Saturday 17 May 2025
Marka aynu ka hadlayno laba shay, Soomaali ahaan waxa ay u badan tahay in aan la soo hadal qaadin ama aan la xusin kaalinta dumarka: Suugaanta iyo Nabadda. Suugaanta oo Soomaalida kaalin laxaad leh ku leh isla markaana ay si toos ah iyo si dadbanba noloshooda u saamayso, waxa had iyo jeer xuurto ku haysta ragga. Suugaanta haweenka oo iyadu kaalin mug leh kaga jirta dhaqankeenna iyo nolosheenna maalinlaha ahba haddana waa mid aan loo hadal hayn ama loo xusin sidii ay mudnayd.
Suugaanta haweenku ha noqoto buraanbur, heeso hawleed, Sitaad ama suugaan kaleba e, waxay toos ugu milantaa nolosheenna iyo waliba ta qoysaskeenna. Ubadkeenna marka ay ooyaan waxa lagu aamusiiyaa waa hees carruureed. Dhallaanku marka ay korayaan dumarku waxay ku maaweelin jireen heeso iyo ciyaaro aad u xiiso badan.
Marka dhabta lagu hayo ilmaha yar ee uu aamusi waayo waa ta hooyadu odhanaysa:
‘Ayaa dilayoo dagaalay
Ayaa duur kulul ku jeexay?
Ninkii dilay ee dagaalay
Dagaal baa naga dhaxeeya
Dagaal baa naga dhaxeeya’
Mar kale marka ay caruurtu gaajooto inta cuntada ama cabitaanka loo diyaarinayo waxa jirta, oo lagu sabaaleeyaa hees tidhaa:
‘Ma naaskii baa gabnoobay
Gabnoobay ood godal ka wayday
Ma geelii baa arooray
Arooroo oon ku raagay
Ma aabbaa kaa socdaalay
Socdaaloo socod ku raagay’
Marka ay yar koraan ee raad qaad noqdaan suugaan kale ayaa jirtay. Marka ay gaadhaan xilliyada ay dibedda ku ciyaaraan waa tii fiidka lagu maaweelin jiray ciyaaro iyo suugaan ay ka mid ahaayeen:
‘Aabbahay maro iima goyn,
Hooyaday maro iima goyn,
Qayd riyaadooy
soo xadeen bay nagu xidheen’
iyo
‘Alla dheeriyaa oo dheeriyaa
Dhuxusha ka madoobiyaa
Aabbahay baan arkaa
Hal iyo nirig buu wataa
Hooyaday baan arkaa
Lax iyo nayl bay waddaa
Aabbo nirigtuun i sii’
Maaweelooyinkaas oo dhan oo mededaalo iyo maskax furniba isugu jirta waxa ka danbeeyay haweenka oo ubadkaa ku ababin jiray. Suugaanta dumarka saamaynteeda haddii aynu is nidhaa qiimeeya intan oo keli ah ayaaba inagu filan.
Sidoo kale dumarku waxa ay mar walba qayb ka ahaayeen dedaallada nabadaynta ee soomaalida dhexdooda kadib marka ay colaaduhu dhacaan. Siyaabo badan bay dumarku qayb uga ahaayeen. Kow, suugaan ahaan ayay nabadda boorrin jireen. Dumarku waxa ay fududayn jireen in mararka qaar haddii jidka nabadayntu adkaado, labada dhinac ee is hayay iska guursadaan kadib sidaa ku heshiiyaan. Dhinac kasta oo laga istaago dumarku saamayntooda ayay lahaayeen ilaa imikana leeyihiin.
Dhinaca kale waxa aan marnaba la dafiri karin kaalinta ay dumarku ku leeyihiin kicinta dadka iyo hurinta colaadaha. Waxa jiray samano badan oo colaado jireen oo dumarku goobaha dagaalka inta ay yimaaddaan ay guubaabin jireen ragga hubka sita. Waxa kale oo ay kicin jireen dareenkooda iyaga oo ku guubaabinaya in ay wax iska dhiciyaan.
Haddaba marka aynu ka hadlayno suugaan iyo nabadayn, waxa aynaan hilmaami karin kaalintii mugga lahayd ee ay abwaanad Saado Cabdi Amarre ka gaysatay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Hargaysa sannadkii 1994.
Saado Cabdi Amare waa suugaanyahan lagu yaqaanno maansadeeda dareenka leh ee ka turjunta dhibaatada ay leedahay colaadaha iyo dagaallada sokeeye. Saado waxa ay ku dhalatay Balligubadle sannadkii 1965, waxayna imika deggan tahay Hargeysa. Suugaanteedu ilaa bilawgiiba waxa ay daarranayd nabadda. Saado keliya ma ay allifi jirin suugaan nabadda dhiirrigelisa ee waxa ay sidoo kale qayb laxaad leh ka qaadan jirtay dedaallada nabaded.
Maansadeeda ‘Waad garan lahaydeene?’ waxa ay ka hadlaysaa dhibaatada hubku uu leeyahay iyo qiimaha nabadda.
‘Hooyaallayey hooyaallayey, hoyaallayey hooye;
Warshadaha madfaca gaw leh iyo, gumuca beeraaya
Hubkan dunida kala gooshayee, gees walba u raacay
Ee aan xuduud lagu gartiyo, gogol-dhac loo yeelin
Aakeyga kii geela jirey, saaran garabkiisa
Intuu halista gaadhsiiyay baad, garan lahaydeene.
Inta gibil madow, inta gibil cad, gaaliyo Islaamba
Rag uun baa arlada gubee, waan la garanayne
Iyagaa gantaallada rakibay, mana gar-qaataane,
Waa kuwaa haweenkii guddiyay, geedkii nabadeede.
Geeliyo lo'dii buu jaray iyo, gaabanow adhiye
Geyi aan ugaadhiyo ku hadhin, diin gangaamaniye
Intuu gegida meyd jiifiyaad, garan lahaydeene,
Shimbirihii geyiga joogay ayaa, guuray oo qaxaye
In Hiroshiima gaadhsiisanyaad, garan lahaydeene,
Dhibtuu dunida gaadhsiiyay baad, garan lahaydeene.
Saado maansadeeda ugu caansan ee aadka loogu xasuusto waa tixda ‘Haddaba Deeqaay,
dagaalkani muxuu ahaa.’ Tixdan oo aan u bixiyay Maansadii Hargeysa Heshiisiisay, waa
maanso aad u qiimo badan oo ka hadlaysa dhibaatada dagaalka sokeeye iyo xannuunka laga dhaxlo marka dad wada dhashay ay is hayaan. Maansadan waxa ay tirisay waaggii uu socday dagaalkii sokeeye ee u dhaxeeyay beelaha Hargeysa wada dega. Saado maansadan waxa ay ka hor akhiryi jirtay ciidanka hubka isku sita, iyada oo la sheego in ay dagaalka joojin jireen inta ay akhriyayso iyaga oo si fiican u dhuuxi jiray.
Saado waxa kale oo ay abaabuli jirtay bulshada gaar ahaan haweenka oo inta ay makarafoon basas saarto ayay maansadan ku soo wareejin jirtay magaalada.
Waa kuwanmeerisyo ka mid ah maansadii ‘Haddaba Deeqaay Dagaalkani Muxuu ahaa?’
Intaan dacar leefay waabay durduurtayeey
Dabbaasha anoon aqoon daad i qaadyayeey
Alla dagaalkii hore midkani iiga sii daryeey
Naa haddaba Deeqaay dagaalkani muxuu ahaa?
Oo maxay daantaasi daantaa ku diiddan tahay?
Alla dadkaygii iyo Hargeysaba is diidnayeey
Berberana soo day idhi dib uga roorayee
Agoonkii daallanaa dib uga caymadyee
Oo hooyadii weerku daashaday dibbootayee
Shisheeye hadduu is dilo waabu kala durkaa
Marada labadeeda dacal baa dab i qabsaday
Ee haddaba deeqaay dagaalkani muxuu ahaa?
Oo maxay daantaasi daantaa ku diiddan tahay?
Alla samada haadkii dawaafayay igu degyeey
Dadqal iyo habardugaag dibedda iga helyeey
Iyada Dayo-cali mashraxaddii ku daashayeey
Dubaaxdaydii waraabuhu durduurayeey
Naa haddaba deeqaay dagaalkani muxuu ahaa?
Oo maxay daantaasi daantaa ku diiddan tahay?
Duqii Gacmodheere Lixloow daad na qaadyayee
Dagaalyahan Maxamed-Caloow dayownaye
Waar ilko dedariyo qabrigaan dib ugu oynaye
Naftiina kuwaad u dayseen is diirteen
Degelba degelkuu xigay daab cad kula kacyeey
Naa haddaba deeqaay dagaalkani muxuu ahaa?
Oo maxay daantaasi daantaa ku diiddan tahay?
Maansadan Saado waxa ay daaha ka qaadaysaa xannuunka ay leedahay dad wada dhashay oo isku degaan ah oo colaadi ka dhaxayso. Waxa ay leedahay dagaalkii hore kanaaba igaga sii daran. Waxa kale oo ay Saado su’aal galinaysaa sababta keenaysa dagaalka iyadoo rabta in ay xujayso dadka colaadda hurinaya iyada oo leh maxaad ka faa’idaysaan colaadda sokeeye?
Maansada dhexdeeda waxa kale oo ay ku sheegaysa in haddii shisheeye is dagaalo uuba kala tagi karo balse dad wada dhashay ay adag tahay in ay kala tagaan si kasta oo ay isu dagaalaan. Mar kalena Saaddo waxa ay sawiraysaa dhibta iyo xannuunka dagaallada noocani ahi u gaystaan qoysaska iyo bulshada. Marka ay leedahay ‘‘Agoonkii daallanaa dib uga caymadyee, Oo hooyadii weerku daashaday dibbootayee’ waxa ay sawiraysaa dhibta haysta agoonkii imika uun dhibaatada ka soo baxay iyo hooyadii iyaduna dhibaataysnayd. Waxay sawiraysaa dhibta laga dhaxli karo qoys ahaan iyo bulsho ahaanba.
Saado oo buraanburkan cod aad u macaan ku luuqaynaysa waxa kale oo ay soo qaadanaysaa magacyada qaar ka mid ah halgamayaashii ku dhintay dagaalladii ka horreeyay iyada oo leh kuwii aad naftiina u hurteen haddana iyagiibaa is diiranaya.
Saado iyo maansadeedu waxa ay tusaale nool u yihiin dedaallada dumarku ka gaystaan nabadda taas oo aan in badan la xusin. Qoraalkan koobanina waa mid ifinaya uun kaalintaas la illaawi gaadhay.