Skip to main content

Wednesday 12 August 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Dhaqan

Maansada Soomaalida iyo Musuqmaasuqa

1 August, 2026
Image
Maansada Soomaalida iyo Musuqmaasuqa
Share

Soomaalida dhexdeeda maansadu waa agab aad u xoog badan oo loo kaashado diiwaangelinta dhacdooyinka, waayo-warranka iyo tejribada ummadeed ee bulshada. Waxay ka mid tahay ilaha rasmiga ah ee taariikhda Soomaalida laga raadguri karo, iyada oo hagaag looga ogaan karo wixii sooyaalka ummadeed ka toosay ama ka tasoobay. Sidaa awgeed, kolka aynu ka hadlayno dawladnimadii isticmaarka ka dib sida aynu ula dhaqannay iyo jidkii qalloocnaa ee aynu ku hagnay, labadaba waxa aynu ogaalkeeda u kaashan karnaa maansada. Maxaa yeelay, ma jirin far qoraal rasmi ah oo taariikhda ummadeed lagu dhigo, ma jirin fahan durugsan oo aynu laamaha aqoonta casriga ah u lahayn, sidoo kalena ma aynaan lahayn ilbaxnimo qoraal oo facyaal isaga gudubtay. Taa la’aanteed maansadu waxay noqotay aalad lagu kaydiyo tejribadeennii ummadeed oo ay dawladnimadii isticmaarka ka danbaysay ku jirto. Waxay noqotay qalab ay dadku u dhego nugul yihiin, fahankeedana ay aad u dhuuxaan. Dr. Cali Jimcaale Axmed buuggiisa “Daybreak is Near: Literature, Clans, and the Nation-state in Somalia”, waxa uu ku lafaguray sida maansadu udubxoog ugu ahayd geeddi-socodkii dawladnimada ee Soomaalida. 

Min waagii gobonnimada, dawladihii rayidka, kacaankii dhashay ilaa hoobadkii la galay intaba jidadkii kala duwanaa ee ay maansadu qaadday ayuu si habboon uga hadlay. Haddaba, haddii aynu garannay muhiimadda ay maansadu leedahay curiskan koobani waxa uu daarran yahay sida suugaanteennu, gaar ahaan maansadu uga hadashay musuqmaasuqa dawladnimada galay ee ka dhashay qabyaaladda, eexda iyo ninjeclaysiga. Waxa aynu dul istaagi doonnaa sida suugaanlayda oo loo tixgeliyo fekeraagii dhabta ahaa ee waagaas ay uga hadleen aafadan gashay hay’adihii dawladeed, wiiqday, muunad dishay, ee kalsoonidii bulsheed kala daadisay.

Kolkii ay Soomaalidu dawladnimada hanatay waxay filayeen in la heli doono nolol wanaagsan, caddaalad, dhaqaale iyo fursado nololeed oo loo siman yahay. Rejadan weyn waxa gudhiyey oo goblan ka yeelay haldoorkii siyaasadeed ee talada qabtay kuwaas oo xilalkii dawladeed kula kacay musuqmaasuq, eex iyo qaraabakiil fool xun. Bilowgii horeba musiibadan waa la arkay oo Cismaan Yuusuf Keenaddiid isaga oo ka hadlaya madaxdii dawladdii daakhiliga sida ay hunguri-raac u noqdeen waa ka yidhi: “kuwii muqaddimada looga dhigay/waa manfaco raace.” Axmed Ismaaciil Diirriye “Qaasin” isaguna waa ka leh: “innamada dhawaan ii kacaw weydin eersadaye/carrabkiisu ruuxuu xun yahay aayatiin ma lehe/namaydaan abaalmarine waad na ambinaysaane.” Bahda suugaanta waxa u muuqatay sida xilalka lagu hanto, xoolaha lagu tabcado, ee wixii dadka ka dhexeeyey loo dhacayo. Cismaan Yuusuf Keenaddiid waxa uu abbaaray sida musuqmaasuqa ah ee xilalka dawladeed lagu magacaabayo waxa uu mar kale yidhi: “teersana rag aan baran haddii talada loo dhiibay.” Cabdi Muxumud Amiin waxa uu taabtay qabyaaladda indhaha la’ ee xilalka lagu helayo. Isaga oo canaan miisaya waa ka yidhi: “wasiir beeli keentow aqoon buuran ma lihid."

Waxa jirta fikrad soo taxnayd ilaa bilowgii dawladnimada, taas oo qabyaaladda iyo musuqmaasuqa ka dhigaysa laba wax oo is wata oo isdhala saamayn toos ahina ka dhexayso. Taa waxa aad u qeexay abwaan Xaaji Aadan Axmed (Afqallooc), waxana maansadiisa ka mid ahayd:

Aqoonlaawe laaluush cuniyo aafo dabagaaba

Iyo oday ergo ah baa sharciga dila abiidkoode

Eexdiyo rishwadu waxay dhalaan uurxumiyo ciile

Aanadu cadliga laga tegay aabbaheed tahaye

Aargoosigiisiyo dulmigu waa isu adeere

Marka xaqa la awdaa tolnimo loo abtiriyaaye

Haddii uu insaaf jiro qabiil lama ogaadeene.

Tuducyadan sare waxay ku jiraan gabaygiisa macruufka ah ee la yidhaahdo Wax Na Diley, kaas oo uu kaga hadlayo cudurrada dib inoo dhigay ee uu ka mid yahay musuqmaasuqa xafiisyada dawladda ka soo fufa, xaqa oo la aasayo, qabyaaladda qaawan, hooshka hantida dadweyne iyo qarannimada magaceeda lagu ugaadhsanayo. Gabaygiisa kale ee uu tiryey sannadkii 1966 ee la yidhaahdo “Tabaalaha Waqtiga”, waxa uu kaga hadlay mushkilad aynu ilaa waagaas la ildarnayn oo ah sida xafiisyada dawladda dadka loogu caddibayo, loogu bahdilayo, ee dhiigga iyo uuskaba looga miirayo. Dadka madaxda inoo ah adduun tabcasho sida ay ugu jiraan ayuu inooga warramayaa. Waxa uu yidhi:

“Tallaabada mid gaalkii shabbaha tegay ma liibaane

Adigoo wuxuun tabanayoo tegey halkuu joogo

Kolkuu sida libaax raqi u taal qoorta kor u taago

Oo uu tayga luqintiisa sudhan taabto faraqiisa

Oo inaad addoonkiisa tahay taana la ahaatay

Oo aan dadkana taakulayn calanna taageerin

Oo inuu adduun badan tabcado taa qudha ujeeda

Iyana waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye.”

Mar kale waxa uu ka hadlayaa madaxda dhulalka jeexanaya:

“Laba boqol nin maaliyaddii tahay, tirada loo dhiibo

Oo toban baloodh jeexdayoo, tumanayoo keefa

Oo biilka gini tuurayoo, tolaya nayloonka

Oon tacabka baadiye lahayn, tuludi waa maadhe

Iyana waa tabaalaha wakhtiga, taynu aragnaaye

Tu kaloo ka daran baa jirtee, taana balaan sheego.”

Abwaan Aadan-Carab Yuusuf Axmed tuduc gabay ah oo uu siyaasiga 1960-meeyadii ku canaanayo waxa uu isku mar keli ah qeexayaa barwaaqada dawladnimada laga filanayey iyo musuqa nimankii talada qabtay ay ku kaceen:

“Hadba waxaan maqlaa boqol malyuun waa mucaawino e

Maalkii arlada loo qabtiyo meeday lacagtiina?

Ma naftiinaa maaro u qabtaa nimanka loo miidhay?

Bal intee muddo ahaan sugaa maaxda iman doonta?

Abwaan Maxamed Xaashi Dhammac (Gaarriye), maansadiisa “Dugsi Ma Leh Qabyaaladi”, oo soo baxday sannadkii 1979 waxa uu isku xidhayaa sida qabyaaladdu cid gaar ah ugu adeegato iyada oo lagu dedayo musuqmaasuqa iyo boobka hantida dadweyne. Waxa uu shacabka ku waaninayaa in qabyaaladdu ay tahay agab haldoorka siyaasadeed ku xammaashaan, sidaa awgeedna aan lagu dagmin. Waxa uu yidhi:

“Qabiilkii dorraad yiil

Isticmaarki baa dumay

Shalay dabakannaax iyo

Dibitaati baa waday

Maantana dillaal iyo

Dibbir baa ku xoogsada

Waa dabin qarsoodi ah

Ummadday ku dagayaan

Boobkay ku dedayaan

Qoloqoladan loo degay

Kama iman dadweynaha

Ragga dacarta huriyaa

Waa kooxo duumo ah

Daaddihiyeyaashiyo

Maamulkay ku duman yihiin.”

 

Intaa waxa uu raacinayaa sida dabaqadda siyaasadeed ay dhididka xalaasha ah ee shacabka ugu haliilayso. Kooxdaasi wedkeedu waa guunyo urursi:

“Isku soo dabbaaloo

Waa dabaqad maal jecel

Waxa loo dig leeyahay

Dhididkayga dahabka ah

Sidii loo duddubin laa.”

Dr. Maxamed Daahir Afrax oo suugaanta Soomaalida ku takhasusay waxa uu aad ugu dheeraaday sida maansadu uga hadashay maamulxumada, qabyaaladda, eexda iyo musuqa hay’adaha dawladda galay. Waxa uu hoosta ka xarriiqay in suugaantu ahayd agab dadka wax loogu sheego, iyada oo marxalad walba waayaheeda lahayd. Suugaantu ereyo foolxun ayey musuqmaasuqa kula dagaallantay. 

Xoolaha ummadda ee sida xishooddarrada iyo sharci-darrada loo qaadanayo waxa iyada oo dhaqankii hore lagu taxayo lagu metelay raq, hilbo qeedhin, shariiryo, qudhun, bakhti, dufan, dheri, iwm. Dadka xoolahaas daldasha waxa lagu sifeeyey: dibnaleef, dufanjecel, dibkannaax, dadqalato, dillaal, ayax, haad, naylo doog helay iyo xamarro (shimbiro beeraha booba). Silsiladdii Deelley mas’aladda musuqmaasuqa si weyn ayey u beegsatay. Abwaan Maxamed Ibraahin (Hadraawi), maansadiisa “Daalacan” waxa uu si weyn ugu weeraray madaxda xoolaha ummadda cunaya isaga oo ku sidkaya sida sinnaan la’aanta dhaqaale ay qabyaaladda iyo foolxumadeeda u waariso. Waxa uu yidhi:

“Inta gaajo doob tahay

Derbi tahay laxaad weyn

Dufanjecesha ururtiyo

Dibnaleefta tarantee

Doorkan maanta soo baxay

Waxan ay daldalayaan

Danyartiyo saboolkuna

Dingaraaro jiifaan

Dadku kala sarreeyaan

In qabiilku dabargo'o

Ama dumo ha eegina

Cilmi diidayaa jira.”

 

Sida oo kale, abwaan Gaarriye waxa uu dhaliil huwiyey madaxda dabkannaaxa ah ee gaajaysan ee ku walfay hanti-boobka. Waa ka yidhi:

“Dibkannaaxa laba kacay

Ama diradiraaluhu,

Yuu inoo dardaarwerin

Dumbukheenna shiishka leh

Duwi maynno weligii.”

Dhanka kale, Hadraawi waxa uu aad u iftiimiyey inta siyood ee hantida ummadda loo dhaco oo ay ka mid yihiin: lacag caddaan ah, aqallo, baabuur, beero iwm, taa denbigeedana waxa uu dusha uga tuurayaa madaxda dawladda:

“Lacag aan dur wadanoo

Laba daabac sidatiyo

Dalagga iyo beeraha

Dacallada Shabeelliyo

Webiyada dugsanayee

dambarsada labeentee

Dirirradu habaaskiyo

Dusha sare ka maydhaan

Daaraha casuustiyo

Kolba midab la doortiyo

Diibka lagu marriimee

shanta Daadsan yaalliin

Hanti aan dal dheeriyo

Laga keenin dibadaha

Karti iyo dedaaliyo

Dardar lagula soo bixin

Duullaana loo gelin

Duco waalid soo hoyn

Carshigana ka soo degin

Deeqdaas la yaabka leh

Ninka weel darsanayee

Digashada saboolkiyo

Ku darsaday badheedhaha

Miyaan eedi daba ool?

Godobtiisu dedanaa.”

Maamulxumada, kelitalisnimada siyaasadeed iyo qabyaaladda oo isbiirsaday ayaa sababay musuqmaasuqa xadhkaha goostay ee firfircoonidiii dawladnimada wiiqay, yididiiladii bulshadana hagaasiyey, taas oo sababtay kalsooni-darro markii hore laamaha dawladda ka bilowday, ka dibna u soo daadegay bulsha-weyntii masaakiinta ahayd ee hantidoodii la daldanayey. Aqoonyahannada dhaqaalaha ka warrama waxay xusaan in musuqu burburiyo kalsoonida muwaaddinka, in uu abuuro kala-sarrayn dhaqaale, in uu hoos u dhigo sharciyadda dawladda, sarraynta sharciga iyo ugu danbayn in uu sababo furfur bulshada ku yimaadda oo keena in qaranku burburo sida Soomaaliya ku dhacday sannaddii 1991—markaas oo cunsurro isbiirsaday oo musuqu ugu weyn yahay ay soo dedejiyeen hoobadkii dhacay. 

Cabdi Samatar iyo Axmed Samatar cilmi-baadhistooda qiimaha leh ee la magac-baxday: “Bereft of Trust: Reflections on the Causes of the Somali Catastrophe”, waxay irridda uga gelayaan halka hoobadka u ah qaranjabka Soomaaliya, waxay ku doodayaan in kalsoonidii oo burburtay ay asaas u tahay ba’a iyo balanbalka ay Soomaaliya ku jirto. Kalsoonida kala qubatay waxay sababteeda dusha uga tuurayaan afar kooxood oo ay ugu horreeyaan hoggaankii siyaasadeed ee isticmaarka ka dib talada dalka hantay, kuwaas oo hay’adihii dawladeed kula dhaqaaqay lunshasho hanti dadweyne, eex, qaraabakiil iyo musuqmaasuq qaawan. 

Dabaqaddaasi waa tii burburka horseedka ka noqotay ee dakanooyinka ay bulshadu kala tirsanayso gacanta ugu weyn ku leh. Afarta tiir ee ay Soomaalidu ka aaminbaxday marka laga reebo hoggaanka siyaasadeed oo ay xuseen saddexda kale waxay kala yihiin: 1) hoggaankii dhaqanka, 2) hoggaankii diineed, iyo 3) hay’adihii dawladeed ee dadweyne. Afartan rukun waa meelaha ay ka soo baxaan shakiga iyo tallanka dadweynaha ku dhacay. Maxaa wacay, mid walba sifadiisii rasmiga ahayd iyo kaalintii uu ku aaddanaa way is beddeshay, wuuna doorsoomay, taas ayaana sababtay kala-aamin-baxa dhacay ee xidid walba taabtay.

Kalsooni-xumada iyo musuqa dawladnimadeenna la kowsaday si loo soo afjaro waxa muhiim ah in dawladnimada iyo hay’adaheeda la xoojiyo, in wacyi bulsho la abuuro, in madax nadiif ah oo aan raad musuq lahayn la doorto, in dhaqanka musuqa la ceebeeyo, dadka ku kaca magacyo la summadeeyo, la fanteeyo, oo foolxumada dawladnimadeenna gashay aan la qarsan oo aan sahal loo qaadan. Intaas haddii la sameeyo wax weyn ayaa la qabtay oo dawladnimada iyo horusocodkeeda wax u taraysa. Haddii se dawladnimada laga dhigo miilaysi (in darka ceelka qolaba kalkeeda loo daayo) oo ah waxa musuqa madaxa u fududaynaya ee ku dhiirrashadooda sababaya markaas lama xaqiijin karo dawladnimo tisqaadda, lagamana bixi karo maamulxumada ina daashatay.

Gunaanad

Qoraalkani wuxuun buu ku tacalluqay in uu wax ka taabto sida suugaanlaydu uga hadashay musuqa dawladnimada ku baahay ee ay gadhwadeenka ka ahaayeen madaxdii Soomaalida iyo sida foosha xun ee dhaqankaas iyo dadkii wadayba loo dhaliilay, loo ceebeeyey, ee intii la kari karayey looga hadlay. Waxay ahayd aafo bilowgii dawladnimada la kawsatay oo qaylo-dhaantii waagaas ku bilaabatay ilaa hadda ku socota. Suugaanteenna kolka aynu hagaag u baadhno waxaynu ka ogaan karnaa kaalinta ay indheergaradka suugaaneed qaateen, iyaga oo xil weyn iska saaray in ay metelaan ummadnimada bulshada, ka hadlaan, oo wixii dhaqanxumo ahna si mahwi ah u sheegaan. Waa aqoon raandhiis ah oo u baahan in daraasado goos-goos ah laga sameeyo oo la mawduuceeyo. Halkaa waxa inooga soo bixi kara aqoon bulsho oo waayaheen ka turjumaysa, taas oo ay la socoto dhaqan korran, hidde qumman, iyo qaayasoorro ummadeed oo facayaal isaga gudba. Waa in aan la dhayalsan guud ahaan suugaanteenna bulsheed oo hadda u muuqata mid xiisaheeda iyo danaynteedu gaabis yihiin.

Qoraallada kale ee qoraaga