensatay in markii danbe hasha lagu sunto madaxbannaanida laguna dhaqaajiyo fekradda qawminimada.

Sifooyinka tix afeedda Soomaalidu ay leedahay waa dulucayn, xus, aftahamo, sarbeeb, duurxul, sillansugan. Sifooyinkani waxa ay ku xidhanyihiin kaalinta ay tixda lafteedu guud ahaan bulshada kaga jirto iyo gaar ahaan heerka uu gabyaagu ka joogo kooxda uu codkooda ku hadlayo ee uu matalayo iyo sidoo kale, sida uu dareennadiisa u cabbirayo. Xigamadda joogtada ah ee markasta afkiisa ka soo burqanaysa iyo ujeeddooyinka uu sida fudud u dabooli karo ee u baahanaya in la fasiro, ayaa gabyaaga siisay door cajiib ah.

Eekeeyaal badan iyo sawir faneedyo ayaa la adeegsadaa marka la curinayo tix afeedda Soomaalida, sida in la isticmaalo sawir yaab leh oo lagasoo dheegto nolol maalmeedka shakhsiyadda reer miyiga ah, sidoo kale, in si sarbeeb ah loo cabbiro xaaladda nolosha reer miyiga ah iyo geela. Maaddaama uu dhaqanku ku tiirsanyahay wadaxidhiidhka afeed, isticmaalka eekeeyahaya iyo sawirfaneedku waa xeelad lagu ilaaliyo waaritaanka erayada, si ay adeegga ugu sii jiraan muddo badan. Xeerarka iyo anshaxa hab-dhaqanka, sida jinsiga iyo qiyamka waxa lagu gudbiyaa tix afeedda. Sidaa awgeed, tix afeedda Soomaalidu, ilaa xad, waa asalraacnimo.

Tix afeedda Soomaalidu, kaliya ma aha uun fancabbir la xidhiidha fannaynta iyo bilista, bal se sidoo kale, waa agab lagu gudbiyo arrimaha siyaasadda iyo fekradaha saamaynta xooggan ku dhex leh bulshada Soomaalida. Tix afeedda Soomaalidu, waa warlaliye gaar ah oo saamayn weyn ku yeesha fekradaha bulshada, falanqeeyana arrimaha xilligaa taagan si isbbeddel loogu sameeyo ama dhidibada loogu sii adkeeyo, waa 'suugaan' leh astaamaheeda suugaan samaysaneed ee u gaarka ah. Samaysanka suugaaneed ama tirada xeerarka ah ee gaarka ka dhiga suugaanta tixda, waxa ay in badan ku tagaysaa in ay dhaqanka iyo baadisooca Soomalida ku arooriso oo ku soo koobto dhaqanka geela.

Godadka ugu badan uguna muhiimsan ee tix afeedda Soomaalidu waa kuwa dhan kaliya laga halabuuray (one sided-creativity), dhaqaalaynta iyo eegidda hasha ayaa lagu joojiyay, taasna waxa sababay hab nololeedka dhaqanka raacatada ah. Maskaxda reer miyiga ee xoolaraacatada ahi waxa ay gabyaaga ku carisay in ay hashu udubdhexaad u noqoto tix afeedda Soomaalida, waana ta keensatay in markii danbe hasha lagu sunto madaxbannaanida laguna dhaqaajiyo fekradda qawminimada. Caadooyinka ka dhexjira nimaadamka qabiilka ku dhisan ee Soomaalida, ayaa sababay in qabiilku noqdo shidaalka iyo dhextaalka tix afeedda Soomaalida. Waxa dhextaalka iyo shidaalka noqonaya waxa go'aamiya xidhiidhada awoodeed ee bulshada ka dhexjira sida uu qabo Fairclough.

Halabuurka godka suugaan afeedda Soomaalidu waxa ugu qaalisan waxa uu u arkaa geela; suugaantaa geela ku tacaluqdaa waxay tix afeedda Soomaalida dhaxalsiisay in mawduucyo gaar ah loo aqoonsado; xidhiidka ka dhexeeya qofafka iyo baadisooca waxa walwaalayay fekradaha tix afeedda ku duugan. Dhuuxa ay suugaan afeedu siddo, waa geela eh, waxay dhashay aaminaado iyo sheeko xariirooyin qayb ahaani aragti noqotay, kuwaas oo muhiim u ah xidhiidhada awoodeed ee bulshada isku haya. Mar sheeko xariiro, mar kalana xeerar kale oo bulshadu dhisatay awgeed abtirsiimuhu waa fekradda ugu weyn ee Soomaalida laga dhex arki karo, sidoo kale waa waxa ay ku qeexaan baadisoocooda, bulshada dhexdeedana ay iskaga meeleeyaan, isaga oo qof waliba garanaya ka kale waxa ay iskuyihiin.

Tix afeedda Soomaalida waxa jaad goonnida ka dhigay waa in ay leedahay xaraf raac xusuusta iyo qabashada u roon, waxaana summad u ah sifooyin doora ay kaga duwantahay tiraabta sida; dulucayn, duurxul, sillansugan iyo sarbeeb ay aftahannimo weheliso.

Samaysanka suugaanta tixeedda gaarka ah ee Soomaalidu, waxa ay qeexdaa xidhiidhka bulshada reer miyiga ah ee raacatada ah ka dhexeeya, qoodhxulayaasha geela, eegayaasha iyo kuwa aan ahayn. Dhuuxa ay tix afeeddu siddo (geela) iyo xidhiidhka bulsheed (dhinacyada awoodda) waxay soo saareen si'uyeelashada tix afeedda Soomaalida, dhismaha si u aragga dadka iyo aroorinta hiddaheeda.

Xaaladda bulsheed ee baadisooca lagu qeexay, laguna ilaaliyay halmuceedka suugaanta ee tix afeedda Soomalida, waxa caddayn u noqonaya goortii dabaaldegga ee xornnimada madaxbannaanida Soomaaliya. Cabadillaahi Suldaan Timacadde oo ahaa gabyaagii sameeyay gabaygii Maandeeq, waa “hal uu maanku caanaheedii ka haagay.” Khiyaalkaa weyn ee hasha caanaheedu dharginayaan ee ay qaboojinayaan maanka qof kasta, waxa dhab ah, in ay ka turjumayso halka ugu sarraysa ee ugu gobsan ee unugga baadisooca Soomaaligu ku aroorayo. Jaanqaadkii soo muuqday ee dhaqanka qawminimada huwanaa, kaas oo iskaga yimid laba baadi sooc oo si waafiya u kala gaddisnaa, waxa qeexay waxyaalo kala duwan. Si kale, suugaantii u sidatay ee ka soo burqatay nidaam qabiileedkii raacatada ahaa ee hore, waxa ay markan u muuqatay in ay baadisooc soomaaliyeed oo qaangaadh ah samaysatay, taas oo noqonaysa midhihii suugaan afeedda Soomaalida.

Gabaygan oo ay siidaysay Idaacadda Qaranku, waxa uu qaadhaan laxaad leh ku darsanayaa fogaynta iyo faafinta wax loogu yeedhi karo ' fekradda geela ee dawladnimada’ maxaa yeelay hasha Maandeeq qawmiyadda oo kaliya uun calaamad uma aha, ee ilaa dawladnimada ayay calaamad u tahay. Dawladda qoomiyadda Soomaalidu waa 'hal' marka baydadkan la eego:

Gumeysigu hashuu naga dhaceen, gurayey raadkeeda

gu’yaal iyo gu’yaal badan hashii, gama’ noo diidday

goobtay istaagtaba hashaan, joognay garabkeeda

guuraa habeennimo hashaan, gebi walba u jiidhnay

gaashaandhiggeedii hashuu, galowgu eedaamay

hashii geeddankeedii rag badan, goodku ku casheeyey

hashii labada gaal ee is-barkani, geydh u diriraysay

gacmaa lagu muquunshaye xornimo, noogumay garane

garre iyo guntane maalintay, gees isugu boodday

Allaa noo gargaaraye markuu, shicibku guulaystay

geeraarradeedii hashaan, annigu googooyey

galoolkiyo maraagiyo hashaan, kidiga geylaanshay

gaajiyo harraad badan hashaan, ugu garaacaynay

goortuu sidkeedii go’eey, galabtay foolqaadday

iyada oo candhada giijisoo, godol ku sii daysay

garaad midan lahayn bay la tahay, waad ka gaagixine

annagoo gantaalaha dhaciyo, haysan qori gaaban

hashaan gaadda-weynow libaax, uga gabboon waayey

Inaan gorayo cawl uga tagaa, waa hal soo gudhaye

  • Halkan ka akhriso qaybta 2aad.